
DAYNIILE.COM
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa Dalka Azerbiajan kaga qeybgalay shir calami ah sida uu isagaba ku cadeeyay bartiisa faceboob.
Shirkaan waxaa looga hadlay dhanka siyaasada ,amniga ,dhaqaalaha iyo ilaalinta xeerarka lagu heshiiyay.
“Waxaan Magaaladda Baku ee caasimadda dalka Azerbiajan kaga qaybgalay madal caalami ah oo looga hadlay arrimo badan oo quseeya adduunka gaar ahaan Amniga, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo illaalinta xeerarka lagu heshiiyay ee la xiriira dowladnimada”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Shariif oo ka mida siyaasiyiinta u hanqal taagaya mar kale xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay inuu isagu si gaar ah uga hadlay caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira dalkeenna iyo dhibaatooyinka kooxaha Alshabaab iyo Daacish ku hayaan nidaamka Dowliga ah.
“Waxaan kaloo diirrada saaray sida ay muhiim u tahay in xasillooni iyo nabad waarta la heli karo oo kaliya marka dowladuhu ay ixtiraamaan dastuuradooda islamarkaana xoojiyaan ku dhaqanka sharciga, una hoggaansamaan muddo xileedkooda.
Sidoo kale wuxuu sheegay Xildhibaan Shariif inuu kulamo kala duwan la yeeshay madaxdii ka qaybgashay Madashaan caalamiga ah waxaana ka mid ahaa Madaxwaynaha Aserbajaan Mudane Ilham Aliyev.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa sheegay in mudane ka tirsanaa golaha shacabka uu lumiyay xubinimadiisii Golaha shacabka.
Aadan Madoobe ayaa sheegay in xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ku fadhiyay kursiga tirsigiisu yahay Hop021 uu lumiyay xubanimadiisa, kaddib markii in ka badan labo kalfadhi uu iska maqnaa isaga oon wax cusur daar ah keynniin.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in looga baahanyahay hay’adaha ku shaqada leh in ay soo buuxiyaan kursiga lambarkiisu yahay Hop#201, uu lumiyay xildhibaankii horey ugu fadhiyay oo kasoo jeeda gobolada waqooyi.
Xildhibaankan laga qaaday xasaannada sidoo kale lumiyay in Golaha Shacabka kasii mid ahaado , ayaa kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Xasan Sheekh, waxa uuna marar badan qoraalo ka dhan ah dowladda u diray hay’addo iyo dalal taageera dowladda Soomaaliya
Rashford ayaa markii ugu dambaysay u ciyaaray England kulan saaxiibtinimo oo ay la ciyaareen Brazil bishii March 2024 laakiin waxa uu wacdaro dhigay tan iyo markii uu Villa ugu soo biiray amaah uu kaga soo biiray Manchester United bishii January.
Daafaca Newcastle Dan Burn iyo kan Arsenal Myles Lewis-Skelly ayaa saf ugu jira safka ugu horreeya ka dib markii loo yeeray.
England ayaa ku bilaabanaysa ololaheeda isreebreebka Koobka Adduunka 2026 iyagoo laba gool ku dhaliyay garoonka Wembley oo ay kula ciyaareen Albania iyo Latvia Jimcihii, 21 iyo Isniin, 24 March siday u kala horreeyaan (labadaba 19:45 GMT).
Tuchel ayaa sidoo kale dib ugu yeeray nin sare oo ka tirsan khadka dhexe ee Ajax Jordan Henderson oo ka tirsan 26-ka ciyaaryahan ee kooxda.
Henderson, oo 34 jir ah, ayaa kulankiisii ugu horeysay u saftay xulka qaranka Fabio Capello oo ahaa maareeyihii ugu dambeeyay ee aan Ingiriisi ahayn sanadkii 2010-kii, waxaana uu kulankiisii ugu dambeeyay u saftay Malta November 2023.
Goolhayaha Burnley James Trafford iyo daafaca Liverpool Jarell Quansah ayaa rajeynaya inay ku guuleystaan kulankoodii ugu horeeyay ee kooxda waa weyn.
