Home Blog Page 87

Sheekadii dhexmartay Axmed Madoobe iyo janaraalkii Itoobiyaanka ahaa ee gacanta ku soo dhigay isaga oo dhaawac ah

=XIGASHO BBC SOMALI=Axmed Madoobe

“Dhiig badan oo Itoobiyaan ayaa lagu shubay. Waxaan kuu sheegayaa in dhiigiisu yahay Itoobiyaan” ayuu si kaftan leh u yiri Amabasadoor Wondomu Asamenew safiirkii Itoobiya ee Soomaaliya.

Axmed Maxamed Islaam oo 12-kii sano la soo dhaafay ahaa madaxweynaha maamulka Jubaland waxa uu ka mid ahaa madaxdii maxaakiimta Islaamka. Ciidamada Itoobiya ayaa dhawacay kaddibna waxaa lagu soo daaweeyay Addis Ababa.

Sida uu sheegay safiirka Itoobiya, Wondomu Asamenew, Axmed Madoobe isagoo dhaawac ah ayey ciidamada Itoobiya qabteen 19 sano ka hor markii ay Soomaaliya soo galeen. Xiligaas waxa uu ka mid ahaa Al-shabab.

Mareykanka iyo Itoobiya way raadinayeen. Mareykanka waxay ku dareen liiskooda buugga madow. Weerar cirka ah oo Mareykanku qaadeen ayuuna ku dhaawacmay.

Ciidamada Itoobiya ee howlgalka waday waxay sheegeen in ujeedkoodu uusan aheyn in ay dilaan balse u ahaa in ay qabtaan sidaasina waxaa BBC-da u sheegay korneel Gebre Ikbar Alemseged oo ahaa sarkaalkii hoggaaminayay ciidamada soo qabtay.

Axmed Madoobe waxa uu ahaa taliye ka horyimid ciidamadii Itoobiya ee soo galay Soomaaliya si ay u taageeraan dowladii kumeel gaarka ee Soomaaliya.

Taliska Raaskambooni waxaa sameeyay ururkii Al-itaxaad balse maxkamadihii Islaamka ayaa ka dhigay garab militeri.

Axmed Madoobe ma aheyn oo kaliya mas’uul weyn oo ka tirsan Al-shabaab ee sidoo kale mar ayuu ahaa qofka labaad.Axmed Maxamed madoobe

Axmed Madoobe waxa uu 1980-maadkii ku biiray ururka Al-itaxaad oo ah ururka dhalay Al-shabaab. 2006-dii ayey aheyd markii Muqdisho, koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay maxkamadaha Islaamka qabsadeen.

Qaar ka mid ah xubnaha maxkamadaha Islaamka waxay doonayeen in ay dhisaan garab mintid ah iyagoo aaminsanaa in isbahaysiga maxaakiinta aysan dhab ka aheyn in jihaad la qaado kaddib sidaas ayaa lagu sameeyay Al-shabab. Axmed Madoobe waxaa loo doortay ku xigeenka ururka.

Korneel Gebre Ikbar Alemseged waa sarkaalka markii la qabtay isagoo dhaawac ah Axmed Madoobe geeyay Addis Ababa.

“Axmed Madoobe waxay ciidamada Itoobiya u jabiyeen hab qalbijab ah”, ayuu yiri korneel Gebre Ikbar Alemseged.

Korneelka waxa uu sheegay in Axmed Madoobe uu dagaalka horkacayay laga soo bilaabo jubooyinka ilaa iyo Baydhabo.

Janaraal Gebre Dilla iyo korneel Gebre Ikbar oo ahaa taliyayaashii hoggaaminayay ciidamada Itoobiya ayaa sameeyay howlgal guuleystay oo lagu qabtay Axmed Madoobe.

“Waxaa nalagu amray in aan soo qabano oo aanan dilin” ayuu yiri korneelka oo intaas ku daray. “waxaan ku dadaalnay in aan qabano isagoo nool, wuxuu dagaallamayay ilaa uu ka dhaawacmo”. Ugu dambeyn Axmed Madoobe 8 xabadood ayaa ku dhacday waana la qabtay. Waxaa si halis ah loogu dhawacay magaalada Bardaale.

