Home Blog Page 83

XOGTA: Ciidamo Boosaaso ka yimid oo Garowe dagaal kula galay ciidamo kale 

GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Garowe ayaa sheegaya in halkaasi maanta ay ku dagaalameen ciidamo ka wada tirsan Maamulka Puntland.

Dagaalka ayaa ka dhex qarxay ciidamo ka yimid dhanka Boosaaso oo watay gaadiid dagaal iyo kuwa koontoroolka Garowe ku sugan kadib markii ciidamada Boosaso ka yimid lagu amray inay hubka iska reebaan.

Ciidamada Tiknikada watay ee Boosaaso ka yimid ayaa ku adkeystay inay hubkooda la galayaan gudaha Magaalada Garoowe taasina waxay keentay is rasaaseyn xooggan inuu dhexmaro labada dhinac.

Laba askari ayaa dhimatay halka 4 kalana dhaawacmeen inta laga war hayo kuwaasoo ciidamada ka wada tirsanaa.

Masuuliyiinta Maamulka Puntland wali wax sharaxaad ah kama bixin khasaaraha dhimashada ee ciiddamadooda soo kala gaaray.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

XOGTA: Sababata Dowlada Somalia hore ugu duqeyn waysay Jilib hadana loo fasaxay

JILIB (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay dhanka Dowlada Somalia ayaa lagu sharaxay sababta hore loogu duqeyn waayay Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe  balse bishaan dhamaadkeeda loo bilaabay duqeymaha.

Wasiiru Dowlaha Amniga Somalia Maxamed Cali Xagaa ayaa wareysi uu siiyay TV-ga qaranka wuxuu ku sheegay Dowladu hore u heysan diyaarado wax duqeeya oo kaliya ay beesha Caalamka ku xirnaayeen islamarkaana beesha caalamku diidaneyd in Alshabaab-ka jubada dhexe la duqeeyo/.

Wasiirka ayaa si cad u sheegay hada in beesha caalamka ogolaatay duqeynta gobolka Jubada dhexe sida jilib oo kale.

“Dowladu waa isku dayday marar badan, laakiin waad ogtihiin Dowlada Somalia itaalkeeda dhanka duqeymaha hawada Dowaladu badan ayaa inaga caawinayay, qatartoodana way dareemayaan beesha caalamka iyo dariskaba,hadana derisku waxay dareemeen hadii somaia ay qabsadaan iney iyagana dhaafeyn, sidaas daraadeed ayaa duqeymaha jilib loo sameeyay”ayuu yiri Wasiir Xaggaa

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Qarax dhimasho sababay oo maanta ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay qarax loo maleynayo inuu miino ahaa kaasoo wadada dhankeeda hore loo sii geliyay.

Laamiga warshadaha oo ka mida kuwa ugu mashquulka badan Magaalada Muqdisho madaama uu degmooyin badan isku xiro ayaa waxaa la sheegay inuu qaraxaasi dhacay xili gaadiid badan goobta marayeen.

Inta la ogyahay 1 ruux ayaa ku dhintay qaraxaasi halka inta badan qaraxsu heystay bur bur dhismayaasha iyo gaadiidka qaar soo gaaray.

Laamaha amaanka Dowlada wax wara kama soo saarin gaar ahaan taliska booliiska kaasoo ay ku sharaxayaan khasaaraha ama hadii ay dad u soo qabteen masuuliyada qaraxaasi.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Soomaaliya

Muqdisho, Sabti, 22-ka Maarso, 2025
1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guda jira hoggaaminta dagaalka Hirshabeelle looga sifeynayo Khawaarijta, isagoo gaarey Degmada Cadale.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay jiidaha hore ee degmooyinka Aadan Yabaal iyo Moqokori ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta argagixisada ah.
4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay hoggaanka hawlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed kalana hadley xoojinta weerarada lagu ciribtirayo Khawaarijta.
5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) oo ka mid ahaa La-taliyeyaasha madaxtooyada.
6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa shir-guddoomiyay kulan deg-deg ah oo looga hadlayay amniga caasimadda iyo deegaannada ku xeeran iyo hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ee dalka ka socda.
7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Cabdinaafic Axmed Cabdullaahi in uu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga.
8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka, kaas oo u dhexeeyey Xukuumadda iyo xubnaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha dalka.
9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee, marxuum Cabdullaahi Jaamac Barre (Cascasey).
10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029).
11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada.
12- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Saalax Axmad Jaamac, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) iyo Wasiirkii hore Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.
13- Wasaaradda Warfaafinta iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka oo ka wada hadlay Wacyigalinta Doorashooyinka.
14- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa khadka teleefoonka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Serbiya, Marko Djuric. iyaga oo ka wada hadlay iskaashiga labada dal.
15- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Muqdisho ka sagootiyey ciidamo booliiska ka tirsan oo ku biiraya furimaha dagaalka looga soo horjeedo Khawaariijta.
16- Ciidanka Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamka ayaa hawlgal ballaaran oo dhanka cirka ah ka fuliyay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.
17- Hay’adda Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in hawlgalo laga fuliyay degaannada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay in ka badan 80 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta.
18- Cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta ayaa ku biiray jiidaha dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.
19- Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya oo sheegay in weerar dhanka cirka ah oo laga fuliyay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe lagu dilay 120 ka tirsan Khawaarijta ,sidoo kalana lagu burburiyey labo xarun oo ay ku sameyn jireen tababarada, qaraxyada iyo guriga horjooge Xasan Yacquub.
20- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa hawlgal dhanka cirka ah ka fuliyay Degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ku dilay 9 horjooge iyo maleeshiyaadkii la socday oo ka tirsan Khawaarijta.
21- Duqeymo xooggan oo mar kale lagu qaadey degmada Jilib 21 Maarso, halkaasina khasaare ballaaran loogu geystey xubnaha sare ee Khawaarijta.
22- Ciidanka Qalabka Sida oo kaashanaya Ciidanka Cirka ee Mareykanka ayaa fuliyay hawlgal duqeyn ah oo ka dhacay deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee Hirshabeelle.
23- Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania Ilyas Cali Xasan ayaa dalka Zimbabwe uga qeybgalay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga dalalkan xubnaha ka ah urur goboleedyada Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) iyo Afrikada Koonfureed (SADC).
24- Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa qabtey dood cilmiyeed cinwaankeedu ahaay “Muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya mar kale ka mid noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay”.
25- Dowladda Federaalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay ka fogaadaan goobaha fara ku tiriska ah ee ay ku harsan yihiin Khawaarijta kuwaas oo awoodooda sii wiiqmeyso.
26- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan ayaa si rasmi ah u daah-furay nidaamka casriga ah ee isku xiraya loo Shaqeeyaha iyo Shaqo-doonka (Somali National Job Portal), kaas oo wax weyn ka tari doona fududeynta helitaanka fursadaha shaqo ee dalka.
27- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan halkaas oo la gaarsiiyay gargaar xoog leh.
28- Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa deegaanka Guullane ayaa weerar ku qaaday xubno Khawaarij ah oo ku dhuumaaleysanayey aagga deegaanka Laba-Garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
29- Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene ayaa abaalmarinno guddoonsiiyay xubnihii ka shaqeeyey diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029.
30- Ciidanka Qaranka ayaa hawlgal milatari ku beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo ku shirsanaa duleedka deegaanka Sumadaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
31- Hay’adda SoDMA ayaa deegaanka Xaaji Cali gaarsiisay 10 gaari oo siday shixnado gargaar ah oo loogu talagalay shacabkii khawaarijta ka soo barakicisay deegaanno ka tirsan Shabeellaha Dhexe .
32- Dhallinyarada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ayaa soo saaray bayaan lagu taageerayay Ciidamada Qalabka Sida ee dagaalka kula jira Khawaarijta.
33- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa magaalada Nairobi ka daah-furay shirka yareynta khatarta abaarta ku dhufatay Soomaaliya.
34- Ciidamada Qalabka Sida ayaa hawlgalo milatari oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay deegaanno ku teedsan Sinadhaqo, Labi-Dulle iyo Dhabanna Dhulkuheys ee gobolka Galgaduud.
35- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) ayaa furimaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir, gawaarida gargaarka degdegga ah iyo daawo loogu talagaley in lagu taageero geesiyaasha xaq u dirirka ah ee u taagan xoreynta dalka.
36- Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya Axmed Ciise Guutaale ayaa ka qaybgalaya Shir-weynaha Maareynta Deymaha Caalamiga ah ee Ganacsiga iyo Horumarinta Qaramada Midoobay (𝐔𝐍𝐂𝐓𝐀𝐃) kaas oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
37- Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in kaarka aqoonsiga dadweynaha uu yahay xaq muwaadinka leeyahay.
38- Hawlgal qorshaysan oo ciidamo ka tirsan macawiisleyda gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka fuliyeen deegaanka Gal-haruur oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ayaa lagu dilay labo dhagarqabe oo Khawaarij ah iyadoo laga soo furtay labo qori AK-47 ah iyo mooto Fekon ay wateen.
39- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyed ee (NISA) ayaa gacanta ku soo dhigay dhagar-qabayaal doonayay in ay qaraxyo soo galiyaan magaalada Muqdisho.
========DHAMMAAD=========

Dagaal duleedka Janaalle ku dhex-maray Ciidamada Dowlada iyo Alshabaab

JANAALLE (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Janaalle ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada Xoogga Dalka iyo kooxda Alshabaab.

