Home Blog Page 74

Ra’iisulwasaare xigeenka “Siyaasadda halaga saaro dhiigga Ciidamada Qaranka,Cadowgu wuxuu ku jiraa rafashadii ugu dambeysay”

MUQISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Somalia Cabdisalaan Cabdi Cali oo maanta booqday ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka ee dhawaan ku soo dhaawacmay dagaalada ka dhanka ah Alshabaab ayaa ku baaqay in dhiiga ciidamada laga saaro siyaasadeynta.

Masuulkaani mar uu ka hadlayay dagaalada sida ay ku socdaan ee xowliga ah ayuu carabka ku adkeeyay in Alshabaab ay ku jiraan rafashadii ugu dambeysay.

“Siyaasadda halaga saaro dhiigga Ciidamada Qaranka,Cadowgu wuxuu ku jiraa rafashadii ugu dambeysay” ayuu yiri Ra’iisulwasaare xigeenka Soomaaliya

Haddaba halkaan ka daawo muuqaalka Ra’iisulwasaaraha:-

Maxaa kala qabsaday Alshabaab biya-dhaamis usoo baxay iyo ciidamada Dowlada 

AL-KOWSAR (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa macawislleyda Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa la soo sheegayaa inay fuliyeen Howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa Alshabaab u soo baxay biya dhaamis kuwaasoo watay gaadiid iyo hub intaba.

War ka soo baxay dhanka Dowlada ayaa lagu faah-faahiyay howlgalkaasi xili Dowladu heshay xogta Alshabaabkaasi oo biya la’aan daran ay heysay.

Dagaalamayaasha Alshabaab oo rabay inay biya ka dhaansadaan ceel-biyood ku yaal deegaanka Ceelka-Nuurgadow oo hoostaga degmada Al-Kowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa weerar aysan fileyn ku ekeeyay ciidamada Dowlada iyo macawisleyda.

Dowlada ayaa sheegtay inay weerarkaani ku laayeen dhamaan maleeshiyaadkii kooxda Alshabaab,sidoo kalana ay gubeen gaadiidkii ay biyaha ku qaadi rabeen.

Dhanka kale ma jiraan warar madax banaan oo laga helay howlgalkaani Dowladu guusha ka sheegatay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Yusuf Garad “Dowlada waxaa qasab ku ah inay ka jawaabto su’aalaha ka dhashay siyaasadeynta geerida Gen.Sheegoow”

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirkii hore ee arimaha dibada Somalia Yuusuf Garaad sidoo kalana ahaa madaxii hore ee BBC laanteeda Afka Somaliga ayaa talo aad muhiim u ah wuxuu siiyay Dowlada Faderaalka Soomaaliya.
Yuusuf Garaad ayaa marka hore qoraal uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu tacsi hawada u marinayaa qoyska iyo ehelada General Sheegow,sidoo kalana wuxuu Ilaaheey uga baryayaa naxariista Jannada.
Masuulkaan wuxuu Dowlada kula taliyay inay sameyso baaritaan  si haddii uu dembi dhacay loo ogaado loogana jawaabo.
“haddii Generaalka tii Allah u timidna lagu qanciyo qoyskiisa, saaxiibbadiis iyo taageerayaashiisa sii kordhaya”ayuu ku yiri qoraalkiisa Wasiirkii hore ee arimaha dibada.
“Waxaan qabaa in Dowladda ay ku waajibtay ugu yaraan fasiraad sida ay wax u dheceen, si looga jawaabo su’aalaha la qabi karo iyo kuwa ka dhashay siyaasadeynta geerida marxuumka” ayuu mar kale yiri Yuusud Garaad.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Xildhibaan Britain ka soo jeeda oo codsaday in Somaliland la aqoosado

May be an image of 1 personSida lagu shaaciyay facebook-ga Maamulka Somaliland Xildhibaan  ka tirsan Dowlada Britain ayaa golaha uu ka tirsan yahay ka codsaday in la aqoonsado Somaliland gooni u goosadkooda.