Sida korneelku sheegay kaligii ayaa ka badbaaday 8 nin oo dagaalka kula jirtay. Kornelka waxa uu sheegay in uu aha sida qof dhintay xiligaas. Isagoo u dhexeeyay geeri iyo nolol ayaa loo qaaday Addis Ababa.

“Aniga ayaa ku qaaday helikobtar oo geeyay Addis Ababa” ayuu yiri korneelka. Xiligaas wargeyska ka soo baxa Koonfur Afrika Mail iyo Guardian waxay qoreen in Itoobiya ay soo bandhigtay dhaawac Axmed Madoobe.

Xiligaas ragii la dilay waxaa ka mid ahaa Abu Talha al-Sudani oo ahaa hoggaamiyaha fakarka Al-qaacida ee Bariga Afrika. Al-Sudani wuxuu aad ugu dhawaa Osama bin Laden, wuxuuna khabiir ku ahaa sameynta qaraxyda. Mareykanka si weyn ayey u doonayeen.

Korneel Gebre Egziyari iyo Ambassador Wondimu ayaa xaqiijiyay in lagu dilay weerar ay qaadeen ciidamada Itoobiya.madoobe

Raysal wasaare Meles Zenawi ayaa sheegay in madaxda maxaakiimta intooda badan ay ka soo jeedaan ururkii Al-itixaad kaas oo dalkiisa khatar ku ahaa.

Ururka Al-itixaad ayaa weeraro ka fuliyay gudaha Itoobiya sida qarax ka dhacay suuq ku yaal Diridhaba sagaashamaadkii kaas oo ay ku dhinteen 15 qof. Sidoo kale weerarada ay qaadeen waxaa ka mid ahaa kii lagu dili rabay 1996-dii wasiirkii gaadiidka Itoobiya, Cabdulmajiid Xuseen.

Labo sano kaddib ciidamada Itoobiya waxay Soomaaliya ka baxeen 2009-kii iyagoo sheegay in ay burburiyeen khatarta argagixisada. Inkastoo isbahaysigii maxkamadaha uu dhalay Al-shabaab oo awood hor leh noqday.

Saddex bilood kaddib qabashadii Axmed Madoobe waxaa sidoo kale la qabtay hoggaamiyihii Al-shabaab Ismaaciil Carraale. CIA-da Mareykanka ayaa ka qabtay Jabuuti isagoo xiligaa doonayay in uu galo dalka Ereteriya. Waxaa lagu xiray Guantanamo Bay. Waxaa la sheegay in Ismaaciil xabsiga lagu jirdilay. Al-shabab degdeg ayey uga jawaabtay qabashada madaxdeeda. Waxay magacaabeen madax kale.madoobe

Mudadii Axmed Madoobe uu Joogay Addis Ababa

Axmed Madoobe oo dhaawiciisa halis ahaa waxaa lagu daaweeyay isbitaalka ciidamada ee Addis Ababa. Daaweyn degdeg ah ayuu helay.

“Dhiig badan oo dad Itoobiyaan ah leeyhiin ayaa lagu shubay” ayuu yiri safiirka isagoo dhoolacadeynaya, wuxuu sharaxay dhiiga lagu shubay oo ay ku deeqeen dad Itoobiyaan ah.

“Dhiig Itoobiyaan ah ayaa ku jira, geeri ayaa laga soo badbaadiyay, dadaal badan ayaa la sameeyay si uusan u dhiman”.

Labo sano ayuu joogay Itoobiya. “Inkastoo ay ku adag tahay hadana wuu ku hadli karaa afka Axmaariga” ayuu yiri safiirka.

Warbaahinta waxay sheegtay in uu xirnaa balse korneelka iyo safiirka way beeniyeen iyago osheegay in aysan taasi jirin.

“Ujeedkeenu wuxuu ahaa in aan ka dhigano saaxiib isbahaysi nala ah ee ma aheyn maxmuus. Arrinta Soomaaliya laguma xalin karo xarig” ayuu yiri safiirka.

Korneelka wuxuu sheegay in Axmed Madoobe lahaa cadow badan sidaasi darteena la difaacay.

“Reer iyo qoys la yaqaan ayuu ka dhashay, waa waalaalkeen ee ma aheyn maxbuus”

Kaddib markii la daaweeyay, Axmed Madoobe waxaa la dajiyay hoteel, si xor ah ayuuna magaalada u marayay. Sida korneelku sheegay xiligaas haweeney ayuu ku guursaday Itoobiya. “Dhabtii cunug ayaa loo dhalay”,

Ujeedka ugu weyn ee Addis Ababa u joogay Axmed Madoobe waxay aheyd in la beddelo jihadiisa.

Hoggaanka sare waxay dadaal ku bixiyeen in laga horkeeno Al-shabaab ama isabahaysi laga dhigto ayuu yiri korneelka.

Joogto ayuu ula kulmi jiray raysalwasaare Meles Zenawi iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda Seyoum Mesfin iyo sidoo kale wasiirka caafimaadka Tedros Adhanom.

“In laga saaro fakarka xagjirnimada ma sahlaneyn” ayuu yiri korneelka oo intaas ku daray “Axmed Madoobe wuu ogolaaday fakarka isagoo sheegay in ay sax tahay”.

“Waa saaxiibkeen, si weyn ayaan u jecelnahay”

Axmed Madoobe ilaa markii Itoobiya lagu daaweeyay wuxuu ahaa saaxiib aad ugu dhaw Addis Ababa. Sidoo kale wuxuu saaxiib la noqoday Kenya. Itoobiya iyo Kenya taageero weyn ayey ku bixeen sidii uu ku noqon lahaa madaxweynaha Jubaland.

Mareykanka waxay doonayeen in loo soo dhiibo balse itoobiya ma dooneyn taas.

“Itoobiya ma dooneyn in la dilo ama la xiro” ayuu yiri korneelkaAxmed Madoobe

Maxay Mareykanka u doonayeen Axmed Madoobe

Mareykanka waxay weerareen dalal badan kaddib weeraradii dhismooyinka mataanaha ee New York. Lix sano kaddib geeska Afrika waxay ku qaadeen weeraro ay ku dileyso ama ku qabaneyso madaxda sare ee Al-qaacida. Waxay bartilmaameed ka dhigtay ururka Al-itixaad.

Ururkaas waxaa sameeyay Bin Laden oo ahaa markaas ganacsade Sucuudiyaan ah oo fadhiguus ahaa Sudan. Mareykanka waxay beegsaneyeen cid kasta oo xiriir la laheyd ururkaas.

Axmed Madoobe markii uu ka soo kabtay dhaawaca waxa uu yimid Jabuuti halkaas oo lagu qabtay shir laysugu keenay dhammaan kooxaha soomaaliya si loo dhiso dowlad qaran. Ururka IGAD ayaa kaalin weyn ka qaatay shirkaasi.

Korneel Gebre shaqadiisa waxay aheyd in uu ka dhaadhiciyo madaxda Soomaaliya in Axmed Madoobe uu qeyb ka ahaado shirkaas. Gabre xiligaas wuxuu joogay Jabuuti isagoo ahaa wakiilka Itoobiya ee IGAD.

Axmed Madoobe wuxuu ka mid noqday xildhibaanada baarlamaanka, wuxuuna toos u aaday Kismaayo. Muddo kooban ayuu xildhibaan ahaa.

Safiirka wuxuu sheegay in xiriirka kala dhexeeyay Axmed Madoobe in uu ahaa mid ay dan ugu jirtay labada dhinac.

Xiriirka Itoobiya iyo Axmed madoobe wuu sii xoogeytay markii uu yimid raysalwasaare Abiy.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Booliiska Muqdisho oo u dhaqaaqay furimaha dagaalka ka dhanka ah Alshabaab+SAWIRRO

May be an image of 1 person and textTaliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Booliiska katirsan oo ku biiraya Ciidamada furimaha ku sugan ee dagaalka kula jira Khawaariijta.

