Home Blog Page 73

G/Sare Nuur Farey oo maanta Salaada Janaasada lagula tukaday masjidka isbaheysiga Islaamka.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Allaha u naxariistee  Gashanle sare Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey) oo dhawaan lagu dilay Gobolka Shabeelaha hoose ayaa maanta salaada janaadsada lagula dukaday masjidka isbaheysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho.

Sarkaalkaan oo ahaa Taliyihii Guutada 14-ka Oktobar ayaa waxaa dhawaan duleedka Afgooye gaadmo ku dilay askari Dowlada ka tirsan oo lagu eedeeyay inuu Alshabaab la shaqeynayay  inkastoo ay Alshabaabku gabi ahaanba iska fogeeyeen inay wax lug ah ku leeyihiin dilka sarkaalkaasi.

Masuuliyiin labada Gole ee Dowlada Somalia ka tirsan ,saraakiil ciidan iyo waliba qeybaha kala duwan ee askarata ayaa ka qeybgalay salaada janaasada oo lagu tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMNo description available.No description available.No description available.No description available.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka oo soo bandhigay medka Alshabaab ay dileen

AL-KOWSAR (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa deegaanka ayaa saxaafada la wadaagay meydka mid ka mid ah alshabaab lagu dilay degaanka Ceelka-Nuurgadoow oo hoostaga degmada Al-kowsar ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Sawira kala nuuc ayaa baraha lagu faafiyay iyadoo midkood u yahay sarkaal alshabaab ka tirsan oo madaxa ay ka soo jareen halka mid kala kalana uu ahaa mid ay xarig gaari kula jiidayeen.

Ciidamada ayaa hal mar iskula dhawaaqayay Takbiirta iyagoona mid mid u balan qaadeen inay alshabaab meel kasta ku dili doonaan inta ay deegaanadooda joogaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Ra’iisulwasaare Xamsa muxuu kala hadlay masuulka ka socday Jaamcada Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Ergada Jaamicadda Carabta ee Soomaaliya, Danjire Cabdalla Al-Cuteybi, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jaamicadda, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii uu kulanka socday waxa uu ka hadlay guulaha waaweyn ee ay dowladdu xaqiijisay iyo fursadaha maalgashiga ee dalkeenna ka jira ee u baahan in ay maalgashadaan dalalka Carbeed ee xubnaha ka ah ururka, gaar ahaan dhinacyada dalkeenu qaniga ku yahay ee Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga, Tamarta, Batroolka iyo Macdanta.
Danjire Al-Otaibi, ayaa la soo qaaday Ra’iisul Wasaare Xamsa muhiimadda ay leedahay qorshe ururku wado oo lagu xoojinayo barashada luuqadda Carabiga, maadaama ay Soomaaliya tahay dal Muslim ah xubinna ka ah Jaamicadda Carabta, isla markaana dastruurkeena uu qorayo luqadda labaad ee dalka in ay tahay Carabi.
— Dhammaad —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale

Vinicius Jr oo farriin waalli ah u diray Arsenal kadib guuldarradii xanuunka badneyd

XIGASHO LAACIB.NET

“Ma jiro cudurdaar” – Vinicius Jr oo ku dhiirrigeliyay Real Madrid inay mucjiso ka sameyso Bernabéu kadib guuldarro xanuun badan oo ka soo gaadhay Arsenal.

Vinicius Junior ayaa ugu baaqay kooxda Real Madrid inay “dagaal” muujiyaan kulanka lugta labaad ee ay la ciyaarayaan Arsenal, kadib markii lagu garaacay 3-0 lugtii hore ee wareegga siddeed dhammaadka tartanka Champions League.

Real Madrid ayaa haatan halis ugu jirta in ay ka harto tartanka, kadib markii labo gool oo uu dhaliyay Declan Rice iyo mid uu raaciyay Mikel Merino ay Arsenal siiyeen hoggaan raaxo leh kulankii ka dhacay waqooyiga London habeenkii Talaadada.

