Home Blog Page 69

Xuska 12 April ee Ciidamada Xooga Dalka Somalia oo maanta ku beegan

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa lagu wadaa inay Dowladu maanta xusto maalinta xuska 12-ka April oo ku beegan markii la aas’aasay ciidamada milateriga Somalia 65 sano ka hor .

Wasaarada Gaashaandhiga ayaa inta badan xuska lagu qabtaa islamarkaana ciidamadu ku soo bandhigaan gaada-ka ciyaar.

Sidoo kale Masuuliyiinta Wasaarada Gaashaandhiga iyo Taliyayaasha ciidamada ayaa khudbado ka jeediya xuskaan sanad kasta marka la soo gaaro 12-ka April.

Dhanka kale Xuska maanta waxay ku soo aadeysa xili Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka uu furimaha dagaalka ku sugan yahay isagoona halkaasi ku soo duubay muuqaal uu ugu Hambalyeeynayo ciidamada Xooga.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of ‎5 people and ‎text that says "‎أن SNARAIND BAUNO ema ហា HAMBALYO SANAD GUURADA 65AAD EE KASOO WAREEGATAY AAS-AASKA CIIDANKA XOOGA SOOMAALIYEED 12 APRIL 2025‎"‎‎

Tahriibayaal Soomaaliyeed oo laga soo bad-baadiyay Badda Dalka Aljeeriya +SAWIRRO

Dowladda Aljeeriya ayaa soo badbaadisay tahriibeyaal doon kula xumaatay Badda Aljeeriya sida uu Warbaahinta qaranka u xaqiijiyey Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Caasimadda Aljeeriya Mudane Yuusuf Axmed Xasan( Jeego)dadkan ayey doonta kula xumaatay meel 80KM u jirta Caasimadda Aljeeriya.

Sida Safiirka sheegay tirada dadka lasoo badbaadiyay ayaa ah 23 qof oo isugu jira Rag iyo Haween, kuwaa oo qaar kamid ah Ehalladooda lasoo xiriireen Safaaradda kadibna Safaadaraddu gurmad weydiisatay wasaaradda arrimaha dibadda Algeriya, tasoo ugu dambeyn suuragalisay in badda laga soo badbaadiyo dhalliyaradaasi Soomaaliyeed.

Dadkaan ayaa hadda xaaladdooda caafimaad lagula tacaalayaa isbitaalada dalkaas,safarka tahriibka oo ah mid halis badan ayey dowladda Soomaaliya dhowaan soo rogtay awaamiir lagula dagaalamayo arrimaha Tahriibka.May be an image of 5 people and boatMay be an image of 3 people, boat and body of waterMay be an image of 1 person and beardMay be an image of 2 people, people fishing and boat

Maxaan ka ognahay faahfaahinta heshiiska baaritaanka shidaalka berriga ee Soomaaliya iyo Turkiga

=XIGASHO BBC SOMALI=Heshiis

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa heshiis ka gaaray baaritaanka shidaalka iyo gaaska ku jira berriga, kaasoo u damaand qaadaya hay’adda tamarta ee dawladda Turkigu maamusho inay hesho xuquuqda baaritaanka ee ay ku samaynayso seddex xirmo oo Soomaaliya ku yaalla sida ay saraakiil sheegeen Khamiistii.

Heshiiska oo lagu saxiixay Ankara ayaa u saamaxaya hay’adda shidaalka ee Turkiga (TPAO) inay billowdo daraasad xagga dhulka ah oo ay ku samayso ugu badnaan 16,000 oo kilomitir oo isku wareeg ah.

Arrintan ayaa qayb ka ah dadaal balaaran oo ay labada waddan ku sii balaarinayaan iskaashigooda dhinaca tamarta.

Maxay labada dhinac ka yiraahdeen

“Iskaashiga u dhaxeeya Turkiga iyo Soomaaliya waa mid sii kobcaya” ayuu yiri wasiirka tamarta iyo khayraadka dabiiciga ee Turkiga Alparslan Bayraktar isagoo ka hadlayey xafladdii saxiixa.

“Hay’adda TPAO waxay isticmaalaysaa hanaanka baaritaanka lakabyada dhulka oo ah mid aad u sarreeya, si ay u qiimayso meelaha ay ku jiraan hydrocarbon. Natiijada ay xogta keento ayaa lagu salayn doonaa qoditaanka” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka batroolka iyo khayraadka macdanta ee Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa isna ku tilmaamay heshiiska inuu qayb ka yahay iskaashi weli socda. “Maalin taariikhi ah ayey dhamaanteen noo tahay. Haddii sahamintu ay hagaagto, waxaan rajeynaynaa in iskaashi intan ka ballaaran uu sii socdo” ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu intaa ku daray in ay jiri doonto koox Soomaaliya loo dirayo si ay u soo sameeyaan qiimayn iyo diyaar garow.