“Khawaariijta Al-shabaab waa wiilal yar yar oo baqaya oo aan dad laheyn rabana inay is qarxiyaan oo naftooda haligaan laakiin idinku waxaa leedihiin madax idin jecel oo xaquuqdiina diyaar idiinla ah iyo ummad Soomaaliyeed oo idinku jiifta,bil Ramadaan baa lagu jiraa Dagaalka aad u socotaan waa in Cibaado idiin noqdaa oo dalkiina iyo dadkiina ka xoraysaan Cadowga guul baana idiin rajeyn “Ayuu yiri Taliye Asad.
Ciidamada Booliiska ayaa helay Tababaro kor loogu qaaday aqoontooda iyo xirfadooda waxaana ay awood buuxda u leeyihiin in goob walba cadowga ku ugaarsadaan si loo soo afjaro dhagarta Khawaariijtu kula kacdo Shacabka Soomaaliyeed.May be an image of 7 people and textMay be an image of textMay be an image of 8 peopleMay be an image of 2 people, saxophone and clarinetMay be an image of 2 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of textMay be an image of 1 person, crowd and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of ‎1 person, crowd and ‎text that says "‎三意工 POLIY 90 DACE ICE PAICE אקלש‎"‎‎

Madaxweyne Xasan muxuu kala hadlay hoggaanka howlgallada ciidamada cirka Somalia

Muqdisho, Maarso 17, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan howlgallada cirka ee ciidamadu ay ka fuliyeen goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey saraakiisha Ciidamada Cirka dadaalkooda joogtada ah, gaar ahaan xoojinta weerarada qorsheysan ee lagu beegsanayo argagixisada, isagoo tilmaamay in duqeymaha cirka ee lala beegsaday xarumaha Khawaarijtu ay si weyn u wiiqday awooddooda iyo abaabulka dhagaraha ay u soo maleegaan shacabka Soomaaliyeed.
Saraakiisha ciidamada cirka ayaa Madaxweynaha la wadaagay xaaladda guud ee Howlgallada iyo qorshayaasha muhiimka ah ee lagu xoojinayo Ciidamada Cirka Soomaaliya, waxa ayna soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda uga faa’iideeyaan tababarrada sare ee ay soo qaateen.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay sii xoojin doonto dib-u-dhiska, qalabaynta, iyo tayeynta ciidanka Cirka si ay u gutaan waajibaadkooda, dadka Soomaaliyeedna uga dulqaadaan argagixisada.
Muddoo dheer kadib, waa markii ugu horeysay ee ay ciidanka cirka Soomaaliyeed hagayaan isla markaasna fulinayaan weerarro ka dhan ah argagixisada.May be an image of 1 person and daisMay be an image of 6 people and textMay be an image of 7 peopleMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 3 people

Arsenal oo gul muhiim ah Ka Gaadhay Chelsea

 

 

Kooxda Arsenal ayaa guul 1/0 ah ka gaadhay Chelsea kulan caajis ayaa oo ka tirsanaa Premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid caajis ah iyada oo labada kooxoodba Soo bandhigin ciyaar lagu raaxayso oo lagu sugo afurka.

Chelsea ayaa ku fiicnayd dhinaca maamulista ciyaarta laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen dhinaca goolka.

Arsenal ayaa dhinaceeda samaynaysay fursado laakiin waxa ay sidoo kale ku dhibaatoodeen goolka hortiisa.

Arsenal ayaa daqiiqadii 20-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mikel Merino kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Wixii intaas ka dambeeyay labada kooxood ma Soo bandhigin ciyaar Laga sheekayn karo iyada oo labada kooxoodba u muuqdeen kuwo raali ah in ay ciyaartu sidaas ku dhmaato.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal guushu ku raacday kulanka.

 

Arsenal Oo Garaacday PSG Iyo Man City Oo Guusheedii Ugu Horaysay Ka Gaadhay Champions League Xilli Ciyaareedkan.

Arsenal Oo Guul Qaali Ah Ka Gaadhay Leicester City, Soona Dhintay Dhibcaha Ay Ka Dambeeyaan Liverpool.

Chelsea Oo Bar-baro Ku Qabatay Arsenal & Gunners Oo Ka Sii Baxaysa Tartanka Horyaalka

Maxaa helay Liverpool  Asbuucii tagay laba guuldaro waa weyn oo 

Kooxda Newcastle ayaa ku guulaystay koobka Carabao Cup-ka kadib markii ay garaacday Liverpool.

Kulanka ayaa ku bilowday si dar-dar leh iyada oo Newcastle ku qaadaysay Liverpool weeraro halis ah.

Dhinaca kale Liverpool ayaa kaliya kubada maamulaysay iyaga oo ku dhibaatoonayay in ay wax fursado ah abuuraan.

