DAYNIILE.COM




Xildhibaannada reer Waqooyiga Somaliland ee Dowladda Federaalka Somalia ku jira ayaa qaadacay go’aanka Dowlada ee lagu casuumay Hogaamiyaha SSC Khaatumo inuu ka qeybgalo shirka wada-tashiga ee Madaxweynaha uu iclaamiyay ama shirar Golaha wada-tashiga Qaran.
Xildhibaanada qoraal ay ku wada saxiixan yihiin waxay ku cambaareeyeen hadaladii Ra’iisulwasaare Xamse uu ka yiri Laas-caanood ee ah inay reer Khaatumo ay ka qeybgalayaan gogosha madaxweyne Xassan.
Qoraalka Xildhibaanada ayaa sidan u qornaa:-
CAL-MISKAAD (DAYNIILE.COM)-Taliska Ciidamada ciribtirka argagaxisada Daacish ee Puntland ayaa maanta soo bandhigay ciidamadii soo afjari lahaa wajiga 3-aad ee dagaalka Buurarajha Calmis-kaad ee ka dhanka ah Kooxda Daacish.
Ciidamadaan la soo bandhigay ayaa watay hubka nuucyadiisa kala duwan sida boobayaasha ee daran dooriga u dhaca iyo kuwa fudud.
Saraakiisha Puntland ayaa ciidamadaasi waxay fareen inay u diyaar garoobaan soona afjaraan wajiga 3-aad ee howlgalka ka dhanka ah Alshabaab.
Guud ahaan howlgalka ka dhanka ah Daacish ayaa sheegaya in kooxdaasi inta badan laga saaray buuraha Cal-miskaad, balse waxaa jira in hogaanka Daacish ay ku dambeeyaan meelaha ugu dambeeya ee hada la isku hayo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Wararka laga helaayo Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa sheegaya inuu ka da’ay roobab waa weyn oo daadad waa weyn ay ka dhasheen kuwaasoo sababay khasaare nafeed.
Inta laga war hayo ilaa 3 ruux ayaa dhimatay kuwaasoo kala ah hooyo iyo laba caruurteeda ahaa.
Meydka Hooyada iyo caruurteeda ayaa laga helay toga caraweyn ee Deegaan Timirshe Gobolka Bari Somalia kadib markii dadada ay ku soo rogmadeen halkii ay daganaayeen.
Roobabka ayaa ka curtay kana da’ay inta badan Gobolada Puntland ay ku abrirsato sida Nugaal,Mudug,Bari iyo kuwa kale.
Meelaha roobabka ugu waa weyn uu ka da’ay waxaa ka mid ah Magaalada Qardho oo horana loogu yaqaanay biyo fadhiisidka bartamaha magaaladaasi oo wadooyinkii ay biyuhu qariyeen.
Masuuliyiinta Puntland ayaa muujinaya dadaalada ay ku caawimayaan shacabka biyuhu ku soo rogmadeen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
SUMY (DAYNIILE.COM)-Weerar dhimsho badan sababtay ayaa laga soo sheegayaa saaka oo axad ah in Ruushku ka fuliyay Magaalo ka mida Dalka Ukraine.
Weerarkaani oo ay ka dambeeyaan ciidamada Ruushka waxay ku dhintay 31 ruux halka 84 kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasoo dhamaantood shacab ahaa sida ay sheegtay Dowlada Ukraine.
Madaxweynaha Ukraine oo durba ka hadlay ayaa ku baaqay in jawaab caalami ah laga bixiyo weerarka lagu dilay laguna dhaawacay tobanaan qof.
magaalada Sumy ee waqooyi bari ee dalka Ukraine ayuu weerarkaani gantaalada ah ku dhacay waxaana gaaray gaadiidka dam-damiska madaama duqeymuha ay ku gubteen gaadiid nuuca raaxada ah.
“Laba gantaal ayaa ku dhacay wadnaha magaalada abaaro 10:15am (07:15 GMT) iyadoo dadku ay isugu soo baxeen si ay ugu dabaaldegaan Palm Sunday, oo ah maalinta koowaad ee toddobaadka Quduuska ah ee Masiixiyiinta, sida ay sheegeen saraakiisha” ayaa lagu yiri warbixinta Dowlada Ukraine
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ku sheegay in dhimashada ay ku jiraan labo caruur ah, wuxuu intaas ku daray in ugu yaraan 84 qof ay ku dhaawacmeen weerarka argagaxa leh.
“Waa muhiim in dunidu aysan iska aamusin ama aysan dan ka lahayn, weerarrada Ruushku waxay mudan yihiin wax aan ahayn cambaarayn,” ayuu mar kale yiri MAdaxweyne Zelenskyy
Dhanka kale wuxuu ugu baaqay dunida in Ruushka cadaadis lagu saaro joojinta dagaalka islamarkaana loo dammaanad qaado ammaan dadka shacabka ah.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi-Barre oo saaka ka hadlayay kulan uu la qaatay Baarlamaanka Maamulka Khaatumo ayuu kaga dhawaaqay in Dowladu ku casuuntyay Khaatumo shirka ama gogosha uu dhigay Madaxweynaha Soomaaliya.
“waxaan ku faraxsanahay in Hogaamiyaha SSC Khaatumo ay soo gaartay casuumaadii Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii ugu horeysayna si rasmi ah uu uga qeybgeli doono shirka wada-tashiga qaran”ayuu yiri Xamsa
Sidoo kale mar uu ka hadlayay goobtii dhagax dhiga ayuu Ra’iisukwasaaruhu cadeeyay in Dowladu SSC Khaatumo u aqoonsan tahay maamul ka mida maamul Goboleedyada kale ee dalka ka jira oo walibana ay yihiin maamulkii ugu danbeeyay ee ku soo biira maamulada faderaalka hoos taga.
“SSC Khaatumo daah nagama saarna wa maamulkii ugu da’da yaraa ee maamulada Somaliyed ku soo biira “ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xamsa
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
QAZA (DAYNIILE.COM)-Cambaareynta ka dib weerar Israa’iil ayaa ka dhigtay cisbitaalka al-Ahli Arab ee magaalada Gaza mid aan shaqayn.
Weerarkan ayaa yimid kadib markii militariga Israa’iil ay soo saareen amaro cusub oo barakicin ah oo loogu talagalay dadka deggan xerada qaxootiga ee bartamaha Nuseirat iyo sidoo kale koonfurta Khan Younis.
Wafdi ka socda Xamaas ayaa Qaahira u jooga wadahadalo nabadeed oo ay martigelinayaan dhexdhexaadiyeyaasha Masar.
Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 50,944 falastiiniyiin ah la xaqiijiyay in ay dhinteen 116,156 ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza. Xafiiska Warbaahinta ee Dowladda ayaa dhimashadiisa ka dhigay in ka badan 61,700, iyadoo sheegtay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo maleynayo inay dhinteen.
Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay 7-dii Oktoobar 2023 in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM