Home Blog Page 78

Shacabka Gaza lagu xasuuqay 24-kii saac ee ugu dambeeyay

GAZA (DAYNIILE.COM)-Ugu yaraan 38 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ay ku qaadday Qaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, hal qof oo mayd ah ayaa laga soo saaray burburka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee deegaankaas.

Militariga Israa’iil ayaa sidoo kale sii wada duqeymaha Suuriya, iyagoo ugu yaraan lix qof ku dilay Deraa, waxaana cambaareeyay Qatar iyo Sacuudi Carabiya.

Mareykanka ayaa sii wada duqeymaha uu ka geysanayo Yemen, iyadoo saraakiisha ugu sareysa ay wajahayaan baaritaan ku saabsan la wadaaga qorshayaasha militariga saxafiga xilli ay koox ku wada sheekeysanayaan app-ka fariinta Signal-ka.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 50,183 falastiiniyiin ah la xaqiijiyay in ay dhinteen 113,828 ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Gaza ayaa cusboonaysiiyay dhimashadeeda in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumanaan Falastiiniyiin ah oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.

Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay 7-dii Oktoobar 2023 in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMNo description available.

Abiye Ahmed oo fariin lala yaabay u gud-biyay shacabka Tigreega

Backgrounder: Who is Abiy Ahmed, new chairman of Ethiopia's ruling party? -  Xinhua | English.news.cnADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed ayaa markii ugu horeysay fariin la yaab leh u direy shacabka qowmiyada Tigreega.
Abiye Ahmed wuxuu fursad u siiyay  shacabka Tigreega inay soo gudbiyaan qofkii badali lahaa hogaamiyahooda Getachew Redda.
Arinta lala yaabay ayaa ah in isagoo awood u leh magacaabista hogaamiyaha inuu hadana fursad u siiyay Tigreega inay Email ku soo codeeyaan qofkii ay u rabaan booskaasi.
Qorshaha Abiye Axmed ayaa ah in soo gud-binta shacabka  codeyntooda uu kaga qiyaas qaadan doono ama meesha ay u bataan uu ka qaadan doono hogaamiyaha maamuli doona deegaanada ismaamulka Tigreega.
Waa markii ugu horeysay ee Abiye Ahmed Tireega fursad u siiyo inay iyagu soo xushaan islamarkaana email wax ku doortaan xili waliba sharciga Itoobiya uu qabo in Ra’iisulwasaaraha uu magacaabo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Maxaad kala socotaa dagaalka saaka ka dhacay Boosaaso

BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Kooxo hubeysan ayaa saaka weerar ku qaaday saldhiga Booliiska Magaalada Boosaaso ee Puntland.

Ciidamada Saldhiga ayaa iska caabiyay kooxdaasi ,waxaana uu sababay dagaalku dhimashada hal ruux iyo dhaawaca tira kale.

Inkasroo ujeedka koxdaani aan si rasmi ah loo ogaan hadana wararka qaar ayaa sheegaya inay ku sugan yihiin wali meel aan sidaas uga fogeyn saldhiga .

Saraakisha Saldhiga Booliiska Boosaaso ayaa dhankooda saxaafada u sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan kooxaha weerarka ku soo qaaday ayna dhamaantood gacanta ku soo dhigi doonaan.

weerarada kooxaha hubeysani Boosaaso ka geysanayaan ayaa ku soo aadaysa xili Magaalada Boosaaso uu ku sugan yahay Madaxweynaha maamulka Puntland saciid dani oo hakaasi ka hagaya dagaalka ay Daacish kula jiraan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

DEG DEG: Alshabaab oo dagaal kula wareegtay Degmada Masaajid Cali-guduud

MASAAJID CALI-GADUUD (DAYNIILE.COM)-Wararka hada a imaanaya Degmada Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in dagaal goor dhaw oo saaka ah ka dhacay halkaasi ay Alshabaab ku qabsadeen.
Dagaalka ayaa ahaa mid culus islamarkaana socday saacado ugu dambeyna waxaa magaalada laga saaray ciidamadii Dowlada ee halkaasi ku sugnaa,waxaana u haray kooxda Alshabab.