Weeraryahanka Tottenham Dominic Solanke ayaa ka soo laabtay dhaawac labo bilood ah Axadii, isagoo ciyaaray ciyaarta oo dhan 2-2 ay la galeen Bournemouth
Virgil van Dijk oo war kale oo walaac leh ka bixiyay wadahadaladii qandaraaskiisa todobaadkan, iyadoo Arne Slot uu markaas cadeeyay inuu doonayo kabtankiisa inuu sii joogo Liverpool.
Isagoo hadlayay ka dib markii Liverpool ay ka hartay Champions League, Van Dijk wuxuu carabka ku adkeeyay in “run ahaantii” uusan ogeyn inuu sii joogi doono ama uu bixi doono xagaagan.
Taasi waxay ku timid wadahadalo weli socda oo ku saabsan qandaraas cusub, iyadoo Dutch-ka uu yiri: “Xitaa ma garanayo waxa dhici doona sanadka soo socda. Haddii qof yidhaahdo waan garanayaa, wejigaaga been bay ka sheegayaan.
: Virgil van Dijk “run ahaantii” ma garanayo mustaqbalka Liverpool – qof kale ayaa “been sheegaya”
Rajada laga qabo waayida Van Dijk – ama Mohamed Salah iyo Trent Alexander-Arnold arrinkaas – maaha hal taageere oo doonaya inay wajahaan.
Waxayna la mid tahay Slot laftiisa, kaasoo lagu weydiiyey shirkiisa jaraa’id ee ugu dambeeya ee Koobka Carabao ka hor markuu u baahan yahay, ama uu rabo, inuu ogaado in mid ka mid ah ciyaartoydaas uu baxayo.
“Ma garanayo waxa dhacaya xilli ciyaareedka soo socda sidoo kale, marka la eego natiijooyinka,” h
wuu ku kaftamay. “Laakiin taasi maaha waxa aad ula jeedo.”
Ciidanka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa xalay howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen deegaanka Bursha Sheekh ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas oo ay ku sugnaayeen kooxda Al Shabaab.
War lagu baahiyay warbaahinta afka ciidanka dowladda ku hadasha , ayaa lagu sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee dowladda beegsadeen xarumo kooxda Al Shabaab ku lahaayeen deegaanka Bursha Sheekh.
Ciidanka dowladda ayaa la sheegay in howlgalka ku burburiyeen xarumo kooxda Al Shabaab ku lahaayeen deegaanka Bursha Sheekh, waxa sidoo kale la sheegay in ciidanka dowladda halkaasi ku dileen xubno katirsanaa dagaallamayaasha Al Shabaab.
”Howlgalka ayaa lagu burburiyay goobo ay kooxda Khawaarijtu ku lahayd deegaanka, halkaas oo ay ka wadeen falal argagixiso oo lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed. waxaa sidoo kale howlgalka lagu dilay tiro ka mid ah Khawaarijta ku sugnayd degaanka halka goobihii gabaadka u ahaa Argagixisada laburburiyay” ayaa lagu yiri warka lagu baahiyay warbaahinta dowladda.
Ciidanka dowladda Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka , ayaa maalmihii lasoo dhaafay weeraro culus oo dhinaca cirka ah ka fulinayay deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana halkaasi lagu laayay xubno badan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab.
Dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab , ayaa saakay oo Sabti ah weerar culus oo ku bilowday qaraxyo gaadiid laga soo buuxiyay waxa ay ku qaadeen saldhig ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya kaga sugnaayeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Qaraxyada kaddib ayaa la sheegay in dabley hubeysan oo katirsan Al Shabaab weerar toos ah ku qaadeen saldhigga ciidanka xoogga , waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo dhax maray labada dhinac ciidanka dowladda iyo maleeshiyaadkii weeraray.
Dadka deegaanka ayaana maqlayay daryanka rasaasta culus ay labada dhinac is dhaafsanayeen, waxaana jira khasaaro badan oo isuu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac kala gaaray, lamana oga ilaa hadda dhinaca shacabka khasaaraha soo gaaray.
Dagaalka ayaana wali lagu soo waramayaa in uu ka socdo degmada Aydheegle oo saakay kooxda Al Shabaab sanado kaddib weerar culus ku qaaday, waxaana degmada u baxay ciidamo kale oo katirsan dowladda oo u gurmanaya ciidankii la weeraray.
