Maxay ka wada hadleen Ra’iisulwasaarayaashii hore Rooble,Shirdoon, C/weli iyo Gud. Maxamed Mursal +SAWIRRO
DAYNIILE.COM




Ra’iisul Wasaaraha Somalia muxuu kala hadlay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika +SAWIRRO






Wasiir Fartaag iyo Gud.Amiir oo warbixin ka dhagaystay gudiga gurmadka roobabkii Muqdisho ka da’ay+SAWIRRO








Taliska Booliiska oo isla xisaabtan ugu tagay Hoggaanka Baarista Dambiyada iyo Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir











Mashruuc laamiyo lagu dhisayo oo laga bilaabayo Baladweyne



Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Somaliya Mustaf dhuxulow oo kulan la yeeshay Shaqaalaha Saraakiisha Waaxyaha Jinsiyadda Sawiro..
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustaf dhuxulow oo wada howlihii loo igmaday ayaa kulan la qaatay Shaqaalaha Saraakiisha Waaxyaha Jinsiyadda, Baarista iyo Arrimaha Bulshada.
Ugu horrayn, madaxda waaxyaha ayaa ka warbixiyay shaqooyinka ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, oo ay kamid yihiin howlaha joogtada ah ee la xiriira diiwaangelinta, hubinta dukumentiyada, xaqiijinta iyo bixinta baasaboorka, iyo sidoo kale maaraynta cabashooyinka ka yimaada muwaadiniinta iyo sidii loo hurmarin lahaa teknolojida ay hay’addu ku shaqayso.
Agaasime Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa ku amaanay saraakiisha dadaalka ay muujiyeen iyo dhabar-adeygga ay u leeyihiin gudashada waajibaadkooda shaqo, isagoo xusay in bilihii lasoo dhaafay arrimaha mudnaanta lasiiyay ay ugu horeeyeen joojinta wax ka bedelka macluumaadka baasaboorka taas oo siweyn u kordhisay sumcadda baasaboorka Soomaaliga iyo taalbooyin kale oo la qadaay si loo horumariyo baasaboorka.
Agaasimaha ayaa intaas waxa uu intaas ku daray in iyana xoogga la saaray dib u habaynta socdaalka gaar ahaan ka hortagga dukumintiyadda been abuurka ah iyo socdaalka sharci darada si gaar ahna siwayn wax looga qabtay tahriibinta dadka oo dhibaato xooggan ku haysay dalka.
Sidoo kale, Agaasimaha ayaa xusay in intabadan shaqaalaha hay’adda lagu daray diiwaanka shaqaalaha rayidka oo aysan horay uga mid ahayn si xuquuqdooda loo ilaaliyo maadama ay adeegyada dowladda kuwooda ugu muhiimsan hayaan.
Sidoo kale Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ayaa saraakiisha kula dardaarmay inay xooga saaraan tayada iyo hufnaanta adeegyada, si gaar ahna loo horumariyo adeegyada loo fidiyo muwaadiniinta baahiyaha gaarka qaba, si ay u helaan adeegyo casri ah oo la jaanqaadaya baahidooda.
Qaramada Midoobay oo ku baaqday qarash degdeg ah oo lagu maalgeliyo howlgalka AUSSOM.
NEW YORK (DAYNIILE.COM)-Hay’ada Qaramada Midoobe ayaa si degdeg ah waxay u dalbatay qarash lagu sii wado howlgalka nabad ilaalinta Somalia ee AUSSOM.
Qaramada Midoobe waxay ku baaqday in la helo lacag dan 41.6 Milyan Dolar oo lagu maal geliyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika (AUSSOM) kaasoo tan iyo sanadkaan suu u dhashay loo waysan yahay dhaqaale shaqada lagu wado.
Baaqaan ayaa ku soo aadaya xilli Golaha Ammaanka ee QM uu shalay yeeshay kulan gaar ahaa kaasoo looga hadlayay dhaqaale yari halis gelinaysa howlgalka Midowga Afrika ee Somalia.
War ka soo baxay qaramada Midoobe ayaa lagu sheegay inay jirto qatar weyn hadii la helin qarashaadka how;lgalka cusub ee AUSOM xili amniga Somali uu hada liito waa sida ay warka u dhigeen.
Dooda qarsh raadintaan waxay imaaneysaa xili bishii December 2024-kii Qaramada Midoobe meel marisay qaraar tirsigiisu ahaa 2767 kaasoo dhigayay in sanadka cusub l2025-ka aan hada ku jirno laga guuro howlgalkii hore ee ATMIS loona guuro howlgalka cusub ee AUSSOM kaasoo dalal cusub ay ka soo muuqanayaan sida Masar.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Ra’iisulwasaare Xamza oo si cajiib ah uga hadlay wadooyinka loo xirayo markey magaalada socod ku marayaan madaxda.
MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi-Barre ayaa markii ugu horeysay si cajiib ah wuxuu kaga hadlay wadooyinka loo xiro madaxda sar sare ee Dowlada marka ay Magaalada ku dhex socdaalayaan.
Xamsa oo xalay hadalo ka jeedinayay tacsida Ugaaska Beesha Saleebaan ayaa daboolka ka qaaday in sababta uu habeen madow buuga tacsida u soo saxiixay ay tahay saxmada magaalada ka jirta maalintii iyo inuu dhibsado wadooyinka madaxda dartood loo xirayo.
Ra’iisulwasaaruhu wuxuu cadeeyay in isaga shaqsiyan uu aad u dhibsaday wadooyinka bulshada laga xinayo islamarkaana uu aad u jeclaan lahaa in la iska daayo balse saraakiisha amniga qaabilsan ay diideen in la joojiyo wadooyinka la xirayo.
“hadii aan wadooyinka naloo xireyn,kormeero badan ayaan sameyn lahaa,sidoo kale bulshada ayaan la soo shaahi lahaa”ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya
Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in hadii uu socoda badiyo uu ka cabsanayo inuu bulshada habaar ka kasbado.
Wuxuu intaasi ku daray in isagu jeclaan lahainay magaalada baaskiilo ku maraan sida madaxda dunida qaarkood balse duruufaha amni ee dalka ka jira ay sababeen sida hada xaalku yahay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM