whitebackground600
Home Blog Page 24

Shirka Golaha wada-ashiga Qaran oo beri ka furmaya Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shirka Golaha wada-tashiga Qaranka ayaa lagu wadaa inuu beri ka bilowdo Magaalada Muqdisho xili ay maamulada qaar ka maqan yihiin maamul goboleedyada qaarkood.

Puntland iyo Jubaland ayaa ka maqnaan doona waxaana ka qeyngeli doona afar maamul Goboleed kuwaasoo kala ah Galmudug,koofur-Galbeed,Hirshabelle iyo SSC Khaatumo oo ku cusub.

Hogaamiyaha SSC Khaatumo shalay ayuu soo gaaray Magaalada Muqdisho halka sedexda madaxweyne ee Galmudug,koofur-gabeed iyo Hirshabelle iyagana maanta lagu wado inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho .

Madaxweyne Xassan ayaa lagu wadaa inuu shir gudoomiyo shirka waxaana sidoo kale ka qeybgalaya Ra’iisulwasaaraha Somalia iyo Duqa Muqdisho mara laga yimaado madaxda maamul Goboleedyada.

dhanka kale lama yaqaan sida Dowladu ka yeeli doonto maqnaanshaha madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubaland oo khilaaf uu ka dhexeeyo iyaga iyo Madaxda Dowlada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Maxaa kala qabsaday Gaari Dagaal oo Alshabaabku lahaayeen iyo macawisley wadada u gashay

Wararka laga helaayo Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamo kuwa deegaanka ah ama macawisleyda ah ay wadada u galeen gaaro cadi bile ah oo Alshabaab hubeysan ay wateen.

Sarkaal u hadlay Macawisleyda bariga Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya inay wadada u galeen gaari dagaal oo Alshabaabku wateen kaasoo ka soo baxay Ceel-garas kuna sii jeeday tuulada Al-furqaanm ee Degmada Masaajid Cali Gaduud.

Sarkaalkaan wuxuu tilmaamay inuu Cabdi-bilaha ka baxsaday balse ay layeen qaar ka mid ah dagaalamayaashiii saarnaa gaari cabdi-bilaha ahaa.

maaha markii ugu horeysay oo ay macawisleydu jidka u galaan ama weerar qarsoon ku qaadaan alshabaab , hore ayay howlgalo u fuliyeen macawisleyda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Dad shacaba oo xalay saq dhexe lagu laayay Magaalada Garowe

GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wararka ka soo baxaya Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in kooxo hubeyani xalay saqdii dhexe dad shacaba ku dileen halkaasi.

Kooxaha hubeysan ayaa toogtay oo naftana dhaafiyay laba nin oo ka yimid masaajid kuwaasoo waardiye ka ahaa xarun ganacs oo Magaalada Garowe ku taal.

Kooxihii dilka fuliyay ayaa goobta ka baxsaday lamana yaqaan sababta ay labadaani nin u dileen iyo halka ay ka tirsan yihiin intaba.

Ciidamada Booliiska ayaa mar danbe gaaray goobta dilku ka dhacay mana jirto wax dad ah oo ay u soo qabteen xitaa tuhun ahaan madaama ay baxsadeen gacan ku dhiiglayaasha.

Laamaga amaanka waxaa lagu wadaa inay faah-faahin ka bixiyaan weerarkaani labada nin lagu dilay marka ay war sugan ka helaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

XOGTA: Safarka Saciid Deni ee Degmada Badhan iyo wuxuu u dhimi karo qorshaha Dowlada Somalia.

