Home Blog Page 49

 Garsooraha caanka ah ee Cumar C/qaadir Cartan oo loo magacaabay inuu dhex dhexaadiyo Fiinaalka CAF Champions League.

Garsooraha Soomaaliyeed ee caanka ah Cumar C/qaadir Cartan ayaa loo magacaabay inuu dhex dhexaadiyo Fiinaalka CAF Champions League kaasoo dhex mari doona kooxo ka kala socda Dalalka Masar iyo Koofur-Afrika.
Magacaabista Garsoorahaan Soomaaliyeed ee Cumar C/qaadir Cartan ayaa ka dhigeysa markii ugu horeysay taariikhda ee Garsoore Soomaaliyeed loo dhiibo fiinaal-ka CAF Champions League.
Kulanka oo u dhexeeya Kooxaha Pyramids FC(Egypt) VS Mamelodi Sundowns(South Africa) ayaa lagu wadaa Garsoore Cartan inuu sida lagu yaqaan uga soo baxo karti ,hufnaan iyo aqoon.
Kulankaan ayaa ka dhici doona 30 June garoonka Stadium (Natural grass) ee Magaalada Qahira ee Caasimada Dalka Masar.
XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COMMay be an image of 1 person, playing football, playing American football and text that says "FIFA REFERCE REFEREE ς ASTAAN SPORTS @ostaansports"
Advertisement

Tababarihii kooxda Elman oo iska casilay kooxdaas

Macalinkii Kooxda Elman SC  Cabdiraxmaan Cali Abuukar ayaa baraha bulshada wuxuu ku shaaciyay inuu iska casilay macalimimada kooxdaasi isagoona sheegay koox kale uu macalin u noqon doono.
Tababare C/raxmaan Cali Abuukar waxaa la sheegay inay tahay markii labaad oo uu iska casilayo shaqada macalimimada kooxaha heerka koowaad ee Somalia tan iyo markii uu dalka dib ugu soo laabtay.
Kooxda Elman waxay ka mid tahay kooxaha ugu awooda badan kooxaha soomaalida ee heerka koowaad waxaana aas’aasay samafa;ihii Elman Cali Axmed Allaha u naxariistee burburkii Dowladii kacaanka kadib.
Macalin cusub ayaa hada la hadal hayaa inay durba Elman ku dhawaaqeyso maalmaha soo socda.
XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COMMay be an image of 1 person, beard, playing football, playing American football and text
Advertisement

Waa tan sababta ugu weyn Mohamed Salah u doonayo inuu ugu guuleysto Ballon d’Or

XIGASHO LAACIB.NET

Weeraryahanka Liverpool iyo xulka Masar, Mohamed Salah, ayaa sheegay inuu rajeeynayo in uu maalin uun ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or, isagoo ku sababeynaya inuu doonayo inuu kaga farxiyo dadka dalkiisa.

Salah, oo 32 jir ah, ayaa xilli ciyaareed cajiib ah ku qaatay kooxda Reds, isagoo dhaliyay 33 gool isla markaana caawiyay 23 kale 49 kulan oo uu u saftay kooxda uu hoggaamiyo Arne Slot.

Xiddigan reer Masar ayaa door muhiim ah ka qaatay hanashada horyaalka 20-aad ee Liverpool, laakiin ka haritaanka tartamada Champions League iyo Carabao Cup ayaa dhabar jab ku noqday fursadiisa ku aaddan Ballon d’Or.

Isagoo la hadlayay majaladda France Football, Salah ayaa yiri: “Ma aha wax aniga igu xiran, balse si cad, waxaan jeclaan lahaa inaan maalin uun ku guuleysto Ballon d’Or – dadkayga darteed.”

Salah ayaa sidoo kale xusay sida ay riyadiisu ku dhalatay markii uu yimid Anfield: “Markaad ka timaaddo tuulo ku taal Masar adigoo ilme ah, way adag tahay inaad ku riyootid Ballon d’Or. Markii aan imid Liverpool, waxaan bilaabay inaan si dhab ah uga fikiro, laga yaabee maalin uun… Laakiin xitaa haddii aanan ku guuleysan, xirfadeyda weli waxay ahaan doontaa mid guuleysatay.”

