Home Blog Page 90

Wararkii ugu dambeeyay xaalada magaalada Baledweyne iyo rasaas wali laga maqlayo hoteel Qaahira

Waxaa  wali rasaas goos goos ah laga maqlaya gudaha hotelka Qaahira ee magaalada Baledweyne, kaasoo waabarigii hore ee saakay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ku galeen weerar qaraxyo ku bilaawday oo uu xigay dagaal toos ah.

Weerarkaan oo qaatay mudo ka badan 13 saacadood ayaa ilaa hada aanan lagu guuleysan in lasoo afjaro xubnaha Shabaab ee ka dhex dagaalamaya gudaha hoteelka.

Ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee ku sugan Baledweyne ayaa wali isku dayaya iney soo gabagabeeyaan weerarka hotel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lagu dilay dad badan oo isugu jira Nabadoono, saraakil ciidan iyo shacab.

Weerarkaan khasaaraha xoogan sababay ayaa si weyn u saameyay nolosha dadka ku nool Baledweyne, kadib markii la jaray barqanimadii shalay isgaarsiinta iyo adeega lacagaha la isugu diro ee loo yaqaano EVC, maadama Baledweyne aysan ka shaqeyn lacagta shilin Soomaaliga ah.

Walaaca ugu xoogan ee dadka haysta ayaa ah ineysan heli karin meel ay wax ka iibsadaan, waxaana isgaarsiintana hadii ay hawada kasii maqnaato ay sababi doonta in dad badan noloshooda halis ku timaado iney helaan wax ay cunaan.

“Talefankeyga ayadoo lacag igu jirto ayaa hadana waayay meel aan wax uga iibsado, sababto Isgaarsiinta ayaa maqneyd xiliyada wax gadan jirnay shilin Soomaali kama socdo magaalkaan, hadii Isgaarsiinta hawada sidaan uga sii maqnaato waxaa imaan doonto in dad gaajo u dhintaan” ayuu yiri mid ka mid ah dadka reer Baledweyne oo HOL la hadlay.

Xaalada Baledweyne  waa mid aad  kacsan oo waxaa jirta cabsi xoogan oo ay dareemayaan dadka shacabka ah waxaana wadooyinka magaalada buux dhaafiyay askar aad u hubeysan oo joojiyay isku socodka guud iyo ganacsiga Baledweyne.

Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif oo cambaareeyay weerarkii Beledweyne

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta si kulul u cambaareeyay weerarkii Kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday Hotel ku yaala magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan oo ay rag nabadoono, saraakiil ciidan iyo shacab ay ku geeriyoodeen.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay baraha uu ku leeyahay Social Media ha “Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka bahalnimo ee ay saakay kooxda Argagixisada Alshabaab ka geeysatay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan”.

“Ugu horreyn, waxaan xanuunka iyo tiiraanyada la qaybsanayaa ehellada dadkii  maanta ay Argagixisadu ku leysay Hotel Qahira oo ku yaalla magaalada Beledweyne,  inta dhimatay ilaahey ha u naxariisto, dadkii ay ka baxeenna samir iyo iimaan Alle ha ku arsaaqo, dhaawacyadana Rabbi caafimaad deg deg ah ha siiyo” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamay kooxda Al shabaab cadow baneystay daadinta dhiiga shacabka muslimka ah, iyagoo beegsada birmageydada iyo dadka aan waxba galabsan, wuxuuna sheegay inuu tusaale cad u yahay in argagixisadu aysan xurmo u hayn dhiiga shacabka muslimka ah, xilligaan oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ugu baaqayaa madaxda dowladda Federaalka ah, kuwa dowlad goboleedyada iyo shacabka Soomaaliyeed in xoogga la isugu geyo ciribtirka kooxaha Argagixisada ah iyo in laga feejignaado dhagartooda.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalada Gobolka Shabeelada Dhexe oo meel xun marayo

Wararkii ugu dambeeyey dagaalada Gobolka Shabeelada Dhexe oo meel xun marayo

Ciidamada AUSSOM oo ku biiray howlgalka lagu soo afjarayo weerarka Hotel Qaahira ee magaalada Baledweyne

Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan magaalada Baledweyne, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka cusub ee AUSSOM ayaa goordhaw ku biiray howlgalka la doonayo in lagu soo afjaro weerar Al-shabaab ay ku gashay waabarigi hore ee saakay hotelka lagu magacaabo Qaahira.

