whitebackground600
Home Blog Page 46

Qatar weyn oo Soomaliya ku wajahan iyo Xasan Sheikh xukunkiisa ku soo koobmatay Gobolka Banaadir

Advertisement

Dab Caawa ka kacay suuqa Bakaaraha Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Caawa maqribklii kadib dab ka bilowday suuqa Bakaaraha qeybtiisa daawada kaasoo holac iyo qiiq badan bixinaya.

Dabka ayaa durba bilaabay inuu fido xili dadka shacabka ay bilaabeen inay hantidooda kala cararaan gaar ahaan goobaha ganaci ee ku dhaw halka dabku ka biloqwday.

Waxaa la arkayaa gurmadyo kala duwan oo loo fidinayo dadka iska leh hantida gubaneysa iyadoo shacab iyo Dowladba la wada dagaalayo sidii loo bakhtiijij lahaa dabkaasi.

Dabka ka kaca suuqa bakaaraha oo u badan xili habeen ah ayaa noqday mid soo noqnoqda oo joogto walow waqtigu xoogaa kala dheer yahay,waxaana kasta ku bas beela malaayiin doolar.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM No description available.No description available.

Advertisement

Ra’iisulwasaare Xamza muxuu ka yiri munaasabadda xuska Maalinta Yurub+SAWIRRO

May be an image of 3 people and text
Muqdisho, Isniin, 12 Maajo 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day 2025), ayaa sheegay in maalintani ay astaan u tahay iskaashiga nabadda, midnimada, iyo horumarka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay doorka muuqda ee Midowga Yurub uu ku leeyahay taageerada Soomaaliya ee dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimada, iyo dib-u-dhiska. Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac, si loo gaaro horumar waara iyo nabad buuxda.
“Tobannaankii sano ee la soo dhaafay, Midowga Yurub wuxuu garab taagnaa Soomaaliya. Hadal kaliya ma ahayn, balse ficil. Waxaad naga caawiseen in miinooyinka la soo saaro, jidadka la dhiso, la tababaro ciidamo booliis ah, la horumariyo iskuullada, iyo in la taageero beeralaydeenna. Taasi waa saaxiibtinnimada dhabta ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Mudane Xamsa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka samaysay hannaanka dowlad-dhisidda iyo dimuqraadiyeynta dalka, isaga oo xusay in shirkii 11-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) ay kasoo baxeen go’aammo wax ku ool ah oo horumarinaya dalka. “Waxaan seeska u dhigaynaa hannaan doorasho oo loo dhanyahay, oo ka madax bannaan faragelin iyo cabsi. Wax fudud ma ahan, balse waxaan ognahay in dimuqraadiyaddu ay mudan tahay.”
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu carrabka ku adkeeyay in hadafka dowladda uu yahay qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda dhammaan gobollada dalka. Waxa uu intaa ku daray in aanay jiri doonin doorasho dadban, isla markaana ay dadka Soomaaliyeed go’aan ka gaari doonaan cidda hoggaamin doonta.May be an image of 6 people, suit and weddingMay be an image of 5 people and headscarfMay be an image of 5 peopleMay be an image of 1 person and text that says "እዲዮያ ደአደ/ 1ARMA រ 100 ማደዲያ .요소주 EUROPEAN UMION SOMALIA ALIA SOMALIA MAALA ዲደሳባ"May be an image of 4 peopleMay be an image of 3 people and eyewearMay be an image of 5 peopleMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 5 people, suit, eyewear and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 12 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 people and textMay be an image of 3 people and eyewearMay be an image of 7 people and suitMay be an image of 8 people and dais
Advertisement

Dowlada oo war ka soo saartay duqeyn loo geystay Daacish-ta Somalia

Muqdisho, 12-ka May 2025 – Howlgal qorsheysan oo dhinaca cirka ah, ujeedkiisuna ahaa burburinta koox ka tirsan Khawaarijta Daacish (ISIS), ayaa waxaa Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo beegsado dhaqdhaqaaqyada kooxda.
Duqeyntan ayaa ka dhacday meel qiyaastii 70km koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, dowlad-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
Maadaama howlgalka uu weli socdo, waxaa socda uruurinta macluumaadka ku saabsan qasaaraha gaaray cadowga iyo dhameystirka hadafka guud ee howlgalka, kaasi oo ah taageeridda hawlgallada Ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku wajahan ciribtirka Khawaarijta Daacish.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa iskaashiga dhow ee ay la leedahay saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan Dowladda Mareykanka, si loo xaqiijiyo nabadda, xasilloonida, iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ee khatar ku ah dalka iyo gobolka.May be an image of text
Advertisement

