Home Blog Page 70

Madaxweyne Xassan oo Casuumaad la xiriirta Wada-tashi qaran u direy Maamul Goboleedyada

Muqdisho, Abriil 11, 2025 — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya baaqii Midnimada iyo Wadatashiga Qaran ee 31-dii Maarso 2025 ayaa casuumaad u fidiyey madaxda Dowlad-goboleedyada, si ay uga soo qaybgalaan Golaha Wada-tashiga Qaranka.

Madashan uu Madaxweynuhu ku baaqay oo ku muddeysan 1-da ilaa 2-da bisha Maajo (May) ayaa muhiim u ah xaqiijinta midnimo qaran iyo sidii wadajir loogu dhameystiri lahaa howlgalka xoreynta dalka iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wadatashiyo la yeelan doona waxgaradka iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay in wada-tashi, wadashaqeyn iyo iskaashi lagu xaqiijiyo danaha Soomaaliyeed, oo ay ugu horreyso xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisadu, dhammaystirka dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.
DHAMMAADMay be an image of text

Qarax shacab badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha dhexe

CADDALLE (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in qarax shacab badan ku dhinteen  inuu ka dhacay inta u dhexeysa Deegaanada Xaaji-Cali iyo Geel-gud oo hoos yimaada magaalada xeebeedka Caddalle.

Gaarigaan oo ahaa nuuca dadweynaha ee loo yaqaan Hoomeyda ayaa ka soo baxay deegaanka Buur-Dacaar wuxuuna ku socday Magaalada Muqisho balse qarax miino ayaa gaariga haleeshay.

Inta la ogyahay 5 ruux oo shacaba ayaa ku dhintay qaraxaasi halka tira kalana ay ku dhaawacmeen, dadka dhintay waxaa ka mida laba gabdhood oo isla dhashay iyo cunug saqiiqa oo sanad 2 jir lagu qiyaasay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qaraxaan qeyb ka yahay miinoyin alshabaab wadooyinka geliyeen si ay  isaga difaacaan weerarada kaga imaanaya dhanka ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa macawisleyda.

Maamulka Hirshabelle oo war kooban ka soo saaray qaraxaan ayaa  lagu wadaa inay faahfaahin buuxda bixiyaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Taariikhda Taliyihii Sirdoonka ee dawladdii Kacaanka oo xalay geeriyooday

=XIGASHO BBC SOMALI=.

Alle ha u naxariistee waxa dalka Belgium-ka ku geeriyooday Axmed Saleebaan Dafle oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii kacaanka ee Soomaaliya.

Dafle, ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii loo yaqaannay shanti sare ee Golaha Kacaanka.

Dawladdii Kacaka ayaa loo yaqaannay, kooxdii uu horkacayey Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ee afgembiga talada Soomaaliya ku qabsaday sannadkii 1969.

Falsafadda lagu shaqaynayay waxay ahayd Hanti-Wadaag kaas oo laga soo minguuriyay falasuufayadii Karl Marks oo Jarmalka u dhashay iyo Vladamir Lenin oo ahaa asaasihii Midoowgii Soviet-ka. Wuxuu fikirkan ku dhisnaa hab dadka ay isku wada dabaqad yihiin, wax kastana ay dowladda leedahay.

Marxuumka oo sannadihii dambe qurbaha ku noolaa, halkaas oo ugu danbayn ku geeriyooday habeenkii xalay ahaa, magaalada Brussels ee dalka Belgium oo uu degganaa.

Masuuliyiin kala duwan ayaa tacsi u diray qoyskiisii, kuwaas oo sida oo kalena xusay doorkii uu ku lahaa dawladdii kacaanka iyo xilalkii muhiimka ahaa ee uu dalka ka soo qabtay.

“Marxuum Axmed Saleebaan Dafle waxa uu ka mid ahaa madaxda sare ee dowladdii hore, isaga oo dhawr wasaaradood soo hoggaamiyey, door muuqdana ka soo qaatay dhismaha qaranka iyo dowladnimada dalka.” Ayuu ku qeexay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdiillaahi Farmaajo.

