Home Blog Page 37

Gudoomiye ku xigeenka deegaanada Caanoole iyo sabiib oo lagu dilay Ceelasha biyaha

CEELASHA BIYAHA (DAYNIILE.COM)-Kooxda Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay Ceelasha biyaha ku dileen Gudoomiye ku xigeenka dhanka  arimaha bulshada deegaanada Sabiib iyo Caanoole Maxamed Xassan Maxamuud (Maqas).

Kooxaha hubeysan ee masuulkaani toogtay ayaa la sheegay inay ka baxsadeen markii ay dilka fuliyeen kadib mana jirin wax ciidamo ah oo degdeg ku soo gaaray goobata.

Allaha u naxariistee Masuulkaani dilkiisa sheegtay kooxda Alshabaab oo war ay soo saareen  ku sheegtay inay iyaga fuliyeen dilkaasi.

Ciidamada Dowlada Somalia ayaa goobta gaaray dilka kadib waxayna sameeyeen dhaq dhaqaaqyo walow aysan ku gaarin kooxaha dilka fuliyay,sidoo kale lama soo sheegay dad ay u qabteen dilkaasi.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Shir ka dhan ah Alshabaab oo Maanta Beesha Hawiye uga furmaya Muqdisho

May be an image of text that says "SHIRWEYNAHA HAWIYE EE LA-DAGAALAN-KA KHAWAARIJTA "HAWIYE UMA KALA HARAYO HALGANKA HEERYA-DIIDKA HEERYA- AH" ፍትሉ 15ka, 16ka 15ka,16ka&17ka & 17ka Abriil, Abriil,2025 2025 Hotel Jazera Palace"MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Hotel Jaziira ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmaya shir ay leeyihiin odayaal,siyaasiyiin iyo waxgarad ku abtirsada Beesha Hawiye waxaana looga hadlayaa la dagaalanka kooxda Alshabaab iyo doorka beesha marka la eego furumaha dagaal ee reerkaasi kaga furan Alshabaab.

Shirkaan oo socon doona sedex maalin, furitaanka Talaadada maanta ah , beri oo arbaca ah iyo khamiista oo la soo xiri doono insha Allaah.

Shirkaan waxaa soo qaban qaabiya oo dhaqaalahana bixiyay qurba joogta beesha gaar ahaan kuwa dalalka Jarnalka, Sweden iyo Finland.

Shirka waxaa diirada lagu saari doonaa sida aan warbixinta ku helnay dar dar gelinta dagaalka ka Alshabaab lagula jiro waxaana cinwaan looga dhigay shirkaani Shirweynaha Hawiye ee la dagaalanka Khawaarijta iyo Hawiye uma kala harayo halganka heerya-diidka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Dowlada oo War-murtiyeed ka soo saartay safarka Ra’iisulwasaaraha ee SSC – Khaatumo

May be an image of 1 person and daisWar-murtiyeed ka soo baxay Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa lagu  sharaxay safarka Ra’iisulwasaare Xamsa uu ku joogo Magaalada Laas-caanood ee Maamulka SSC – Khaatumo.

May be an image of textMay be an image of textMay be an image of text

Madaxda sare ee Dowlada oo ka tacsiyeysay geerida ku timid Janaraal Maxamed Yuusuf (Madaale).

May be an image of 1 person and text
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi-Barre ayaa qoraalo ay siyaabo kala duwan usoo saareen waxay uga tacsiyeeyeen si isku mid ah geerida ku timid Allaha u naxariistee Janaraal Maxamed Yuusuf Sheekh Cumar (Madaale).
Qoraalada masuuliyiinta ayaa sidan u qornaa:-
Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada, qaraabadii, bahda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Janaraal Maxamed Yuusuf Sheekh Cumar (Madaale).

Geerida Janaraalku waa mid qaran oo si weyn u taabaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha amniga dalka. Marxuumku waxa uu door muhiim ah ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada, gaar ahaan horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isagoo naf iyo niyadba u huray u adeeggida qaranka.

