Home Blog Page 47

Injineer ka tirsanaa shirkada Hormuud oo lagu dilay Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Allaha u naxariistee Eng Feysal Cabdullaahi Takar oo ka mid ahaa shirkada isgaarsiinta Hormuud ayaa goor dhaw lagu dilay Degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho xili uu gaari watay.

Nin la sheegay inuusan hubeysneyn ayaa qorey uu ka qaatay askari Dowlada ka tirsan wuxuu ku furey gaariga uu watay Injineerka sidaasna isla goobtii ugu geeriyooday.

Ninkaan la dilay oo ahaa dhalinyaro wax bartay ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa shaqaalaha shirkada hormuud waliba qeybta farsamada Feybar Optic .

Hay’adaha amaanka Dowlada iyo masuuliyiinta shirkada Hormuud ayaa lagu wadaa inay sharaxaad ka bixiyaan qaabka dilkaani u dhashay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 1 person, smiling and tree

Advertisement

Maamulka Jubaland oo soo dhaweeyay furitaanka Garoonka diyaaradaha Dooloow

DOOLOOW (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Degmada Doolow ee gobolka Gedo mudane Maxamed Xuseen Cabdi (Lafeey) ayaa si weyn u soo dhaweeyaya talaabadii Dowlada Somalia dib ugu furtay garoon diyaaradeedka Dooloow

Gudoomiye Lafeey wuxuu u mahadceliyay madaxda sar sare ee Dowlada Somalia isagoo tilmaamay in waqtigii xajkana lagu jiro taasoo xujeyda u sahleysa inay halkaan ka baxaan.

“Madaxweyne Xasan,Ra’iisulwasaare Xamsa iyo Wasiir Fartaag waxaan uga mahadcelineynaa xayiraada laga qaaday garoomaha diyaaradaha Gobolka Geddo”ayuu  yiri Gudoomiyaha Dooloow

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday khilaafka u dhexeeya Madaxda Faderaalka iyo Jubaland wuxuuna ugu baaqay inay miiska wada-hadalka isla tagaan kana heshiiyaan wixii is faha daro ah.

“Anagu hadaan nahay gobolka Gedo dhamaanteen Jubaland ayaan katirsanahay arimaha la xiriira siyaasadda waxaa lagala hadlaya madaxda Jubaland ee ku sugan caasimada KMG ah ee Kismaayo”ayuu yiri Gudoomiye Lafeey

XAFIISKA WARAARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement

Shir Nairobi uga furmay Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka

 Nairobi, May 12-2025: Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, shirkan oo diiradda lagu saarayo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa maalgelin ku saabsan horumarinta ilaha wax soo saarka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo hoggaaminaya xubnaha kala duwan ee shirkaan ka qeyb galaya oo ka kooban xafiisyada Madaxeynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala ah Maaliyadda, Qorsheynta, Batroolka, Bangiga Dhexe, Hay’adda Warbixinada Maaliyadda, Hay’adda Istaatistikada Qaranka iyo xafiiiska Xisaabiyaha Guud.
Shirkan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa intiisa badan waxaa lagu gorfayn doonaa, wixii u qabsoomay Dowladda Soomaaliya tan iyo markii lagu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deymihii lagu lahaa, sidoo kale waxa uu noqonayo qorshaha ku aadan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sidii loo maalgelin lahaa mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya gaarsiin kara isku filnaan dhaqaale.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa faahfaahin buuxda ka bixiyay dadaalka Dowladda ee ku aadan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo casriyeynta ilaha dakhliga, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay hadda ku socdaan hannaankii saxda ahaa ee lagu gaari lahaa horumar maaliyadeed.May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 7 people, newsroom and textMay be an image of 12 people, people studying, table and text that says "ANL ANLC AMLCFT CFT"May be an image of 4 people, suit, newsroom and text that says "lip HUAWEI"May be an image of 4 people, people studying and textMay be an image of 7 people and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 7 people and people studying
Advertisement

