Home Blog Page 86

Dagaal culus oo ka qarxay xerada lagu tababaro ciidamada Soomaaliya ee Turkiga

 

Dagaal culus ayaa qarxay xili ay socotay ciyaar kubadda cagta ah oo ka dhacaysay xero lagu tababaro ciidamo Soomaalida ah oo ku taala dalka Turkiga.

24 qof oo Soomaali ah ayaa ku dhaawacmay rabshadahaas, kuwaas oo labo ka mid ah ay xaaladoodu aad u liidato.

Dhowr askari oo Turki ah ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inuu soo gaaray dhaawacyo iyagoo isku dayayay inay xaaladda dejiyaan.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya heshiis ku saabsan iskaashiga dhanka ammaanka, waxaana uu tababarayaa kumannaan ka tirsan milateriga Soomaaliya.

Ilaa hadda ma ca cadda waxa sababay rabshadda, balse maamulka Turkiga ayaa wada baaritaan.

Xigasho Bbcda

Wasiirkii Difaaca Somalia oo ka hadlay diyaarad Turkigu leeyahay oo maanta Muqisho soo gaarsiisay agab ciidan

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar kala duwan oo laga helaayo diyaarad milateri oo laga leeyahay dalka Turkey oo MAANTA Muqdisho soo gaartay  taasoo ah nuuca xamuulka qaada ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in diyaaradu sido agab milateri oo kala duwan oo ayna ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drons-ta ah nuuc waliba ah kuwa dagaalama.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in diyaaradaani kaliya sido diyaaradahaani duuliye la’aanta ah ee Drons-ka loo yaqaan si loogu xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaa ee ka socdo Gobolada Dalka sida Hiiraan iyo shabeelaha dhexe oo bilihii ugu dambeeyay la isku riiqmay.

Muqdisho: Diyaaradaha Millateryga Turkiga oo la sheegey in ay siddo saanad millateri oo ay ku jiraan diyaaradaha iswada [Drones] ayaa ka degtey Garoonka caasimadda; iyada oo

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur ayaa durba ka hadlay diyaarada turkiga ee maanta Muqdisho soo gaartay.

Wasiir C/qaadir wuxuu bartiisa Facebook soo dhigay qoraal u qornaa sidan:-

Walaalka runta ah maalinta dhibaatada ku heyso ayaa la gartaa.
Sidii caadada ahayd Türkiye mar kale maanta waxay gurmad aan noociisa horey loo arag la soo gaartey Shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jiro Khawaarijta.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

XOGTA: Madaxweyne Xassan oo Maanta ku sii jeeda furimaha dagaalka

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warar ku dhaw dhaw Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxmuud uu maanta ku wajahan yahay furimaha dagaalka ka dhanka Alshabaab sida Hirshabelle iyo Galmudug.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu qaato mid ka mida diyaaradaha dagaalka ee Ciidamada Cirka Somalia isaga iyo saraakiil uu hogaamon doono.

Madaxweynaha ayaa la xasuustaa markii la doortay inuu iclaamiyay dagaal ka dhan ah Alshabaab isagoona sanadkii hore mudo waqtigiisa ku qaatay Magaalada Dhuusa-mareen oo uu ka hagayay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab xli mararka qaarna uu booqan jirey furimaha dagaalka.

Sidii horeba uu u sameeyay Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu gobolada dalka midkood gaar ahaan Hiiraan ama Shabeelaha dhexe inuu ka hago dagaalada madaama Alshabaab isugu soo urureen Gobolkaani iyadoo maalmo ka horna qabsaday dhowr uulo inkastoo dib looga saaray.

Wasiirka cusub ee gashaandhiga ayaa lagu wadaa inuu ku wehliyo safarka iyo waliba taliyayaal sare xili taliyayaashii sare badankood jiraan furimaha hore ee dagaalka sida Taliyayaasha Nabad sugida iyo ciidamada lugta ama afantariga qaranka Somalia.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

DEG DEG: Qarax goor dhaw ka dhacay meel ku dhaw Madaxtooyada Somalia

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Qarax miino ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhacay isgoyska ceel-gaabta ee Magaalada Muqdisho halkaasoo aad ugu dhaw Madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxaan oo warar kala duwan ay ka soo baxayaan ayaa wararka qaar sheegayaan inuu ahaa qarax miino oo lala eegtay ciidamada Milatariga gaari ay wateen halka warar kalana ay sheegayaan in qaraxu ka dhacay meel uu dhisme ka socday.

