Home Blog Page 72

DAAWO: Cod sira oo laga duubay Alshabaab u hanjabaya qaraabadiisa dhaw

Mid ka mida Kooxda Alshabaab ayaa teel ka soo wacay nin qaraabadiisa ah mid ka mida beelaha Soomaaliyeed.

Ninkaan ay soo waceen oo u dhashay beesha Abgaal gaar ahaan Wacbuudhan-Cabdule Galmaax ayaa codka ka duubay ninka Alshabaabka ah iyagoo is dhaafsanaya hadalo u badan hanjabaado dagaal.

Ninkaani ka soo jeeda Beesha Abgaal wuxuu u sheegayaa ninka Alshabaabka ah inay fikirkooda ka soo horjeedaan ayna dagaal ka xigaan inay iyaga raacaan.

Hadaba halkaan ka daawo codka laga duubay Alshabaabka:-

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Gabar Soomaali ah oo lagu dilay Denmark iyo booliska oo baadigoobaya ninkii dilay

=XIGASHO BBC SOMALI=

.

Booliska Denmark ayaa baadigoobaya qof ay ku tuhunsn yihiin in uu ka dambeeyay dilka gabar 21 jir aheyd oo soomaali ah taas oo lagu tooreeyay magaalda Herning Isniintii.

Baadhayaasha booliska waxay sheegeen in ay si adag uga shaqeeyeen helista ninka la tuhunsan yahay hadana ay dadweynaha ka codsanayana in ay ka caawiyeen sidii lagu soo qaban lahaa.

Dalka Denmark ayaa guud ahaan ka mid ah dalalka ugu amniga badan Yurub, kuwaas oo badanaa ay dhif naadir tahay kiisaska la halmaala kan oo kale ee la xidhiidha mindida iyo hubka kale ee dadka shacabka ahi isu geystaan.

Booliska ayaa sheegay in ay isku dayeen in ay badbaadiyaan dhibbanihii kiiskaas, bal se ay u suuragali wayday.

Waxaana ay sii raaciyeen in ay gabadhaas dhallinyarta ah geeriyootay intii loo sii waday cisbitaalka.

Mohamed-Amin Siyad Abdi oo madax ka ah Radio Hormuud ee Demaarka ayaa BBC-da uga warramay in falka lagu geystay mindi, isla mar ahaan taana ay boolisku ku sheegeen qofka danbiga galay in uu ahaa qof jira da’aadda 25 jir.

Waxa kale oo ay boolisku ku sheegeen astaamaha qofka dilka geystay uu dhererkiisu 180 mitir sida oo kale uu xidhnaa marka uu falka geeysanayayna jaakad madaw.

Dalkani wuxuu leeyahay xeerar aad u adag oo ku saabsan hubka, kuwaas oo ka mid ah kuwa ugu adag Yurub. Ruqsadaha lagu hanto hubka badanaa waxaa la siiyaa kaliya dadka wax ugaadhsada ama ku ciyaara cayaaraha hubka, iyadoo lagu sameeyo baadhitaanno dhameystiran oo dhan kastaba ah.

Waxaa si buuxda loo mamnuucay in la haysto hubka si toos ah isu rida automatic weapons. Sidoo kale, waxaa si adag loo mamnuucay in hub lala dhex maro goobaha dadweynaha.

“Dalkani waa dal nabadgelyo badan, marka ay noqoto qaaradda Yurub dadkuna argagax ayay ka muujiyeen, balse boolisku waxa ay dadka u sheegeen in ay is dejiyaan” ayuu BBC-da u sheegay weriye Maxamed Amiin oo dalkaas ku sugan

Sida ay baahista haayadda istaatikada Statista, Denmark ayaa loo aqoon san yahay dalka labaad ee ugu amni badan adduunka, iyada oo ku xigta dalka ay isku aagga ku yaallaan ee Icelamnd.

Waxay boolisku dadka ku boorriyeen qof kasta oo haya xog ku saabsan dhacdadaas in uu la soo xidhiidho booliskana uu toos ama si qarsoodi ah ula soo socodsiiyo wixii xog ah.

 

Dagaalkii Deegaanka Abooreey oo dib u qarxay

BUULA-BURDE (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Deegaanka Abooreey ee hoos taga Magaalada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu dib u bilowday dagaalkii u dhexeeyay Dowlada iyo Alshabaab.

Dagaalka ayaa galay maalintii 3-aad oo xiriir ah waxaana la soo sheegayaa in maanta ay weerar soo qaadeen Alshabab oo shalay lagu jabiyay dagaalka islamarkaana laga saaray deegaanka inta badan.

Hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa la soo sheegayaa inay isu adeegsanayaan xili ciidamada Dowlada iyo kuwa macawisleyda ay iska difaacayaan Alshabaab oo istaraatiiji u aragta deegaankaani.

