Home Blog Page 41

DAAWO: Dowlada oo Talaadada bilaabaysa diiwaan-gelinta doorashooyinka qof iyo codka ah

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariim Axmed Xasan ayaa maanta ku dhawaaqay 2 maalin ka dib inay Muqdisho ka bilaabayaan diiwaan gelinta doorashooyinka qof iyo cod.

“Talaadada soo socota waxaan gobolka Banaadir ka bilaabeynaa diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah.”

Faah-faahinta hadalada Gudoomiyaha halkaan hoose ka daawo :-

DEG DEG: Golaha Wakiillada Somaliland oo go’aan-koodii ugu adkaa ka soo saaray safarka Ra’iisulwasaare Xamsa ee Laas-caanood 

HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Golaha Wakiillada Maamulka Somaliland ayaa goor dhaw go’aan adag ka soo saaray safarka uu Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi-Barre maanta ku yimid magaalada Laascaanood ee Xarunta Maamulka SSC Khaatumo.

Golaha Wakiillada Somaliland waxay safarkaani ku tilmaameen mid farogelin qaawan ku ah qaranimada iyo madaxbannaanida Somaliland.
Gabi ahaanba waxay soo jeediyeen in la laalo ama la burburiyo
wadadahadladii Somaliland iyo Soomaaliya.
Sidoo kale waxay ugu baaqeen Madaxweynaha Maamulka Somaliland C/raxmaan Cirro inuu shir degdeg ah oo qaran isugu yeero Xildhibaanada,wasiirada,xisbiyada siyaasadda iyo guud ahaanba waxgaradka Somaliland sida uu baahiyay SAAB TV.
 Shirkaani ayay Golaha wakiilada sheegeen in lagu gaaro si talo qaran oo midaysan oo ay ka yeeshaan safarka Laascaanood ee safarka Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya.
May be an image of ticket stub and textMay be an illustration of ticket stub and text
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 5 people and text that says "SaabTV TAH amualisankabh Golaha Wakiillada oo Madaxweyne Cirro U soo jeediyeen inuu shir degdeg ah ahoo oo qaran isugu yeedho Golayaasha Qaranka, xisbiyada siyaasadda iyo guud ahaanba waxgaradka Jamhuuriyadda Somaliland WARARKA SAAB TV"

Xafiiska Ra’iisulwasaaraha oo war ka soo saaray socdaalkiisa Laas-caanood+SAWIRRO

May be an image of 4 people, helicopter and text𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞, 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝
Laascaanood, Sabti, 12 Abriil 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ahna caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa markii uu ka degay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Laascaanood, waxaa halkaas kusoo dhoweeyay masuulliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Saraakiil ciidan iyo boqolaal dadweyne ah oo muujinayey taageeradooda ku aaddan booqashada Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Safarka midnimada ee Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa, ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ee lagu xoojinayo midnimada dalka iyo horumarinta adeegyada dowladdeed ee ay u baahan yihiin bulshada reer SSC-Khaatumo.
Mudane Xamsa, oo kumanyaal shacabka Laascaanood ah kula hadlay garoonka, ayaa uga mahadceliyey soo dhowaynta milgaha iyo maamuuska leh ee ay ku qaabileen, isaga oo ku tilmaamay in ay astaan u yihiin midnimada iyo wadajirka Shacabka Soomaaliyeed marwalbana ay difaacan Qaranimada.
—DHAMMAAD—
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed JimcaaleMay be an image of 9 people and daisMay be an image of 5 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 6 people and textMay be an image of 6 people and textMay be an image of 9 people and textMay be an image of 8 people and helicopterMay be an image of 2 people, camel and crowdMay be an image of 4 people and textMay be an image of one or more people, camel, crowd and textMay be an image of one or more people, camel and roadMay be an image of one or more people and crowdMay be an image of 1 person and crowdMay be an image of one or more people and crowdMay be an image of one or more people, camel and crowdMay be an image of 2 people and crowdMay be an image of 2 people, crowd and textMay be an image of one or more people and crowdMay be an image of 4 peopleMay be an image of 2 people and crowdMay be an image of 7 peopleMay be an image of 1 person, crowd and textMay be an image of 10 people and textMay be an image of 5 peopleMay be an image of 12 people and daisMay be an image of 2 people and crowdMay be an image of 2 people, crowd and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of 9 peopleMay be an image of one or more people and text

Madaxweyne Xasan oo ka qeybgalay furitaanka shirka Madasha Diblomaasiyadda Antalya+SAWIRRO

Muqdisho, April 12, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala qeyb galay madaxda caalamka furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga.
Madashan oo ka mid ah fagaarayaasha caalamiga ah ee ugu muhiimsan iskaashiga dhanka amniga iyo siyaasadda ayaa wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay mudnaan siinayaan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee caalamiga ah, isdhaafsiga khibradaha maamul iyo sidii Soomaaliya ay doorkeeda uga qaadan lahayd arrimaha caalamiga ah, iyadoo la xaqiijinayo midnimada iyo danaha dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga martiqaadka iyo soo dhoweynta diirran ee ay ku qaabileen wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana uu kulan doceedyo la qaadan doonaa madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka qeyb galaya madashan.May be an image of 7 people, crowd and daisMay be an image of 1 person, speaker, crowd and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of speaker and crowd

Ra’iisulwasaare Xamsa oo goor-dhaw ka degay Laas-caanood+SAWIRRO

May be an image of 6 people and textLAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaliya Xamsa Cabdi-Barre iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Laas-caanood halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Guud ahaan shacab iyo maamulba Magaalada oo dhan baa dhaqaaqday waxayna garoonka kaga hor tageen Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre si ay usoo dhaweeyaan.
Wafdiga Ra’iisulwasaaraha waxaa loo galbiyay Maxaxtooyada SSC Khaatumo halkaasuu uu iulamo kula qaadan doono Hogaamiyaha SSC Khaatumo iyo dhaaanka.

Laamiyada Laas-caanood waxaa aad u camirey shacabka Magaalada oo wata calamada Somalia iyo kan SSC Khaatumo kuwaasoo u soo baxay soo dhaweynta Ra’iisulwasaaraha Ssoomaaliya Xamsa Cabdi Barre.
Booqashaaan ayaa sidii horaba loo sheegay waxay noqoneysaa mid taariikhi ah waana markii koowaad oo tan iyo burburkii masuul Dowlada Somalia ka socda uu tago Laas-caanood.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of one or more people, camel, crowd and textMay be an image of 9 people and textMay be an image of 10 people and textMay be an image of 2 people and crowdMay be an image of 5 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 1 person, crowd and text

Agaasimaha iyo Wariye ka tirsan Radio Shabelle oo Xabsiga loo taxaabay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Booliiska Somalia ayaa Saaka xabsiga dhigay Agaasimaha  Radio Shabelle Iyo Wariye isla idaacadaasi ka tirsan  walina lama oga sababta.

Agaasime Abukar Sky iyo Wariye Soofeysane ayaa lagu xirey Saldhiga Booliiska Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho..

Masuuliyiinta Idaacad Shabeele  ayaa  xaqiijiyay xariga wariyaha.

Dhanka kale bahda  Warbaahinta  Soomaaliya qarkood iyo  maamulka TV shabeele ayaa ku baaqaya in xoriyadiisa dib loogu soo celiyo wariyaha.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Laas-caanood oo Bandow loo saaray Amniga Ra’iisulwasaare Xamsa dartiis

Open photoLAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Taliska Booliiska Maamulka SSC Khaatumo ayaa xalay soo saaray awaamiir amni taasoo ah bandow la saaray Magaalada sababo ay ku sheegeen sugida amniga Ra’iisulwasaaraha soomaalia oo saaka tagaya Magaaladaasi.

Taliska Booliiska waxay dul dhigeen Magaalada amar ah wixii xalay ka soo bilowda 12-kii saqda dhexe aanay wax gaadiid ah magaalada soo geli karin ,gaar ahaan koontaroolada laga soo galo aysan ka soo gud-bi karin.

Sidoo kale Booliisu waxay mamnuuceen in gaadiidka iyo mooto bajaajta aaney mari karin wadada wadnaha ilaa iyo amar danbe ,wadadaan ayaa isku xirta garoonka diyaaradaha ilaa madaxtooyada SSC Khaatumo.

Taliyaha oo awaamiirta akhrinayay ayaa shaaciyay in kaliya wadada wadnaha loo ogol yahay gaadiidka maamulka gaar ahaan kuwa ka shaqeynaya soo dhaweynta Ra’iisulwasaaraha,waxaana gabi ahaanba dhaq dhaqaaqa loo diiday gaadiidka shacabka.

Taliyaha wuxuu carabka ku adkeeyay inay awaamiirtaani usoo rogeen sugida amniga wafdiga Ra’iisulwasaaraha, wuxuuna ka codsaday shacabka reer Laas-caanood inay u hogaansamaan awaamiirta oo ay fuliyan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Wasiirka Gaashaandhiga muxuu ka yiri maalinta 12-ka April ee ciidamada Xoogga

Muqdisho, Abriil 12, 2025; Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, xuska 65 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku beegan maanta oo kale 12-ka Abriil.
Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin difaaca qaranimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, laga soo bilaabo markii la aas-aasay 12-kii Abriil, sanadkii 1960-kii, ilaa maanta oo ay si geesinimo leh ugu adeegayaan dadkooda.
“Ciidanka Xoogga Dalka waa geesiyaal naftooda u hura difaaca dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed. Alle waxaan uga baryayaa inuu aqbalo shahaadadooda, kuwa dhaawacanna uu siiyo caafimaad degdeg ah”.
Wasiirka Gaashaandhigga XFD ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo si buuxda u taageeraya dadaallada ay ugu jiraan ciribtirka kooxaha Khawaarijta ee dhibaatada ku haya shacabka iyo dalka.
“Waa waajib qaran in la garab istaago geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka, oo maanta naf-hurnimo ugu jira hawlgallada dalka looga xoreynayo cadowga Khawaarijta,” ayuu yiri Wasiir Jabriil Cabdirashiid.
— DHAMMAADMay be an image of 1 person and text

Dagaal-yahano Alshabaab ka tirsan oo weerar ku laayay ciidamo Itoobiyaan ah

WAAJID (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Deegaanada Maamulka Koofur-Galbeed gaar ahaan Magaalada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Dagaal  uu shalay dhex-maray ciidamada Itoobiya iyo Dagaal-yahanada Alshabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Alshabaab weerar dhaba-gal ah ku qaadeen ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo baxay Garoonka diyaaradaha Waajid xili ay ku sii jeedeen saldhig ay isla magaaladaasi ku lahaayeen, waxaana dhexmaray dagaal culus.

Sidoo kale qarax ay Alshabaab soo maleegeen ayaa qabsaday gaari Cabdi-Bile ah oo Itoobiyaanku wateen waxayna dagaalamayaasha Alshabaab ku dilaan qaraxaasi  4 ka mida ciidamada Itoobiyaanka sidoo kalana waxaa ku bur-buray gaarigaasi oo ay jiiteen Itoobiyaanku.

War durba ka soo baxay saraakliisha Ciidamada Itoobiya ayaa lagu shaaciyay inay iska difaaceen weerarka ay Alshabaab ku soo qaadeen mana aysan soo hadal qaadin khasaaraha ciidamadooda gaaray.

Sidoo kale Itoobiyaanku waxay sheegeen in xiliga weerarka lagu qaadayay ay ku jireen howlgalo ciidan inkastoo aysan sii sharaxin wuxuu u salka ku hayay howlgalkaasi.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

DAAWO: Taliye Odowaa oo Ciidamada Xoogga Dalka ugu Hambalyeeyay Xuska markii la aas’aasay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Odawa Yusuf Rage ayaa Ciidamada Xoogga Dalka ugu Hambalyeeyay 65 sano Guuradii kasoo wareegatay Aas Aaskoodii.

Maanta oo taariikhdu tahay 12-ka April waxay ku beegan tahay 65 sano Guuradii kasoo wareegatay markii la aas’aasay Ciidamada Xooga Dalka Somalia.

Hadaba halkaan ka daawo muuqaalka Taliye Odawa:-

 

- Advertisement -

news

book store near me

0
Are you looking for a library near me? That you are a lover of books who seek the last success of sales, a student...

Murf AI

HOT NEWS