Halka madaxwetne hore Shiikh Shariif, uu xusay kaalintiisii doorka amniga qaranka.

‘Wuxuu Dafle caan ku ahaa qibrad iyo waaya aragnimo sirdoon isagoo kaalin muuqata ka soo qaatay dib u dhiska hay’addaha Amniga Qaranka.” Ayuu madaxweyne Shariif ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa baraha bulshada.

Cismaan Cabdinuur Xaashi oo ah qoraa ay qaraabo ahaayeen waxa uu ku qeexay in uu ahaa “nin deeqsi ah, oo saaxiibtinnimo leh, sida oo kalena ahaa oday Soomaaliyeed oo dhaqan yaqaan ah”.

Kuma ayuu ahaa Axmed Saleebaan Dafle?.

Sarreeye Guuto Axmed Suleyman Dafle wuxuu ku dhashay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer sannadkii 1937-dii.

Waxa uu sanadkii 1959kii waxbarasho dhinaca ciidanka loogu diray Akademiyadda Ciidamada ee Ingiriiska, halkaas oo uu saddex sano wax ku baranayay. Waxa uu kusoo noqday Soomaaliya 1962dii isaga oo xiddigle ah, waxa uuna tababare ka noqday Dugsigii Saraakiisha ciidamada ee Muqdisho.

Sanadkii 1967-dii S/Guuto Axmed Suleyman Dafle waxaa uu taliye urur ka noqday ciidamadii fadhigoodu ahaa Magaalada Seylac, xilligaas oo ku begnayd waqtigii aftida laga qaadayay dalka Jabuuti.

Waxa uu isla sanadkaas madax ka noqday Xafiiskii Wardoonka Ee Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo islamarkaas na xoghaye u ahaa Maxamed Siyaad Barre oo ahaa taliyihii ciidanka xoogga.

Sanad kadib waxa uu u dalacay Gaashaanle, isaga oo 1969kii ka mid ahaa saraakiishii afgembiga kula wareegtay xukunka dalka kadib dilkii madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Dafle oo ay u dhaxday gabadhii Maxamed Siyaad Barre waxaa labo jeer la dalacsiiyay intii u dhexeysay 1970kii iyo 1971dii, iyada oo la siiyay darajooyinka Gaashaanle Dhexe iyo Gaashaanle Sare. Dalacsiinta dambe kadib waxa uu noqday taliyaha ciidanka Nabadsugidda Qaranka.

Waxa uu xubin ka noqday Guddigii Golaha Sare ee Kacaanka sanadkii 1974dii, isaga oo qaabilsanaa dhinaca nabadgelyada.

Labo sano kadibna, waxaa loo dalacsiiyay sarreeye guuto. Waxa uu Dafle ka mid ahaa dadka ugu dhawaa Siyaad Barre, iyada oo lagu eedeeyay in uu qeyb ku lahaa tacadiyo iyo dembiyo ay geystay hay’adda nabadsugidda intii xilka hayay, iyo tacadiyo kale ee ay geysteen kacaanka.

Wixii ka dambeeyay markii xukunka la riday kacaanka, waxa uu Axmed Dafle ku noolaa dalka dibadiisa, halkaas oo ugu danbayn ku geeriyooday.

Axmed ayaa ka tegay shan carruur ah.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Gud. Xigeenka Aqalka Sare iyo Wasiiro Saaka gaareen Laas-caanood

No description available.LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Waxaa Magaalada Laas-caanood ee Xarunta Maamulka SSC Khaatumo ku sii qulqulaya wufuud ka socota Dowalada Somalia xili ay soo dhawaatay waqtigii uu halkaasi gaari lahaa Ra’iisulwasaare Xamsa Cabdi-Barre .

Gudoomiye ku xigeenka aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumada sida  Wasiirka arimaha gudaha Somalia iyo wasiirka Cadaalada ayaa saaka gaaray Magaalada Laas-caanood halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Sidoo kale Xildhibaano iyo Wasiiro ka socda Dowlada ayaa iyagyuna qeyb ka ah socdaalkaai, waxayna magaaladaasi la ciir ciireysa wufuuda ka imaaneysa Magaalada Muqdisho iyo qurbaha madaama magaaladaasi isu diyaarineyso soo dhaweynta Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.