Daqiiqadii 45-aad ayay Newcastle dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Dan Burn kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Qaybtii dambe ayuu xiddiga Alexander Isak dhaliyay goolka 2-aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 2/0 ay kooxdiisu ku hogaaminayso.

Liverpool ayaa daqiiqadii 90+4-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Federico Chiesa kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Newcastle ku guulaystay koobka Carabao Cup-ka

Liverpool Oo Garaacday Brighton & Chelsea Oo Laga Reebay Tartanka Carabao Cup-ka

Newcastle Oo Garaacday Arsenal Kana Reebtay Tartanka Carabao Cup-ka

Arsenal Oo Hal Lug Kala Baxday tartanka Carabao Cup-ka Kadib guuldaro Ka Soo Gaadhay Newcastle

Mohamed Salah oo ku jira waqtigiisa ugu wanaagsanaa

Mohamed Salah ayaa qaab ciyaareedkiisa wacnaa meelna lagu arag iyadoo Liverpool laga qaaday koobka Carabao Cup-ka.

Salah ayaa ku riyaaqay ololihiisii ​​ugu waxtarka badnaa ilaa iyo haatan garoonka Anfield, isagoo dhaliyay 32 gool, wuxuuna sameeyay 22 caawin tartamada oo dhan.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa horseeday in Salah loogu yeero inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or oo si rasmi ah loogu aqoonsado ciyaaryahanka ugu fiican adduunka.

32-sano jirkaan ayaa rajeynayay inuu Liverpool u hor seedo koob kale Axadii laakiin Newcastle ayaa ku garaacday kooxdiisa 2/1.

Kaliya 23 taabasho oo kubada ah, Salah ayaa si la yaab leh uGu dhibaatoday in uu soo bandhigo qaab ciyaareed fiican.

Sida laga soo xigtay Opta, dhab ahaantii waxay ahayd markii ugu horeysay ee xirfadiisa Anfield ee Salah uusan isku dayin shuud mana abuurin fursad markii uu ciyaaray 90-kii daqiiqo ee ciyaarta

Dowlada Somalia oo Nairobi ka daah-furtay shirka yareynta khatarta abaarta ku dhufatay Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka daah-furay shirka yareynta khatarta abaarta ku dhufatay Soomaaliya.
Shirkan oo loogu gogol xaarayo yagleelidda qorshe lagu yareeynayo khatarta abaarta ee haatan ka jirta Soomaaliya, isla markaana socon doono muddo 5 cisho ah oo ay wadajir u soo qaban qaabiyeen Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka iyo Hay’adda nidaamka ceymiska abaaraha ee Afrika ee loo soo gaabiyo ARC ayaa waxaa ka qeybgalay Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle, xubno ka socday ARC, mas’uuliyiin ka tirsan START NETWORK oo wada shaqeyn dhow la dheh SoDMA.

Guddoomiye Maxamuud ayaa tilmaamay in shirkan oo socon doono muddo shan cisho ah ay maalmaha soo socda ku soo biiri doonaan xubno ka socda Hay’addaha dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wafdi ka socda Baarlamaanka JFS iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Guddoomiyaha ayaa xusay in Soomaaliya ay ku biirtay nidaamka ceymiska abaaraha ee Afrika ee loo soo gaabiyo ARC sanadkii 2021-ka kadib markii ay buuxiyeen shuruucdii ku biirista, isagoo intaa ku daray qorshuhu uu yahay sidii Soomaaliya la siin lahaa lacago magdhow ah oo la xiriirta abaarta ku dhufatay dalkeenna.May be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 1 person and studyingMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person, studying and textMay be an image of 1 person, beard and studyingMay be an image of 2 people, people studying and text that says "lp"May be an image of 2 peopleMay be an image of 1 person, studying and textMay be an image of 1 personMay be an image of 2 people, people studying and text

Warshadaha difaaca ee kobcaya ee Turkiga – oo sara u kac weyn sameeyey

Turkiye waxa uu had iyo jeer dhigaa difaaciisa qiimo jaban, isaga oo marka hore iibsanaya ka dibna soo saaraya hubkiisa.

