Amiirka Qurba-Joogta Khawaarijta
DEG DEG: Dowlada oo Warsaxaafadeed ka soo saartay geerida Sheegow Axmed Cali
Maxkamadas sare ee Ciidamada qalabka sida ee Dowlada Somalia ayaa goor dhaw warsaxaafadeed ka soo saartay sida ay ku timid geerida Gen.Sheegow Axmed Cali oo qaar badan oo ehaladiisa ay shaki ka keeneen in Dowladu sun siisay.
Warsaxaafadeedka waxaa akhrinaya Gudoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarrow.
Hadaba halkaan ka daawo:
Puntland oo Digniin culus ka soo saartay aaga dagaal ee Buuraha Cal-miskaad
Taliska ciidamada Daraawiishta Puntland ee la dagaalanka Daacish ayaa goor dhaw soo saaray Digniin culus oo loo jeediyay dadka reer miyiga ah ee ku dhaqan Buuraha Cal-miskaad.
Haddaba halkaan ka akhriso digniinta oo sideeda u qoran:-
DIGNIIN CULUS : DADKA REER GUURAAGA AH EE KU DHAQAN BUURALAYDA CALMISKAAD .
Wararkii ugu dambeeyay ee Dagaalka Abooreey xili Alshabaab wali gacanta ku hayaan
BUULA-BURDE (DAYNIILE.COM)-Deegaanka Abooreey ee hoos taga Degmada Buulo-burde oo maalmihii ugu dambeeyay uu ka socday dagaaladii ugu cuslaa ee alshabaab iyo dowlada dhex-mara ayaa galay maalintii 4-aad.
Wararka madaxa banaan ee aan heleyno ayaa sheegaya in Alshabaab wali gacanta ku hayaan Deegaankaasi Abooreey oo afarta maalinba ay laga saari la’yahay balse ay go’doon cml ku yihiin.
Sarakiisha Ciidamada ee ka hadasha dagaalka Abooreey ayaad moodaa inay marar badan sheegeen inay ka sareen Alshabaab balse waxay wararka madaxa banaan waxay xaqiijinayaan xitaa hal maalin oo ka mida inaysan Alshabaab ka bixin deegaanka.
Dhufeysyo waa weyn ayay ka qoteen bartamaha deegaanka gaar ahaan guryihiin dadka shacabku lahaayeen ayay dhufeysyo ka dhigteen si ay uga dhuuntaan diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Cirka Somalia iyo kuwa saaxiibada caalamka waana taatiko cusub.
Saraakiisha iyo masuuliyiintii deegaankaasi ee dibad jooga ah ayaa hada wararka ay xiinayaan saxaafada waxay isaga mid ka yihiin in qorshaha hada socda uu yahay in dhamaan guryaha deegaanka dhulka lala simo oo lagu fasaxo diyaaradaha dagaalka ciidamada Dowlada.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Soomaaliya
Madaxweyne Xassan oo Casuumaad la xiriirta Wada-tashi qaran u direy Maamul Goboleedyada

Qarax shacab badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha dhexe
CADDALLE (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in qarax shacab badan ku dhinteen inuu ka dhacay inta u dhexeysa Deegaanada Xaaji-Cali iyo Geel-gud oo hoos yimaada magaalada xeebeedka Caddalle.
Gaarigaan oo ahaa nuuca dadweynaha ee loo yaqaan Hoomeyda ayaa ka soo baxay deegaanka Buur-Dacaar wuxuuna ku socday Magaalada Muqisho balse qarax miino ayaa gaariga haleeshay.
Inta la ogyahay 5 ruux oo shacaba ayaa ku dhintay qaraxaasi halka tira kalana ay ku dhaawacmeen, dadka dhintay waxaa ka mida laba gabdhood oo isla dhashay iyo cunug saqiiqa oo sanad 2 jir lagu qiyaasay.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qaraxaan qeyb ka yahay miinoyin alshabaab wadooyinka geliyeen si ay isaga difaacaan weerarada kaga imaanaya dhanka ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa macawisleyda.
Maamulka Hirshabelle oo war kooban ka soo saaray qaraxaan ayaa lagu wadaa inay faahfaahin buuxda bixiyaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Taariikhda Taliyihii Sirdoonka ee dawladdii Kacaanka oo xalay geeriyooday
=XIGASHO BBC SOMALI=
Alle ha u naxariistee waxa dalka Belgium-ka ku geeriyooday Axmed Saleebaan Dafle oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii kacaanka ee Soomaaliya.
Dafle, ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii loo yaqaannay shanti sare ee Golaha Kacaanka.
Dawladdii Kacaka ayaa loo yaqaannay, kooxdii uu horkacayey Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ee afgembiga talada Soomaaliya ku qabsaday sannadkii 1969.
Falsafadda lagu shaqaynayay waxay ahayd Hanti-Wadaag kaas oo laga soo minguuriyay falasuufayadii Karl Marks oo Jarmalka u dhashay iyo Vladamir Lenin oo ahaa asaasihii Midoowgii Soviet-ka. Wuxuu fikirkan ku dhisnaa hab dadka ay isku wada dabaqad yihiin, wax kastana ay dowladda leedahay.
Marxuumka oo sannadihii dambe qurbaha ku noolaa, halkaas oo ugu danbayn ku geeriyooday habeenkii xalay ahaa, magaalada Brussels ee dalka Belgium oo uu degganaa.