Waa wafdigii 3-aad ee horu-dhaca u ah imaanshaha Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ee ku wajahan Magaaladaasi Laas-caanood ee xarunta Maamulka cusub ee SSC Khaatumo.

Dhanka kale Ra’iisulwasaare Xamsa ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda gaaro Magaaladaasi oo lagu xardhay sawiradiisa,kan madaxweyne Xasan iyo calanka Jamhuuriyada Faderalka Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMNo description available.No description available.No description available.No description available.

Madaxweyne Xassan oo Dalka Turkey uga qeybgalaya Madasha Diblomaasiyadda +SAWIRRO

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalaygaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga halkaas oo uu uga qaybgali doono meertada 4aad ee Madasha Diblomaasiyadda Antalya 2025.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu shirku socdo waxa uu sidoo kale kulamo-doceeedyo la yeelan doonaa qaar ka mid ah madaxda caalamka ee madasha martida ku ah, isaga oo kala hadli doona arrimo ahmiyad u leh xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya kala dhexeeya dalalka ay matalayaan.May be an image of 8 people and suitMay be an image of 5 people and the Oval OfficeMay be an image of 11 people, dais and the Oval Office

Kulan dhex maray Madaxweynaha K/Sudan iyo Ganacsato Soomaaliyeed iyo waxa looga hadlay+SAWIRRO

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin fursadaha Ganacsiga iyo Maalgashiga, u hoggaansanaanta canshuuraha iyo arrimo kale.
Madaxweyne ku xigeenka Koonfurta Suudaan Dr. Benjamin Bol Mel ayaa qiray kaalinta ay bulshada Soomaaliyeed ka geysanayaan dhaqaalaha Koonfurta Suudaan, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, Waxaa uu sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed la siiyo maalgelinta Beeraha.
Madaxeyne ku xigeenka Koonfurta Suudaan ayaa tilmaamay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay inay kordhiso maalgelinta waaxda Beeraha si wax looga qabto loona kobciyo sugnaanta cuntada, kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta reer miyiga.
Waxaa uu Ganacsatada Soomaaliyeed u ballanqaaday inay Xukuumaddiisa garab istaagi doonto, isla markaana ay ilaalinayaan dhammaan maalgashiga iyo hawlaha ganacsi ee sharciga ah.May be an image of 6 people and textMay be an image of 1 personMay be an image of 4 peopleMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 7 people, dais and text

Cristiano Ronaldo oo aas-aasaya shirkad cusub oo aflaamta sameysa

XIGASHO LAACIB.NETCristiano Ronaldo Oo Aas-aasaya Shirkad Cusub Oo Aflaamta Sameysa

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ballaariyay maalgashiyadiisa isaga oo  kaashanaya agaasimaha British-ka ah Matthew Vaughn si ay u aasaasaan shirkad filimaan sameysa oo madax bannaan oo lagu magacaabo UR·MARV.

Shirkaddan cusub ayaa horey u maalgelisay una soo saartay laba filim oo (action) ah, waxaana haatan laga shaqaynayaa filimkii saddexaad oo isla taxanahaas ka mid ah. Waxaa la filayaa in taariikhda la sii dayn doono filimka ugu horreeya dhowaan la shaaciyo.

Tani waxay qayb ka tahay ganacsiyo badan oo Ronaldo leeyahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

CR7 Brand – Calaamadda noolosha oo ay ku jiraan dhar, kabaha iyo cadarka

Pestana CR7 Hotels – Hoteello uu iska kaashaday shirkadda Pestana, kuna yaalla magaalooyin ay ka mid yihiin Lisbon iyo Madrid

