Home Blog Page 67

Ra’iisulwasaare Xamsa oo dhagax dhigay mashaariic laga hirgelinaayo Laas-caanood+SAWIRRO

Laascaanood, Axad, 13 Abriil 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay siddeed mashruuc oo muhiim ah, kuwaas oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka hirgelinayso magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaannada maamulka SSC-Khaatumo.

Ra’iisul Wasaaraha oo mudnaan gaar ah siinaya muhiimadda ay leedahay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed adeegyada sida gaarka ah loogu baahan yahay, ayaa sheegay in mashaariicdan ay xoojin doonaan isku-xirka bulshada iyo dowladnimada, una gogol-xaarayaan kobac dhaqaale iyo horumar waara oo laga hirgaliyo dalkeenna.

Mashaariicda la dhagax-dhigay ayaa kala ah:
𝟏. 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐭𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨.
𝟐. 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐉𝐢𝐧𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚, 𝐋𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐜𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝.
𝟑. 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐁𝐨𝐥𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨.
𝟒. 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐅𝐚𝐫𝐬𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐜𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐚𝐲𝐢𝐝 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝.
𝟓. 𝐖𝐚𝐝𝐝𝐚𝐝𝐚 𝐥𝐚𝐚𝐦𝐢ga 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐫𝐢 𝐝𝐨𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐦𝐚𝐤𝐚𝐚𝐛 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐮𝐮𝐡𝐨𝐨𝐝𝐥𝐞.
𝟔. 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐲𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐝𝐮𝐰𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐤𝐮 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐲𝐧 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚𝐚𝐧 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨.
𝟕. 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐝𝐞𝐠𝐝𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐚𝐡 (𝐒𝐎𝐃𝐌𝐀).

8. 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦o.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in ay farxad galinayso dhismaha xarumahan muhiimka ah kuwaas oo bixin doona adeegyada muhiimka ah ee dowladda, isagoo ballan-qaaday in mashaariic kale oo badanna dowladdu keeni doonto mustaqbalka.May be an image of 9 peopleMay be an image of 8 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 9 people, suit and weddingMay be an image of 2 people and roadMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 12 peopleMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 11 peopleMay be an image of 16 peopleMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 6 people and text that says "ነዳውይ wAaI TAALKA Αυτα! JAGAX DHIGGA -K STATE ASAARAHA XUKUUMADDA JFS AMZA CABDI BARRE"May be an image of 6 people and text that says "ነዳውይ wAaI TAALKA Αυτα! JAGAX DHIGGA -K STATE ASAARAHA XUKUUMADDA JFS AMZA CABDI BARRE"May be an image of 4 people and daisMay be an image of 6 people and suitMay be an image of text that says "ነስስና LAPAS M0J Fenacn Cantracting FenaceSte:CcatractingCnany Company Laasca Laascaanood BKceBHй DHAGAX DHIGGA XARUNTA CILMIGA FARSAMADA GAÇANTA EE SAYID MOHAMED SAMTEC RA' ISAL WASAARAHA XUKUUMADDA JFS MUDANE XAMZA CABDI BARRE UURMAAX မ N"May be an image of ‎3 people and ‎text that says "‎عمقطا እያሰ 成 DHAGAY DHIGGA YADA MAMI C-KHAAT, SOOMAALIY XUKUUMADDA JFS RA RA'IIS IIS IIS CABDIBARRE CABDI BARRE MUDA لوة‎"‎‎

Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo u hanjabay Xamsa Cabdi-Barre

HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa markii ugu horaysay ka hadlay safarka wafdiga Dowlada Somalia ay ku joogaan Magaalada Laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool iyo Maamulka SSC Khaatumo.
C/raxmaan Cirro si adag ayuu uga hadlay safarka uu Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya ku joogo magaalada Laascaanood halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Sidoo kale wuxuu sheegay Madaxweynaha Somaliland in masuuliyada ay qaadi doonto Dowlada Somalia wixii dhibaato ah ee ka dhashay safarkaasi.