Waa Tan Sababta Ugu Weyn Mohamed Salah U Doonayo In Uu Ugu Guuleysto Ballon d’Or

Advertisement

Dani Olmo oo shaaciyay qorshaha kulanka El Clasico

XIGASHO LAACIB.NET

Dani Olmo ayaa wajahaya xilli ciyaareed adag, iyadoo qaab ciyaareedkiisa uu ahaa mid aan joogto ahayn kulamadii u dambeeyay. Si kastaba ha ahaatee, khadka dhexe ee Barcelona ayaa go’aansaday inuu muujiyo kartidiisa kulanka weyn ee El Clasico maanta ka dhacaya garoonka Montjuic.

Wargeyska SPORT ayaa sheegaya in Olmo uu si adag uga shaqeynayo sidii uu boos uga heli lahaa safka koowaad ee ciyaarta muhiimka ah, isagoo si buuxda u fahamsan in kulankan uu noqon karo mid go’aamiya masiirkiisa xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo uu leeyahay xirfad farsamo oo heer sare ah iyo aragti ciyaareed fiican, haddana Olmo ma uusan la imaanin bandhigyo qancinaya dhawaanahan. Kulankan ayaa noqon kara fursad uu wax walba ku beddeli karo.

Gool uu ka dhaliyo El Clasico ayaa noqon lahaa mid muhiim u ah Olmo, maadaama uusan waligiis gool ka dhalin Real Madrid ciyaar rasmi ah. Wuxuu wajahay kooxda Madrid lix jeer, isagoo helay afar guul, hal barbaro iyo hal guuldarro, balse weli kama uusan qayb qaadanin gool ama caawin.

Ciyaartan waxay u tahay fursad uu sumcad ku dhisan karo, isla markaana kalsooni ku kasban karo kooxda iyo taageerayaasha.

Dani Olmo Oo Shaaciyay Qorshaha Kulanka El Clasico

Advertisement

Dad Shacaba oo aano qabiil loogu dilay deegaan hoos taga Degmada Caddalle

CADDALE (DAYNIILE.COM)- Wararka saaka laga helaayo Magaalo Xeebeedka Caddalle ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in saaka degaan hoos taga Degmadaasi lagu dilay laba nin oo si weyn looga yaqaan Caddalle.

Tuulada Koogaar oo hoos tagta Degmada Caddalle ayaa lagu diley labada nin oo magacyadooda lagu kala sheegay Muxudiin Caraale Aw-cali  iyo Macalin C/laahi Fanax.

Allaha ha u naxariistee Muxudiin Caraale Aw-cali waxaa la soo sheegayaa inuu ahaa shaqsiga iska leh ceelka Tuulada Koogaar,halka Macalin C/laahi Fanax isna la sheegay inuu ku howlanaa furista shirkada isgaarsiinta ee Tuuladaasi islamarkaana uu shalay soo gaaray tuuladaasi.

Meleeshiyaadka dilka geystay ayaa goobta ka baxsday walin wax wara kama soo bixin Hay’adaha amniga ee  Degmada Caddalle iyo guud ahaan Maamulka Hirshabelle kaasoo looga hadlayo dilalkaani foosha xun.

dhawaan ayaa la sheegay in beesha raggaani laga dilay iyo kuwa dilay inay ku heshiiyeen dilal heshiis iyo in dilal hore ay diya ka kala qaataan balse hada waxaa muuqata in xiisad hore leh ay dhalin karto dilalkaani Rabi hakala qaboojiyee.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement

Taliye Asad muxuu kala hadlay Wafdiga UNDP+SAWIRRO

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya Lionel Laurens iyo masuuliyiin sare oo xafiiskiisa ka socda.
Kulan gaar ah oo ay yeesheen ayaa looga hadlay sugidda amniga codbixiyeyaasha doorashada maadama Booliisku ay u xilsaaran yihiin ilaalinta amniga muwaadiniinta, xoojinta wadashaqeynta labada dhinac iyo dardargelinta howlaha horumarinta ciidanka.May be an image of 3 people, dais, newsroom and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 3 people, newsroom, dais and text
Advertisement

Maleeshiyaadkii aanada Qabiil ku leysay Qoyska Soomaaliyeed oo xogtooda la helay.

