Wax ka ogoow sababta kaliftay buuqii shalay ka dhacay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka
Madaxweyne Xassan oo diiday talooyin lagu siiyay inuu hogaanka ciidamada wax ka badalo
MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa 24-kii saac ee u dambeysay baraha bulshada qabsaday warar sheegaya in madaxweynuhu xilka ka qaadayo Taliyaha Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe islamarkaana lagu badalayo Taliyihii hore ee Mahad Salaad.
Faafida wararka nuucaani waxay ka dhasheen talooyin la sheegay in Madaxweyne Xasan lagu siiyay inuu wax ka badalo qaar ka mida hogaanada ciidamada sida taliska Nabad sugida oo kale.
Madaxweyne Xasan waxaa la soo sheegayaa in talooyinkaasi ay gaareen balse uu gabi ahaanba ganafka ku dhuftay oo diiday xiligaan adag in lagu sii degdego xil ka qaadis iyo magacaabis cusub intaba.
Madaxweynaha oo kulan muhiim ah la qaatay saraakiisha Milateriga oo uu hogaaminayay Taliye Odowaa ayaa kala hadlay arimo aan bulshada loo gudbin laakiin uun ku saasan sidii loo xalin lahaa qaladaadka ka dhacay ciidamada iyo hogaankooda kuwaasoo sababay in guul darooyinkii ugu dambeeyay ee sababay in Alshabaab qabsadaan degmadii ugu horeysay oo Gobolka Shabeelaha dhexe ka mida .
Wararka baraha bulshada lagu faafiyay oo loo ekeysiiyay in xilkiiba laga qaaday Sambaloolshe ayaa aad loogu wareejiyay sawirada taliyihii hore ee NISA Mahad Salaad .
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Masuul ka tirsanaa qunsuliyada Itoobiye ee Puntland oo meydkiisa laga helay Laas-caanood
Kooxaha dilay ninkaan ayaa la soo sheegayaa inay xalay kala baxeen gurigiisa oo ku yaala Magaalada Laas-caanood ugu danbeyna waxaa maanta meydkiisa laga helay degaanka Goojacadde ee duleedka Magaalada Laas-caanood.
Mamaulka SSC-Khaatumo wali kama hadlin dilkaan iyo su’aalaha ku xeeran sida cida ka danbeysa iyo ujeedka loo dilay intaba.
DAYNIILE.COM

Madaxweyne Xassan oo goor dhaw qaabilay Musharax Cabdi Faarax Shirdoon.
MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada ku qaabilay Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid hadana ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaiya marka doorashooyinka la gaaro.
War ka soo baxay Villa Somalia oo lagu baahiyay kulankaani ayaa ujeedka shirka waxay ku sifeeyeen la-tashiyada qaran ee uu Madaxweynuhu la qaadanayo waxgaradka, masuuliyiinta iyo haldoorka bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale Madaxtooyada waxay xustay in Madaxweynuhu kala hadlay Cabdi-Faarax Shirdoon xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliy iyo guud ahaan xaalada dalku xiligaan ku sugan yahay.
Waxay sidoo kale isla soo qaadeen muhiimadda dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo garab istaagga Ciidamada qalabka sida sida lagu cadeeyay warbixinta Villa Somalia.
DAYNIILE.COM

Dagaal culus oo alshabaab iyo Dowlada ku dhexmaray Deegaanka Ceelasha biyaha
CEELASHA BIYAHA (DAYNIILE.COM)-Kooxda Alshabaab ayaa xalay dagaal waxay ku soo qaadeen saldhiga ciidamada Dowlada ay ku leeyihiin deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Dagaalka oo hubka nuucyadiisa kala duwan la isku weydaarsaday ayaa sababay khasaare labada dhinac kala gaaray.
Ciidamada Dowlada ee la weeraray oo Nabad sugida iyo Booliiska isugu jira ayaa alshabaab ku jabiyay weerarka ay xalay soo qaadeen iyagoona ka dhigay mid ay dileen mid dhaawacmay iyo mid cararay taasoo soo afjartay dagaalka.
Deegaanka Ceelasha biyaha oo laga waardiyeeyo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan ciidamo aad u badan oo aadna u hubeysan kuwaasoo nabad sugid,milateri iyo booliisba isugu jira.
Dhanka kale Hay’adaha amaanka Dowlada wali si faahfaahsan ugama hadlin dagaalka xalay ay soo qaadeen kooxda Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Safiirka Somalia ee Mangolia oo laga gudoomay waraaqaha aqoosniga