Qoraalka Maamulka Somaliland ayaa sidan u qornaa:-
Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska, ayaa beesha caalamka, gaar ahaan UK ugu baaqay inay si degdeg ah u aqoonsadaan Jamhuuriyadda Simaliland.
Gavin Williamson wuxuu sidaas ku sheegay warbixin uu ku baahiyay warbaahinta Ingiriiska oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA. waxaannu ku dooday in dawladda fashilantay ee Soomaaliya aanay jalaafayn karin ictiraafka Somaliland.
Xildhibaan Gavin Williamson wuxuu xusay in Somaliland tahay dal madax-bannaan, xasilloon oo dimuqraadi ah, halka Soomaaliyana uu ku sifeeyay waddan fashilmay oo ay ka jirto argagixiso, musuqmaasuq iyo budhcadnimo.
Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray in marsada Berbera iyo madaarka magaaladaasi ay yihiin kaabayaal istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga caalamka iyo hay’adaha amniga ee reer galbeedka, waxaanu carabka ku dhuftay in marinka Bab-el-Mandeb oo ay maraan 12% ganacsiga caalamku.
Gavin Williamson wuxuu caddeeyay in Aqoonsiga Somaliland uu ka hortagi doono saameynta Shiinaha, Ruushka iyo Iiraan ee gobolka, kuwaas oo xaqiijiyay inay doonayaan inay la saftaan Somalia si ay u wiiqaan danaha reer galbeedka.
Xildhibaanku wuxuu sharraxay inay Somaliland leedahay sooyaal dheer oo doorashooyin dimuqraadi ah iyo maamul shaqeynaya, taas oo ka dhigaya waddan mudan aqoonsi, si ka duwan Soomaaliya.
Gavin Williamson wuxuu ku booriyay dunida reer galbeedka inay ictiraafaan Somaliland, si looga hortago in fursad muhiim ah la siiyo dawladaha kelitaliska ah.

Wasiirka Maaliyada oo shir Caalami ah kaga qeybgalay Dalka Kuweyt+SAWIRRO

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Kuwait City ayaa maanta ka qeyb galay munaasibadda furitaanka shir hay’adaha Maaliyadda Dalalka Carabta oo sanadkani ay marti-galinayso Dowladda Kuwait.
Shirkaan oo sanadle ah ayaa waxaa inta badan diiradda lagu saaraa arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo maalgalinta, iyada oo ay si joogta ah uga soo qeyb galaan Dowladaha, Hey’adaha iyo Ururo Caalami ah ee ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha iyo maalgalinta.
Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa sidoo kale la filayaa inta uu socdo shirkan, in uu kulamo doceedyo la yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda matalaya Dowladohooda iyo Hey’adaha caalamiga ah ee shirka ka soo qeyb galay, kulamadaas loo la filayo in ay natiijo wax ku ool ah ay ka soo baxaan.May be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 5 people, newsroom, dais and textMay be an image of 8 people, dais and text

Somaliland oo sheegay inay Mareykanka uu ku caawiyay joojinta safarka Xamsa ee Laas-caanood

LAAS CAANOOD (DAYNIILE,COM)-Masuulka Maamulka Somaliland ugu qaabilsan arimaha dibada  Aadan Daahir Bakaal ayaa ka dhawaajiyay in Dowlada Mareykanka ay la qaadatay Maamulkooda joojinta safarka Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya uu ku tagayo Magaalada Laas-canood

Somaliland “Mareykanka wuxuu nala qaatay joojinta safarka Xamsa ee Laas-caanood,dagaal weyn ayaan ka galnay arinkaasi  insha allaaH.”ayuu yiri Wasirka

Warkaan wuxuu ku soo aadayaa xili  maalmihii ugu dambeysay ay taagnayd xiisad ka dhaxeysa Maamulka Sonaliland iyo Dowlada Somalia,waxayna ka digayeen in hadii Xamsa uu tago Laas-caanood ay macquul tahay in la dilo .

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

UN-ka oo yeelanaya kulan xaalada Somalia looga hadlayo

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in dhawaan ay shir ka yeeshaan xaalada Somalia oo dagaalo iyo horumaro intaba ay ka socdaan.

Golaha Ammaanka ayaa la hadal hayaa inta lagu jiro bishaan inay ka doodi doonaan  kala qaybsanaanta siyaasadeed ee Soomaaliya iyo dagaalka Al-Shabaab lagu jiro xili ay waliba dar dar hor leh la soo baxeen.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo kana soo jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaalada Somalia ,sidoo kale wakiilada Dowlada Somalia ayaa iyaguna ka hadli doona,xili sidaas oo kale lagu wado inay goob joog ka noqdaan xubno ka socda wasaarada arimaha dibada Somalia.

Fadhiga Golaha amaanka QM waxyaabaha looga hadli doono waxaa ka mida taageerada ay Somalia la garab taagan yihiin marka la eego dib u eegista Dastuurka.

Qaramada Midoobe ayaa dhanka kale maanka ku heysa walaac ka taagan Khilaafka u dhexeeya dowladda Somalia iyo Maamul Goboleedyada qaarkood taasoo heer sare gaartay iyagoon wax wada shaqeynana aan lahayn.

