
Shir ay maanta Hargeysa ku yeesheen Golaha Wasiirada Maamulka Waqooyiga Somalia ee Somaliland ayaa laga soo saaray qodobo ay ku qeexeen arimaha maxaabiista reer Somaliland ee ay soo daayeen Maamulka SSC Khaatumo iyo dhex-dhexaadinta Dowlada ay ku dooneyso in labada dhinac maxaabiis is dhaafsadaan.
Sidoo kale qodobada waxaa ka mid ah arimaha wada-hadaladii u dhexeeyay maamulka Somaliland iyo Dowlada Somalia.
‘
Hadaba halkaan ka akhriso warkaan oo maamulka Somaliland ka soo baxay oo u qoran sidii ay u diyaariyeen warbaahintooda:-
Shirkii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee qabsoomay maanta 16ka Abriil, 2025 waxa uu si adag u cambaareynayaa tallaabadii daandaansiga ahayd ee uu Raysal-wasaaraha Dowladda Soomaaliya ku tagay magaalada Laascaanood 12kii Abriil 2025, taasi oo ahayd xad-gudub ka dhan ah qawaaniinta caalamiga ah iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo ka duulaysa qorshaheeda nabadeynta Deegaanka Bariga Sool, waxa ay hore u iclaamisay baaq nabadeed maalintii uu xilka la wareegayay Madaxweynaha JSL ee 12kii December 2024, waxa aanay mar kale adkaynaysaa in ay nabaddu tahay mudnaanteeda koowaad, iyada oo difaaca qarannimada Somaliland-na ay tahay xuduud lama taabtaan ah.
๐๐จ๐๐๐จ๐๐ค๐ ๐๐๐๐ โ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐ ๐๐ฒ ๐ฌ๐ข ๐๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐๐ ๐ฎ๐ ๐ ๐ฅ๐๐๐ฑ๐๐ญ๐๐ฒ ๐ฃ๐ข๐๐ค๐ข๐ข ๐ง๐๐๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฐ๐๐๐-๐ก๐๐๐๐ฅ๐ค๐:
Dawladda Soomaaliya waxa ay si cad uga baxday dariiqii nabad-ku-wada-noolaanshaha iyo wada-hadalka, iyada oo imaatinkii Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood uu yahay xad-gudub badheedh ah oo ka dhan ah madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Tallaabadaasi waxa ay ahayd daandaansi siyaasadeed iyo hurin colaadeed, taas oo si toos ah khatar u gelinaysa xasilloonida gobolka Geeska Afrika, iyada oo lagu tuntay xeerarka caalamiga ah iyo xorriyadda muwaadiniinta Somaliland oo si sharci-darro ah loo afduubay.
๐๐จ๐๐๐จ๐๐ค๐ ๐๐๐๐ โ ๐๐ง ๐๐๐ง๐๐ฒ ๐ฃ๐ข๐ซ๐ข๐ง ๐ฐ๐๐ฑ ๐ฐ๐๐๐-๐ก๐๐๐๐ฅ ๐๐ก ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐๐๐๐ฌ๐๐ง ๐ฌ๐ข๐ข-๐๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฑ๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ญ๐:
Xukuumadda Somaliland waxa ay si cad u sheegaysaa in aanay jirin wax wada-hadal ah oo Dowladda Soomaaliya kala yeelatay arrimaha la xidhiidha siideynta maxaabiista.
Maxaabiista Raysal-wasaaraha Soomaaliya geeyay magaalada Muqdisho ma aha maxaabiis dagaal (๐ฉ๐ซ๐ข๐ฌ๐จ๐ง๐๐ซ๐ฌ ๐จ๐ ๐ฐ๐๐ซ)
Xukuumadda Somaliland waxa ay u aragtaa tallaabadaasi inay ahayd mid lagu qarinayo fashilka siyaasiga ah ee haysta Dowladda Soomaaliya.
๐๐จ๐๐๐จ๐๐ค๐ ๐๐๐๐ โ ๐๐ฌ๐ค๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐ฆ๐ข๐ ๐ ๐๐ก ๐๐ ๐๐ฌ-๐๐ก๐๐๐๐ข๐ฌ๐ ๐ ๐๐๐ฑ๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐จ๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐:
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay wada hadallo la yeelatay Hayโadda Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo danjireyaasha dalalka saaxiibka la ah si loo xalliyo arrinta maxaabiista, iyada oo ku saleysan xeerarka iyo hab-raacyada caalamiga ah ee maxaabiista.
Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay diyaar u tahay in maxaabiista la isu waydaarsado hannaan kasta oo waafaqsan nidaamka isweydaarsiga maxaabiista, bud-dhigna ay u tahay hayโadda ICRC, iyada oo ay Xukuumadda Somaliland hore ugala hadashay arrimaha maxaabiista wadamada ay saaxiibka yihiin sida Maraykanka, Ingiriiska, Denmark, Turkiga iyo Emirate-ka Carabta.
๐๐จ๐๐๐จ๐๐ค๐ ๐๐๐๐ โ ๐๐๐๐ช๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐๐ ๐ค๐ฎ ๐ฐ๐๐ฃ๐๐ก๐๐ง ๐๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐ฆ๐ค๐:
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay cod dheer ugu baaqaysaa beesha caalamka in ay si degdeg ah uga falceliso xadgudubyada ay Dowladda Soomaaliya ka geysanayso Deegaanka Bariga Sool ee Somaliland, isla markaana ay taageerto dadaallada Jamhuuriyadda Somaliland ugu jirto soo celinta nabada deegaanka bariga Sool.
Duullaanka qorshaysan ee Soomaaliya ku soo qaaday Somaliland waxa uu khatar gelinayaa xasilloonida Geeska Afrika, wuxuuna fursad siinayaa kooxaha xagjirka ah iyo argagixisada, taas oo halis weyn ku ah nabadda iyo horumarka gobolka oo dhan.
๐๐จ๐๐๐จ๐๐ค๐ ๐๐๐๐: ๐๐๐๐-๐ก๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ข๐ข ๐ฎ ๐๐ก๐๐ฑ๐๐๐ฒ๐๐ฒ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐:
Maadaama ay Dawladda Soomaaliya si joogto ah ugu kacday xad-gudubyo ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland iyo mabaadiโdii wada-hadalladii hore u dhexmaray labada dal, Golaha Wasiirradu ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay goโaamiyeen in laga baxo wada-hadaladii lagu jiray Soomaaliya, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay Abriil 16th, 2025.