Milkiilaha ciidanka labaad ee ugu sarreeya NATO ayaa sidoo kale u soo baxay dhoofiye hub ah oo caan ah, iyadoo qaar ka mid ah alaabooyinka caanka ah ay ku jiraan internatio.

Qodobbada muhiimka ah ee ka soo baxay shirmadaxeedka degdega ah ee Yurub ee Ukraine
liiska 2 ee 4

Sida ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ugu dileen Afrika ku dhawaad ​​1,000 qof oo rayid ah saddex sano gudahood
liiska 3 ee 4

Sida Turkigu u arko heshiiska isku dhafka Suuriya ee SDF
liiska 4 ee 4

Rubio ee Mareykanka ayaa bogaadiyay heshiiska Suuriya ay la gashay Kurdiyiinta, wuxuuna ku baaqayaa maamul aan diineed ahayn
dhamaadka liiska

Dhoofinta Turkiga ayaa kor u kacday sanadba sanadka ka dambeeya si ay u gaarto $7.1bn sanadka 2024 – laga soo bilaabo $1.9bn toban sano ka hor – macaamiisha Yurub iyo Bariga Dhexe oo dhan.

Maxaa ka dambeeya koritaankan? Maxay yihiin awoodaha Turkiga? Maxayse muhiim u tahay? Waa kuwan waxa aan ognahay:

Goorma ayuu Turkigu u wareegay wax soo saarka gudaha?

Turkiga waxa uu raadiyay isku filnaansho milatari in muddo ah, hannaan tartiib tartiib ah oo lagu arkay in uu aasaasay Xafiiska Maamulka Horumarinta iyo Taageerada Warshadaha Difaaca (SAGEB) 1985

Maxaa kala qabsaday Macawisle wadada u gashay Alshabaab deegaan ku dhaw Labo-garas

Wararka laga helaayo Deegaanka Labo-garas  ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Macawisleyda deegaankaasi ay weerar dhaba gal ah ku qaadeen Alshabaab socod ku marayay duleedka deegaankaasi.

Macawisleyda ayaa si xirfadeysan waxay weerar kadis ah ku qaadeen Alshabaab halkaasoo uu ka dhacay dagaal xooggan oo ugu dambeyn sababay in macawisleydu guul weyn ka gaaraan weerarkooda dhaba-galka ahaa.

Wararka laga helaayo dagaalkaasi ayaa sheegaya in macawisleydu inta badan la wareegeen hubkii kooxda Alshabaab sidoo kalana ay laayeen saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsanaa kooxda Alshabaab ee ay weerarka aysan fileyn lagu qaaday.

Dhanka kale warbaahinta Dowlada oo weerarkaani ka hadashay ayaa balan qaaday inay faah-faahin dheeraad ah ka soo gudbin doonaan weerarkaan kooxda Alshabaab wadada loogu galay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Sababta ka dambeysa in Wasiirkii Difaaca xilka laga qaado

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dowlada Mareykanka ay ka dambeysay in maanta xilka wasaarada Difaaca laga qaado Wasiirkii hore C/qaadir Maxamed Nuur oo dadka qaar u yaqaaniin magacyo kala duwan sida wasiir Jaamac,Wasiir Tiktok iyo magacyo kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisulwasaare Xamza oo mudo diidanaa soo jeedinta Mareykanka ee xilka ka qaadista wasiirkii Difaaca ayaa ugu dambeyn maanta ogolaaday cadaadiskii Mareykanka kaga imaanayay waxaana loo badaladay wasaarada Dekadaha iyo gaadiidka.
Ujeedka Mareykanku u rabeen in xilka laga qaado Wasiirkii Difaaca ayaa lagu sheegay wada shaqeyn la’aan kala dhaxeysay wasiir C/qaadir sida ay sheegteen dhankooda.

Dhanka kale warar hoose oo ku dhaw dhaw Mareykanka ayaa sheegaya in muddooyinkii u dambeeyay Mareykanka ka caga jiidayeen howlaha taakuleynta ciidanka ee dhanka la dagaalanka alshabaab iyo daacish sababo la xiriira arimahaani.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
- Advertisement -

news

Etsy – Shop for handmade, vintage, custom, and unique gifts

0
Etsy is more than an online market it is a pulsating world center in which creativity thrives and combines buyers with independent suppliers that...

book store near me

Murf AI

HOT NEWS