Qamada Midoobe waxay aaminsan tahay in awooda soo korortay ee Alshabaab ay keentay markii ay fursad ka heleen kala qeybsanaanta Soomaalida ee dhanka qabyaalada iyo siyaasada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Deegaanka Geel-gub oo gacanta Dowlada soo galay

CADDALLE (DAYNIILE.COM)-Wararka ugu dambeeya ee ka imaanaya Deegaanka Geel-Gub ee hoos taga Magaalo xeebeedka Caddalle ayaa sheegaya in dagaalkii saaka halkaasi ciidamada Dowladu ku qaadeen ay horumar ka sameeyeen.

Guud ahaan deeegaanka waxay gacanta u gashay Milateriga Somalia iyo kuwa deegaanka ee iskaashanaya kadib dagaalkii xooganaa ee saaka ay wada jir u qaadeen ciidamadaasi.

Kooxdii Alshabaab ee halkaasi ku sugneyd ayaa laga eryay walina faah-faahin lagama helin khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo halka ay u baxeen kooxdii Alshabaab ee deegaanka laga saaray,inkastoo wali xaalad dagaal lagu jiro mar kastana la isku noqon karo.

Hay’adaha amaanka Dowlada ee sida hoose ula socda dagaalka ayaa lagu wadaa inay warbaahinta la hadlaan sharaxaada ka bixiyaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Dagaal-kii Aboooreey-Hiiraan oo Saaka halkiisa ka sii socda

BUULA-BURDE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Dagaaladii ka socday deegaanka Abooreey uu saaka halkiisa ka sii socdo xili shalay si weyn la isugu riiqmay.

Wararka Saaka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka la isu adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ,wuxuuna ka socdaa duleedka deegaankaasi.

Wararku waxay tilmaamayaan in dagaalkaani Abooreey uu qarxay kadib markii ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka ay weerar saaka ku qaadeen alshabaabkii shalay laga saaray gudaha deegaanka kuwaasoo isku urursanayay banaanka deegaankasi.

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Jen.Odawaa Yuusuf Raagge ayaa dagalka Abooreey saaka ku biirey isaga oo horkacaya ciidamo gurmad ahaan halkaasi u aaday saaka.

Kooxda Alshabaab ayaa u muuqata inay aad u daneynayaan deegaanka Abooreey oo ay istaraatiiji ka dhiganayan marka la eego sida ay sedey ay ugu dagaalamayaan marka la eego, ugu yatraan 2 saac oo xiriir ah ayay ka dagaalamayaan Deegaanka Abooreey iyadoo intaas ciidamada Dowlada ay marba ka saarayaan hadana ay qabsanayaan.

Dagaalka Abooreey oo Dowladu ahmiyad weyn siineyso xili Odawaa Yuusuf xitaa saaka ku biirey wixii ka soo kordha wararkeena danbe ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Hoos u dhac ku yimid Suuqa saamiyada Mareykanka kadib dagaalka cabshuuraha

Suuqa saamiyada Mareykanka ayaa aad hoos ugu dhacay talaadadii ka dib markii Trump uu sheegay in canshuuraha wax soo dejinta ee Shiinaha ay kor u kici doonto 104 boqolkiiba, iyadoo halbeegga S&P 500 iyo Nasdaq Composite-ka tignoolajiyada culus uu hoos u dhacay 1.57 boqolkiiba iyo 2.15 boqolkiiba, siday u kala horreeyaan.

Hoos u dhaca saamiyada Maraykanka ayaa yimid ka dib markii suuqyadu si xoogan u soo baxeen horaantii maalinta iyada oo ay jirto hubaal la’aan ka jirta qorshayaasha ganacsiga ee Trump.

Suuqyada saamiyada Aasiya ayaa raacay khasaaraha Wall Street, iyadoo Japan Nikkei 225 iyo KOSPI ee Kuuriyada Koonfureed ay hoos u dhaceen 4 boqolkiiba iyo 1 boqolkiiba, siday u kala horreeyaan, ganacsiga hore ee Arbacada.

Tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Mareykanka ee Trum wuxuu caalamka ku soo rogay canshuur kordhin uusan cidna u aaba yeelin xitaa dalalka xulufada la ah.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

- Advertisement -

news

Etsy – Shop for handmade, vintage, custom, and unique gifts

0
Etsy is more than an online market it is a pulsating world center in which creativity thrives and combines buyers with independent suppliers that...

Murf AI

book store near me

HOT NEWS