Howlgalkaan ayaa qaatay saacado badan waxaana wali gudaha hotelka Qaahira ka dhex dagaalamaya xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee weerarka qaraxa ku bilaawday ku galay gudaha hotelkaas waabarigii hore ee saakay.

Ciidamada Jabuuti ayaa haatan qorsheynaya sidii ay kusoo gabagabeyn lahayeen howlgalkaan qaatay in ka badan 8 saacadood oo xiriir ah, islamarkaana lagu dilay dad badan oo gaaraya ilaa 6 ruux oo isugu jira Nabadoono, saraakiil iyo dad shacab ah.

Dhismaha Hotelka ayaa haatan u muuqda mid xoogiisa si weyn u burburiyeen qaraxyada iyo rasaasta labada dhinac is weedeersanayeen ilaa waabarigii hore ee saakay.

Xubnaha Al-shabaab ee ka dhex dagaalamaya gudaha hotelka ayaa tiro ahaan lagu qiyaasay ilaa lix ruux oo aad u hubeysan, waxaana wali adag in si rasmi ah loo soo afjaro howlgalkaas, maadama weerarkaan oo waaberigii hore ee saakay bilaawday uu haatan gabalka u dhici rabo.

Waxaa aad u adag in la helo xogo badan oo la xariira weerarkaan, maadama isgaarsiinta magaaladaasi ay tahay mid hawada ka maqan mudo ka badan 5 saacadood, waxaana xusid mudan in weerarkaan uu si weyn u saameeyay guud ahaan dhaqdhaqaaqa isku socod ee gaadiidka iyo dadweynaha xaafadaha kala duwan ee magaalada, waxaana xiran dhamaan wadooyinka muhiimka oo ay ku sugan yihiin ciidamo aad u hubeysan.

Masar oo Soomaaliya Ciidan u tababaraysa

Dowladda Masar ayaa Soomaaliya u tababaraysa si ay qayb uga noqdaan qorshaha lagu xoojinayo adkaynta Amniga iyo in la saldhigo amniga guud ee Dalka sida uu sheegay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Cali Cumar (Cali Balcad).

Xeryo lagu tababarayo ciidamada iyo saraakiisha Soomaaliya ayuu tilmaamay Cali Balcad in gudaha Dalka laga dhisayo si ay halkaas tababar ciidan oo heer sare ah uga bixiyaan Macallimiinta u dhashay Dalkaas.

Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Cali Balcad ayaa tilmaamay in Dowladda Masar horay usoo tababartay saraakiil Soomaali ah oo khibrad iyo waaya-aragnimo ku filan sida uu hadalka u dhigay.

“Masaarida waxa ay si gaar ah u taageeraan ciidamada Xoogga Soomaaliyeed, waxa aan rajeyneynaa in la sameeyo xeryo ciidanka Soomaalida ay ku tababaraan Macallimiin u dhashay Masar, Dabcan qofka ku siiya qoriga ama kuu tababara sarkaal waxa uu ka qayb qaatay dagaalka aad ku jirtid” Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS, Cali Cumar Balcad.

Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, Xukuumadda Qaahira ayaa sanadkii tagay 2024 waxa ay Dowladda Federaalka ku wareejisay hub lagu xoojinayo ciidamada Federaalka.

Dagaal ka socda Bursha sheikh iyo deegaano badan oo ay Shabaab ka baxeen

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee Isniintii, illaa xalay ay Al-Shabaab bilaabeen inay dib uga gurtaan deegaanno dhaca gobolkaas oo ay haatan ka socdaan howlgallo xoreyn ah.

Sida ay ogaatay www.dayniile.com, AS ayaa faarujiyay deegaannada Ceel Baraf iyo Biyo Cadde oo kamid ah meelihii ay dib ula wareegeen todobaadyadii lasoo dhaafay, kadib weeraro rogaal celis oo ay kusoo qaadeen halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in labadaas deegaan iyo tuulooyinka hoos yimaada ay ka wada baxeen xubnihii Al-Shabaab, mana cadda sababta ka dambeysa.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Al-Shabaabkii ku sugnaa aaggaasi ay u baxeen dhinaca wabiga, gaar ahaan xadka kala qaybiya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan maleeshiyaadka Khawaarijta.