BADHAN (DAYNIILE.COM)-Dowlada Somalia ayaa dadaal xoogan gelineysa sida aan xogta ku helnay in degmooyinka iyo deegaanada ay deegaan beesha Warsangeli Daraood la midoobaan walaalahooda dhul-bahante isamarkaana ay ku biiraan maamulka SSC Khaatumo.
Madaxweyne Xassan ayaan xogta ku helnay inuu qarash xitaa ku bixiyay iyo waliba abaabul xildibaanada beesha Warsangeli ee federaalka ku jira sidii reer Sanaa, reer Sool iyo Ceynba loo mideyan lahaa si maamulka SSC Khaatumo ay isugu tagaan oo markaana maamulkaasi u noqdo mid dhul weyna heysta awoodna leh.
Dadaalka Xamsa iyo Xasan waxaa hada soo dhex-galay qorshe uu wato Saciid Deni oo ah inuu safar ku tago Magaalada Badhan oo ay degaan Beesha Warsangeli Daarood isagoo raba inuu ku qanciyo inay Puntland ka sii mid noqdaan xili la hadal hayo inuu xilal sar sare uga balan qaaday Maamulka Puntland.
Hadii ay dhacdo in Deni la heshiiyo Warsangeli waxay laba qeyb kala noqonaya dadkii isla lahaa maamulka SSC Khaatumo si aysan taas u dhicin waxay ciyaartaan u dhexeysaa Xamsa iyo Xasan oo isku saf ah iyo Saciid Deni oo garab ka helaya Cirro iyo boqor buur-madow.
Saacdihii ugu dambeeyay waxaa baraha bulshada lagu arkayay dhalinyaro reer Badhan ah oo u dhaaranaya Saciid Dani haduu isku dayo inuu soo aado dhankooda iyagoo si adag u diidan imaanshihiisa.
Labada dhinacba waxaa la isku hayo ayaa ah xildhibaanada Warsangeli halkii laga soo xuli lahaa sanadka 2026 oo hadii lagu qanciyo warsangeli inay maamulkooda Khaatumo ku adkeystaan waxay noqoneysaa in Laas-caanodo iyo Badhan laga soo dooran doono xildhibaanada warsangeli balse hadii ay puntladn ku laabtaan waxaa laga soo dooran doonaan Boosaaso.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Ciidamada Dowlada oo howlgal amni ka sameeyay deegaano Kuteedsan Degmada Mahadaay

Ururka 164’aad Guutada 16’aad ee kumaandooska Danab XDS ayaa howlgal lagu xaqiijinaayo amniga ka sameeyey tuulooyin iyo deegaano Kuteedsan Degmada Mahadaay ee Gobalka Shebeaha Dhexe.
Deeganada Ciidanka Danab ay howlagalada kasameyeen laguna baacsanayay xubno katirsan Khawaariijta ayaa kala ah cadalow, buurfuule iyo buurane.
Howlgalkan Ayaa Hogaaminaayey Taliye xigeenka ururka 164’aad
L/X/LE Daahir xuseen jimcaale (kabayare)
Taliyaha ayaana kulan laqaatay Dadka kunool tuulooyinka laga sameeyey howlagalada isagoona uga mahad ciliyay sida ay marwaliba ay Garab Taagan Yihiin geesiyaasha Ciidanka Danab.May be an image of 4 people and textMay be an image of 5 people and treeMay be an image of 2 people

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Gaza

QAZA (DAYNIILE.COM)-Baabuurta xamuulka ah oo sida cunto, biyo iyo dawo ayaa ku soo ururaya xudduudaha Gaza iyada oo xafiiska warbaahinta dawladda ee Strip uu sheegay in ugu yaraan 57 Falastiiniyiin ah ay gaajo ugu dhinteen go’doominta guud ee Israa’iil.

Weerarrada Israa’iil ee ka dhacay Gaza tan iyo waaberigii Sabtidii ayaa lagu dilay 45 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo caafimaad iyo kuwa difaaca rayidka ah.

Cambaareynta caalamiga ah ee go’doominta Israa’iil ayaa sii kordheysa iyadoo saraakiisha Qaramada Midoobay iyo dadka u dooda xuquuqda ay dalbadaan gargaar bani’aadamnimo oo aan laga hor istaagin in la gaaro dhulka xeebta ah.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 52,495 falastiiniyiin ah waxaana ku dhaawacmay 118,366, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Xafiiska Warbaahinta ee Xukuumadda Gaza ayaa tirada dhimashadu kor u dhaaftay 61,700, iyadoo sheegtay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.

Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay bishii Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Palestinian children react as they gather to receive food at a charity kitchen in Gaza

DAAWO: Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland oo deegaano ka qabsaday Alshabaab

Wararka ka imaanaya deegaanada Maamulka Jubaland ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubaland ay isla fuliyeen howlgal ka dhan ah kooxda Alshabaab.

Howlgalkaan ayaa laga fuliyay deegaano hoos taga Gobolka Jubada hoose ee Maamulka Jubaland gaar ahaan deegaanada Khala-khala,Wardaay-dheer, makhookhaha iyo cusbo.

Guud ahaan deegaanada ay ciidamadaani duulaanka ku qaadeen ayay ka eryeen Alshabaab sidoo kale hub ayay ka qabsadeen,waxaana degan xaalada deegaanadaasi dagaalku ka dhacay.