Dhanka kale Taliyaha ciidamada Xoogga Somalia  Odawaa Yuusuf Raage ayaa ku sugan deegaanka Abooreey kadib markii uu shalay gaaray halkaasi isagoo ay la socdeen ciidamo uu gurmad ahaan u keenay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

DAAWO: Shacabkii siday meydka Gen. Sheegow oo la xabadeeyay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shacab u badnaa ehelada Gen.Sheegoow oo meydkiisa siday iyagoo lugeynaya ayaa lagu rasaaseeyay isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Shacabkaan oo meydka ka soo qaaday Isbitaalka Digfeer halkaasoo salaada janaasada lagula tukaday xili ay usii wadeen garoonka diyaaradaha Muqdisho si Jowhar loogu soo aaso ayaa lagu rasaaseeyay jagboyntiga laga ilaaliyo garoonka ee ku yaal isgoyska KM4 halkaasoo ay ka howlgalaan ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugida qaranka.

Ciidamada NISA ayaa rasaas ay hoos ugu dhigeen waxaa ku dhaawacmay  shacab  baraha bulshada lagu arkay iyadoo lala la sido si goobaha caafimaadka loo gaarsiiyo.

Shacabkii badnaa ee galbinayay ambalaasta meydka lagu waday ayaa kala cararay markii rasaastu bilaabatay iyadoo ay ka dhacday nin kasta inuu naftiisa meel u deydo.

Dhanka kale laamaha amaanka Dowlada ayaa lagu wadaa inay cadeeyaan sababta shacabka loo rasaaseeyay walow dadka amniga wax ka yaqaan ay fahmi karaan inaaneey shacab dudadaaya oo aan la baarin ka gudbi karin goobaha muhiimka u ah hay’adaha dowlada sida garoonka,dekada,madaxtooyada ,xeryaha ciidamada iyo meelaha kale.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Shirka Wasiirada oo maanta looga hadlay dagaalada Alshabaab lagula jiro

May be an image of 7 people, table and daisMuqdisho, Khamiis, 10 Abriil 2025: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu bogaadiyey howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaleysanaya qeybo kamid ah gobollada dalka.
Kulanka oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray howlgallada ka socda qeybo kamid ah gobollada dalka, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyey argagixisada, isla markaana ay geesiyaasha Qaranku deegaanno badan ka saareen Khawaarijta.
Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay geesiyaasha ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka qeyb qaadanaya halganka argagixiso lagu sifeynayo, iyada oo la xusay muhiimadda ay leedahay in la dardargaliyo taageerada lagu garab istaagayo ciidamada, lana xoojinayo wada-shaqeynta hey’adaha amniga iyo bulshada.
Golaha, ayaa sidoo kale ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Masar, oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan Baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal ku-galka, tani oo oggolaanaysa in muwaadiniinta haysta ay si shuruud la’aan ah ku gali karaan, kagana bixi karaan muddo 90 maalmood ah.
— Dhammaad —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed JimcaaleMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 1 personMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people, newsroom and daisMay be an image of 3 people, newsroom and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people, newsroom and daisMay be an image of 2 people, beard and daisMay be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people, newsroom and daisMay be an image of 1 person, dais, newsroom and text

Meydka Gen.Sheegoow oo Jowhar lagu aasi doono iyo salaada janaasada oo Muqdisho lagula tukaday

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kumanaan reerka Gen.Sheegoow ka dhashay ayaa saaka buux dhaafiyay Isbitaalka Digfeer halkaasoo salaadii Janaasada lagula tukaday maanta.

Sida ehalada sheegeen meydka  Gen.Sheegoow ayaa loo qaadayaa Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle halkaasoo la go’aamiyay in lagu aasi doono.

Sidoo kale ehalada Jenaraalka ayaa go’aansaday inay Isbiyaalka Digfeer oo ku yaal Degmada Hodan kadibna waxaa loo qaadayaa Magaalada Jowhar halkaaso lagu damem aasi doono.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

 

G/Sare Nuur Farey oo maanta Salaada Janaasada lagula tukaday masjidka isbaheysiga Islaamka.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Allaha u naxariistee  Gashanle sare Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey) oo dhawaan lagu dilay Gobolka Shabeelaha hoose ayaa maanta salaada janaadsada lagula dukaday masjidka isbaheysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho.

Sarkaalkaan oo ahaa Taliyihii Guutada 14-ka Oktobar ayaa waxaa dhawaan duleedka Afgooye gaadmo ku dilay askari Dowlada ka tirsan oo lagu eedeeyay inuu Alshabaab la shaqeynayay  inkastoo ay Alshabaabku gabi ahaanba iska fogeeyeen inay wax lug ah ku leeyihiin dilka sarkaalkaasi.