“Safarka Xamse Cabdi Barre ku yimid Laascaanoodna waa is maqiiq, wixii kaga yimaaddana Soomaaliya ayaa masuuliyaddeeda qaadaysa” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Inkastoo wasiirada Maamulka Somaliland hanjabaado wadeen maalmihii ugu danbeeyay hadana C/raxmaan Ciiro waa markii ugu horeysay ee uu ka hadlo safarka Xamsa walibana uu markiisa hanjabo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Dhaqaale la’aan soo wajahay howlgalka AUSSOM

NEW YORK (DAYNIILE.COM)-Howlgalka cusub ee ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgalaya Somalia loona yaqaan AUSSOM  ayaa la sheegayaa inuu dhaqaale dari soo wajahay.

Madaxa Howlgalka Taageerada Amniga Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Sivuyile Bam ayaa warbaahinta la wadaagay dhaqaala yarida soo wajahday howlgalka cusub ee AUSSOM kuwaasoo qorshuhu yahay in lagu badalo howlgalkii hore ee ATMIS.

Sivuyile Bam wuxuu ka digay inay sii socoto khatarta dhaqaale ee soo wajahday howlgalka bAUSSOM isagoo carabka ku adkeeyay inay arintaani halis ku tahay sii jiritaanka howlgalka.

Masuulkaani wuxuu ka qeybgalay kulan gaar ah oo looga hadlayay xaaladda Soomaaliya oo ay yeesheen Golaha amaanka Qaramada Midoobe,wuxuu ka digay bixin la’aanta mushaarka ciidamada iyo howlwadeenada sida shaqaalaha rayidka ah iyo kuwa ciidamada ee u shaqeeya howlgalka.

“waxaan ka digeynaa sii socoshada mushahar la’aanta sii socota 7 ilaa 9 bilood taasoo keentay hadaba niyad jab soo gaaray shaqaalaha iyo ciidamadaba”ayuu yiri Madaxa Howlgalka Taageerada Amniga Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Sivuyile Bam .

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

SAWIRRO: Gudiga Doorashooyinka oo Muqdisho ka daah-furey Diiwaan-Galinta Codbixiyaasha

Gudiga Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta Muqdisho ka daahfuray Ololaha Qaran ee Diiwaan-Galinta Codbixiyaasha.
Munaasabad lagu daahfurayay Ololahan ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir , Wasiir Xagaa iyo Masuuliyiin kale.
Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in Somaliland iyo Puntland ay horey uga dhacday doorashada laakiin hadda ay ka bilaabi doonaan Gobolka Banaadir, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubaland & SSC Khaatumo
Guddoomiyaha Gudiga doorashooyinka madaxa banaan iyo sooh-dimaha Cabdikariin Axmed ayaa saxaafada u sheegay inay tagi doonaan Jubaland iyo Puntland si ay kala hadlaan arimaha doorashooyinka.May be an image of ‎7 people and ‎text that says "‎GUDIGA MADAXA- MADAXA-BANNAAN BANNAAN EE DOORASHOOYINKA QARANKA IYO SOOHDIMAHA DOORASHODYSN میم IWOEPENDENT NIEBC المستقلة الوطنية اللجنت والحدود للانتخابات DAAH-FURKA OLOLAHA QARAN EE DIIWAAN-GELINTA -GELINTA COD-BIXIYAASHA 01 SAFKADIWAAN-GELINTA SAFKA DIWAAN CELINTA HUBINTA AQOONSIGA 5-DIWAAN-GELIYAHA BUUXINTA UUXINTAFOOMKA FOOMKA DIWAAN-GELINTA DIWAAN 04 SAWIRKA FARAHA SAWIRKAFARAHAIYOWAJIGA YO WAJIGA 13 Sunday: April 2025 Decale Hotel: Mogadishu. Somalia GUDDOONSINTASHAHAADADA SHAHAADADA‎"‎‎May be a doodle of ‎text that says "‎yoBa3aHblK 7 NIEBC YAA ISDIIWAAN- GELIN KARA? Qof kasta 00 muwaadin Soomaali ah 00 gaaray da'da da 18 sano ama ka weyn ayaa is diiwaan-gel kara SI uu u codeeyo. Qofkii aan isdiiwaan-gelin xa uma leh in uu codeeyo لل Farlintanwaxaykaagatimid waxay kaaga timid GuddigaMadaxa-bannaane annaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.‎"‎May be an image of 8 people and textMay be an illustration of 3 people and text that says "NIEBC MUHIIMADDA ISDIIWAAN-GELINTA CODBIXIYAHA: Diiwaan-gelinta codbixiyuhu waa hab aasaasi ah doorashooyinka Qof iyo Cod, Muwaadinka sahlaysa inuu helo kaarka codbixinta, uu u codeeyo. Ku dhiiri-geli Qoyskaaga, Ehelkaaga iyo Asxaabtaada inay isdiiwaan-geliyaan Ogsoonow qofkii aan isdiiwaan-gelin oo kaarka aan qaadan xaq uma laha in uu codeeyo. ጥንር GuddigaMadaxa-bannaanee ee Fariintan waxay kaaga timid Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha."May be a doodle of 3 people, slow loris and textMay be an illustration of ‎4 people and ‎text that says "‎O 7 yopcлaRHapbKa NIEBC MUWAADIN KASTA 00 NAAFO AH 00 MASKAXDIISU FAYOW DAHAY, WAXA UU U LEEYAHAY IN UU ISDIIWAAN-GELIYO. GELIYO. كلع Farlintanwaxaykagatimid waxay kaaga timid Fariintan Guddiga aMadaxa-bannaa GuddigaMadaxa-bannaane a-bannaan ce Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.‎"‎‎May be a graphic of 1 person and text that says "O 7 สูอ 2 NIEBC DHALINYARADU WAA LAF-DHABARKA BULSHADEENA Si aan u hirgelino doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dalkeena ka qabsooma Fadlan isdiiwaan-geli oo bulshada hormuud u noqo. Hadaanad is Diiwaangelin oo kaarka aadan qaadan ma codeyn kartid ናና GuddigaMadaxa-bannaan фe Fariintan waxay kaaga timid Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha."May be an image of ‎text that says "‎BANNAAN EE DOORASHOOYINKA استد نوشب DARANKA عدرة الحب IYO 7 INDEPENDEN K事 BOUNGRRIES OMMISSION TELECTORA NIEBC ISDIIWAAN-GELI MUWAADIN 00 QAADO KAARKA CODEYNTA 2025 Fariintan waxay kaaga timid Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.‎"‎