Dagaalkaani wuxuu ku bilowday weerar madaafiic oo Alshabaab ku soo qaadeen xero ciidamada Dowlada ay ku leeyihiin Janaale taasoo keentay in markaasi kadib ciidamadu xerada ka soo baxaan islamarkaana weeraraan Alshabaab duleedka Janaale ka soo ridayay madaafiicda.

Dagaal fool- ka fool ah ayaa duleedka ku dhexmaray labada dhinac kasoo sababay dhimasho iyo dhaawac balse ma jirto warar madax banaan oo laga helaayo khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay weeraro ka wadaa labada shabelle ee dariska ah iyagoo isku dayaya inay deegaano ka qabsadaan dhanka Dowlada xili ciidamada Dowladuna ka hor taagan yihiin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Mdaxweynaha Turkiga oo si kulul uga hadlay xasuuqa Israa’iil ka wado marinka Gaza

DeccanDigest - Turkish President Tayeb Ordogan announced yesterday, all  turkish senior citizens 65 or more, free House, free Medical insurance, 300  dollars monthly stipend for life time and one Haj. All fromANKARA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dalka Turkey Recap Dayip Erdogan ayaa si kulul uga hadlay xasuuqa ay Yuhuudu ku wado shacabka reer Falastiin gaar ahaan kuwa ku dhaqan marinka Gaza.
Erdogan wuxuu si cad u sheegay ineysan aqbali doonin in Yuhuudu gobolka ka dhigaan badweyn dhiig,wuxuu intaasi ku daray inay dhanka kale ka shaqeyn doonaan sidii loo joojin lahaa xasuuqaasi.
Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in Turkigu uusan joojin doonin caawimaada shacabka Gaza maalmaha waqtigu ku adah yahay.
“waxaan xoogga saareynaa  dadaalada diblomaasiyadeed ee lagu joojinayo xasuuqa islamarkaana looga hor tagaayo cadaalad darada.”ayuu yiri Madaxweyne Erdogan
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Wararkii ugu dambeeya ee Xaalada Gaza

No description available.Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa ku tilmaantay dambi aad u fool xun burburinta Israa’iil ee cisbitaalka Turkiga  oo ah xarunta keliya ee daaweynta kansarka ee gaarka ah.

Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muujiyay argagax iyadoo ugu yaraan 200 oo caruur ah iyo in ka badan 110 haween ah lagu dilay weerarrada soo cusboonaaday ee Israa’iil ee Gaza.

Ku dhawaad ​​600 oo falastiiniyiin ah ayaa la dilay ilaa hadda ka dib markii Israa’iil ay jebisay xabad joojintii Qaza Talaadadii.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 49,617 falastiiniyiin ah la xaqiijiyay in ay dhinteen 112,950 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Xafiiska warbaahinta ee dawladda Gaza ayaa cusboonaysiiyay dhimashadeeda in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumanaan Falastiiniyiin ah oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.

Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Xulka Qaranka K/cagta Somalia oo xalay bar baro la galay Xulka Dalka Guinea

May be an image of 6 people, people playing American football, people playing football and text that says "x13 13.12 iZ 12 ×15、 AZ 15 OPRES 尺 8 10 2 NEBET 20"Xulka Qaranka Kubada cagta Somalia qeybtooda waa weynka ayaa xalay bar baro waxay la galay Xulka Dalka Guinea ciyaar ka tirsanayd is reeb reebka koobka aduunka 2026-ka.

Xulkeena oo dhawaan macalin looga dhigay Yuu Cali ayaa dhibicdii ugu horeysay ka keenay tartankaan tan iyo sanadkii 2019-kii.

Xuikeena waxay xalay soo bandhigeen ciyaar lagu soo xasuustay habka xulka Talyaaniga u difaaca u xiran jirey ,waxaana ku adkaatay xalay xulka Guinea inay gool ka dhaliyaan daafacyada Somalia xili ay heystaan islamarkaana uu ciyaarayay weerar yahankooda ka ciyaara Horyaalka Jarmalka gaar ahaana kooxda Borussia Dortmund.