Gudoomiyaha Degmadaasi Saylax ayaa xaqiijiyay inay ka baxeen magaaladaasi kadib dagaal ay alshabaab la galeen kadib.
Laba sano ka hor ayay ahayd markii Alshabaab halkaasi laga saaray balse maanta ayay dib ugu soo laabteen.
Talaabada Alshabaab ku qabsadeen Degmadaan Masaajid Cali-gaduud ayaa ku soo aadeysa xili Madaxweynaha Soomaaliya uu ku sugan yahay Gobolka Shabeelaha dhexe uuna ka wado abaabul Alshabaab ka dhan ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Maxaad ka taqaanaa diyaaradda dagaalka Turkiga ee T129 ATAK iyo howlgallada loo adeegsaday hadda ka hor

=XIGASHO BBC SOMALI=T129 ATAK

Diyaaradaha T129 ATAK waa diyaarado siyaabo kala duwan u dagaallama iyagoo loogu talogalay in ay si dhow u taageeraan ciidamada iyo howlgalada sahanka. Diyaaradahan waxay sidoo kale awood u leeyihiin in laba saacadood ay hawada ku jiraan.

Habka ay u kala wareegayaan iyo sida tooska ah e ay u beegsan karaan cadowgooda ayaa ka dhigay in ay noqdaan kuwa tayadoodu sareyso.

Waxaa ku xiran diyaaradahan hub casri ah oo ay ku jiraan kuwa darandooriga u dhaca iyo gantaallada. Sidoo kale diyaaradahan qumaatiga u kaca waxaa lagu yaqaan in ay si saxan u weeraraan goobaha ay doonayaan iyagoo degdeg jihada ay doonaan ugu wareegi kara.

Diyaaradahan qumaatiga u kaca ee wax weerara waxaa la sheegay in ay yihiin helikobtarada ugu waxtarka badan noocyadeeda, waxaana loo adeegsan karaa sidoo kale duqeymaha meelaha aan fogeyn.

Awooda diyaaradahan waxaa ka mid ah in ay ku dagaallami karaan cimilo kasta, waxaana ujeedkii hore ee loo sameeyay uu ahaa in ay daboolaan baahida ciidamada Turkiga.T129 ATAK

Mas’uuliyiinta wadanka ayaa sheegay in aysan jirin meel adduunnka ka mid ah oo Turkiga aysan u dooneyn in ay ka iibiyaan diyaaradahooda sida dhacda mararka qaar. Sidoo kale Mareykanka ayey u sheegeen in ay ka iibinayaan hadii uu doonayo si uu ugu ilaaliyo xadka uu la leeyahay Mexico.

Hay’ada turkiga u qaabilsan hawada sare ee magaceeda loo soo gaabiyo TAI ayaa soo saartay diyaaradahan, waxayna dooneysaa in 50% ay kordhiso awooda ay dibada ugu dhoofiso noocyada qalabka ay sameyso.

Adduunka si weyn ayaa looga dalbadaa, waxaana la sheegay in sanadkii 2024-kii $7.2 billion lagu iibsaday diyaaradaha.

Turkiga waxa uu doonayaa dalal uu Jarmalka ku jiro in uu ka iibiyo diyaaradahan sida uu sheegay madaxa shirkadda sameysa diyaaradaha.

Saraakiil ka socota NATO iyo wasiirada difaaca dalal badan oo caalamka ayaa booqasho ugu tagay Turkiga si ay indhahooda ugu soo arkaan tayada lagu sheegay diyaaradahan.

Dalalka isticmaalay diyaaradahan

Turkiga oo ahaa dal aan hore loogu aqoon qalabka casriga ee loo adeegsado dagaalka hawada sare ayaa hadda hormuud ka noqdoy farsamadaas, wuxuuna la tartamaya dalalka kale ee ay isbahaysiga NATO iskula jiraan.

Markii ugu horeysay awooda diyaaradahan waxaa la tijaabiyay sanadkii 2009-kii iyadoo sanadkii ku xigay ee 2010-kiina ay ka qeybqaateen tijaabo ka dhacday Verbania dalka Tayaaniga.

Diyaaradahana ayaa qeyb ka ahaa howgallo ciidamada Turkiga ka sameeyeen gudaha dalka sida in ay weeraro ka fuliyeen gobolka Siirt sanadkii 2015-kii iyo Afrin.