Masuuliyiin kala duwan ayaa tacsi u diray qoyskiisii, kuwaas oo sida oo kalena xusay doorkii uu ku lahaa dawladdii kacaanka iyo xilalkii muhiimka ahaa ee uu dalka ka soo qabtay.
“Marxuum Axmed Saleebaan Dafle waxa uu ka mid ahaa madaxda sare ee dowladdii hore, isaga oo dhawr wasaaradood soo hoggaamiyey, door muuqdana ka soo qaatay dhismaha qaranka iyo dowladnimada dalka.” Ayuu ku qeexay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdiillaahi Farmaajo.
Halka madaxwetne hore Shiikh Shariif, uu xusay kaalintiisii doorka amniga qaranka.
‘Wuxuu Dafle caan ku ahaa qibrad iyo waaya aragnimo sirdoon isagoo kaalin muuqata ka soo qaatay dib u dhiska hay’addaha Amniga Qaranka.” Ayuu madaxweyne Shariif ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa baraha bulshada.
Cismaan Cabdinuur Xaashi oo ah qoraa ay qaraabo ahaayeen waxa uu ku qeexay in uu ahaa “nin deeqsi ah, oo saaxiibtinnimo leh, sida oo kalena ahaa oday Soomaaliyeed oo dhaqan yaqaan ah”.
Kuma ayuu ahaa Axmed Saleebaan Dafle?
Sarreeye Guuto Axmed Suleyman Dafle wuxuu ku dhashay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer sannadkii 1937-dii.
Waxa uu sanadkii 1959kii waxbarasho dhinaca ciidanka loogu diray Akademiyadda Ciidamada ee Ingiriiska, halkaas oo uu saddex sano wax ku baranayay. Waxa uu kusoo noqday Soomaaliya 1962dii isaga oo xiddigle ah, waxa uuna tababare ka noqday Dugsigii Saraakiisha ciidamada ee Muqdisho.
Sanadkii 1967-dii S/Guuto Axmed Suleyman Dafle waxaa uu taliye urur ka noqday ciidamadii fadhigoodu ahaa Magaalada Seylac, xilligaas oo ku begnayd waqtigii aftida laga qaadayay dalka Jabuuti.
Waxa uu isla sanadkaas madax ka noqday Xafiiskii Wardoonka Ee Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo islamarkaas na xoghaye u ahaa Maxamed Siyaad Barre oo ahaa taliyihii ciidanka xoogga.
Sanad kadib waxa uu u dalacay Gaashaanle, isaga oo 1969kii ka mid ahaa saraakiishii afgembiga kula wareegtay xukunka dalka kadib dilkii madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Dafle oo ay u dhaxday gabadhii Maxamed Siyaad Barre waxaa labo jeer la dalacsiiyay intii u dhexeysay 1970kii iyo 1971dii, iyada oo la siiyay darajooyinka Gaashaanle Dhexe iyo Gaashaanle Sare. Dalacsiinta dambe kadib waxa uu noqday taliyaha ciidanka Nabadsugidda Qaranka.
Waxa uu xubin ka noqday Guddigii Golaha Sare ee Kacaanka sanadkii 1974dii, isaga oo qaabilsanaa dhinaca nabadgelyada.
Labo sano kadibna, waxaa loo dalacsiiyay sarreeye guuto. Waxa uu Dafle ka mid ahaa dadka ugu dhawaa Siyaad Barre, iyada oo lagu eedeeyay in uu qeyb ku lahaa tacadiyo iyo dembiyo ay geystay hay’adda nabadsugidda intii xilka hayay, iyo tacadiyo kale ee ay geysteen kacaanka.
Wixii ka dambeeyay markii xukunka la riday kacaanka, waxa uu Axmed Dafle ku noolaa dalka dibadiisa, halkaas oo ugu danbayn ku geeriyooday.
Axmed ayaa ka tegay shan carruur ah.
=XIGASHO BBC SOMALI=
Gud. Xigeenka Aqalka Sare iyo Wasiiro Saaka gaareen Laas-caanood
LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Waxaa Magaalada Laas-caanood ee Xarunta Maamulka SSC Khaatumo ku sii qulqulaya wufuud ka socota Dowalada Somalia xili ay soo dhawaatay waqtigii uu halkaasi gaari lahaa Ra’iisulwasaare Xamsa Cabdi-Barre .
Gudoomiye ku xigeenka aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumada sida Wasiirka arimaha gudaha Somalia iyo wasiirka Cadaalada ayaa saaka gaaray Magaalada Laas-caanood halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Sidoo kale Xildhibaano iyo Wasiiro ka socda Dowlada ayaa iyagyuna qeyb ka ah socdaalkaai, waxayna magaaladaasi la ciir ciireysa wufuuda ka imaaneysa Magaalada Muqdisho iyo qurbaha madaama magaaladaasi isu diyaarineyso soo dhaweynta Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.
Waa wafdigii 3-aad ee horu-dhaca u ah imaanshaha Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ee ku wajahan Magaaladaasi Laas-caanood ee xarunta Maamulka cusub ee SSC Khaatumo.
Dhanka kale Ra’iisulwasaare Xamsa ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda gaaro Magaaladaasi oo lagu xardhay sawiradiisa,kan madaxweyne Xasan iyo calanka Jamhuuriyada Faderalka Soomaaliya.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Madaxweyne Xassan oo Dalka Turkey uga qeybgalaya Madasha Diblomaasiyadda +SAWIRRO