Heshiiska baaritaanka shidaalka berriga ayaa ah mid daba socda heshiiskii baaritaanka badda ee ay labada dal gaareen Maarso 2024.Oruc Reis

Muxuu dhigayaa heshiiskan cusub

Waxyaabaha heshiisku dhigayo, inkastoo aan shaaca laga qaadin kharashka ku baxaya, waxaa ka mid ah in seddexda xirmo ee shidaalka laga baarayo ay ku yaallaan maamul goboleedka Koofur galbeed.

“Ka qayb ahaan wejiga xiga, hay’adda batroolka ee Soomaaliya (SPA) waxay diyaarinaysaa inay qaabisho wafdiga 1aad ee ah injineerrada ka socda TPAO, kuwaasoo ujeedadooda ugu horraysa ay tahay inay diiradda saaraan qiimayn xagga amniga ah oo ballaaran, ka hor inta aan la soo dirin kooxda sahanka samayn doonta” ayaa lagu sheegay qoraal ay soo saartay hay’adda batroolka Soomaaliya.

Qoraalku wuxuu intaa ku darayaa in sahankan berriga laga samaynayo uu yahay kii ugu horreeyey ee la sameeyo tan iyo 1985, wuxuuna intaa ku daray in hindisahan ay rumaysan yihiin inuu qayb ka qaadan doono adkaynta amniga ee heer gobol iyo mid maxalli ah intaba, uuna “kobcin doono shaqaaleynta iyo fursadaha shaqo ee bulshada Soomaalida, uuna kaalin ka qaadan doono horumarka wakhtiga dheer ee kheyraadka dabiiciga ee dalka”.

Wasiirka shidaalka ee Turkiga Alparslan Bayraktar wuxuu sheegay in Istanbul ay marti gelin doonto shir madaxeed ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah, kaasoo la qaban doono bisha soo socota ee Maajo horraanteeda.

Wuxuu intaa ku daray in markabka sahanka ee Oruc Reis ee hadda ku sugan xeebaha Soomaaliya uu weli wado sahanka lakabyada ee loo yaqaanno 3D.

Markabka ayaa soo afjaray ilaa 78% hawlaha baaritaanka shidaalka sida uu sheegay wasiirka shidaalka ee Turkiga. “Wixii loo gaaro dhamaadka bisha Maajo, waxaan soo gaba gabayn doonnaa baaritaannada sahanka ee halkaa ka socda” ayuu yiri.

Saddexdii bisha Juun 2016 ayey ahayd markii ugu horreysay ee Soomaaliya iyo Turkiga ay kala sixiixdeen heshiis is afgarad oo ku saabsan tamarta iyo macdan qodista. Heshiiskan waxaa dib u dhigay afganbigii dhicisoobay ee 15-kii bisha Luulyo 2016 dalka Turkiga ka dhacay, balse mar labaad ayaa is afgaradkaasi yimid miiska ahmiyadda ee Turkiga kadib markii madaxweyne Erdogan uu baarlamaanka dalkiisa horgeeyay si ay u meel mariyaan.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Ra’iisulwasaare Xamsa iyo Wafdigiisa oo beri subax ku wajahan Laas-caanood

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kadib markii ay maanta gaareen Magaalada Laas-caanood wufuud badan oo wasiiro iyo xildhibaano isugu jira kuwaasoo horu dhac u ah booqashada Ra’iisulqwasaaraha Somalia Xamsa Cabdi Barre ayaa wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in Ra’iisulwasaaraha uu beri subax ama duhuradii uu ku gaari doono Magaaladaasi.

Diyaarad qaas ah oo Ra’iisulwasaaruhu uu qaadan doono beri subax ayaa lagu wadaa inay beri caga-dhigato Laas-caanood halkaasoo si aad u weyn loogu diyaar garoobay soo dhaweyntiisa.

Wafdiga Ra’iisulwasaaraha ayaa beri lagu wadaa inay booqasho rasmi ah uga bilaabato Magaalada Laas-caanood isagoona kulamo la qaadan doona Hogaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo C/qaadir Firdhiye.

Wararka ugu badan ee la isla dhex-marayo ayaa ah in Dowladu si rasmi ah u aqoonsan doono maamulka SSC Khaatumo inuu la mid yahay maamulada kale ee dalka ka jira,inkastoo aan la ogeyn shuruudo hore Dowladu ugu xirtay inay buuxiyeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Shiinaha oo kordhiyay canshuurta saaran ganacsiga uga yimaada dhanka Mareykanka

US and Chinese flags.BEINGING (DAYNIILE.COM)-Shiinaha ayaa ku dhawaaqay inay kordhiyeen canshuuraha ay ku soo rogaan wax soo saarka Mareykanka 125 boqolkiiba, iyadoo ka digaysa in heerkan uu sare u kacay si uu si wax ku ool ah u wiiqo galaangalka Mareykanka ee suuqa Shiinaha.