Muqdisho oo lagu qabtay Kulan looga hadlayay maareynta si xun u isticmaalka baraha bulshada iyo khataraha ka dhasha

May be an image of 6 people and textMuqdisho, 12 May 2025 – Kulan muhiim ah oo looga hadlayay maareynta si xun u isticmaalka baraha bulshada iyo khataraha ka dhasha ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saaray wax ka qabashada dhibaatooyinka ay sababi karaan baraha bulshada marka si khaldan loo adeegsado.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay arrimo ay ka mid yihiin: faafinta wararka been abuurka ah, marin-habaabinta bulshada, iska horkeenka dadweynaha, hadallada naceybka, anshax-xumada, iyo baahinta muuqaallada argagaxa leh ee ay faafiyaan kooxaha argagixisada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, ayaa guddoomiyay kulanka, waxaana ka qeyb galay Agaasimayaal Guud oo ka kala socday wasaaradaha Amniga Gudaha, Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Caddaaladda iyo Dastuurka, Arrimaha Gudaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Qoyska iyo Horumarinta Haweenka, Isgaarsiinta, iyo sidoo kale saraakiil sare oo ka socotay Taliska Booliiska iyo Xafiiska Amniga Qaranka.

Kulanka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray diyaarinta Siyaasadda Qaran ee Maareynta Warbaahinta Bulshada, taasoo qeyb ka ah qorshaha xukuumadda ee lagu wajahayo khataraha ka dhasha isticmaalka khaldan ee baraha bulshada.

Ugu dambeyn, ka qeybgalayaasha ayaa isku raacay in la dardar-geliyo shuruucda iyo dadaallada lagu xoojinayo wacyigelinta bulshada si loo dhiirrigeliyo adeegsiga mas’uuliyadeed iyo wax-tarka leh ee warbaahinta casriga ah.May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people, people smiling and suitMay be an image of 3 people and textMay be an image of 12 people, dais and textMay be an image of 1 person, beard, smiling and suitMay be an image of 1 person, beard and daisMay be an image of 7 people and table
Advertisement

Taliska Booliiska oo Muqdisho ka daah-furey imtixaan loo galayo Layli Sarkaalnimo+SAWIRRO

Muqdisho, 12 May 2025 – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa si rasmi ah u daahfuray imtixaan tartan furan oo loogu talagalay xulashada saraakiil ku biiraya barnaamij waxbarasho oo Layli Sarkaalnimo ah oo ka dhacaya dalka dibaddiisa.

Imtixaankan ayaa looga golleeyahay in meesha laga saaro hab-raacyadii hore ee xulashada fursadaha waxbarasho ee ciidamada, kuwaas oo cabashooyin badan laga muujin jiray. Tartan furan oo hufan ayaa hadda loo marayaa xulashada, si loo xaqiijiyo sinnaanta fursadaha, loogana hortago eexda, nin jeclaysiga, iyo nidaamka “kanaa i xiga”.

Tani waa tallaabo muhiim ah oo ka mid ah isbeddellada hufnaanta ku dhisan ee uu la yimid Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed tan iyo markii uu xilka la wareegay. Waxay sidoo kale qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo hannaanka caddaaladda iyo daahfurnaanta ee hay’adaha ammaanka.

Taliyuhu wuxuu caddeeyay in hannaankan cusub uu sare u qaadi doono kalsoonida ciidamada, isla markaana uu dhiirrigelin doono tartan caafimaad qaba oo ku dhisan karti iyo aqoon.

May be an image of 11 people and people studyingMay be an image of 13 people, people studying, dais and textMay be an image of 11 people, people studying and text

Advertisement

Injineer ka tirsanaa shirkada Hormuud oo lagu dilay Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Allaha u naxariistee Eng Feysal Cabdullaahi Takar oo ka mid ahaa shirkada isgaarsiinta Hormuud ayaa goor dhaw lagu dilay Degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho xili uu gaari watay.

Nin la sheegay inuusan hubeysneyn ayaa qorey uu ka qaatay askari Dowlada ka tirsan wuxuu ku furey gaariga uu watay Injineerka sidaasna isla goobtii ugu geeriyooday.

Ninkaan la dilay oo ahaa dhalinyaro wax bartay ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa shaqaalaha shirkada hormuud waliba qeybta farsamada Feybar Optic .