MADERA (DAYNIILE.COM)-Hay’adaha Amniga Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqay inay xog sugan ka heleen maleeshiya Beeleed Soomaalda Kenya ka mida oo dhawaan hal goob ku xasuuqa Qoys Soomaali ahaa kuwaasoo ay aano qabiil ahaan u laayeen.

Dowlada Kenya warka ka soo baxay waxaa lagu shaaciyay inay heleen Xogta maleeshiyaadka dilka geystay sida Sawiradooda,Magacyadooda iyo waliba macluumaad sahli kara soo qabahashooda si sharciga loo hor geeyo.

Saraakiisha Hay’adaha amaanka u hadlay waxay intaasi ku dareen rajada xooggan ee ay ka leeyihiin inay sida ugu dhaw u soo qabtaan gacab ku dhiiglayaashaasi.

Masuuliyiin ayaa ka hadashay sida Gudoomiyaha, Sanatarka-ka iyo Odayaasha ismaamulka Mandera,Sanatarka Cali Roda ayaa waxaa ka mid ahaa hadaladiisa in reer Madera uu ku dhacay Habaar aysan garaneyn meel uu uga yimid.

Hay’adaha amaanka Kenya waxay sidoo kale ugu baaqeen shacabkii colaad beeleedkaani ku barakacay inay dib ugu soo laabtaan guryahoodii.

Falkaasi foosha xun ayaa dhawaan ka dhacay duleedka Magaalada Mandera gaar ahaan Degmada Baanisa iyadoo qoyska la laayay ay ahayeen aabe ,xaasaskiisa iyo caruurtiisa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement

Dowladda Turkiga oo bilowday mashruuc ay dhaqaale ku siineyso lamaanayaasha is guursaya iyo kuwa ilmaha isu dhala

Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo lamaanayaasha doonaya iney is guursadaan sanadkan 2025.
Dowlada Turkigu waxay lamaane kasta oo doonaya iney is guursadaan siinaysaa lacag amaaha oo dhan 150,000 TL oo u dhiganta 3869 dollar, waana lacag bilaa ribo ah oo loogu talagalay iney lamaanuhu nolol ku sameystaan.
Qaabka lacagtan loo bixinayo, waa in lamaanaha labada sano ee ugu horeysa wax lacaga iney bixiyaan laga rabin. ujeedada tan loo sameeyay waa in lamaanaha cusubi ka walwalin deynta si ay nolol u dhistaan, labada sano ee hore marka ay dhamaadaan waxaa lamaanaha laga rabaa iney deynta bixiyaan waxayna ku bixinayaan mudo afar sano ah.
Waxaa kale oo shuruudaha kamid ah hadii lamaanaha cusubi ay ilmo dhalaan inta lagu guda jiro afarta sano ee deynta bixinta waxay codsan karaan in sanad dheeri ah loogu daro mudada deyn bixinta.
dhanka kale dowlada wadanka Turkigu waxay waalid kasta oo ilmo dhala sanadkan 2025 iyo wixii ka danbeeya siineysaa kaalmo dhaqaale.
Ilmaha koobaad ee sanadkan dhasha waxaa waalidiinta dhalay lagu siinayaa 5000 TL oo u dhiganta 129 dollar, waana kaalmo halmar ah.
Laakin hadii uu ilmo labaad dhalo wuxuu waalidkaasi ku helayaa 1500 TL oo u dhiganta 38 dollar oo bil kasta uu qaadanayo mudo shan sano ah sidoo kale hadii ilmo sedexaad dhalo wuxuu waalidku helayaa 5000 TL oo u dhiganta 129 dollar bil kasta mudo shan sano ah oo xidhiidha.
Madaxweynaha Turkiga ayaa ku dhawaaqay in sanadkan 2025 uu yahay sanadka qoyska, wuxuuna qaadayaa talaabooyin dhaqaale oo lagu dhiirigalinayo guurka, dhalmada iyo qoys dhisida si kor loogu qaado tirada dadweynaha Turkiga loolana dagaalamo dhaqamada xun ee halista ku ah qoysaska sida khaniisnimada oo kale.
Advertisement