Ciyaaryahankaan Serhou Guirassy ayaa laacibka kaalinta labaad kaga jiro gool dhalinta Champions League.

Dhanka kale Goolhayaha Somalia C/rahman Maxamuud Jama ayaa ku guuleystay Abaal-marinta laacibka garoonka Man of the Much.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 1 person, playing American football and text

Magaalada Jilib oo mar kale xalay la duqeeyay

JILIB (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Cirka Somalia ayaa xalay markii labaad waxay duqeyn u geysteen Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe sidoo kalana ah xarunta ugu weyn ee Kooxda Alshabaab islamarkaana ay ku sugan yihiin madaxdooda.

Diyaaradaha Dagaalka ee Dowlada Somalia ayaa dhowr bartimaameed waxay ku garaaceen gantaalo walow aan wali faahfaahin laga helin dhanka Dowlada Somalia.

Duqeyntii hore waxay keentay in qaar ka mida odayaasha Alshabaab iyo xitaa shacab ay ka cabtaan duqeymahaasi iyagoo xusay in mid ka mida gantaalada uu ku dhacay suuqa Jilib islamarkaana uu dab ka kacay uu bas beeliyay in badan oo suuqa ka mida.

Hay’adaha amniga Dowlada ayaa lagu wadaa inay war ka soo saaraan duqeymaha ,meelaha lala eegtay iyo khasaaraha ka dhashay gaar ahaan hadii ay jiraan saraakiil alshabaab oo lagu beegsadayintaba.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Tababaraha Cusub ee ingiriiska Thomas Tuchel muxu ka yiri Guushiisii ugu Horeesay ee xulka England

Tababaraha Cusub ee ingiriiska Thomas Tuchel wuxuu yiri England “waa inay si wacan u ciyaaraan” in kasta oo ciyaartiisii ugu horreysay ee tababaraha Three Lions ay ku dhamaatay guul 2-0 ah oo ay ka gaareen Albania.

Gool uu dhaliyay xiddiga da’da yar ee Arsenal, Myles Lewis-Skelly, iyo goolkiisii 70-aad ee xulka qaranka oo uu dhaliyay kabtan Harry Kane ayaa xaqiijiyay inay guul ku bilaabaan isreebreebka Koobka Adduunka 2026.

England ma muujin ciyaar aad u firfircoon, inkasta oo aysan ka caawin Albania oo muddo badan difaacatay iyada oo 11 ciyaaryahan ku jirtay xeradooda.

“Waxa aan qaban karno waa inaan si ka wanaagsan u qabanaa,” Tuchel ayaa u sheegay ITV.

“Si fiican ayaan ku bilownay, waxaan haysanay kubbadda boqolkiiba 100 muddo todoba ilaa siddeed daqiiqo ah oo ay ku jireen baasas badan iyo tamar sare.

“Ciyaaryahannada ka soo horjeedaa aad bay u adag yihiin in la jebiyo maxaa yeelay waxay difaac ku jiraan. Tartankii Euro [sanadkii hore] waxay awoodeen in aysan fursado bixin.

“Qaybtii labaad, waxaan dareemay in aan aad u gaabinay, guud ahaan maanaan sameynin orodyo badan oo kubbadda gadaal uga baxaya.”

Tuchel wuxuu sameeyay go’aanno geesinimo leh kulankiisii ugu horreeyay, isagoo fursad siiyay Myles Lewis-Skelly iyo difaaca Newcastle, Dan Burn, si ay uga soo muuqdaan kulankoodii ugu horreeyay.

Tababaraha Jarmalka ah wuxuu abaal-marin u helay bandhigyo wanaagsan oo ay labaduba sameeyeen, iyadoo Lewis-Skelly uu si qurux badan kubbadda uga dhex mariyay lugaha goolhayaha si uu u dhaliyo goolkii furitaanka daqiiqadii 20-aad, ka hor inta uusan Kane dhalin goolkii labaad daqiiqadii 77-aad.

“Waa ciyaaryahan cajiib ah,” ayuu Tuchel ka yiri 18-jirka Arsenal.
“Shakhsiyad layaab leh.

“Wuxuu xerada xulka yimid wuxuuna isla markiiba muujiyay sababta uu qof kasta ugu jeclaan lahaa.

 

- Advertisement -

news

book store near me

0
Are you looking for a library near me? That you are a lover of books who seek the last success of sales, a student...

Murf AI

HOT NEWS