Diyaaradahan qumaatiga u kaca ee dagaalka waa kuwii ugu horeeyay oo dowladda Ankara ku sameyso gudaha dalka. Waa diyaarado leh labo matoor oo matraano ah.

Dalal ay ka mid yihiin Pakistan, Philippine iyo Nigeria ayaa ahaa kuwii ugu horeeyay ee ka iibsaday Turkiga. Dalka Paksitan inta aysan iibsan waxaa lagu tijaabiyay gudaha wadankooda.

Nigeria oo ka mid ah wadamada iibsaday helikobtaradan ayaa u adeegsanaya diyaaradahan Turkiga in ay kula dagaallanto kooxaha xagjiriinta ee dalkeeda dhibaatada ku ah.

Ciidamada cirka Nigeria waxay dalbadeen qaybtii labaad diyaaradahan si ay kor ugu qaadan awoodooda militeri dagaalka ay kula jiraan kooxaha xagjiriinta.

Turkiga waxa uu la galay Philippine heshiis qeyb ka ah nidaam lagu casriyeynayo ciidamada dalkaas. Ciidankooda cirka ayaa labo helikobtar nooca dagaalka ee T129 ATAK ka iibsaday Philippine. Labada helikobtar ayaa xoojinaya awooda ciidamada si ay ugu dagaallamaan meelaha la deggan yahay maadama ay yihiin diyaarado si saxan goobaha u beegsan kara.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Maamulka Punland muxuu ka yiri duqeymihii xalay daacish lala egtay

CAL-MISKAAD (DAYNIILLE.COM)-Duqeyn culus ayaa saacadihii ugu dambeeyay lala eegtay Kooxda Daacish sida lagu shaaciyay war ka soo baxay maamulka Puntland.
Duqeynta ayaa xalay ka dhacday si gaar ah aaga Togga Miiraale ee buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari halkaasoo khasaare lagu gaarsiiyay dagaalamayaasha daacish.
Sida uu sheegay Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland, Duqeynta ayaa waxaa fuliyay saaxiibada Dowladda Puntland ee Mareykanka.
“Duqeyn caawa ka dhacday Miiraale-Calmiskaad, waxaa lala beegtay firxadka Argagixisada Daacish, duqeynta waxa fuliyey saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka.”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dhanka Puntland.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Diyaaradaha Akanci oo markii ugu horeysay beri bilaabaya duqeymaha Alshabaab

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Diyaaradaha Drons-ka casriga ah ee Akinci oo dhawaan Dowlada Somalia ay ka soo iibsatay Dalka Turkey ayaa la shaaciyay inay beri oo arbaco ah bilaabayaan weerarada ay saldhigyada Alshabaab ku qaadayaan.

Warar ku dhaw dhaw Dowlada ayaa sheegaya in labad diyaaradodoba beri bilaabayaan duqeymaha iyagoona xooga saari doona Gobolka Shabeelaha hoose oo ciidamadii ugu badnaa ay Alshabaab dhawaan soo geliyeen halkaasi.

Sidoo kale waxay weeraro ka fulin doonaan Gobolka shabeelaha dhexe walow uu madaxweyne Xassan caawac ku hooyanayo furimaha dagaalka ,madaxweynaha marka uu Cadalle ku laabto ayaa macquul ah inay duqeymaha fuliyaan.

Warar kale oo ku dhaw dhaw ciidamada qaabilsan diyaaradahaan ayaa sheegaya in tan iyo markii muqdisho la soo gaarsiiyay ay ku jireen diyaar garow dhanka farsamada iyo ralibaada gantaalada.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

Madaxweyne Xassan oo gaaray Degmada Raaga Ceelle+SAWIRRO

Cadale, Maarso 25, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka Khawaarijta, kaddib markii uu caasimadda Muqdisho kulammo kula qaatay Guddoomiyaha Cusub ee Midowga Afrika.
Madaxweynaha ayaa magaalada Raaga Ceelle ee Gobolka Shabeelada dhexe kula hadlay, boqolaal ka mid ah halyeeyada xaq u dirirka ah ee Macawisleeyda deegaanka, isaga oo ku booriyay sida ay uga go’an tahay in dhibaatada Argagixisada ay uga dulqaadi lahaayeen dadkeenna ay dhibaataynayaan argagixisadu.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas kadib gaaray degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaan oo uu kasii wadi doono hoggaaminta abaabulka iyo howlagallada ka dhanka ah Argagixisada.May be an image of 4 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 2 people and textMay be an image of 1 personMay be an image of 5 peopleMay be an image of 9 people and textMay be an image of 7 people

