






MADERA (DAYNIILE.COM)-Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay maanta laba ruux ka soo qafaasheen inta u dhexeysa Ceel-waaq iyo War-gaduud oo ka tirsan ismaamulka Mandera ee dhulka Soomaalida balse gumeystuhu xoog ku siiyay Kenya.
labada ruux ee alshabaabku qafaasheen ayaa la sheegay inay kala yihiin farsamayaqaan shirkad iyo darwal kuwaasoo watay gaari qaas ah.
Wararku waxay intaasi ku darayaan inay dib ka soo daayeen darawalka balse ay wali heysraan ninkii farsamayaqaanka ahaa.
Alshabaab ayaa aalaaba waxay dagaalo iyo afduuba ka geystaan dhulka Soomaalida ee waqooyi bari Kenya balse Kenyaanku maamulaan.
Kooxda Alshabaab waxaa la sheegayaa inay dhanka Somalia la soo aadeen ninka ay soo qafaasheen waxayna badanaa dadka ajaanibta ah ka qaataan lacag madax furasho ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
ISTANBUL (DAYNIILE.COM)-Dhulgariir xooggan oo cabirkiisu dhan yahay 6.2 ayaa gilgilay Istanbul saacadu markay ahayd 12:49 (09:49 GMT).
Hay’adda musiibooyinka Turkiga ee AFAD ayaa sheegtay in ay ahayd mid ka mid ah dhulgariirradii ugu xoogganaa ee ku dhuftay magaalada, oo ay ku nool yihiin 16 milyan, sannadihii u dambeeyay.|
Xudunta dhulgariirka ayaa ku taalla deegaanka Silivri, oo qiyaastii 80km (50 mayl) dhanka galbeed kaga beegan magaalada Istanbul,
Ilaa hadda ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay, balse dad badan oo degganaa ayaa ka guuray dhismayaal markii ay gariireen wixii ka dambeeyay dhulgariirka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn Dalka ka ceyrisay ku xigeenka madaxa ATMIS kaasoo dhawaan shir QM ka sheegay in Alshabaab Muqdisho ku soo dhaw yihiin.
Dowlada ayaa ku amartay ku xigeenka ATMIS Sivuyile Thandikhaya Bam inuu Dalka Somaia sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxo iyadoo maanta qorshuhu ahaa inuu ka dhoofo Muqdisho islamarkaana uu dib ugu laabto Xarunta Midowga Afrika ee Adis-ababa.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku wargelisay guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahamoud Ali Youssouf in Sivuyile Thandikhaya Bam aan laga dooneyn Soomaaliya taasoo loo adeegsado diblomaasiyiinta shisheeye marka dalka laga eryayo (persona non grata).
Hadalka Bam ka jeediyay 9-kii April Shirka Golaha amaanka QM ayaa ku soo aaday xili Somalia QM ka tahay xubin aan joogto ahayn,waxaana Dowladu ka carootay mar uu soo hadal qaaday weerarada alshabaab mararka qaar ka geystaan deeegaano dalka ka tirsan.
Dowlada ayaa hore dalka uga ceyrisay diblomaasiyiin shisheeye mana ah markii ugu horeysay oo talaaba nuucaas ahi ay qaado Dowlada Faderaalka Soomaaliya.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
BUULO-BURDE (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Macawisleyda Gobolka Hiiraan ayaa galabta duulaan ku qaaday deegaanka Abooreey oo ee duleedka Magaalada Buulo-burde.
Deegaankaan oo in ka badan asbuuc ay ciidamada Dowlada iyo Macawisleydu dagaal ku hayeen ayaa hadana waxaa wali gacanta ku haya kooxda Alshabaab inkastoo maalmihii ugu dambeeyay aanay dagaalo halkaasi ka dhicin markii ay ciidamada Dowlada iyo macawisleydu isaga baxeen aaga.
Macawisleyda ayaa galabta waxay dib ugu laabteen dagaalkii ay ku doonayeen inay Alshabaab kaga saaraan deegaanka Abooreey halkaasoo alsabaabku aad u daneynayaan.
Macawisleyda oo weerarkooda dhowr jiho kaga qadeen Abooreey ayaan wali laga helin wax faah-faahin xili dad deegaanadaasi ka dhaw ay sheegayaan in hugunka dagaalka iyo hubka waa weyn ee la isu adeegsanayo laga maqlayo meelo badan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Nairobi – 23 April 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubbaland, Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Jubbaland, Mudane Hiirad Ismaaciil Maxamed, Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland, iyo Xildhibaan Maxamed oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland.
Labada dhinac ayaa isla gartay in la xoojiyo xiriirka labada baarlamaan, lana kordhiyo wada-tashiyada joogtada ah ee ku saabsan arrimaha sharci-dejinta, horumarinta nidaamka federaalka, iyo sidii loo wadaagi lahaa waayo-aragnimada dhismaha hay’adaha dowliga ah.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa muujiyay sida ay Puntland uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee kala dhaxeeya Jubbaland, isagoo xusay in iskaashiga labada baarlamaan uu muhiim u yahay xasilloonida iyo horumarka guud ee dalka.
Ali abdi Mohamed isaga oo diiradda saarayay xoojinta xiriirka iyo horumarinta mashaariic kubadda cagta somalia ee ay siiyaan CAF IYO FIFA.
Suleiman Waabari waxa uu hadda ku sii jeedaa dalka Ghana, halkaas oo uu kaga qeybgalayo gabagabada Ciyaarha iskuulada U 15 CAF oo heer dhamaada maraaya iyo kulan muhiim ah oo ay ka qeyb galayaan masuuliyiin iyo daneeyayaal kala duwan ee horumarinta ciyaaraha africa.