Ujeedka Howlgalka ayay saraakiisu ku sheegeen mid loogu kuur galaayay amniga deegaanadaasi marka la eego shacabka halkaasi ku dhaqan iyo sidii looga dulqaadi lahaa Alshabaab.

Hadaba halkaan hoose ka daawo warbixin howlgalkaan looga hadlayo aan ka soo xiganay TV-ga qaranka:-

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.CO

Shacab badan oo lagu laayay Magaalo ku taalla Koonfurta Suudaan,

Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhintay 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday magaalo ku taalla Koonfurta Suudaan, hay’adda samafalka caafimaadka ee Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn, oo magaceeda Faransiiska loo yaqaan MSF, ayaa sheegtay, iyadoo laga cabsi qabo in waddanka ugu da’da yar adduunka uu dib ugu laabto dagaal sokeeye oo dhan walba ah.

MSF ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay “si adag u cambaareyneyso qaraxii ula kac ahaa ee loo geystay isbitaalkeeda Old Fangak” Sabtidii iyo in weerarka uu burburiyay isbitaalkii iyo farmashigii ugu dambeeyay ee ka shaqeynayay waqooyiga dalka.

MSF waxay markii hore ku boorisay boostada X: “Jooji duqeynta. Ilaali dadka rayidka ah. Ilaali daryeelka caafimaadka.” Waxay sheegtay in weerarku ahaa “xadgudub cad oo sharciga caalamiga ah”.

Ilaa hadda ma cadda sababta loo beegsaday xarunta, Afhayeen u hadlay militariga Koonfurta Suudaan ayaan la xiriirin karin si aan faallo uga bixiyo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Associated Press.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Fire burns following an aerial bombardment.

XOGTA: Fashilka ku yimid damacii Al-shabaab ee gobolka shabeelaha dhexe

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Alshabaab gabi ahaana ku fashilmeen qorshahoodii ay ka damacsanaayeen Gobolka Shabeelaha dhexe kaasoo ay wax badan u hureen sida inay ciidamadii ugu badnaa abid isaga kala keeneen gobolada kale ee dalka.
Alshabaab waxay shabeelaha dhexe soo geliyeen 3500 dagaalame kuwaasoo ay ku doonayeen inay guud ahaan Magaalooyuinka ku qabsadaan balse sidey rabeen way u noqon weysay.
Howlgalkaan oo ay ugu magac dareen xamlada shabeelaha dhexe ayay si ay uga dhabeeyaan damacooda waxay ciidamo ka kala keeneen shabeelaha hoose,bay ,bakool,jubooyinka iyo Galgaduud.
Sidoo kale inay furaan wadooyinka Bay iyo Bakool ee u xirnaa waxay qeyb ka ahayd weerarkooda Shabeelaha dhexe laakiin wax kasta hada waxay ku hungoobeen xili ay iska dhaadhiciyeen sidii Daalibaan inay ilaa caasimada saas ku qabsan karaan,Qorsayaashooda waxaa ku jirey shabeelaha dhexe kadib shabeelaha hoose kadib muqdisho.
Dagaalo culus oo ay shabeelaha dhexe ku galeen Alshabaab waxaa u suuragashay inay ku qabsadaan dhowr deegaan iyo hal degmo oo hadana maalmaha soo socda lagu wado in Dowladu guluf dagaal ku qaado si ay usoo celiyaan.
Si kastaba quburada ku xeel dheer dagaalada waxay leeyihiin damaca Alshabaab waa la hor istaagay hadana waxay qorsheynayaan inay ciidamada inta usoo hartay meelahoodii ku kala celiyaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Xildhibaanadii laga mamnuucay Baarlamaanka oo dib loogu fasaxay

Warqad kasoo baxday xafiiska kusimaha guddoomiyaha golaha shacabka ahna Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha ayaa Xildhibaano ka tirsan Golaha dib loogu fasaxay fadhiyada Golaha ka dib markii dhowaan laga hakiyay ka qeyb galka fadhiyaha Golaha Shacabka.May be an image of textMay be an image of ticket stub, blueprint and text

- Advertisement -

news

eBooks Buy Fiction, Non-Fiction, and Textbooks Online

0
In the digital world of rapid movement, access to books has never been easy. Whether you are a student, lover of books or specialists,...

Murf AI

book store near me

HOT NEWS