Tani waxay timid ka dib markii Aqalka Cad uu shalay caddeeyey in uu dhab ahaantii ku soo rogayo canshuur dhan 145 boqolkiiba Shiinaha, isku darka boqolkiiba 125 ee hore loo sheegay iyo 20 boqolkiiba canshuurta soo dejinta ee laga qaado fentanyl-ka.

Shalay, Midowga Yurub ayaa hakiyay canshuur celintiisa ka dib markii Trump uu ku dhawaaqay joojinta 90-ka maalmood ee “tacriifadaha is-dhaafsiga” ee ku dhawaad ​​​​wadan 60, isagoo ilaalinaya saldhigga 10-boqolkiiba.

Muranka Ganacsi iyo isku dalicida canshuuraha waxaa uu ka dhashay go’aanka Trump uu caalamka oo dhan canshuuraha ugu kordhiyay lacagaha dheraadka ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Gaza

Laanqayrta cas ayaa xaaladda bini’aadantinimo ee Gaza ku tilmaantay cadaabta dhulka, waxayna ka digtay in cisbitaalkeeda garoonku uu saadka ka dhammaan doono laba toddobaad gudahood.

Sida Qaramada Midoobay sheegtay ilaa 36 weerarrada cirka ah ee Israa’iil ee Gaza ayaa muujinaysa in haween iyo carruur kaliya lagu dilay, QM waxay intaasi ku dartay ineysan jirin dagaalyahanno Falastiiniyiin ah oo weeraradaasi lagu dilay.

Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dilay marinka Qaza tan iyo waaberigii iyadoo Israa’iil ay soo saartay amarro qasab ah oo lagu daadgureynayo dadka waqooyiga.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 50,912 falastiiniyiin ah la xaqiijiyay in ay dhinteen 115,891 ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Xafiiska Warbaahinta ee Dowladda ayaa dhimashadiisa ka dhigay in ka badan 61,700, iyadoo sheegtay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo maleynayo inay dhinteen.

Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Taliska NISA oo ka hadlay geerida Taliyihii ugu horeeyay Hay’adaasi

War ka soo baxay Taliska Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa looga hadlay geerida ku timid Taliyihii ugu horeeyay ee Hay’adaasi AUN Gen. Axmed Saleebaan C/laahi (Dafle) oo ku geeriyooday magaalada Brussels ee dalka Blegiumka.

Warsaxaafadeedka NISA ayaa sidan u qornaa:-

 

Hanjabaad mar kale ka timid Somaliland oo ku aadan safarka Ra’iisulwasaare Xamsa

Warsaxaafadeed goor dhaw ka soo baxay maamulka Somaliland ayaa mar kale si kulul wuxuu uga hadlayaa safarka uu Laascaanood ku tagayo Ra’siisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi-Barre.

Warsaxaafadeedka Somaliland wuxuu ku tilmaamay booqashadaani mid qatar amni ku ah  nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale Somaliland waxay ku hanjabtay in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto mas’uuliyadda wixii nabadgelyo darro ah ee ka dhasha socdaalkaas.

Sidoo kale warsaxaafadeedka waxaa loogu baaqay Hay’adaha Caalamka sida QM inay ka ka fal-celiyaan qorshaha Xamsa uu ku imaanayo Laas-caanood taasoo dhaawaceysa amniga Gobolka sida Somaliland sheegtay.

Hadaba halkaan ka khriso warsaxaafadeedka Maamulka Somalilan oo sidiisa u qoran:-