XOGTA: Mashaariicda badan ee Ra’iisulwasaare Xamsa uu maanta ka dhagax dhigayo Laas-caanood +SAWIRRO

May be an image of textLAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Laas-caanood ee xarunta SSC Khaatumo ayaa sheegaya in maanta Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre uu halkaasi ka dhagax dhigaayo mashaariic dhismayaal Dowladeed u badan.

Ra’iisulwasaaraha ayaa maalmaha uu joogo Laas-caanood lagu wadaa inuu mashaariicdaasi ku dhagax dhigo.

Xamsa Cabdi Barre Mashaariicda uu maanta dhagax dhigaayo waxaa ka mid ah :-

1-Madaxtooyada
2-Xarunta Cilmiga Farsamada Gacanta ee Sayid Maxamed Cabdalle Xasan
3-Xarunta Taliska Police ka .
4-Xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadaha -Laanta SSCKH
5-Xarunta Gurmadka Qaran Laanta SSC-Khaatumo
6-Xafiisyada Dawlada (Xafiisyo isku xidhan oo kala duwan)
7-Wadada Buuhoodle iyo laas-caanood isku xirta.
8-Cusbitaal Dawladeed.
iyo mashaariic kale kuwaasoo dhamaantood qorshuhu ku jiro in sanadaha soo aadan laga dhaqan geliyo Laas-caanood.
May be an image of text that says "WA นคค Fenoon StarCoitractingCompany Star Coatracting Company Laascaanood HCH3TAΚ DHAGAX DHIGGA TALISKA BOOLISKA SSC KHAATUMO RA 'IISAL WASAARAHA XUKUUMADDA JFS MUDANE XAMZA CABDI BARRE y보에스프"May be an image of text that says "LPAS LPAAR Laascaanood Fencon Star Contracting FeneenStarConifacingCageny Campany, THOOSBTA DHAGAX DHIGGA WADDADA LAASCAANOOD- BUUHOODLE RA IISAL WASAARAHA XUKUUMADDA JFS MUDANE XAMZA CABDI BARRE ប្កក"May be an image of ‎text that says "‎ነውያ እግይባ كار 남 Femoan StarCanteting corpery Laascaanood DHAGAX DHIGGA XARUNTA CILMIGA FARSAMADA GAÇANTA EE SAVID MOHAMED SAMTEC RA TISAL WASAARAHA XUKUUMADDA FS MUDANE ΧΑΜΖΑ CABDI BARRE nowaK‎"‎May be an image of textMay be an image of textMay be an image of 4 people and text