Isu soo baxyo looga soo hor-jeedo siyaasada Donald Trump oo ku sii badanaya Mareykanka
WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Waxaa dalka Mareykanka ku sii badanaya dibad-baxyada shacabka Mareykanku dhigayaan kuwaasoo looga soo horjeedo siyaasada Madaxweynaha Mareykanka ee Donald Trump gaar ahaan talaabooyinkii ugu dambeeyay uu qaaday.
Magaalooyinka Mareykanka waxaa ku soo badanaya kumaan dad ah kuwaasoo muujinaya sida ay uga soo horjeedaa siyaasada Madaxeyne Trump.
Sida BBC-du sheegtay Mudaaharaadyadan oo loo yaqaan “50501”, oo ah “50 mudaaharaad, 50 gobol, 1 dhaqdhaqaaq”, ayaa loo qorsheeyay in ay la jaanqaadaan sannad-guuradii 250-aad ee bilowgii Dagaalkii Xorriyadda ee Mareykanka.
Banaan baxayaasha ugu badan waxaa lagu arkayaa xarumaha ganacsiga Tesla, afaaafka hore ee aqalka cad iyo bartamaha magaalooyinka waa weyn,dadka ayaa u muuqda kuwo hal ujeedo leh.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Gaza
QAZA (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Israel ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan dadka barakacayaasha ah, maalin kadib markii ay ku dileen ugu yaraan 54 falastiiniyiin ah guud ahaan marinka Qaza.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ballan qaaday in uu xoojin doono dagaalka Gaza ka dib markii Xamaas ay diiday soo jeedinta Israa’iil ee xabbad joojin ku meel gaar ah. Kooxda falastiiniyiinta ayaa dalbanaysa heshiis lagu soo afjarayo dagaalka si loo sii daayo maxaabiista hadhay.
Dhanka kale, Xamaas ayaa sheegtay inaan la ogeyn halka uu ku dambeyn doono maxbuus u dhashay Israa’iil-Mareykan oo lagu magacaabo Edan Alexander, kaddib markii dagaalyahannadooda ay soo furteen meydka askarigii ilaalinayay.
Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 51,201 falastiiniyiin ah la xaqiijiyay in ay dhinteen 116,869 ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo markii uu billowday 18 bilood ka hor.
Xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Gaza ayaa cusboonaysiiyay dhimashadeeda in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.
Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafa dhuxulow oo kulan Nairobi kula yeeshay Agaasimaha Guud Socdaalka Kenya, Evelyn Cheluget Sawiro
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya kulan Magaalada Nairobi ku dhex maray Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustafa shekh Cali dhuxulow iyo Mas’uuliyiin ka socota laanta Socdaalka ee Dalka Kenya.
Wararka ayaa sheegaya in Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustaf Dhuxulow uu kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Kenya, Marwo Evelyn Cheluget iyo Xoghayaha Amniga Gudaha dalka Kenya Thomas Saka.
Agaasime Mustaf ayaa ugu horrayn uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran, waxa uuna kala hadlay Agaasimaha Guud ee Socdaalka Kenya xoojinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah ee adeegyada socdaalka, oo ay ka mid yihiin fududeynta safarka muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan helitaanka oggolaanshaha dal-ku-galka dalkaas oo mudooyinkii la soo dhaafay aad u daaho.
Sidoo kale Waxa uu kala hadlay wadashaqeynta dhinaca amniga xuduudaha, is-dhaafsiga xogta socdaalka, horumarinta isku-socodka xuduudaha, iyo nidaamyada dijitaalka ah ee socdaalka.
Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee Socdaalka Kenya, Marwo Evelyn Cheluget, ayaa xaqiijisay ballanqaadka Kenya ee ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo hagaajinta wada-shaqeynta socdaalka ee labada dal.
Kulankan waxa qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo la horumarinayo adeegyada socdaalka si ay ugu adeegaan danaha shacabka labada waddan.
Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi Kenya
+254-711830393