











MAHADAAY (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay ciidamada Burindi ee Somalia ku jooga magaca Atmis xili ay howgalo amni ku jireen.
Qaraxa oo ciidamada dalka Burindi lagula eegtay deegaanka Buurane oo hoos taga Degmada Mahadaay ayaa sababay dhimashada 2 askari halka kuwo kalana ay dhaawacmeen.
Xaafadaha buurane ayaa la sheegay inay ciidamada Burindi ka wadeen howlgalo ay amniga ku sugayeen balse qarax miino oo loo soo aasay ayaa lagu qarxiyay ciidamada Atmis gaar ahaan kuwa Burindi.
Kooxda Alshabab ayaa durba sheegatay weerarkaani inay iyagu ka danbeeyaan qaraxa sidoo kale waxay sheegteen in qaraxa ay ku dileen qaar ka mida ciidamada halka kuwa kalana ay dhaawaceen.
Dhanka Dowlada Somalia,Burindi ama Maamulka Defmada Mahadaasy midkoodna wali kama hadlin inkastoo ay dhici karto .
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
ALKOWTHAR (DAYNIILE.COM)-Diyaaradaha Dagaalka Dowlada Somalia ayaa xalay duqeymo waxay ka fuliyeen deegaanka Alkowthar oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe waxaana ka soo baxaya warar ku saabsan khasaaraha loo geystay kooxda Alshabaab.
Gantaalada ay diyaaradu la dhacday deegankaasi ayay ku bartilmaameedsatay saldhigyada kooxda Alshabaab.
Sarkaal Alshabaab ka tirsanaa islamarkaana caan ka ahaa deegaanka Al-kowthar ayaa duqeymaha xalay lagu dilay kaasoo magaciisa lau sheegay Cali Biyow kadib gantaalo ku dhacay goob uu ku sugnaa.
Cali biyow oo ka soo jeeda deegaankaan ayaa aad looga yaqaanay deegaanka wuxuuna ahaa sarkaalka alshabaab ugu sareeya deegaankaasi.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
MANDERA (DAYNIILE.COM)-Kolonyo gaaadiid ay wateen ciidamada Dalka kenya ayaa la soo sheegayaa in qarax lagula eegtay duleedka Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi bari-kenya.
Qaraxa oo ka dhacay inta u dhexeysa Fiidoow iyo Shiikh Baaloow ee Mandera ayaa sababay dhimashada ilaa 3 askari oo Kenyaan ah halka kuwo kalana ay dhaawacmeen,waxaana qaraxa ka dambeeyay kooxda Alshabaab sida ay sheegteen.
Sidoo kale qaraxa kadib kooxda Alshabaab ayaa weerar toos ah ku qaaday kolenyada ciidamada Kenya waxaana dhexmartay is rasaaseyn xoggan oo ay dadka deegaanku xaqiijiyeen.
Inkastoo warar madax banaan aysan xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah hadana Dowlada Kenya si fiican uma sharaxin weerarkaani inkastoo ay qirteen inuu jiro iyo waliba khasaare ka soo gaaray ciidamadooda.
Kooxda Alshabaab dhankooda way ka hadleen waxayna sheegteen weerarkooda inay ku laayeen ciidamo kenyaan ah halka kuwo kalana ay dhaawaceen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
=XIGASHO BBC SOMALI=
Waxa dhaliyay dabka ka kacay diyaarada laga lahaa Kuuriyada Koonfureed ee Airbus A32 ayaa la ogaaday. Mas’uuliyiinta waxay sheegeen in qalabka dabka lagu kediyo ee dib loogu buuxiyo mobilada uu ahaa sababta dhalisay dabka.
Shirkadda diyaarada ee Air Busan diyaaradeeda waxa uu dabka ka kacay iyadoo joogto garoonka diyaaradaha magaalada Gimhae ee Kuuriyada Koonfureed 28-kii Janaayo ee sanadkan. Dhaawacyo fudud ayaa soo gaaray saddex qof oo ka mid ahaa rakaabka diyaarada.
Wasaarada gaadiidka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay 14-kii bishan Marso in baaris lagu ogaaday waxa sababay dabka. Baarista ayaa lagu sheegay in qalabka dabka lagu keydiyo cilad ka timid uu sababay in diyaarada dab qabsado.
Dab-keydiyaha ayaa saarnaa halka boorsooyinka la saarto ee ka sareysa kuraasta rakaabka. Halkaas ayuuna dabka ka kacay.
Baarayaasha waxay sheegeen in aalada lagu arkay astaamaha dabka balse ma cada sababta keentay ciladaas.
Baarista ayaa ah mid horu dhac ah balse xogta ugu dambeysa ee baarista ee ku saabsan diyaarada weli lama shaacin.
Diyaaradaha adduuka oo dhan waxay mamnuuceen in qalabka keydiya dabka lala raaco diyaarada. Arrintan oo muddo sanado ah soo socotay ayaa lala xiriirinayaa sababo ammaan.
Qalabka keydiya dabka waxaa ku jira bateriyo Litiyuum ah. Batariyadaas waxay awood u leeyihiin in ay abuuraan kuleyl badan, waxayna sababi kraan dhibaato koronto hadii ay cilad ku timaado.
Sida lagu sheegay talo ay soo saartay hay’adda caalamiga ee duulista rayidka, ilaa iyo 2016-kii rakaabka diyaaradaha waxaa laga mamnuucay in diyaarada gudaheeda ay la fuulaan batariyada laga sameeyay Litiyuumka.