Kooxda difaacaneysa koobka ayaa hadda u baahan soo laabasho mucjiso ah si ay u gaarto semi-finalka isla markaana ay u sii wado hamigeeda hanashada saddexda koob ee xilli ciyaareedkan, balse xiddiga reer Brazil, Vinicius Jr, ayaa sheegay in aysan jirin wax cudurdaar ah, isagoo kooxdiisa ku dhiirrigeliyay inay dagaalamaan ilaa daqiiqada ugu dambeysa marka ay mar kale la kulmaan Arsenal toddobaadka dambe garoonka Santiago Bernabéu.

Vinicius Jr ayaa ku qoray sheekadiisa Instagram:

“Ma jiro wax cudurdaar ah. Ciyaar xun. Waa waqtigii aan hagaajin lahayn oo aan ku dagaalami lahayn Bernabéu. Garoonkan waxyaabo badan ayaa horey uga dhacay, waana ku samayn karnaa mar kale. Ilaa dhamaadka, HAD IYO JEER!!!!!!”

Vinicius ayaa si cad u muujiyay in Real Madrid ay wali fursad u haysato in ay taariikh sameyso, isagoo taageereyaasha xasuusiyay in mucjisooyin badan oo lamid ah horey uga dhaceen garoonkooda caanka ah.

Vinicius Jr Oo Farriin Waalli Ah U Diray Arsenal Kadib Guuldarradii Xanuunka Badneyd

Paul Pogba oo shaaciyay kooxda uu jecel yahay in uu u ciyaaro xilli ciyaareedka dambe

XIGASHO LAACIB.NET

Paris, France – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France, Paul Pogba, ayaa si qiiro leh uga hadlay xanuunkii uu dareemay markii uu ka tagay Manchester United isagoo 19 jir ah, iyo sida uu mar walba ugu hamiyi jiray inuu dib ugu laabto kooxda uu aadka u jeclaa.

Wareysi uu siiyay majaladda caanka ah ee GQ France, Pogba ayaa si furan u muujiyay in markii uu ka tegay United sannadkii 2012 – isagoo aad u da’yar oo rajeynayay fursado badan – uu ka murugooday illaa heer uu ilmeynayay.

“Runtii aad ayaan uga naxay markii aan ka tagay Man United 19 jir ahaanteyda. Marka hore waan ooyay. Dib ugu laabashada kooxdaas oo qalbigayga ku weynayd waxay ahayd riyo aan mar walba ku taamayey,” ayuu yiri Pogba.

Pogba oo markaas u wareegay Juventus, ayaa halkaas ku qaatay afar sano oo guulo badan oo uu kula gaaray kooxda Talyaaniga ah, kahor inta uusan 2016 dib ugu laaban Manchester United – kooxda uu si weyn ula qabsaday xilligii uu ka tirsanaa da’yarta.

“Waxay ila ahayd sidii inaan safar aaday, haddana gurigeygii aan ku laabtay,” ayuu yiri Pogba, isaga oo tilmaamaya in ku soo noqoshadiisa United ay ahayd go’aan qalbiga uga yimid.

Si kastaba ha ahaatee, Pogba wuxuu kaloo wareysiga ku muujiyay dareen ah in uu ku hungoobay taageeradii uu filayay. Wuxuu sheegay in uu dareemay in jacayl la’aanta iyo kalsooni darrada dhanka maamulka kooxda iyo taageerayaal qaar ay niyad jab ku abuurtay.

“Jacaylka aan ka filayay kooxda iyo taageerayaashaba si buuxda uma aanan helin. Markii aan England kusoo laabtay, waxaan filayay inaan dareemidoono garab istaag buuxa – laakiin taa badalkeeda, wax badan way iga maqnaayeen. Taasi waxay ahayd mid aad ii murugeysay” ayuu Pogba si daacad ah u yiri.

Pogba ayaa markale ku laabtay Juventus sannadkii 2022, laakiin dhaawacyo iyo ganaaxyo ayaa saameyn ku yeeshay xirfaddiisa tan iyo markaas. Waxa uu hadda wajahaya culeysyo badan, balse hadalladiisa ayaa mar kale muujinaya sida ay Manchester United qalbigiisa u gelisay raad aan marnaba tirtirmayn.

DEG DEG: Real Madrid oo ceyrin doonta Ancelotti hadii ay ka haraan champions-ka

XIGASHO LAACIB.NET

Maalmaha Carlo Ancelotti ee kooxda Real Madrid ayaa la rumeysan yahay inay gabaabsi yihiin, iyadoo tababaraha reer Talyaani uu wajahayo in shaqada laga eryo kadib guuldarrooyin muhiim ah oo kasoo gaadhay kooxaha Valencia iyo Arsenal.

Kooxda difaacaneysa horyaalka Spain iyo Champions League ayaa si xun looga badiyay 3-0 ciyaartii lugta hore ee wareegga siddeed dhammaadka Champions League oo ay la yeesheen Arsenal Talaadadii, taas oo timid dhowr maalmood kaddib markii ay 2-1 kaga adkaatay kooxda Valencia garoonkeeda Santiago Bernabéu, taasoo keentay inay afar dhibcood ka dambeeyaan Barcelona horyaalka La Liga.

Ancelotti ayaa si niyad-jab leh uga hadlay fursadda ay kooxdiisu dib ugu soo laaban karto kulanka lugta labaad, isagoo qirtay in uu yahay waqti uu “wax walba qashinka ku tuuro”. Inkasta oo tababaraha caanka ah uu wali haysto fursad uu saddex koob ugu keeno Madrid xilli ciyaareedkan, hadana warbixin laga helay Relevo ayaa sheegaysa in go’aanka ku saabsan mustaqbalkiisa uu ku dhow yahay in la gaaro, isla markaana madaxda sare ee kooxda aysan ku qanacsaneyn sida uu wax u maamulayo.

Waxaa la sheegayaa in Real Madrid ay mudnaan gaar ah siinayso in ay keento tababarihii hore ee kooxdooda da’yarta – Xabi Alonso, si uu u beddelo Ancelotti. Si kastaba ha ahaatee, kooxda Bayer Leverkusen oo uu hadda tababare u yahay Alonso ayaa sheegtay in xiddigii hore ee Real uu go’aansaday in uu sii joogo Bundesliga xilli ciyaareedka dambe.

Haddii mucjiso la mid ah tii xilli ciyaareedkii hore aysan dhicin kulanka lugta labaad ee Bernabéu, Ancelotti ayaa laga yaabaa in si rasmi ah looga ceyriyo kooxda uu horay ugula guuleystay koobab badan.

DEG DEG:Real Madrid Oo Ceyrin Doonta Ancelotti Haddii…….

Gudiga taageerada la dagaalanka Alshabaab oo booqday Isbitaalada la dhigay dhaawacyada ciidamada+SAWIRRO

Muqdisho, Arbaco, 09 Abriil 2025 – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, anha Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Taageerada La-dagaallanka Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish., ayaa booqday qaar kamid ah Isbitaallada caasimadda oo lagu daryeellayo dhaawacyadii geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaannada ee waxyeelladu kasoo gaartay jiidaha hore ee dagaalka.
Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka, oo mid mid u dul-istaagay dhaawacyada ayaa ka waraystay xaalladooda caafimaad, wuxuunna sheegay in dowladdoodu la garab taagantahay daryeel walba oo ay u baahan yihiin, lana socon doonto xaaladdaha ay ku sugan-yihiin.
Booqashada Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka iyo xubnaha guddiga, oo warbixinno kala duwan ka dhagaystay howl-wadeennada gacanta ku haya dhaawacyada ayaa kula dardaarmay in ay ugu adeeggaan si hufan geesiyaasha u dhaawacmay halganka dalka looga sifeynayo kooxaha arxanka daran ee Khawaarijta ah.
Mudane Cabdisalaam, oo kormeerka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in guddigan uu yahay mid Qaran oo ka howlgallaya dhammaan gobollada dalka, iyaga oo si buuxda u garab istaagaya ciidamada qalabka sida, kuwa maamul gobolleedyada, dadka deegaannada, wuxuunna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay si buuxda uga qeyb qaataan difaaca dalka iyo diinta.
— Dhammaad —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed JimcaaleMay be an image of 14 peopleMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and hospitalMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 6 people, dais and hospitalMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 14 people and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 5 people, dais and hospitalMay be an image of 6 people, dais and hospitalMay be an image of 6 people and text