Weerarada nuucan ah oo ay fuliyaan kooxda Al Shabaab ayaa muddooyinkan aad ugu yaraa gobolka Shabeelaha Hoose oo horey uga dhici jireen, waxa uuna weerarkan imaanayaa xilli ay kooxda Al Shabaab dib isku soo abaabuleen kuna soo laabteen deegaanno katirsan Hirshabelle.
Muwaadiniinta kasoo jeeda Soomaaliya ayaa si dhaqso ah ula kulmay xayiraadda socdaalka ee Mareykanka uu saaray Soomaaliya , iyadoo safaaradaha Mareykanka ay billaabeen inay dib u dhigaan dal ku galka Mareykanka ee ay soo codsadeen muwaadiniinta Soomaaliya.
Go’aankan Mareykanka ayaa si dhaqso ah u saameeyay dadka aan fiisaha la siin ee ku guuleystay bakhtiyaanasiibka lagu magacaabo Green Card Lottery oo filayay inay helaan dal ku galka , balse ma aysan helin fiisaha, sida ay ii sheegeen qaar ka mid ah dadkii ku guuleystay Lottery-ga ee toddobaadyadii u dambeeyay waraysiyada laga qaaday.
Liiska uu soo saaray Mareykanka oo saddex xaaladood loo qeybiyay , waxaa ku jira 43 waddan, waxayna mari doonaan dib u eegista saraakiisha safaaradaha , wasaaradda arrimaha dibadda iyo khubarada dhanka amniga ee waaxyaha kale iyo hay’adaha sirdoonka Mareykanka.
Hay’adahan dib u eegista sameenaya ayaa soo saari doona go’aanka kama dambeysta ee dalalka laga joojiyay inay muwaadiniintooda soo galaan Mareykanka iyo waddamada la kulmaya xaddidaada, balse Soomaaliya waxay ku jirta dalalka horey laga go’aamiyay inaysan soo geli karin muwaadiniintooda gudaha Mareykanka, taasi oo ka dhigan inan wax dib u eegis ah lagu sameyn doonin.
War ay soo saartay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay ka dhacday deegaanka Boos-Hareeri ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Warka ayaa intaasi ku daray in Howlgalka Duqeyn lagu bartilmaameysaday xubno ka tirsan Al shabaab, waxaana lagu dilay Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad gaarayay 29 xubnood oo Kooxda Al shabaab ka tirsan.
Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in duqeyn kale oo xoogan ay ka geysteen Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaanka Jambaluul.
Bayaanka waxaa lagu yiri “Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa howlgal ay qaadeen lagu Khaarijiyay 12 xubnood oo ka tirsanaa Al shabaab.
24 kii saac ee lasoo dhaafay ayay Dowladdu sheegtay in Howlgalladan soo bilowday ilaa iyo haddana socda waxaana sida lagu sheegay Bayaankaan kasoo baxay NISA in jab xoog leh lagu gaarsiiyay Argagixisada.
Ugu dambeeyn waxa ay Hay’adda NISA, dadka rayidka ah ay ku wargalisay in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan dagaalamayaasha Al shabaab ee bartilmaameedka u ah Ciidanka Qaranka.
Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa guul muhiim ah ka sheegatay howlgallada ka socda deegaannada Dowlad-Goboleedkaas gaar ahaan dhulka buuraleyda ah ee Deegaanka Geesaqabad oo ay ka qabsadeen Kooxda Daacish.
Puntland ayaa tilmaamtay in deegaankaan uu kamid ahaa deegaannada Daacish ‘Dadka ku dhibaateyn jirtay’ sida hadalka loo dhigay waxaana lagu sheegay in Dadka ay kahor istaagi jireen ceelasha biyaha laga cabo.
Ciidamada Difaaca Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegay in guullo muhiim ah ay ka gaareen dagaallada ka socda deegaannada ku teedsan dhulka buuraha ah, waxa ay ciidankaas sawirro kasoo qaadeen qaar kamid ah Difaacyadii ay Daacish dhisatay.
Inta uu howlgalkaan socday waxa ay Ciidamada Dowlad-Goboleedka Puntland sheegeen in ay soo rideen ilaa 3 Diyaarad oo nooca duulliye la’aanta ah (Drones) oo ay Daacish la damacsaneen inay ku weerarto ciidamadaan sida hadalka loo dhigay.