Wali wax faahfaahin ah lagama helin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaan oo warar horudhac ah ay sheegayaan inay jiraan dhaawacyo soo gaaray qaar ka mida ciidamada Dowlada.

wixii soo kordha wararkeena danbe ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Afhayeenka hawlgalka Puntland “Weli lama gaarin saldhigyadii waaweynaa ee Daacish

BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Iyadoo la ogyahay in mudo bilo ah uu socdo dagaalka Maamulka Puntkland uu ugu magac daray howlgalka ciribtirka argagaxisada Daacish ayaa hadana Afhayeenka hawlgalkaani Gen. Maxamuud Faadhigo wuxuu shaaciyay shir jaraa’id uu qabtay in wali aan la gaarin saldhigyadii waaweynaa ee kooxdaasi.

Af-hayeen Gen. Maxamuud Faadhigo wuxuu daboolka ka qaaday in howlgalku gabaabsi marayo islamarkaana kaliya ay harsan yihiin xarumaha ugu dambeeya iyo meelaha ay madaxda daacish ku dhuumanayaan.

“ciidanku wuxuu qarka u saaran yahay ceelka Miraale oo ah halkii ugu dambaysay ee Daacish awooddeeda isugu geysey kadib qabashadii Turmasaale ilaa Dhasaan”ayuu yiri Afhayeenka.

Gen. Faadhigo sidoo kale wuxuu xusay in intii dagaalku socday la qabtay oo kaliya difaacyadii ka horreeyey meelaha ay ku xoogan yihiin,sidoo kale wuxuu carabka ku adkeeyay saas ay tahay inay laba deegaan kaliya ku soo urureen kuwaasoo kala ah Miraale iyo Baalade oo labaduba ah deegaanka ay ku yaaliin ceelasha ugu badan.

“Weli lama gaarin saldhigyadii waaweynaa ee kooxda Daacish kuwaaasoo kala ah Miraale iyo Baalade waana halka ugu dambeysa mana jirto meel kale oo ay sii joogi karaan”ayuu yiri Afhayeenka howlgalka Puntland.

Af-hayeen Gen. Maxamuud Faadhigo wuxuu ugu dambeyn warbaahina u sheegay in kooxdu qorsheyneyso inay ku dagaalamaan labadaan deegaan ee u hartay madaama aysan jirin meel kale oo ay usii jiheystaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Dagaal-yahanada Xuutiyiinta Yemen oo ceyrsaday Markab dagaal oo Mareykanku leeyahay

ADEN (DAYNIILE.COM)-Markab nuuca diyaaradaha dagaalka  xambaara ah oo mareykanku leeyahay ayaa la soo sheegayaa inuu ka cararay dagaal-yahanada Xuutiyiinta yemen kadib weeraro ay ku qaadeen maalmihii ugu dambeeyay.

Markabkaan oo lagu magacaabo Harry Truman kuna sugnaa Badda Yemen ayaa la soo sheehayaa inuu  u dhaqaaqay meel masaafo ahaan aad uga fog halkii uu fadhiyay kana duqeyn jirey gudaha yemen.

Masaafo dhan 1,300km ayaa la soo sheegayaa inuu markabkaani ka fogaaday xeebaha Yemen taasoo aad u adkeyn doonta inuu sidii hore oo kale u duqeeyo bartilmaameedyada xuutiyiinta.

Barakaca Markabka dagaal ee Harry Truman  ayaa ku soo aadeysa xili warbaahinta dunidu maalmihii ugu dambeeyay aad u tabinayeen dagaalada u dhexeeya Mareykanka iyo dagaalamayaasha xuutiyiinta Yemen oo weerarkoodii ugu dambeeyay u adeegsaday hub halis ah.

Dhanka kale warbaahinta dunida ayaa soo bandhigayay burburka ay gaysteen duqeymaha maraakiibta dagaalka ee Mareykanka kuwaasoo ku dhacayay bartilmaameedyada saldhigyada xuutiyiinta iyo waliba waliba goobo shacabku degan yihiin intaba.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

Dooni Kaluumeysi oo laga afduubtay xeebaha Degmada Eyl

EYL (DAYNIILE.COM)-Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa xeebaha degmada Eyl ee Puntland waxay ka afduubteen doon kalluumeysi oo laga lee yahay dalka Yemen.