Waxaan Alle uga baryayaa inuu marxuumka naxariistiisa janno ka waraabiyo, ehelkiisii, asxaabtiisii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.
SIDOO KALE  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Jenaraal Maxamed Yuusuf Shiikh Cumar (Maddaale) oo muddo dheer kamid ahaa saraakiisha laf-dhabarta u ah ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa marxuumka ku sifeeyey mid ka mid ah tiirarkii udub-dhexeedka u ahaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, muddo dheerna u taagnaa sidii dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen amni iyo kala danbeyn waarta oo sharciguna sarreeyo.
“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan uga tacsiyeynayaa dhammaan qoyska, ehellada, ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo guud ahaan Qaranka, geerida ku timid Alle ha u naxariistee marxuum Jenaraal Maxamed Yuusuf Shiikh Cumar (Maddaale) oo ahaa shakhsi karti, dhawrsanaan, daacadnimo iyo dal jacayl ku sifoobay intii uu noolaa, waxaana ku xasuusan doonnaa kaalintii uu ka geystay tayeynta iyo dhismaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Alle uga baryay marxuumka in uu ka waraabiyo Jannatul Firdows, dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
— Dhammaad —

Garsoore Real-madrid u wanaagsan oo loo doortay inuu dhex-dhexaadiyo kulanka Arsenal

Euro 2024 : qui est François Letexier, l'arbitre français de ...Garsoore u dhashay Dalka faransiiska ayaa loo magacaabay inuu dhex dhexaadyo lugta labaad ee siddeed dhammaadka Champions League kaasoo u dhexeeya Kooxaha Real-Madrid iyo Arsenal.
Garsoorahaan oo lagu magacaabo  François Letexier ayaa la sheegayaa inuu u wanaagsan yahay kooxda Real-madrid.
islamarkaana uu hore ugu garsooray 4 kulan ay kooxo kale la lahayd.
Kooxda Arsenal waxaa la sheegay inuusan waligiis garsoore u noqon ayna hada ugu horeyso.
Arsebal wax war ah kama soo saarin Garsoorahaan kulanka adag dhex dhexaadin doona xili ay 3-0 ku soo badiyeen.
XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM

Weeraryahanka cusub ee Liverpool: magaca qof walba uu hadal hayo

XIGASHO LAACIB.NET

Liverpool ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub, waxaana jira magac si weyn looga hadlayo oo la sheegay inuu yahay kan ugu badan ee hadda afka dadka ku jira.

Darwin Núñez iyo Diogo Jota ma aysan soo bandhigin waxqabad joogto ah xilli ciyaareedkan. Taasi waa arrin si cad loo arko.

Núñez si gaar ah ayaa loogu eedeeyay inuu yahay mid aan lagu kalsoonaan karin marka uu hortago goolka. Inkastoo arrintaasi ay niyad jebin tahay, hadana waa sheekada hadheysay ciyaaryahanka reer Uruguay tan iyo markii uu yimid kooxda.

Wuxuu u qabtaa wax walba oo kale si heer sare ah – wuxuuna u dhow yahay 95% weeraryahan dhammaystiran. Laakiin qeybta ugu muhiimsan – dhammaystirka goolasha – kuma fiicna.

Wariye Lewis Steele oo ka tirsan Daily Mail ayaa sheegay in magaca uu hadda aad u maqlo marka laga hadlayo weeraryahanka cusub ee Liverpool uu yahay Hugo Ekitike. Xiddiga Eintracht Frankfurt ayaa la filayaa inuu xagaaga u dhaqaaqo koox kale, iyadoo qiimihiisa lagu qiyaasayo £60 milyan.

Waxaana laga yaabaa inuu noqdo ikhtiyaarka ugu fiican ee Liverpool heli karto. Horay ayaan u sheegnay in Ekitike uu ka fiicnaan karo Alexander Isak marka loo eego qiimaha iyo fursadda kobaca mustaqbalka.

Weeraryahanka reer France ayaa ah xulasho dhaqaale ahaan macquul ah, isla markaana leh karti weyn. Runtii, waxaa suurtagal ah inuu noqdo ciyaaryahan la mid ah Isak sanadaha soo socda.

Wuxuu u qabtaa wax walba oo kale si heer sare ah – wuxuuna u dhow yahay 95% weeraryahan dhammaystiran. Laakiin qeybta ugu muhiimsan – dhammaystirka goolasha – kuma fiicna.

Wariye Lewis Steele oo ka tirsan Daily Mail ayaa sheegay in magaca uu hadda aad u maqlo marka laga hadlayo weeraryahanka cusub ee Liverpool uu yahay Hugo Ekitike. Xiddiga Eintracht Frankfurt ayaa la filayaa inuu xagaaga u dhaqaaqo koox kale, iyadoo qiimihiisa lagu qiyaasayo £60 milyan.

Waxaana laga yaabaa inuu noqdo ikhtiyaarka ugu fiican ee Liverpool heli karto. Horay ayaan u sheegnay in Ekitike uu ka fiicnaan karo Alexander Isak marka loo eego qiimaha iyo fursadda kobaca mustaqbalka.

Weeraryahanka reer France ayaa ah xulasho dhaqaale ahaan macquul ah, isla markaana leh karti weyn. Runtii, waxaa suurtagal ah inuu noqdo ciyaaryahan la mid ah Isak sanadaha soo socda.Weeraryahanka Cusub Ee Liverpool: Magaca Qof Walba Uu Hadal Hayo

DEG DEG: Luka Modric oo noqonaya Mulkiile Koox caan ah

XIGASHO LAACIB.NET

Xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid, Luka Modric, ayaa la xaqiijiyay inuu noqonayo milkiile ka tirsan kooxda Swansea City ee dalka Wales.

Modric, oo u dhashay dalka Croatia una dabaaldegaya dhalashadiisa 40-aad bisha Sebtembar, ayaa go’aansaday inuu iibsado saamiyo yar oo aan ahayn kuwa go’aamada xukuma ee kooxda. Iibsashada saamiyadan kama dhigna in Modric uu joojinayo xirfadiisa ciyaareed – wuxuuna weli kasii ciyaari doonaa Real Madrid.

Modric ayaa heshiiskiisu ku eg xagaagan, balse waxa uu doonayaa inuu ka fariisto kubadda cagta isagoo xiran maaliyadda Real Madrid, waxaana suuragal ah inuu hal sano oo dheeri ah ku kordhiyo joogitaankiisa Bernabeu haddii heshiis laga gaaro.

Go’aankiisa ku saabsan mulkiyadda Swansea ayaa dad badan la yaab ku noqday, maadaama kooxda haatan ku jirto kaalinta 12-aad ee horyaalka Championship-ka Ingiriiska. Tallaabadan ayaa muujinaysa in Modric – oo ku guuleystay Ballon d’Or sanadkii 2018 – uu bilaabay qorsheynta noloshiisa kadib ciyaaraha.

Bishii November, Jason Levien iyo Steve Kaplan oo muddo 8 sano ah haystay milkiyadda ugu badan ee Swansea, ayaa iska iibiyay saamiyadoodii ugu weynaa. Waxaa saamiyadaas la wareegay Andy Coleman, Brett Cravatt, Nigel Morris iyo ganacsade Jason Cohen.

Intii uu Modric ciyaaryahan ka ahaa Tottenham Hotspur, waxa uu si buuxda u dheelay labada kulan ee uu la ciyaaray Swansea – kulan barbar dhac 1-1 ah bishii December 2011 iyo guul 3-1 ah bishii April 2012.

DEG DEG: Luka Modric Oo Noqonaya Mulkiile Koox Caan Ah

 

Alan Shearer oo magacaabay kooxda ugu fursadda fiican ku guuleysiga Champions League ka hor Arsenal

XIGASHO LAACIB.NET

Halyeeyga kubadda cagta Ingiriiska, Alan Shearer, ayaa magacaabay kooxda uu u arko inay tahay tii ugu fursadda fiicnayd ku guuleysiga Champions League, isagoo sheegay inay ka horreyso Arsenal.

Arsenal ayaa haatan haysata hogaamin saddex gool ah oo ay ugu awood sheegatay Real Madrid lugtii hore ee wareegga siddeed dhammaadka, taasoo ka dhacday Emirates Stadium.