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si adag u cambaaraysay booqashada lagu wado in Raysal-wasaaraha Soomaaliya uu ku tegayo magaalada Laascaanood. Waxaanay tilmaantay in booqashadaasi ay xadgudub ku tahay
madax-bannaanida Somaliland, isla markaana ay halis ku tahay nabadda iyo xasilloonida mandaqada.
Sidaasna waxa wasaaradda arrimaha dibaddu ku sheegatay warmurtiyeed ay soo saartay oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxana ay shaacisay in booqashada Raysal-wasaaraha Muqdisho ay wiiqayso dedaallada socda ee lagu xoojinayo nabada iyo xasiloonida gobolka.
Xukuumadda Somaliland waxa ay xustay in dawladda Soomaaliya ay masuul ka tahay xasilooni darrada ka dhalata booqashadan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland waxa ay ugu baaqday Midowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD, Qarammada Midoobay, Jaamacadda Carabta iyo dhammaan saaxiibbada caalamiga ah in ay garowsadaan in falalka masuuliyiinta Soomaaliya ay yihiin kuwo khatar toos ah ku haya nabadda iyo amniga gobolka.
“Somaliland waxay muddo dheer dulqaad u muujisay ficillada daandaansiga ah ee Soomaaliya, iyadoo weligeed ay tiir u ahayd xasilloonida isla markaana samayn togan u leedahay mandaqada,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka wasaaradda Arrimaha dibadda.
Dawladda Somaliland waxa ay ku boorisay beesha caalamka iyo dalalka gobolka inay si degdeg ah oo wadajir ah uga falceliyaan xasilooni darrada ay ku foogan tahay Soomaaliya.
Waxa kaloo ay intaas ku dartay in haddii aan wax laga qaban ay mandaqada ku faafi doonaan kooxaha qalalaasaha wada oo horseedi doona khataro amni darro iyo dhibaatooyin bini’aadannimo.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay caddaysay go’aankeeda ku wajahan nabad, wadahadal iyo iskaashi goboleed.
Xukuumaddu waxa ay shaacisay inay qaadi doonto tallaabooyin cadcad oo ay ku difaacayso madax-bannaanideeda iyo amnigeeda haddii ay khatar ku timaaddo.
DHAMMAAD

May be an image of text

 

Amiirka Qurba-Joogta Khawaarijta

Wasiirka Dekadaha C/qaadir Maxamed Nuur loona yaqaan Wasiir Jaamac islamarkaana ahaan jirey wasiirka Gaashaandhiga ayaa baraha bulshada soo geliyay qoraal uu cinwaan uga dhigay
Amiirka Qurba-Joogta Khawaarijta, haddaba akhriso:-
Amiirka Qurba-Joogta Khawaarijta
Wuxuu ahaa mid ka mid ah arxan laawayaasha daaha gadaashiisa ka koriya Khawaarijta hadba intii itaalkiisa ah, sabab la xiriirta in lagu soo anqariyay fikir-diimeed gurracan iyo caqiido gaaleysiin ku saleysan.
Markii uu mikrafoonka sida khaldan u qaatayna isaga oo aan meelna ku baran cilmiga saxaafaddana wuxuu ahaa buunbuuniyaha ugu wayn argagixisada, markii danbana waxeey ku guulaysteen in ay dawladnimada ku soo darsadaan si uu ugu adeego.
Inti uu dibindaabyada qaranka ku howlanaa ee uu dowladnimada ku dhex jiray wuxuu joojiyey dagaalkii tooska ahaa ee ku socday khawaarijta, wuxuuna qorigi dowladda u soo leexiyay gudaheeda.
Wuxuu khawaarijta u furay albaabo ay dhaqaalo ku sameeyaan wuxuuna u balaqay dhammaan albaabada dhaqaalaha sida suuqyada, bankiyada, xawaaladaha, dekadaha, airprt-yada ilaa uu u dhisay nidaam maaliyadeed ka dakhli badan kan dawladda.
Wuxuu kala shaqeeyay Khawaarijta in ay si ballaaran ugu milmaan hay’adaha dowladda si ay xogta gacanta ugu dhigaan.
Ugu dambaynna wuxuu kala shaqaynayay Khawaarijta in ay dalka la wareegaan ilaa isaga laga dhex bixiyay dowladnimada.
Alle mahadiis sadex sano ka dib dhamaan xargihi uu xirxiray waa la furfuray waana la fashiliyay damacaas.
Hadii aad is waydiineysaan qofkuu yahay, waa qofka kaliya ee dalkaan xil ka soo qabtay oo dakanada iyo dambiyada uu galay darteed baxsadka ka ah kana cararay.
Rajada kaliya ee u hartay waa in ay Khawaarijtu xoogaysato si isaga oo iyaga matalaayo uu siyaasadda ugu soo laabto, waana mid aan loo fadhin.
Marki afaraad ayuu qarankeygu igu maamuusay xil wasiirnimo oo uusan waligii hawaysan, waxa uu daacanayana waa cuqdad shaqsi ah iyo takfiirnimadi siyaasadeed ee diinta u aheyd.

DEG DEG: Dowlada oo Warsaxaafadeed ka soo saartay geerida Sheegow Axmed Cali

Maxkamadas sare ee Ciidamada qalabka sida ee Dowlada Somalia ayaa goor dhaw warsaxaafadeed ka soo saartay sida ay ku timid geerida Gen.Sheegow Axmed Cali oo qaar badan oo ehaladiisa ay shaki ka keeneen in Dowladu sun siisay.

Warsaxaafadeedka waxaa akhrinaya Gudoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarrow.

Hadaba halkaan ka daawo:

- Advertisement -

news

book store near me

0
Are you looking for a library near me? That you are a lover of books who seek the last success of sales, a student...

Murf AI

HOT NEWS