Wajiga Kowaad ee wadahadallada Iiran iyo Maraykanka oo la soo gabagabeeyey iyo waxa looga hadlay

=XIGASHO BBC SOMALI=Wadahadallada Maraykanka iyo Iiran

Iiraan iyo Maraykanka ayaa soo gabagabeeyay wareegii ugu horreeyay ee wadahadallada oo ka dhacay Cumaan, oo ku saabsan barnaamijka nuclear-ka ee Tehran – kulan heerkiisu sarrreeyo kii ugu horreeyey ee labada dal yeeshaan tan iyo 2018.

Labada dal ayaa kulanka ku tilmaamay mid “wax ku ool ah” waxayna xaqiijiyeen in wareeg labaad oo wadahadallo ah uu dhici doono usbuuca soo socda – Maraykankana waxa uu ammaanay “Wadahallada tooska ah” inay tahay furaha heshiis suurtagal ah.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Mareykanka ka saaray heshiiskii hore ee Nukliyeerka ee u dhaxeeyay Iran iyo quwadaha adduunka sanadkii 2018, wuxuuna muddo dheer sheegayey inuu sameyn doono heshiis “ka wanaagsan”.

Wadahadalladan waxaa loo arkaa inay yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu ogaanayo haddii heshiis la gaari karo.

Kulankii ugu horreeya oo socday laba saacadood iyo bar, waxa uu ahaa mid kooban, oo sida la sheegay xushmad ku dheehan tahay -kaas oo looga gudbay wareega labaad.

Taasi waxay ahayd sida ugu wanaagsan ee ay dhici karto markii mas’uuliyiinta Iiraan iyo Maraykanka ay fariisteen Muscat, caasimadda Cumaan, kaas oo diblumaasigiisa ugu sarreeya uu dhexdhexaadiyay wada xaajoodyada aan tooska ahayn.

Wadahadalladani waxay ahaayeen kuwa ugu muhiimsanaa tan iyo markii Trump uu ka baxay heshiiskii nuclear-ka ee Iiraan iyo quwadaha caalamka ee 2015, intii uu xafiiska joogay.

Go’aanka wakiilka Iiraan ee wadahadallada, Wasiirka Arrimaha Dibedda Abbas Araghchi, wuxuu ahaa mid togan.

“Ra’yigayga, kulanka ugu horeeya wuxuu ahaa mid wax ku ool ah oo lagu qabtay jawi aad u nabdoon oo ixtiraam leh, sababtoo ah ma jirin luqad aan munaasab ahayn oo la isticmaalay,” ayuu u sheegay TV-ga qaranka Iran.

Codkiisa diblomaasiyadeed wuxuu muujinayaa in kooxda Maraykanka ee uu hoggaaminayo wakiilka Trump, Steve Witkoff, aysan soo celin wax ka mid ah hanjabaadihii madaxweynaha ee ahaa in Iiraan ay la kulmi doonto “khatar weyn” haddii wadahadalladan aysan guuleysan. Wuxuu si joogto ah uga digay weeraro millatari oo suurtagal ah.

Kulankani wuxuu dhacay iyadoo wafuudu ay ku suganaayeen qolal kala duwan uuna fariimaha u u kala gudbinayey wasiirka arrimaha dibada ee Cuman,Badr bin Hamad al-Busaidi.

Witkoff, oo hogaaminaya wafdiga Mareykanka, ayaa horey uga hadlay kaliya kulan fool ka fool ah.

Laakiin Araghchi iyo Witkoff waxay wada hadleen dhowr daqiiqo iyada oo uu joogay Busaidi – taasoo aysan ahayn wadahadalladii tooska ahaa ee ay mas’uuliyiinta Maraykanku sheegeen inay dhici doonaan, balse waxay noqon kartaa furitaan yar oo muhiim ah.