Kahor inta aysan Al-Shabaab ka bixin deegaannada Ceel Baraf iyo Biyo Cadde waxay la hadleen dadka deegaanka, iyaga oo isugu yeeray meel fagaare ah, kadibna la wadaagay qorshahooda bixista, balse ma cadda waxyaabaha kale ee ay kala hadleen shacabka.

Xaaladda deegaannada ay ka baxeen Al-Shabaab ayaa hadda haawanaya, mana jiro wax ciidan ah oo ku sugan halkaasi, balse waxaa kaabiga ku haya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo indhowaanahan howlgallo culus ka waday Shabeelaha Dhexe.

Sababta ugu wayn ee soo dadajisay bixista kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu micneeyay culeyska ay kala kulmeen gulufka dowladda iyo duqeymaha ay ku garaacayaan saaxibada caalamiga ah oo hawada ka taageerayo ciidamada huwanta.

Waxaa sidoo kale laga burburiyay buundo macmal ah oo ay ka sameysatay deegaanka Oobaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ka soo gudbin jireen gaadiidka iyo dagaalyahannada ay ku soo weeraraan gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay dhowaan shaacisay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NIISA.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah, ayaa howlgal duqayn ah oo ay ka fuliyeen tuulada Oobaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxay ku burburiyeen buundo macmal ah oo Khawaarijtu dhawaan halkaas ka dhistay,” ayaa horay loogu yiri qoraal kasoo baxay Hay’adda NISA.

Sidoo kale, NISA ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay halkaasi u ahayd marin muhiim ah oo ay u adeegsan jireen soo gudbinta maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha isku dayayay inay carqaladeeyaan amniga deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe.

Si kastaba, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda ee ku aadan dib u gurashada argagixisada oo maanta ka baxay deegaanno ku yaalla Shabeelaha Dhexe.

Dagaal ku bilowday gaari lagasoo buuxiyey walxaha qarxa ayaa ka socda Hotel ku yaall magaalada Baladweyne

Saakay Magaalada Baladwayne waxaa kadhacay sedex qarax oo is xigxiga. waxaa lalabeeg saday guri wayn oo ay siwada jir ah udaganaayeen odiyaasha dhaqanka iyo midnimada beesha gaaljecel allaha unaxariisto inta dhimatay dhaawacane allaha bogsiiyo inaalilaahi wa inaa ileeyhi Raajicuun.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo goordhow ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka, waxaana kadib la maqlay rasaas xigtay.

Qaraxa oo ismiidaamin ahaa loona adeegsaday baabuur ayaa lasoo wariyay in lagu weeraray guri ku yaalla galbeedka magaalada oo lagu magacaabo Qaahira waxaana shir is abaabul ah uga socday waxgaradka iyo aqoon yahanada beelsha gaaljecel

Guriga la weeraray ayaa la sheegay inuu ka socday abaabul xoogleh oo ku aadan dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in guriga la beegsaday ay ku sugnaayeen odayaal dhaqameed iyo saraakiil la sheegay inay abaabulayeen howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa qaraxa xigay weerar toos ah oo xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku galeen hoyga , iyaga oo weli ka dhex dagaalamaya goobta, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Khasaare kala duwan ayaa jiro, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay, maadaama weli howlgalka uu socda, rasaasna laga maqlayo aagga ay wax ka dhaceen.

Xaaladda goobta ayaa weli cakiran, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgal culus ka wada dhimsha hoteelka oo ku yaalla aagga xaafadda Howlwadaag.

Ma jiro weli war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka gobolka, kan degmada iyo saraakiisha laamaha amniga ee ku aadan qaraxa iyo weerarka xigay ee Beledweyne.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay haatan ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo mar kale dib ugu soo laabtay deegaannadii laga xoreeyay gobolladaasi oo hoosataga maamulka HirShabelle.

Beledweyne oo xudun u ah kacdoonka shacab ee ka dhanka ah AS, ayaa waxaa marar badan ka dhacay qaraxyo ay soo maleegeen Al-Shabaab oo gaystay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana qaraxan uu lamid noqonayaa kuwii hore.

