








Wararka ka imaanaya Xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustafa Sheikh Cali Duhulow, ayaa sheegaya in maanta uu shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee ka dhacay xarunta dhexe ee hay’adda.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha muhiimka ah ee hay’addu u qabato bulshada. Waxaa kulanka lagu dhageystay warbixino ay soo jeediyeen waaxyaha, xafiisyada iyo laamaha kala duwan ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, kuwaas oo la xiriiray caqabadaha jira iyo howlaha mudnaanta u leh hay’adda.
Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay madaxda iyo shaqaalaha dadaalka ay muujiyeen, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo xoojiyo adeegyada hay’addu u fidiso muwaadiniinta. Wuxuu si gaar ah amarrada ugu adkeeyay in la dardargeliyo ka hortagga socdaalka sharci darrada ah, ilaalinta xuduudaha, fududeynta adeegyada muwaadiniinta iyo kor u qaadidda hufnaanta ay hay’addu ku shaqeyso.
Tan iyo markii uu xilka la wareegay, Agaasime Mustafa Sheikh Cali Duhulow wuxuu si joogto ah shaqaalaha ula yeeshay kulamo toddobaadle ah, kuwaas oo lagu qiimeeyo waxqabadka hay’adda maalmihii la soo dhaafay. Tallaabadani waxay muujinaysaa hoggaan firfircoon iyo howlkarnimo uu la yimid Agaasimaha cusub.
Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya
+254-711830393
KONOIN (DAYNIILE.COM)-Booliska dalka Kenya ayaa gacanta ku soo dhigay nin lagu eedeeyay in uu qoorta ka gooyay laba ka mid ah caruurtiisa sida ay sheegtay Idaacada StarFM.
Aabahaan ayay Booliisku sheegen in Caruurtiisa uu dilay ay sanad ahaan u dhexeeyaan 2 ilaa iyo 7 jir kuwaasoo saqiiro ah balse uu arxan laawahaani nafta dhaafiyay.
Dhacdadan waxay ka dhacday deegaanka Tach Asis ee degmada Konoin ee ismaamulka Bomet.
Hay’ada danbi baarista ayaa aabahaani gacan ku dhiiglaha waxay ku bilowday baaris si loo ogaado sababta ku kaliftay inuu caruurtiisa gacantiisa ku dilo.
Dhanka kale Laamaha ammaanka ayaa lagu wadaa inay eedeysanahaasi u gud-biyaan Maxkmadda usbuuca nagu soo aadan si sharciga loogu qaado.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan Somali kenyan ah oo laga soo doorto Ismaamulka Wajeer ayaa dib u helay xoriyadiisa kadib dhowr bilood oo afduub ahaan loo heystay xili markii ugu dambeysay laga qafaashay Nairobi.
Xildhibaanka oo lagu magacaabo Yuusuf Tol-fiyow wuxuu la hadlay saxaafada wuxuuna cadeeyay inuu jirey muran dhanka miisaaniyada Wajeer oo kala dhexeeyay Maamulka Magaalada Wajeer islamarkaana ay dhowr mar u hanjabeen kadi teleefoon ay ka waceen.
Xildhibaanka wuxuu sheegay xitaa afduubkiisa inay ahayd shirqool maamulka wajeer uu ka danbeeyay markii sida uu sheegay shir inuu ka qeybgalaayo darteed Nairoobi looga yeeray sidaasna uu afduubkiisa ku dhacay .
Wuxuu si toos ah ugu eedeeyay Madaxda Maamulka Wajeer inay ka dambeeyaan afduubkiisa,mar uu ka hadlayay inuu yaqaan dadka heystay wuxuu sheegay inay wajiga soo duubteen sidaas daraadweedna uusan midna ka aqoonsan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
XIGASHO: LAACIB.NET
Xiddigaha Liverpool ee Mohamed Salah, Trent Alexander-Arnold, iyo Virgil van Dijk ayaa dhammaantood ku jira dhammaadka qandaraaskooda xagaaga soo socda. Arrintan ayaa dhibaatooyin badan ku keeni lahayd tababaraha cusub Arne Slot, kaasoo wajihi lahaa caqabado la xiriira dhismaha kooxda xilli ciyaareedka dambe.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in kooxda ay weydo daafaca midig ee xulka England, Alexander-Arnold, kaasoo la sheegay inuu si xor ah ugu wareegi doono kooxda weyn ee reer Spain ee Real Madrid.
Markii wararkaas la faafiyay, xiriirka ka dhaxeeya Alexander-Arnold iyo qaar ka mid ah taageerayaasha Liverpool ayaa bilaabay inuu xumaado. Laacibkan ku dhashay magaalada Liverpool ayaa muddo ka badan 20 sano u ciyaaray kooxdiisa carruurnimada, hase yeeshee go’aankiisa uu uga tagayo kooxda si uu u raadsado caqabad cusub kaddib markuu ku guuleystay koob walba oo Reds u tartantay, ma aysan noqon mid taageerayaashu si wanaagsan u qaateen.
Dhanka kale, natiijada wada-xaajoodka Mohamed Salah ayaa si weyn u farxad gelisay taageerayaasha. Heshiiskiisa cusub oo mushahar badan lagu siinayo ayaa si rasmi ah loo shaaciyay Jimcihii, taasoo ay taageerayaashu u arkaan raynrayn.
Dabcan, falcelinta Alexander-Arnold ayaa si dhow loo la socday, waxaana la ogaaday inuu “like” saaray qoraal uu Salah ku daabacay Instagram-ka si uu ugu dabaaldego heshiiskiisa cusub. Tallaabadaas ayaa taageerayaasha u qaybisay laba: qaar ayaa u fasirtay inay ahayd farriin qarsoon oo muujinaysa qorshaha Arnold ee mustaqbalkiisa, halka kuwo kalena ay yiraahdeen waa like keliya, mana aha micnaheedu inuu go’aan rasmi ah qaatay oo ku aaddan u wareegista Madrid.
Wararka ayaa muujinaya in xaaladda mustaqbalka Alexander-Arnold ay weli tahay mid aan caddeyn, balse dareenka taageerayaashu wuxuu muujinayaa sida ay isha ugu hayaan dhaqdhaqaaq kasta oo uu sameeyo.