Kaddib dabkii ka kacay diyaaradaha Kuuriyada Koonfureed ee Airbus-ka aheyd, shirkadda Air Busan waxay qaaday tallaabooyin adag. Waxay ku dhawaaqday in rakaabka aan marna loo ogolaan doonin in ay boorsooyinkooda gudaha ay la galayaan ku qaataan qalabka dabka kediyo.
Shirkadu waxay sheegtay in tallaabadan ay qaateen kaddib markii ay kordheen dhacdooyinka la xiriira qalabka dabka keydiyo ee kululaanaya.
Dhinaca kale, shirkadaha diyaaradaha ee Shiinaha iyo Thailand ayaa sidoo kale hirgelinaya tallaabooyin kuwan oo kale ah.
Shirkadda diyaaradaha Scoot ee qiimaha jaban lagu raaco lagana leeyahay dalka Singapore ayaa ka mamnuuci doonta duulimaadyada isticmalka iyo buuxinta qalabka dabka keydiya laga bilaabo kowda bisha soo socota ee April.
28-kii bishii Febraayo ayey dowladda Kuuriyada Koonfureed ku dhawaaqday in rakaabka duulimaadyada gudaha ay batariyadooda iyo qalabka dabka lagu keydiyo gacmaha ku qaataan halkii ay ka dhigi lahaayeen meelaha boorsooyinka la dhigto ee kuraasta ka koreysa.
Hore waxaa u jiray dhacdooyin la xiriira dab ka kacay batariyada Litiyuumka. Bishii Maarso ee sanadkii 2017-diyaarad ka timid Melbourne kuna socotay Beijingi waxaa qarxay sameecadaha dhaga la gashto. Haweeney ayaa wadatay samacadahaasi.
Arrintan waxay keentay in haweeneyda ay ka dhaawacanto wajiga. Haweeneyda ayaa ku soo toostay kaddib markii sameecadaha ay ku qarxeen. Kaddib degdeg ayey isaga bixisay iyadoo dhulka ku tuurtay.
Dhacdadaas kaddib, waxaa la ogaaday in sababtu aheyd cilad ku timid batirga Litiyuumka ee sameecadaha ku xirnaa.
Mar sii horeysay waxaa dhacday in duulimaad ka yimid Sydney degdeg loo dajiyo kadidb markii la arkay qiiq ka imaanaya qeybta xamuulka lagu keydiyo ee diyaarada. Waxaa la ogaaday mar dambe in bateri Litiyuumka oo ku jiray qeybta xamuulka uu dab qabsaday.
Ururka adeegga deegaanka ee Britain ayaa sanadkii 2022-kii ku sheegay warbixin ay soo saareen in dhacdooyin dab oo ka badan 700 ay sanad kasta ka qarxaan meelaha qashinka lagu shubo. In badan oo ka mid ah dabkaas waxaa keenay batariyadaas ka sameysan Litiyuumka oo qashinka ku jiray.
Bateriyada Litiyuumka way qarxayaan hadii waxyeelo soo gaarto. Bateriyada Litiyuumka waxay ku jiraan qalabka dabka kediyo, cadyga korontada ku shaqeeya, taleefoonada iyo laabtoobyada.
MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Siyaasiga Cali C/laahi Cosoble oo ah Madaxweynihii ugu horeeyaye ee Maamulka Hirshabelle uu yeesho ayaa ka hadlay dagaalada alshabaab lagula jiro isagoona soo jeediyay in dhamaan Dowlada garab lagu siiyo dagaalka.
Siyaasigaan oo wareysi siiyay TV-ga Qaranka islamarkaana meelo badan taabtay ayaa fikir ahaan wuxuu u soo jeediyay in xukunka loo daayo Madaxweynaha hada jooga madaama sida uu sheegay ay ka go’antahay in Alshabaab dalka laga saaro.
Sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ee xukun doonka ah ayuu ugu baaqay kii kursiga madaxweynaha raba inuu marka hore dagaalka soo galo oo ka qeybqaato sidii Alshabaab looga adkaan lahaa.
“Aniga aragtideyda, dalkaan inta dagaalku socdo Madaxweynahaan ay ka go’antahay in Khawaarijta laga adkaado ayaa na anfacaya, ninkii madaxtinimo raba dagaalka ha galo.”
Hadaa halkaan ka daawo muuqaalka siyaasigaan:-
GAZA (DAYNIILE.COM)-Gantaallo Israa’iil Axadi shalay ay ku garaaeen xarunta ugu weyn ee caafimaadka ee ku taala magaalada Khan Younis ayaa la soo sheegayaa inuu ku dhintay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Xamaas.
Ismaaciil Barhoum oo ahaa madaxa dhaqaalaha kooxda, ayaa lagu u joogay isbitaalka si looga dabiibo isbitaalka dhaawacyo afar maalmood ka hor ka soo gaaray duqeynta Israa’iil balse halkii ayay ku sii dhameystireen.
Mid kale oo isla xamaas ka tirsan ayaa ku dhintay duqeyntaasi, Sidoo kale waxaa duqeymaha ku dhintay isaddex kale oo ku jiray qaybta qalliinka ee isbitaalka.
War ka soo baxay Israa’iil waxay ku sheegteen inay bartilmaameedsadeen xubin muhiim ah u ah dagaalamayaasha Xamaas.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM