Home Blog Page 75

Yusuf Garad “Dowlada waxaa qasab ku ah inay ka jawaabto su’aalaha ka dhashay siyaasadeynta geerida Gen.Sheegoow”

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirkii hore ee arimaha dibada Somalia Yuusuf Garaad sidoo kalana ahaa madaxii hore ee BBC laanteeda Afka Somaliga ayaa talo aad muhiim u ah wuxuu siiyay Dowlada Faderaalka Soomaaliya.
Yuusuf Garaad ayaa marka hore qoraal uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu tacsi hawada u marinayaa qoyska iyo ehelada General Sheegow,sidoo kalana wuxuu Ilaaheey uga baryayaa naxariista Jannada.
Masuulkaan wuxuu Dowlada kula taliyay inay sameyso baaritaan  si haddii uu dembi dhacay loo ogaado loogana jawaabo.
“haddii Generaalka tii Allah u timidna lagu qanciyo qoyskiisa, saaxiibbadiis iyo taageerayaashiisa sii kordhaya”ayuu ku yiri qoraalkiisa Wasiirkii hore ee arimaha dibada.
“Waxaan qabaa in Dowladda ay ku waajibtay ugu yaraan fasiraad sida ay wax u dheceen, si looga jawaabo su’aalaha la qabi karo iyo kuwa ka dhashay siyaasadeynta geerida marxuumka” ayuu mar kale yiri Yuusud Garaad.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Xildhibaan Britain ka soo jeeda oo codsaday in Somaliland la aqoosado

May be an image of 1 personSida lagu shaaciyay facebook-ga Maamulka Somaliland Xildhibaan  ka tirsan Dowlada Britain ayaa golaha uu ka tirsan yahay ka codsaday in la aqoonsado Somaliland gooni u goosadkooda.

Qoraalka Maamulka Somaliland ayaa sidan u qornaa:-
Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska, ayaa beesha caalamka, gaar ahaan UK ugu baaqay inay si degdeg ah u aqoonsadaan Jamhuuriyadda Simaliland.
Gavin Williamson wuxuu sidaas ku sheegay warbixin uu ku baahiyay warbaahinta Ingiriiska oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA. waxaannu ku dooday in dawladda fashilantay ee Soomaaliya aanay jalaafayn karin ictiraafka Somaliland.
Xildhibaan Gavin Williamson wuxuu xusay in Somaliland tahay dal madax-bannaan, xasilloon oo dimuqraadi ah, halka Soomaaliyana uu ku sifeeyay waddan fashilmay oo ay ka jirto argagixiso, musuqmaasuq iyo budhcadnimo.
Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray in marsada Berbera iyo madaarka magaaladaasi ay yihiin kaabayaal istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga caalamka iyo hay’adaha amniga ee reer galbeedka, waxaanu carabka ku dhuftay in marinka Bab-el-Mandeb oo ay maraan 12% ganacsiga caalamku.
Gavin Williamson wuxuu caddeeyay in Aqoonsiga Somaliland uu ka hortagi doono saameynta Shiinaha, Ruushka iyo Iiraan ee gobolka, kuwaas oo xaqiijiyay inay doonayaan inay la saftaan Somalia si ay u wiiqaan danaha reer galbeedka.
Xildhibaanku wuxuu sharraxay inay Somaliland leedahay sooyaal dheer oo doorashooyin dimuqraadi ah iyo maamul shaqeynaya, taas oo ka dhigaya waddan mudan aqoonsi, si ka duwan Soomaaliya.
Gavin Williamson wuxuu ku booriyay dunida reer galbeedka inay ictiraafaan Somaliland, si looga hortago in fursad muhiim ah la siiyo dawladaha kelitaliska ah.

Wasiirka Maaliyada oo shir Caalami ah kaga qeybgalay Dalka Kuweyt+SAWIRRO

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Kuwait City ayaa maanta ka qeyb galay munaasibadda furitaanka shir hay’adaha Maaliyadda Dalalka Carabta oo sanadkani ay marti-galinayso Dowladda Kuwait.
Shirkaan oo sanadle ah ayaa waxaa inta badan diiradda lagu saaraa arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo maalgalinta, iyada oo ay si joogta ah uga soo qeyb galaan Dowladaha, Hey’adaha iyo Ururo Caalami ah ee ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha iyo maalgalinta.
Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa sidoo kale la filayaa inta uu socdo shirkan, in uu kulamo doceedyo la yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda matalaya Dowladohooda iyo Hey’adaha caalamiga ah ee shirka ka soo qeyb galay, kulamadaas loo la filayo in ay natiijo wax ku ool ah ay ka soo baxaan.May be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 5 people, newsroom, dais and textMay be an image of 8 people, dais and text

Somaliland oo sheegay inay Mareykanka uu ku caawiyay joojinta safarka Xamsa ee Laas-caanood

LAAS CAANOOD (DAYNIILE,COM)-Masuulka Maamulka Somaliland ugu qaabilsan arimaha dibada  Aadan Daahir Bakaal ayaa ka dhawaajiyay in Dowlada Mareykanka ay la qaadatay Maamulkooda joojinta safarka Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya uu ku tagayo Magaalada Laas-canood

Somaliland “Mareykanka wuxuu nala qaatay joojinta safarka Xamsa ee Laas-caanood,dagaal weyn ayaan ka galnay arinkaasi  insha allaaH.”ayuu yiri Wasirka

Warkaan wuxuu ku soo aadayaa xili  maalmihii ugu dambeysay ay taagnayd xiisad ka dhaxeysa Maamulka Sonaliland iyo Dowlada Somalia,waxayna ka digayeen in hadii Xamsa uu tago Laas-caanood ay macquul tahay in la dilo .

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

UN-ka oo yeelanaya kulan xaalada Somalia looga hadlayo

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in dhawaan ay shir ka yeeshaan xaalada Somalia oo dagaalo iyo horumaro intaba ay ka socdaan.

Golaha Ammaanka ayaa la hadal hayaa inta lagu jiro bishaan inay ka doodi doonaan  kala qaybsanaanta siyaasadeed ee Soomaaliya iyo dagaalka Al-Shabaab lagu jiro xili ay waliba dar dar hor leh la soo baxeen.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo kana soo jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaalada Somalia ,sidoo kale wakiilada Dowlada Somalia ayaa iyaguna ka hadli doona,xili sidaas oo kale lagu wado inay goob joog ka noqdaan xubno ka socda wasaarada arimaha dibada Somalia.

Fadhiga Golaha amaanka QM waxyaabaha looga hadli doono waxaa ka mida taageerada ay Somalia la garab taagan yihiin marka la eego dib u eegista Dastuurka.

Qaramada Midoobe ayaa dhanka kale maanka ku heysa walaac ka taagan Khilaafka u dhexeeya dowladda Somalia iyo Maamul Goboleedyada qaarkood taasoo heer sare gaartay iyagoon wax wada shaqeynana aan lahayn.

Qamada Midoobe waxay aaminsan tahay in awooda soo korortay ee Alshabaab ay keentay markii ay fursad ka heleen kala qeybsanaanta Soomaalida ee dhanka qabyaalada iyo siyaasada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Deegaanka Geel-gub oo gacanta Dowlada soo galay

CADDALLE (DAYNIILE.COM)-Wararka ugu dambeeya ee ka imaanaya Deegaanka Geel-Gub ee hoos taga Magaalo xeebeedka Caddalle ayaa sheegaya in dagaalkii saaka halkaasi ciidamada Dowladu ku qaadeen ay horumar ka sameeyeen.

Guud ahaan deeegaanka waxay gacanta u gashay Milateriga Somalia iyo kuwa deegaanka ee iskaashanaya kadib dagaalkii xooganaa ee saaka ay wada jir u qaadeen ciidamadaasi.

Kooxdii Alshabaab ee halkaasi ku sugneyd ayaa laga eryay walina faah-faahin lagama helin khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo halka ay u baxeen kooxdii Alshabaab ee deegaanka laga saaray,inkastoo wali xaalad dagaal lagu jiro mar kastana la isku noqon karo.

Hay’adaha amaanka Dowlada ee sida hoose ula socda dagaalka ayaa lagu wadaa inay warbaahinta la hadlaan sharaxaada ka bixiyaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Dagaal-kii Aboooreey-Hiiraan oo Saaka halkiisa ka sii socda

BUULA-BURDE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Dagaaladii ka socday deegaanka Abooreey uu saaka halkiisa ka sii socdo xili shalay si weyn la isugu riiqmay.

Wararka Saaka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka la isu adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ,wuxuuna ka socdaa duleedka deegaankaasi.

Wararku waxay tilmaamayaan in dagaalkaani Abooreey uu qarxay kadib markii ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka ay weerar saaka ku qaadeen alshabaabkii shalay laga saaray gudaha deegaanka kuwaasoo isku urursanayay banaanka deegaankasi.

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Jen.Odawaa Yuusuf Raagge ayaa dagalka Abooreey saaka ku biirey isaga oo horkacaya ciidamo gurmad ahaan halkaasi u aaday saaka.

Kooxda Alshabaab ayaa u muuqata inay aad u daneynayaan deegaanka Abooreey oo ay istaraatiiji ka dhiganayan marka la eego sida ay sedey ay ugu dagaalamayaan marka la eego, ugu yatraan 2 saac oo xiriir ah ayay ka dagaalamayaan Deegaanka Abooreey iyadoo intaas ciidamada Dowlada ay marba ka saarayaan hadana ay qabsanayaan.