Ciidamada Badda ee Midowga Yurub kuwaasoo ka howlgala bad weynta Hindiya ayaa durba shaaciyay in lagu soo war geliyay afduubka doonidaasi kaluumeysi.

Sida ay sheegeen howlgalka Midowga Yurub burcada wax afduubatay ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa 7 nin oo hubeysan kuwaasoo la rumeysan yahay inay burcad badeeda Soomaalida ka tirsan yihiin.

 

Inkastoo wali baaritaan lagu hayo kooxaha wax afduubtay ayaa hadana wararka horudhaca ah waxay muujinayaan in doonidaani kaluumeysi oo calanka yemen wadatay ay saarnaayeen shaqaale Soomaali ah kuwaasoo iyagana tiradooda lagu sheegay ilaa 8 ruux.

 

 

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

DEG DEG: Alshabaab soo galay wadada isku xirta Balcad iyo Muqdisho iyo Dagaal xoogan oo socda Saaka

BALCAD(DAYNIILE.COM)-Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ayaa xalay soo galay wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Balcad taasoo sababtay dagaal saaka ka qarxay halkaasi.

Ciidamada Dowlada Somalia oo Balcad iyo xamar kala kala baxay ayaa la soo sheegayaa inay hareereeyeen kooxda Alshabaab oo dhexda ku jirta waxaana la soo sheegayaa inuu socdo saaka dagaal xooggan oo labada dhinac u dhexeeya.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka xitaa hoobiyayaal la isku garaacayo oo xaaladu tahay mid adag.

Ciidamada Dowalda ee dhanka Balcad ka yimid waxay ka soo baxeen xerada Hiil-weyne oo Balcad ku dhaw halka kuwa kalana ay Muqdisho ka baxeen waxaana la isku hayaa nawaaxiga Garas-bintoow.

Wixii soo kordha wararkeena xiga ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

Duqeymihii Jilib oo sababay cabasho ka timid Alshabaab iyo shacab-ka Magaaladaasi

JILIB (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya cabasho balaaran oo Alshabaab iyo shacabka Magaalada Jilib ay ka soo gudbiyeen weraradii cirka ahaa ee dhawaan lagu qaaday Magaaladaasi oo ah xarunta kooxda Alshabaab.

Muuqaalo muujinaya cabashada Kooxda Alshabaab iyo shacabka ayaa lagu baahiyay baraha bulshada waxaana ka mid nin kooxdaasi ka tirsan oo ka cabanaya duqeymaha xili sida uu sheegay lagu jiro bil Ramadaan.

Ninkaan oo ah nin Odey ah ayaa ka cabanaya in fuustooyin laga soo buuxiyay walxaha qarxa in cirka lagaga soo riday xili lagu jiro Bishii xurmada ee Ramadaanka sida uu warka u dhigay.

Sidoo kale qaar ka mida dadka Magaaladaasi ku dhaqan oo Alshabaab iskala qabsaday ayaa iyagana ka cabanaya in mid ka mid duqeymaha uu gubay oo baabi’iyay suuqii Magaaldaasi.

“diyaaradaha caddowga ee arxaalawayaasha ah ee caddowga ah ayaa Jilib ku soo garaacay fuustooyin walxaha qarxa laga soo buuxiyay,anagu muslim baa nahay waxaana lagu jiraa bishii xurmada lahayd ee Ramadaan,iyagoo hurda ayaa dadkii gantaalo lagu soo garaacay,waa argagax gelin dadka la rabo in dhulkooda looga saaro”ayuu yiri ninkaasi odeyga ah ee Alshabaab u hadlay

Kooxda Alshabaab loogama baran inay baraha bulshada uga cabtaan duqeymaha kaga imaanaya Dowlada Somalia iyo saaxiibadeeda caalamka xili qaraxyada ugu badan Somalia ay iyaga markasta geytaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMNo description available.

- Advertisement -

news

eBooks Buy Fiction, Non-Fiction, and Textbooks Online

0
In the digital world of rapid movement, access to books has never been easy. Whether you are a student, lover of books or specialists,...

Murf AI

book store near me

HOT NEWS