Masuuliyiin labada Gole ee Dowlada Somalia ka tirsan ,saraakiil ciidan iyo waliba qeybaha kala duwan ee askarata ayaa ka qeybgalay salaada janaasada oo lagu tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMNo description available.No description available.No description available.No description available.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka oo soo bandhigay medka Alshabaab ay dileen

AL-KOWSAR (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa deegaanka ayaa saxaafada la wadaagay meydka mid ka mid ah alshabaab lagu dilay degaanka Ceelka-Nuurgadoow oo hoostaga degmada Al-kowsar ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Sawira kala nuuc ayaa baraha lagu faafiyay iyadoo midkood u yahay sarkaal alshabaab ka tirsan oo madaxa ay ka soo jareen halka mid kala kalana uu ahaa mid ay xarig gaari kula jiidayeen.

Ciidamada ayaa hal mar iskula dhawaaqayay Takbiirta iyagoona mid mid u balan qaadeen inay alshabaab meel kasta ku dili doonaan inta ay deegaanadooda joogaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Ra’iisulwasaare Xamsa muxuu kala hadlay masuulka ka socday Jaamcada Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Ergada Jaamicadda Carabta ee Soomaaliya, Danjire Cabdalla Al-Cuteybi, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jaamicadda, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii uu kulanka socday waxa uu ka hadlay guulaha waaweyn ee ay dowladdu xaqiijisay iyo fursadaha maalgashiga ee dalkeenna ka jira ee u baahan in ay maalgashadaan dalalka Carbeed ee xubnaha ka ah ururka, gaar ahaan dhinacyada dalkeenu qaniga ku yahay ee Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga, Tamarta, Batroolka iyo Macdanta.
Danjire Al-Otaibi, ayaa la soo qaaday Ra’iisul Wasaare Xamsa muhiimadda ay leedahay qorshe ururku wado oo lagu xoojinayo barashada luuqadda Carabiga, maadaama ay Soomaaliya tahay dal Muslim ah xubinna ka ah Jaamicadda Carabta, isla markaana dastruurkeena uu qorayo luqadda labaad ee dalka in ay tahay Carabi.
— Dhammaad —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale

Vinicius Jr oo farriin waalli ah u diray Arsenal kadib guuldarradii xanuunka badneyd

XIGASHO LAACIB.NET

“Ma jiro cudurdaar” – Vinicius Jr oo ku dhiirrigeliyay Real Madrid inay mucjiso ka sameyso Bernabéu kadib guuldarro xanuun badan oo ka soo gaadhay Arsenal.

Vinicius Junior ayaa ugu baaqay kooxda Real Madrid inay “dagaal” muujiyaan kulanka lugta labaad ee ay la ciyaarayaan Arsenal, kadib markii lagu garaacay 3-0 lugtii hore ee wareegga siddeed dhammaadka tartanka Champions League.

Real Madrid ayaa haatan halis ugu jirta in ay ka harto tartanka, kadib markii labo gool oo uu dhaliyay Declan Rice iyo mid uu raaciyay Mikel Merino ay Arsenal siiyeen hoggaan raaxo leh kulankii ka dhacay waqooyiga London habeenkii Talaadada.

Kooxda difaacaneysa koobka ayaa hadda u baahan soo laabasho mucjiso ah si ay u gaarto semi-finalka isla markaana ay u sii wado hamigeeda hanashada saddexda koob ee xilli ciyaareedkan, balse xiddiga reer Brazil, Vinicius Jr, ayaa sheegay in aysan jirin wax cudurdaar ah, isagoo kooxdiisa ku dhiirrigeliyay inay dagaalamaan ilaa daqiiqada ugu dambeysa marka ay mar kale la kulmaan Arsenal toddobaadka dambe garoonka Santiago Bernabéu.

Vinicius Jr ayaa ku qoray sheekadiisa Instagram:

“Ma jiro wax cudurdaar ah. Ciyaar xun. Waa waqtigii aan hagaajin lahayn oo aan ku dagaalami lahayn Bernabéu. Garoonkan waxyaabo badan ayaa horey uga dhacay, waana ku samayn karnaa mar kale. Ilaa dhamaadka, HAD IYO JEER!!!!!!”

Vinicius ayaa si cad u muujiyay in Real Madrid ay wali fursad u haysato in ay taariikh sameyso, isagoo taageereyaasha xasuusiyay in mucjisooyin badan oo lamid ah horey uga dhaceen garoonkooda caanka ah.

Vinicius Jr Oo Farriin Waalli Ah U Diray Arsenal Kadib Guuldarradii Xanuunka Badneyd

- Advertisement -

news

eBooks Buy Fiction, Non-Fiction, and Textbooks Online

0
In the digital world of rapid movement, access to books has never been easy. Whether you are a student, lover of books or specialists,...

book store near me

Murf AI

HOT NEWS