Xujeyd Soomaalida oo ku sii qulqulaya Dalka Sacuudiga

Soomaali kala duwan oo gobolada iyo caasimada Dalka isaga kala yimid ayaa gaaray Magaalada Makah halkaasoo lagu qaabilaayo si loo kala tuso meelaha laga gudanao

Qaar ka mid ah Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan 1446 xajineysa ayaa gaartay dalka Sucuudiga halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.
Tirada xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa gaareysa 11,500 oo ruux, kuwaas oo ka baxaya garoomada diyaaradaha magaalooyinka waawayn ee dalka, taas oo qaadistoodu ay socon doonto illaa 31-ka bishan May.
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo kaashanaysa guddiga Xamlada iyo Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sucuudiga ayaa ka shaqeyneysa in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si hufan u gutaan waajibaadka xajka ee sanadkan 1446.May be an image of 3 peopleMay be an image of 1 person and textMay be an image of 4 people and text
Advertisement

Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ciidamada Dowlada lagula eegtay Afgooye.

AFGOOYE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay fariisin ciidamada Dowladu ku leeyihiin Magaaladaasi.
Qaraxa oo laga maqlay xaafadaha Magaalada Afgooye ayaa wararka madaxa banaan waxay sheegayaan inuu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamadii Dowlada ee lala eegtay inkastoo aan laga helin tiro sugan.
Qaraxa kadib ayaa goobta waxaa gaaray ciidamo dheeraad ah oo Dowlada ka tirsan inkastoo aaney cidna u soo qaban qaraxa kaliya waxay gurmad u sameeyeen ciidamadii qaraxa lagu weeraray.
Masuuliyiinta Dowlada Somalia iyo Maamulka Koofur-Galbeed midkoodna kama  hadlin qaraxaani iyo khasaaraga ka dhashay, xili la rumeysan yahay in qaraxaani ay ka dambeeyaan kooxda Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement

Xamaas oo sii deyneysa Maxbuus Yuhuud-Amerikan ah

GazaXamaas ayaa sheegtay inay sii deyn doonto maxbuus u dhashay Israa’iil heysta dhalashada Mareykanka oo lagu haysto Gaza, iyadoo kooxdan ay xaqiijisay inay wadahadalo toos ah kula jirto Maraykanka sidii xabbad-joojin looga dhalin lahaa deegaannada ay dagaalladu halakeeyeen iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka Falastiiniyiinta ah ee dhibaataysan.

Kooxda falastiiniyiinta ayaa soo saartay bayaan Axadii , kaasoo ay ku shaaciyeen inay sii deynayaan Askariga Israa’iil Edan Alexander, oo heysta dhalashada Maraykanka.

Xamaas waxay intaasi ku dareen inay Mareykanka kula heshiiyaan sii deynka Edan Alexander inay ku badalayaan xabad joojin iyo in gar-gaarka sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gaarsiiyo shacabka reer Gaza.

Israa’iil ayaa xannibtay dhammaan gargaarkii gelinta Gaza, oo ay ku jiraan cunto, dawo iyo shidaal, muddo 70 maalmood ah.

Hadalka Xamaas ma sheegin goorta la sii dayn doono Alexander oo 21 jir ah, balse waxaa loo malaynayaa in 48 saacadood ee soo socda la sii deyn doono.

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in ergeyga Maraykanka Steve Witkoff uu ku sugnaan doono Israa’iil maalinta Isniinta ah oo qayb ka ah heshiiska.

Ku dhawaaqista ayaa timid wax yar ka hor booqashada madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee Bariga Dhexe toddobaadkan – oo aan ku jirin safar uu ku tagayo Israa’iil.