Wafdi horu-dhac ah Xamsa Cabdi-Barre oo gaaray Laas-caanood

LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Wafdi horu dhac u ah Booqashada Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi-Barre ayaa maanta gaaray Magaalada Laas-caanood ee Xarunta Maamulka SSC  Khaatumo.

Wafdigaan oo xildhibaano ay ka mid yihiin ayaa u tagay Laas-caanood inay u sii gogol xaaraan socdaalka ama booqashada Ra’iisulwasaaruhu ku tagayo dhawaan Magaaladaasi.

Fahiima Quuje  oo ka mid ah wafdiga gaaray Laas-caanood ayaa ka hadashay ujeedkooda ,waxayna xustay in safarkaani cid gaar a loogu dan lahayn balse uu yahay safar ay dani ugu jirto reer Khaatumo iyo Dowlada Somalia.

Hadaba halkaan ka daawo hadalada Fahiima Quuje markii ay gaareen Laas-caanood:-

 

 

Ra’iisulwasaare xigeenka “Siyaasadda halaga saaro dhiigga Ciidamada Qaranka,Cadowgu wuxuu ku jiraa rafashadii ugu dambeysay”

MUQISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Somalia Cabdisalaan Cabdi Cali oo maanta booqday ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka ee dhawaan ku soo dhaawacmay dagaalada ka dhanka ah Alshabaab ayaa ku baaqay in dhiiga ciidamada laga saaro siyaasadeynta.

Masuulkaani mar uu ka hadlayay dagaalada sida ay ku socdaan ee xowliga ah ayuu carabka ku adkeeyay in Alshabaab ay ku jiraan rafashadii ugu dambeysay.

“Siyaasadda halaga saaro dhiigga Ciidamada Qaranka,Cadowgu wuxuu ku jiraa rafashadii ugu dambeysay” ayuu yiri Ra’iisulwasaare xigeenka Soomaaliya

Haddaba halkaan ka daawo muuqaalka Ra’iisulwasaaraha:-

Maxaa kala qabsaday Alshabaab biya-dhaamis usoo baxay iyo ciidamada Dowlada 

AL-KOWSAR (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa macawislleyda Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa la soo sheegayaa inay fuliyeen Howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa Alshabaab u soo baxay biya dhaamis kuwaasoo watay gaadiid iyo hub intaba.

War ka soo baxay dhanka Dowlada ayaa lagu faah-faahiyay howlgalkaasi xili Dowladu heshay xogta Alshabaabkaasi oo biya la’aan daran ay heysay.

Dagaalamayaasha Alshabaab oo rabay inay biya ka dhaansadaan ceel-biyood ku yaal deegaanka Ceelka-Nuurgadow oo hoostaga degmada Al-Kowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa weerar aysan fileyn ku ekeeyay ciidamada Dowlada iyo macawisleyda.

Dowlada ayaa sheegtay inay weerarkaani ku laayeen dhamaan maleeshiyaadkii kooxda Alshabaab,sidoo kalana ay gubeen gaadiidkii ay biyaha ku qaadi rabeen.

Dhanka kale ma jiraan warar madax banaan oo laga helay howlgalkaani Dowladu guusha ka sheegatay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

- Advertisement -

news

Weekly Meal Planner and Grocery List | Google Sheets Digital Template...

0
Weekly menu and shopping list | Digital model of Google sheets | Automated purchase list | Food preparation | Printable digital food planner Plan your...

book store near me

Murf AI

HOT NEWS