Bayaan ay soo saareen aqalka cad ka dib wadahadallada, ayaa lagu sheegay in wadahadalladu “ay ahaayeen kuwo aad u togan oo wax ku ool ah,” iyadoo la xusay in Witkoff uu Iiraan ku adkeeyay inuu haystay tilmaamo ah inuu xal u raadiyo “khilaafaadka” labada dhinac “iyadoo loo marayo wadahadal iyo diblomaasiyad, haddii ay taasi suurtagal tahay.”

“Arrimahani waxay ahaayeen kuwo adag, wadahadallada tooska ah ee maanta ergyaga gaarka Witkoff, waxay ahaayeen tallaabooyin horey loo qaaday si loo gaaro natiijo faa’iido leh oo labada dhinac ah,” ayaa lagu daray bayaanka.

Araghchi, ayaa ka hor wadahadallada sheegay in wadankiisu uu doonayo “heshiis cadaalad ah”.

Ka dib markii wada-hadallada la soo gabagabeeyay, wuxuu sheegay in laga yaabo in wadahadallada toddobaadka soo socda aysan ka dhicin Cumaan, laakiin ay weli dhexdhexaadin doonaan qaranka Bariga Dhexe. Aqalka Cad ayaa sheegay in ay dhici doonaan Sabtida soo socota.

“Anaga, iyo dhinaca kale, ma doonayno wadahadallo aan faa’iido lahayn, dooddo aan macno lahayn, waqti lumis ah, ama wadahadallo sii soconaya weligood,” ayuu u sheegay Araghchi telefishinka dowlada Iiraan.

Arrinta ugu muhiimsan ee la isku haysto ayaa ah nooca heshiis ee labada dhinac ay diyaar u yihiin inay aqbalaan.

Trump ayaa bishii hore warqad u diray hogaamiyaha sare ee Iiraan isaga oo maraya Imaaraatka Carabta, isagoo sheegay inuu doonayo heshiis si looga hortago in Iiraan ay hesho hubka nuclear-ka iyo si looga fogaado weeraro millatari oo suurtagal ah oo ay Maraykanku iyo Israa’iil ku qaadi karaan.wadahaladda Iran iyo Maraykanka

Iiraan ayaa rajeyneysa heshiis lagu xadidi doono, laakiin aan lagu burburin, barnaamijkeeda nuclear-ka, si ay ugu beddesho in laga khafiifiyo cunaqabataynta.

Ilo-wareed aan la magacaabin oo ku sugan dalka Cumaan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in wada-hadalladan lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda gobolka iyo sidii maxaabiista la isku dhaafsan lahaa.Wadahadallada Maraykanka iyo Iiran

Trump ayaa shaaca ka qaaday in wadahadalladu ay dhici doonaan intii lagu jiray booqashadaii Benjamin Netanyahu ee Aqalka Cad Isniinta. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa Talaadadii sheegay in labada hogaamiye ay ku heshiiyeen in Iiraan “aysan yeelan doonin hubka nuclear-ka.

Netanyahu ayaa ku baaqay in la sameeyo “heshiis la mid ah kii Libya,” isagoo tixraacaya dalka Waqooyiga Afrika oo si buuxda u burburiyay barnaamijkiisii hubka ee heshiis uu la galay quwadaha Reer Galbeedka sanadkii 2003. Taasi waxay Iiraan u tahay wax gebi ahaanba aan la aqbali karin.

Iiraan waxay ku adkeysaneysaa in dhammaan hawlaheeda nuclear-ka ay yihiin kuwo nabadeed oo keliya, isla markaana aysan waligeed raadineynin inay horumariso ama hesho hubka nuclear-ka.

Mas’uuliyiinta Iiraan waxay si cad u sheegeen in wadahadalladu ay diiradda saari doonaan kaliya barnaamijkooda nuclear-ka, balse aan lagu soo dari doonin awooddooda milatari ee guud, sida barnaamijkooda gantaallada ridada dheer.

Kahor wadahadalka, Trump wuxuu sheegay Jimcihii inuu doonayo Iran “inay noqoto waddan cajiib ah, weyn, laakiin ma yeelan karaan hubka Nukliyeerka”.

Si kastaba ha ahaatee, geeddi-socodkan wuxuu ku dhacayaa duruufo aad u adag.