Trump iyo Witkoff waxay si joogta ah u xuseen arinta maxbuuska  Alexander dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement

Ra’iisul Wasaare Xamsa muxuu kala hadlay Danjiraha Dalka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Dr Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay sidii dowladda Qatar ay uga taageeri lahayd dowladda Soomaaliya arrimaha amniga, horumarka iyo hirgalinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 -2029).
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa uga mahadceliyey xiriirka soo jireenka ah iyo taageerada joogtada ah ee dowladda Qatar ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka.
Danjiraha dowladda Qatar, ayaa xusay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
— Dhammaad —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed JimcaaleMay be an image of 2 people, the Oval Office, dais and text
Advertisement

Milateriga iyo Daraawiishta koofur-Galbeed oo isla fuliyay howlgal ka dhan ah Alshabaab

DAY-NUUNAAY(DAYNIILE.COM)-Milateriga Somalia oo kaashanaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa howlgal ka dhan ah Alshabaab waxay ka sameeyeen tuulooyin hoos taga Deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Bay.

Tuulooyinka Ciidamadu gaareen waxaa ka mida Kuraaw-rooge iyo Dhanbalka, kuwaas oo hoos yimaada deegaanka Deynuunay halkaasoo ay isku fara saareen Alshabaab hubeysan oo fariisimo ku lahaa halkaasi.
Sarkaal u hadlay ciidamada Xoogga ee howlgalka fuliyay gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ayaa sheegay inay howlgalka byu burburiyeen fariisimihii kooxda Alshabaab.
Sidoo kale warka saraakiisha ka soo baxay waxaa lagu shaaciyay inay howlgalka ku dileen qaar ka mid ah dagaalamayaasha Alshabaab walow uusan tira cayiman sheegin.
Ujeeddada howlgalka ayay ku sheegeen  xaqiijinta amniga, ciribtirka Alshabaab iyo xoojinta haykalka dowladnimo ee deegaanka sida ay warka u dhigeen Gashaanle Dhexe Cabdiraxmaan Nishow Cali iyo Taliyaha Daraawiishta Burjaad G/le Awul Ibraahim Cabdullaah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 6 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 5 people and rhinocerosMay be an image of 8 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 5 people
Advertisement

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Gaza

Israa’iil ayaa duqeysay Qaza, iyadoo duqeysay xarun dugsi oo gabaad ah oo ay ku dishay ugu yaraan 15, iyadoo guud ahaan go’doominta marinka Marinka ay galayso maalintii 71-aad.

Xasuuqa lagu hayo shacabka Falastiin gaar ahaan reer Qaza ayaa sii kordhaya iyadoo ay taasi u sii dheer tahay macaluusha iyo gaajada ay caruurta reer Gaza u le’anayaan.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale weeraro ku qaaday Xudeydah Yemen ka dib markii ay uga digeen dadka degan saddex dekedood oo ay Xuuthiyiinta gacanta ku hayaan – Ras Isa, Hodeidah iyo Salif – inay cararaan.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 52,829 falastiiniyiin ah waxaana ku dhaawacmay 119,554, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Xafiiska Warbaahinta Dowladda ayaa tirada dhimashadu ka badan tahay 61,700, iyadoo sheegtay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo maleynayo inay dhinteen.

Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay bishii Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement

Nin Walaalkiis maanta ku dilay Magaalada Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dil naxdintiisa leh kaasoo ahaa laba isku aabe iyo hooyo ah oo is dilay.

Gacan ku dhiigle Aadan Yuusuf Aadan ayaa mid ku dilay walaalkiis la dhashay  Shuceyb Yuusuf  Aadan.

Dhacdadaani ayaa ka dhacday Degmada Howlwadaag gaar ahaan nawaaxiga isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho,waxaana dilkaani sababay sida la sheegay muran soo kala dhex galay labada walaalo.

Ciidamada Dowlada ayaa gacanta ku dhigay gacan ku dhiigle Aadan Yuusuf Aadan,waxayna u gudbiyeen eybta danbi-baarista CID.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
- Advertisement -

news

eBooks Buy Fiction, Non-Fiction, and Textbooks Online

0
In the digital world of rapid movement, access to books has never been easy. Whether you are a student, lover of books or specialists,...

book store near me

Murf AI

HOT NEWS