Cabdiwali Gaas “siyaasiyiinta waxaan leeyahay saacadaan waa tii loo midoobi lahaa Alshabaab”

VIRGINIA (DAYNIILE.COM)-Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay dagaalka uu dalku ku jiro iyo wax siyaasi iyo shacaba maanta looga baahan yahay.

Cabdiwali Gaas wuxuu Soomaalida u soo jeediyay in loo midoobo la dagaalanka kooxda Alshabaab islamarkaana Dowlada lagu gacan siiyo.

“Maanta maaha waqtigii siyaasadda, waa waqtigii midnimada iyo ladagaalanka Khawaarijta, haddii dalkeena cadow qabsado siyaasi yuu xukumayaa” ayuu yiri C/weli Gaas oo ku sugan Mareykanka

Wuxuu tilmaamay in saacadaan la joogo ay tahay tii midnimada ,wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta inay sugaan saacada siyaasada.

“siyaasigu han waan yeelan karaa ,laakiin hada lama joogo,mida kale hadiiba dalka la qabsdo siyaasigu muxuu xukumayaa”ayuu mar kale yiri C/weli gaas

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

XOGTA: Madaxweyne Xassan iyo halka ay u mareyso ku qancinta dagaalka ee reerkiisa

RAAGE-CEELE (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta mar kale dib ugu laabtay furimaha dagaalka ayaan toos u tageyn magaalada Caddale oo ah xaruntiisa uu dagaalada ka hagayo wuxuuna ku hor marayaa magaalada Raage-Ceelle ee Gobolka Shabeelaha dhexe oo markiisii horaba uu ka bilaabay socdaalkiisa.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in sababta uu u taguo Raage-Ceelle imay qeyb ka tahay qorshe maalmihii ugu dambeeyay uu ku howlanaa taasoo ah ku qancinta dagaalka ee reerka uu ka soo jeedo.

wararka aan heleyno waxay sheegayan in beelaha qaarkood ay Dowlada wax ka tabanayaan taasoo ka dhigeysa in Dowladu weli qaadin guluf dagaal kaliyana waxa hada socda ay u badan dhaq dhaqaaqyo alshabaab wadaan iyo iska caabin oo kaliya.

Madaxweynaha sababta uu furimaha u tagay ayaa ah inuu reerkiisa ku qanciyo si weerar lagu mideysan yahay loogu qaado alshabaabka kumanaanka kun ah ee soo buux dhaafiyay Gobolka Shabeelaha dhexe oo ah istaraatiiji isku xira gobolada kale ee dalka kuwaasoo dhamaantood alshabaab-ku ku lug leeyihiin.

Wararka an heleyno waxay xoojinayaan in wali Madaxweynuhu ku guuleysan inuu soo celiyo wada-jirka reerka uu ka soo jeedo ee Abgaal oo udub dhaxaad u ah guul laga gaaro dagaalka shabeelaha dhexe oo hadii laga saaro alshabaab ku qabsi doonta inay gobolo badana ka baxaan.

Guusha Gobolka shabeelaha dhexe waxay kala goyn doontaa inay alshabaab isu gurmadaan marka la eego gobolada dhexe ee dalka gar ahaan gobolkaan wuxuu isku xiraa shabeelooyinka,Galgaduu iyo hiiraan.

Madaxweynaha waxaa la sheegay inay meel fiican u mareyso uuna xaliyay inta badan tabashooyinka beesha uu ka soo jeedo islamarkaana inta u dhimana uu socdaalkaan ku dhameystiri karo.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

- Advertisement -

news

Etsy – Shop for handmade, vintage, custom, and unique gifts

0
Etsy is more than an online market it is a pulsating world center in which creativity thrives and combines buyers with independent suppliers that...

Murf AI

book store near me

HOT NEWS