Hay’adaha amaanka Dowlada iyo masuuliyiinta shirkada Hormuud ayaa lagu wadaa inay sharaxaad ka bixiyaan qaabka dilkaani u dhashay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 1 person, smiling and tree

Advertisement

Maamulka Jubaland oo soo dhaweeyay furitaanka Garoonka diyaaradaha Dooloow

DOOLOOW (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Degmada Doolow ee gobolka Gedo mudane Maxamed Xuseen Cabdi (Lafeey) ayaa si weyn u soo dhaweeyaya talaabadii Dowlada Somalia dib ugu furtay garoon diyaaradeedka Dooloow

Gudoomiye Lafeey wuxuu u mahadceliyay madaxda sar sare ee Dowlada Somalia isagoo tilmaamay in waqtigii xajkana lagu jiro taasoo xujeyda u sahleysa inay halkaan ka baxaan.

“Madaxweyne Xasan,Ra’iisulwasaare Xamsa iyo Wasiir Fartaag waxaan uga mahadcelineynaa xayiraada laga qaaday garoomaha diyaaradaha Gobolka Geddo”ayuu  yiri Gudoomiyaha Dooloow

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday khilaafka u dhexeeya Madaxda Faderaalka iyo Jubaland wuxuuna ugu baaqay inay miiska wada-hadalka isla tagaan kana heshiiyaan wixii is faha daro ah.

“Anagu hadaan nahay gobolka Gedo dhamaanteen Jubaland ayaan katirsanahay arimaha la xiriira siyaasadda waxaa lagala hadlaya madaxda Jubaland ee ku sugan caasimada KMG ah ee Kismaayo”ayuu yiri Gudoomiye Lafeey

XAFIISKA WARAARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement

Shir Nairobi uga furmay Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka

 Nairobi, May 12-2025: Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, shirkan oo diiradda lagu saarayo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa maalgelin ku saabsan horumarinta ilaha wax soo saarka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo hoggaaminaya xubnaha kala duwan ee shirkaan ka qeyb galaya oo ka kooban xafiisyada Madaxeynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala ah Maaliyadda, Qorsheynta, Batroolka, Bangiga Dhexe, Hay’adda Warbixinada Maaliyadda, Hay’adda Istaatistikada Qaranka iyo xafiiiska Xisaabiyaha Guud.
Shirkan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa intiisa badan waxaa lagu gorfayn doonaa, wixii u qabsoomay Dowladda Soomaaliya tan iyo markii lagu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deymihii lagu lahaa, sidoo kale waxa uu noqonayo qorshaha ku aadan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sidii loo maalgelin lahaa mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya gaarsiin kara isku filnaan dhaqaale.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa faahfaahin buuxda ka bixiyay dadaalka Dowladda ee ku aadan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo casriyeynta ilaha dakhliga, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay hadda ku socdaan hannaankii saxda ahaa ee lagu gaari lahaa horumar maaliyadeed.May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 7 people, newsroom and textMay be an image of 12 people, people studying, table and text that says "ANL ANLC AMLCFT CFT"May be an image of 4 people, suit, newsroom and text that says "lip HUAWEI"May be an image of 4 people, people studying and textMay be an image of 7 people and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 7 people and people studying
Advertisement

Xujeyd Soomaalida oo ku sii qulqulaya Dalka Sacuudiga

Soomaali kala duwan oo gobolada iyo caasimada Dalka isaga kala yimid ayaa gaaray Magaalada Makah halkaasoo lagu qaabilaayo si loo kala tuso meelaha laga gudanao

Qaar ka mid ah Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan 1446 xajineysa ayaa gaartay dalka Sucuudiga halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.
Tirada xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa gaareysa 11,500 oo ruux, kuwaas oo ka baxaya garoomada diyaaradaha magaalooyinka waawayn ee dalka, taas oo qaadistoodu ay socon doonto illaa 31-ka bishan May.
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo kaashanaysa guddiga Xamlada iyo Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sucuudiga ayaa ka shaqeyneysa in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si hufan u gutaan waajibaadka xajka ee sanadkan 1446.May be an image of 3 peopleMay be an image of 1 person and textMay be an image of 4 people and text
Advertisement
- Advertisement -

news

Weekly Meal Planner and Grocery List | Google Sheets Digital Template...

0
Weekly menu and shopping list | Digital model of Google sheets | Automated purchase list | Food preparation | Printable digital food planner Plan your...

book store near me

Murf AI

HOT NEWS