Xitaa intii diyaar garowga kulanka koowaad uu socday, Maraykanku wuxuu gobolka u diray maraakiib dagaal iyo diyaarado wax burburiya oo casri ah, wuxuuna saaray cunaqabatayn dheeraad ah.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa wariyeyaasha ugu sheegay xafiiska Oval-ka isniintii inay “maalin aad u xun u noqon doonto Iran” haddii wadahadallada lagu guuleysan waayo.

Iran waxa ay ku adkaysanaysaa in hawlaheeda Nukliyeerka ay gabi ahaanba yihiin kuwo nabadeed oo aanay marnaba isku dayi doonin in ay samaystaan ama helaan hub Nukliyeer ah.

Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii Madaxweyne Trump uu sanadkii 2018 ka baxay heshiiskii Nukliyeerka ee 2015—kaas oo dhacaya dabayaaqada sanadkan—Iiraan waxay si tartiib tartiib ah u jebinaysay xannibaadihii lagu saaray barnaamijkeeda, taasoo ay uga jawaabayso cunaqabatayntii Maraykanka ee dib loo soo celiyay 7 sano ka hor, waxana ay kaydisay uranium ku filan oo aad loo tayeeyay si ay u samayso dhawr bam.

Sida ku cad qodobbada heshiiska 2015, Iran waxay ogolaatay in kaliya tayeyso uranium ilaa 3.67% nadiif ah 15ka sano ee soo socota.

Bishii Febraayo, hay’adda caalamiga ah ee tamarta nukliyeerka (IAEA) ayaa sheegtay in Tehran ay kaydisay uranium tayaysan 60% nadiif ah oo ay si degdeg ah ugu guuri karto 90%, taas oo noqon doonta heerka hubka.

Bishii Febraayo, hay’adda caalamiga ah ee tamarta Nukliyeerka (IAEA) ayaa sheegtay in Tehran ay haatan kaydsatay uranium gaaraysa 60% nadiif ah, taasoo ay si degdeg ah ugu kordhin karto 90% oo ah heerka loo adeegsado samaynta hubka nukliyeerka.

Heshiiskii Nukliyeerka ee 2015 -kii, wuxuu qaatay ku dhowaad laba sano oo wadahadallo adag ah. Laakiin markan, iyadoo dadaallo cusub la billaabay, barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan aad ayuu uga horumarsan yahay sidii hore, gobolka ay arrintani ka dhacaysana aad buu u kacsan yahay.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Safarka Raiisal wasare Xamze maxay ka badali kartaa qifaadka hareyey Somaliya

Safarka Raiisal wasare Xamze maxay ka badali kartaa qifaadka hareyey Somaliya

Madaxweyne Xassan ma wuxuu shaki geliyay aqoonsiga SSC Khaatumo?

Open photoANKARA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isagoo ka qeybgalaya shirka Ankara ee Dalka Turkey waxaa wax laga weydiiyay socdaalka Ra’iisulwasaaraha Somalia Xamsa uu ku tagay Laas-caanood.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in safarkaasi yahay mid taariikhi ah oo uu Ra’iisulwasaaruhu ku tagay Magaalada Laas-caanood mudo sanado ah kadib.

Madaxweynaha ayaa intaasi kadib taabtay qodobo shaki abuuri kara taasoo ah ujeedka socdaalka Ra’iisulwasaaraha kadib markii uu carabka ku adkeeyay inuu u tagay Xamsa Laascaanood sidii xal loogu heli lahaa colaadihii ka dhashay dagaalkii Laascaanood ku dhex-maray Somaliland iyo shacabka reer Khaatumo.

Sido kale waxaa hadaladiisa ku jirey muhiimada ay leedahay in maxaabiista la is dhaafsado.

“Ra’iisulwasaare Xamse wuxuu u tagay Laas-caanood inuu soo abuuro jawi looga wada hadli karo qalalaasihii ka dhacay halkaasi oo aan wali la xalin”ayaa ka mid ahaa hadalada jawaabaha madaxweyne Xassan.

Dadka inta badan waxay ka sugayeen inuu ka hadlo aqoonsi Dowladu siiso maamulka SSC Khaatumo oo waliba ah riyada ugu weyn ee shacabka reer Khaatumo u soo dhaweeyeen Ra’iisulwasaaraha.