Toddobaadkii hore, Real Madrid ayaa loo arkayay inay yihiin kuwa ugu cadcad difaacashada koobka Champions League, balse Arsenal ayaa si lama filaan ah u garaacday kooxda difaacaneysa horyaalka, waxayna ku badiyeen 3-0 iyadoo Declan Rice uu dhaliyay labo laad xor ah iyo gool uu Mikel Merino dhaliyay.

Real Madrid weligeed ma aysan kasoo laaban guuldarro saddex gool ah si ay ugu gudubto wareegyada Yurub, waxaana haatan ay wajahayaan Arsenal oo difaaceedu aad u adag yahay – iyagoo kaliya laga dhaliyay 27 gool 32 kulan oo horyaalka ah.

Dhanka kale, kulamada kale ee siddeed dhammaadka Champions League, Barcelona ayaa haysata hogaamin 4-0 ah oo ay ka gaartay Borussia Dortmund, halka Paris Saint-Germain ay 3-1 ku hogaamineyso Aston Villa.

Kulanka ugu loollanka adag wareegan, Inter Milan ayaa 2-1 ku hogaaminaysa Bayern Munich ka hor kulanka lugta labaad ee San Siro.

Markii laga hadlayay afarta kulan ee lugta labaad ee siddeed dhammaadka, Shearer ayaa u sheegay podcast-ka The Rest is Football:

“Waxaan Barcelona u arkaa inay yihiin kuwa ugu cadcad.

“Guushii ay ka gaareen Dortmund aad bay u cajiib ahayd, weli iyaga ayaa ugu cadcad.”

“PSG-na si fiican ayay u muuqdaan. Waxaan xasuustaa markaan daawanayay kulankii ay Arsenal la ciyaareen bisha September, waxay ahaayeen kuwo caadi ah, ma aysan lahayn wax gaar ah.

“Arsenal ayaa si sahlan u garaacday, waxayna ahaayeen kuwo aad u deggan. PSG in ay ka soo baxaan xaaladdaas una beddelaan qaab ciyaareedka ay hadda wataan waa wax la yaab leh.”

Alan Shearer Oo Magacaabay Kooxda Ugu Fursadda Fiican Ku Guuleysiga Champions League Ka Hor Arsenal

Cadaalada daarada Maxkamadaha Xasan Sheikh iyo isbaarada uu dhigtay Eraboorka Musduf dhuxuloow ma tahay mid Somali ka boxikarto

Cadaalada daarad Maxkamadaha Xasan Sheikh iyo isbaarada uu dhigtay Eraboorka Musduf dhuxuloow ma tahay mid Somali ka boxikarto

 

Maxaa ka jira in Alshabaab deegaanada qaar ciidamadii u joogay ay u wareejiyeen Shabeelooyinka iyo Hiiraan

Dagaalamayaal badan oo Alshabaab ka tirsan ayaa la soo sheegayaa inay maanta ka ruqaansadeen gobolada Bay iyo Bakool iyagoona u dhaqaaqay dhanka Hiiraan iyo shabeelooyinka oo dagaalo ay uga furan yihiin.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhaq-dhaqaaqooda maanta ay sameeyeen kooxda,wararka qaar waxay sheegayaan inay iyagu iskood u fureen magaalooyinka ay mudo sanado ah go’doomiyeen kuwaasoo badankood ku yaal Gobolada Bay iyo Bakool,halka warar kalana sheegayaan inay ciidamadii oo dhan furumaha u direen taasina ay ku qasabtay inay iskood u furaan meelihii u go’doonsanaa.

Ciidamada iyo gaadiid dagaal wixii ka joogay Bay iyo Bakool ayay dhamaantood gurmad ahaan ugu direen shabeelooyinka iyo Hiiraan oo culeys dagaal uu ka heysto.

Dhanka kale sirdoonka Dowlada Somalia iyo maamulka Koofur-Galbeed wali wax wara kama soo saarin dhaq dhaqaaqyada Alshabaab ay ka sameeyeen gobolada Bay iyo Bakool.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

- Advertisement -

news

eBooks Buy Fiction, Non-Fiction, and Textbooks Online

0
In the digital world of rapid movement, access to books has never been easy. Whether you are a student, lover of books or specialists,...

Murf AI

book store near me

HOT NEWS