Dagaalka Abooreey oo Dowladu ahmiyad weyn siineyso xili Odawaa Yuusuf xitaa saaka ku biirey wixii ka soo kordha wararkeena danbe ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Hoos u dhac ku yimid Suuqa saamiyada Mareykanka kadib dagaalka cabshuuraha

Suuqa saamiyada Mareykanka ayaa aad hoos ugu dhacay talaadadii ka dib markii Trump uu sheegay in canshuuraha wax soo dejinta ee Shiinaha ay kor u kici doonto 104 boqolkiiba, iyadoo halbeegga S&P 500 iyo Nasdaq Composite-ka tignoolajiyada culus uu hoos u dhacay 1.57 boqolkiiba iyo 2.15 boqolkiiba, siday u kala horreeyaan.

Hoos u dhaca saamiyada Maraykanka ayaa yimid ka dib markii suuqyadu si xoogan u soo baxeen horaantii maalinta iyada oo ay jirto hubaal la’aan ka jirta qorshayaasha ganacsiga ee Trump.

Suuqyada saamiyada Aasiya ayaa raacay khasaaraha Wall Street, iyadoo Japan Nikkei 225 iyo KOSPI ee Kuuriyada Koonfureed ay hoos u dhaceen 4 boqolkiiba iyo 1 boqolkiiba, siday u kala horreeyaan, ganacsiga hore ee Arbacada.

Tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Mareykanka ee Trum wuxuu caalamka ku soo rogay canshuur kordhin uusan cidna u aaba yeelin xitaa dalalka xulufada la ah.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Dagaal culus oo saaka ka qarxay deegaanka Geel-gub ee Sh.dhexe

CADDALLE (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Deegaanka Geel-gub ee hoos taga Degmo xeebeedka Caddalle ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in saaka uu halkaasi dagaal ka qarxay kaasoo u dhexeeya ciidamada Dowlada Somalia oo garab ka helaya kuwa macawisleyda iyo Alshabaab oo dhanka kale ah.

Dagaalka oo hubka nuucyadiisa kala duwan la isu adeegsanayo ayaa la soo sheegayaa inay weerarka qaadeen ciidamada Dowalda oo wata gaadiid dagaal iyo ciidamo badan.

Labada dhinac waxay dagaalka isu adeesanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan iyadoo durba la soo sheegayo khasaare nafeed oo dhionacyada soo kalay gaaray, sidoo kale ciidamada Dowlada ayaa guulo wax ku ool ah ka gaaray weerarkooda.

Dagaalka Shabeelaha dhexe ka qarxay ayaa ku soo aadaya xili maalmihii ugu dambeeyay dagaaladu u weecdeen dhanka Gobolka Hiiraan iyadoo shalay saraakiil sar sar ay Dowlada uga dhinteen dagaaladaasi gaar ahaan deegaanka Abooreey oo labada dhinac isku riiqmeen.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dagaalka oo dhowr jiha ay ciidamada Dowladu ka qaadeen ay goor dhaw ku guuleysteen inay maleeshiyaadka Alshabaab ka saaraan.

Dhanka kale faah-faahinta dagaalka saaka ka socda Gobolka Shabeelaha dhexe wararkeena xiga ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

Howlgalka Kumaandooska Danab ay ka fuliyeen Masaajid Cali-gaduud

Sida lagu shaaciyay Raadiyaha Ciidamada Dowlada  Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si guul leh u fuliyey howlgal qorsheysan oo ka dhacay degmada Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka oo ka dhacay bartamaha degmada iyo deegaanada ku dhow, ayaa lagu beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta. Duqeymo cirka ah oo ay iska kaashadeen saaxiibada caalamka iyo CXDS iyo howlgallo dhulka ah oo lagu dilay in ka badan 15 xubnood oo ka tirsan argagixisada. Sidoo kale, waxaa la gubay saddex gaari oo labo ka mid ah ay ahaayeen gaadiid dagaal, halka midka kalena uu ahaa Ambalaas oo ay u adeegsanayeen ujeeddooyin khaldan.

Inta lagu guda jiray howlgalka, waxaa la qaarajiyay Bashiir Axmed Dhuxul, oo loo yaqaanay Bashiir Caadle, kaas oo ahaa Amiirka Dacwada ee Khawaarijta Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Bashiir Caadle ayaa ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu firfircoon ee ka qeyb qaata abaabulka iyo faafinta fikirka xagjirka ah, waxaana dilkiisa uu dhirbaaxo culus ku yahay hoggaanka kooxda Khawaarijta.

Ciidamada geesiyaasha ah ee Danab ayaa weerarka si xirfadaysan u fuliye, iyagoo bartilmaameedsaday goobo muhiim ah oo ay argagixisadu ku dhuumaaleysanayeen, kuna diyaarinayeen falal amni darro. Argagixisadii lagu beegsaday howlgalka ayaa ka cararay goobihii ay ku sugnaayeen, iyagoo halkaasi kaga tegay meydad badan.
- Advertisement -

news

Weekly Meal Planner and Grocery List | Google Sheets Digital Template...

0
Weekly menu and shopping list | Digital model of Google sheets | Automated purchase list | Food preparation | Printable digital food planner Plan your...

book store near me

Murf AI

HOT NEWS