CR7 Fitness – Xarumo jimicsi oo caafimaadka iyo jir dhiska dhiirrigeliya

Insparya – Xarumo caafimaad oo ku takhasusay beerista timaha

7EGEND – Shirkad dijitaal ah oo diiradda saarta hal-abuurka iyo tignoolajiyada

Ursu9 – Calaamad ganacsi oo xiriir la leh Ronaldo

Chrono24 – Suuq online ah oo loogu talagalay saacadaha raaxada

WHOOP – Shirkad sameysa qalabka lagu cabbiro waxqabadka jirka

Medialivre – Shirkad warbaahineed

Bioniq – Shirkad nafaqo gaar ah u samaysa dadka

ZujuGP – Barxad dijitaal ah oo isku xirta taageerayaasha iyo ciyaartoyda kubadda cagta

TOTÓ – Maalgashi kale oo uu Ronaldo leeyahay

Lisboa Racket Centre for Padel – Xarun ciyaaraha padel-ka oo ku taalla Lisbon

AVA – Mid kale oo ka mid ah ganacsiyada Ronaldo

 

Iskaashiga Ronaldo iyo Vaughn wuxuu muujinayaa sida uu Ronaldo u doonayo inuu saameyn weyn ugu yeesho warshadaha madadaalada, isaga oo horayba uga jiray heerar sare oo ciyaareed iyo ganacsi.

 

Ronaldinho oo magacaabay xiddigii ugu fiicnaa wareega sideed dhammaadka Champions League

XIGASHO LAACIB.NET

Weeraryahankii hore ee xulka Brazil iyo kooxda Barcelona, Ronaldinho, ayaa magacaabay xiddiga uu u arko in uu ahaa kan ugu bandhigga fiicnaa wareeggii siddeeda ee tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan.

Ronaldinho oo sidoo kale hore ugu ciyaaray kooxda Paris Saint-Germain (PSG), ayaa si gaar ah u amaanay Ousmane Dembélé, isagoo xusay inuu si weyn uga helay qaab ciyaareedkiisa kulamadii ugu dambeeyay.

Isagoo la hadlayay wargeyska Faransiiska ee L’Équipe, Ronaldinho ayaa sheegay: “Ma jecli inaan is barbar dhigo ciyaartoyda, laakiin mar walba waxaan eega kooxaha aan horay uga mid ahaa iyo kuwa weli ciyaaraya Champions League.”

“PSG waxaa jooga Ousmane Dembélé. Wuxuu leeyahay tayo sare oo aad u gaar ah. Aad ayaan uga helay qaab ciyaareedkiisa — waxa uu leeyahay qaab Brazilian ah,” ayuu yiri Ronaldinho.

Dembélé ayaa bandhig cajiib ah ka sameeyay wareeggii siddeeda, taasoo sababtay in halyeyga reer Brazil uu si gaar ah u xuso, iyadoo PSG ay u gudubtay wareegga afar-dhamaadka tartanka.

Ronaldinho Oo Magacaabay Xiddigii Ugu Fiicnaa Wareega Sideed Dhammaadka Champions League

DEG DEG: Barcelona oo shaacisay iney heshiis cusub usoo bandhigtay tababare Hansi Flick

XIGASHO LAACIB.NETDEG DEG: Barcelona Oo Shaacisay Iney Heshiis Cusub Usoo Bandhigtay Tababare Hansi Flick

War Deg-deg ah: Barcelona oo la kulantay wakiilka Hansi Flick si ay uga wadahadlaan qodobo ay ka mid tahay cusboonaysiinta qandaraaskiisa.

Sida ay warisay SPORT, kooxda Barcelona ayaa dhawaan la kulantay wakiilka tababare Hansi Flick, Pini Zahavi, si ay uga wadahadlaan dhowr arrimood, oo ay ugu muhiimsan tahay cusboonaysiinta qandaraaska Flick.

Kooxda ayaa si weyn ugu qanacsan waxqabadka Flick waxayna doonaysaa inay dhamaystirto heshiis laba sano ah oo cusub, kahor inta aysan tartamada dhammaan. Barcelona waxay u aragtaa Flick inuu yahay tababaraha ugu habboon ee kooxda. Labada dhinacba waxay muujiyeen rabitaan buuxa oo ay ku doonayaan inay sii wada shaqeeyaan.