Wareysigaan oo si kooban Madaxweynuhu su’aalaha qaar uga jawaabay kuwaasoo bayaanin u baahan ayaa dadka inta badan u fahmi karaan wax ka badalan aqoonsiga.

Laakiin marka luuqada diblomaasiyada laga eego hadalada Madaxweynaha guud ahaan waxay u fasirmayaan in Madaxweynuhu afka qaranka ku hadlayo sidaas daraadeedna uu Madaxweyne u yahay Somaliland,Puntland iyo Khaatumo dhamaantood islamarkaana Dowladiisu leedahay hal ujeddo oo ah inay isku soo dhaweyso dhamaan maamulada ay Dowlada u tahay.

Tusaale warka guud ahaan Madaxweyne Xasan ayaa biya dhiciisu yahay inuu  dhamaantood uu matalo kaliyana uu doonayo siyaasad isku soo dhaweysa balse uusan dooneyn siyaasad Somaliweyn sii kala fogeysa.

Si kastaba warka Madaxweynaha wuuxuu salka ku hayo waxaa lagu kala ogaan doonaa kulamada siyaasadeed ee Ra’iisulwasaaruhu maalmaha soo socda la qaadan doono Hogaamiyaha SSC Khaatumo xili caawana uu bilaabay kulamadii dhaqanka uu la yeelanayay isagoona qaabilay isimada reer Khaatumo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

 

SAWIRRO: Wasiirka Batroolka oo dul tagay markabka sahminta shidaalka Somalia ee Dalka Turkey

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa maanta dultagay Maraakiibta loo diyaariyay qodista Shidaalka Soomaaliya oo ku sugan badda Madow.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS, oo ay socdaalka ku wehlinaayeen quburo ka socotay Dowladda Turkiga iyo guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed ayaa lakulmay Injineerada iyo quburada qodista Shidaalka Turkiga ee Markabka Fatih, kuwaasi oo kusoo wajahan Soomaaliya si ay dhawaan u bilaabaan soo saarista Shidaalka dihan ee dalkeena.

Shaqada Sahminta Shidaalka Soomaaliya oo soo bilaabatay Dhammaadkii 2024 ayaa hadda maraysa meel gabo gabo ah, iyadoona natiijada horudhaca ah ay muujinayso in lagu guulaystay Sahminta, waxaana taasi ka dhashay in Dowladda Turkigu ay Soomaaliya u soo dirto Maraakiibta qodista Shidaalka Soomaaliya.May be an image of 3 people, wrist watch, television and newsroomMay be an image of 6 people and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 10 people and textMay be an image of 9 people, helicopter and textMay be an image of oil refineryMay be an image of 5 people and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 3 people and text

Madaxweyne Xasan iyo dhigiisa Turkey maxay ka wada hadleen+SAWIRRO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO MADAXWEYNE ERDOĞAN OO KA WADA HADLAY AMNIGA, IYO ISKAASHIGA CAALAMIGA AH
Antalya, Abriil 12, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Türkiye Mudane Recep Tayyip Erdoğan, inta lagu guda jiray Madasha Diblumaasiyadda Antalya.
Labada Madaxweyne ayaa iska xog waraystay xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo maalgashiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay muhiimadda uu leeyahay mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha lagu wajahayo argagixisada, isagoo ku ammaanay dowladda Turkiga kaalinta firfircoon ee ay ka qaadanayso nabadeynta iyo horumarinta Soomaaliya.
Dhankiisa, Madaxweyne Erdoğan ayaa adkeeyey in dowladda Turkigu ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, ayna sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska ciidamada, horumarinta dhaqaalaha, iyo xoojinta hay’adaha dowladda.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of 2 people, dais and text that says "แลัง FORUM ANTALYA DIPLOMACY 11-13APRIL2025 #MEET4DIPLOMACY"May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 2 people, dais and text
- Advertisement -

news

Weekly Meal Planner and Grocery List | Google Sheets Digital Template...

0
Weekly menu and shopping list | Digital model of Google sheets | Automated purchase list | Food preparation | Printable digital food planner Plan your...

book store near me

Murf AI

HOT NEWS