Madaxweynaha Ruushka oo aqbalay wada-hadal uu la galo Dalka Ukraine

Russian President Vladimir Putin gives a statement to the media at the Kremlin in Moscow, Russia May 11, 2025.MOSCOW (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa soo jeediyay wadahadal toos ah oo uu Ukraine kula yeesho Istanbul 15-ka bishan May iyada oo aan wax shuruudo ah lagu xirin si loo gaaro nabad waarta iyo in meesha laga saaro sababaha asaasiga ah ee colaadda saddexda sano ah.

Aqbalaada Madaxweynaha Ruushka ee wada-hadlka ayaa timid ka dib markii hoggaamiyeyaasha Ukraine, Faransiiska, Jarmalka, Poland iyo Boqortooyada Ingiriiska ay ku baaqeen xabbad joojin 30 maalmood ah oo shuruud la’aan ah inay bilaabato Isniinta.

Hogaamiyayaasha, oo ku shirsanaa Kyiv, ayaa sheegay in baaqooda uu taageerayo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, waxayna ku hanjabeen cunaqabatayn ballaaran oo cusub oo la saarayo Moscow haddii aysan aqbalin nabada iyo xabad joojin la wada galo.

Putin si cad ugama hadlin baaqa dalalkaasi, laakiin wuxuu ku dhaleeceeyay Yurub hadallada lidka ku ah Ruushka ka hor inta uusan soo bandhigin soo jeedinta lidka ku ah wada-xaajoodyada Ruushka iyo Ukraine ee dib loo cusbooneysiiyay.

“Waxaan soo jeedineynaa in Kyiv ay dib u bilaabaan wada xaajoodka tooska ah iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirin,” madaxweynaha Ruushka ayaa sidaas u sheegay  suxufiyiinta.

“Waxaan u fidineynaa maamulka Kyiv inay dib u bilaabaan wada xaajoodka Khamiista, kaasoo ka dhici doona Istanbul.” ayuu mar kale yiri Putin

Madaxweyne Putin wuxuu sidoo kale sheegay in Axadda dambe uu kala hadli doono madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan fududeynta wadahadallada.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement

Dooni Ganacsi oo Dekada Boosaaso ku gubatay

BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Dekada Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland ayaa sheegaya inay halkaasi ku gubatay dooni ganacsi oo u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed.

Doonidaan oo siday raashin ayaa si gaar ah ugu rarneyd ganacato reer Puntland waxaa mar kaliya qabsaday dab taasoo keentay inuu doonta ku faafo ,holac iyo uuro qiiqna uu ka baxay.

Doonidaan oo ka timid Dalka India ayaa intaanba raashinka laga dejin waxa qabsaday dabka,waxaana magaca doonida lagu sheegay Faa’isa Suldaan.

Raashinka saarnaa doonidaan oo ay lahayd shirkad lagu magacaabo Jaabo ayaa lagu guuleystay in qaar la bad-baadiyay markii uu dabku bilowday,iyadoo dabkaasina shalay lagu guuleystay in la baqtiijo.

Maamulka Dekada Boosaaso ayaa ku guuleystay in dabkaasi uusan u sii gudbin dooanka iyo maraakiibta kale ee dekadaasi taagnaa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMOpen photo

Advertisement
- Advertisement -

news

Murf AI

0
Murf AI: The Ultimate Platform for High-Quality Voiceovers in Multimedia Content In present day day virtual international, content introduction is extra important than ever. Whether...

book store near me

HOT NEWS