Hansi Flick ayaa loo magacaabay tababaraha Barcelona bishii May 2024, isagoo bedelay Xavi Hernández. Qandaraaskiisa hore wuxuu soconayaa ilaa Juun 2026.

Intii uu xilka hayay, Flick wuxuu kooxda u horseeday qaab ciyaareed cadaadis leh oo xamaasad badan, taas oo la jaanqaadaysa falsafadda kubbadda cagta ee Barcelona.

Go’aanka degdega ah ee ay kooxda uga shaqeynayso cusboonaysiinta qandaraaska Flick wuxuu muujinayaa kalsoonida ay ku qabaan hoggaamintiisa iyo aragtidiisa mustaqbalka kooxda. Iyagoo doonaya inay xasillooni dhisaan, Barcelona waxay rajeenaysaa inay horumar sii gaarto iyadoo Flick hoggaanka hayo.

Real Madrid Vs Arsenal: Paul Merson oo saadaaliyay kooxda usoo bixi doonta Quarter-final ka Champions League

XIGASHO LAACIB.NET

Real Madrid Vs Arsenal: Paul Merson Oo Saadaaliyay Kooxda Usoo Bixi Doonta Quarter-final ka Champions League

Paul Merson, oo hore ugu ciyaari jiray Arsenal, ayaa uga digay kooxdiisii hore in aysan wali dhammaanin ciyaarta wareega siddeeda ee Champions League ee ay la leeyihiin Real Madrid.

Arsenal ayaa talaabo weyn hore u qaaday kadib markii ay 3-0 kaga adkaadeen Real Madrid kulan ka dhacay garoonkooda Emirates, habeenkii Talaadada.

Ciyaaryahanka xulka England, Declan Rice, ayaa labo gool ku dhaliyay laad xor ah, halka Mikel Merino uu dhaliyay goolka saddexaad, taasoo Gunners siisay fursad weyn kahor lugta labaad.

Inkastoo Arsenal ay haatan fursad heysato, Real Madrid waxaa lagu yaqaan inay mar walba la timaado mucjisooyin marka laga hadlayo tartanka Champions League.

Merson, oo hadal ka sheegay ciyaarta, ayaa yiri: “Si daacadnimo ah, dhammaan kulamadan wareega siddeeda ee Champions League waxaa ka muuqday goolal tayo sare leh iyo bandhigyo fiican.”

“Laakiin anigu ma rumaysni in ciyaarta Arsenal iyo Real Madrid ay dhamaatay. Tani waxay ka dhigaysaa kulan adag oo Gunners ay wajihi doonaan”

“Real Madrid afarta hore ee weerarkooda waxay noqon doonaan kuwo ka fiican lugta labaad, haddii ay gool hore helaan, cadaadis weyn ayaa iman doona.”

Merson ayaa sidoo kale magacaabay kooxda uu filayo inay gaarto finalka, isagoo sheegay in PSG ay u muuqato mid khatar ah.

“Aniga ahaan, PSG waxay u ciyaarayaan si kalsooni leh, waana kalsooni aan hore ugu arkin tartankaan.”

“Anigoo ixtiraam u haya Aston Villa, waxaan filayaa PSG inay u gudbi doonto finalka. Haddii ay Arsenal ama Real Madrid la kulmaan semi-finalka, wali waxaan rumeysnaan doonaa inay guuleysan karaan.”

Kahor kulanka Arsenal ay la ciyaari doonto Brentford horyaalka Premier League, Merson ayaa sheegay inuusan filaynin in tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, uu isticmaalo dhammaan ciyaartoydiisa ugu fiican.

“Sidaas darteed, waxaan filayaa inuu qaar ka mid ah ciyaartoydiisa nasin doono kulanka Brentford,” ayuu yiri Merson.

 

- Advertisement -

news

Etsy – Shop for handmade, vintage, custom, and unique gifts

0
Etsy is more than an online market it is a pulsating world center in which creativity thrives and combines buyers with independent suppliers that...

Murf AI

book store near me

HOT NEWS