Muse Mahmud Jiisow

Wixii faah-faahin aahkala soco dayniile.com

Ku: Dhamaan Mas’uuliyiinta iyo Hay’adaha ay quseyso

Ku: Dhamaan Mas’uuliyiinta iyo Hay’adaha ay quseyso
Og: Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaanada Qaranka, Wasiirada ku shaqada leh, iyo dhammaan daneeyayaasha horumarka bulshada

Ujeedo: Codsi Ku Aaddan Aqoonsiga Rasmiga ah ee Deegaanka Gubta Inuu Noqdo Degmo

Annagoo ah bulshada deegaanka Gubta, waxaan halkan ku soo gudbinaynaa codsi rasmi ah oo ku aaddan in deegaanka Gubta loo aqoonsado degmo buuxda oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Sababaha Codsigan:

1. Baaxadda Deegaanka – Deegaanka Gubta wuxuu ku fadhiyey dhul ballaaran oo ka mid ah Degmada Dayniile, laakiin tirada dadka iyo horumarka ka jira ayaa ka badan qaar ka mid ah degmooyinka rasmiga ah ee Muqdisho.

2. Tirada Dadka – Bulshada deegaanka Gubta waxay ka kooban tahay dad badan oo isugu jira bulsho kala duwan, kuwaas oo u baahan adeegyo dowladeed oo u gaar ah.

3. Adeegyada Bulshada – Deegaanka Gubta waxaa ka jira iskuulo, xarumo caafimaad, suuqyo ganacsi, iyo xarumo kale oo muhiim u ah nolasha bulshada, kuwaas oo muujinaya in deegaanka u qalmo in loo aqoonsado degmo.

4. Xiriirka Gubta iyo Dayniile – Deegaanka Gubta wuxuu ku yaallaa bartamaha dhulka ay ku fadhido Degmada Dayniile, taasoo ka dhigaysa in la aqoonsado muhiimaddiisa maamul.

5. Amniga iyo Maamulka – Si loo helo maamul hufan oo si gaar ah uga shaqeeya horumarinta Gubta, waa lagama maarmaan in loo aqoonsado degmo rasmi ah.

Codsigeena

Waxaan ka codsaneynaa maamulka iyo hay’adaha ay quseyso:

In ay si degdeg ah u fuliyaan qiimeyn rasmi ah oo lagu caddeynayo shuruudaha Gubta uga dhigan tahay degmo rasmi ah.

In la sameeyo tillaabooyin dhameystiran oo lagu hirgelinayo aqoonsiga Gubta si bulshadu u hesho adeegyo dowladeed oo toos ah.

In la helo matalaad buuxda oo uu deegaanka ku yeesho maamulka iyo siyaasadda gobolka.

Waxaan rajeyneynaa in codsigeena la tixgeliyo, loona arko mid xaq ah oo waafaqsan baahida bulshada deegaanka Gubta.

Mahadsanidiin

Waxaa soo gudbiyay:
Bulshada Deegaanka Gubta

Gudoomiyaha dhalinyarada Beelweynta Karanle

Garaad Mohamed Ali

Maxay Ciidamada Itoobiya ku kordhin karaan hawlgallada ka dhanka ah AS ee ka socda Hirshabeelle?

Horraantii bishaan Maarso waxaa dib ka soo laba kacleeyay dagaalka ka dhanka ah ee ay dowladda kula jirta Al-shabaab ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyada oo dagaalladaas ay qeb ka ahaayeen dadka deegaanka.

Dagaalladaas ka dhacayey qeybo kamid ah deegaannada hoos yimaada Gobalka Shabeellada Dhexe ee ka dhanka ahaa Al-shabaab oo waqti badan qaatay, ayaa ka bilaawday deegaanka Ceel Cali Axmed ee hoos yimaadda Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellada Dhexe, iyada oo ay si wada jir ah ka qeyb qaateen Ciidamada Xoogga, kuwa NISA iyo Ciidamada deegaanka ee lagu magacaabo  (Macawiisleyda).

Sidoo kale, waxaa jiro degaanno kale oo ay kamid yihiin, Daarul Nimca ee hoos yimaada degmada Nuur-irgood iyo Al-kowther, Degmadda Ceel-baraf iyo Deegaanka Cali Fool-dheere ee Gobalka Shabeellada Dhexe ayaa qeyb ka ahaa deegaannadii ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Muddadii ay dagaalladaas socdeen, waxaa xadka Soomaaliya ka soo gudbeen cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Itoobiya, gaar ahaan dhanka xuduudka magaalada Feerfeer, iyada oo la sheegay in ay xoojin doonaan howlgallada ka dhanka ah AS ee ka soconaya deegaannada maamulka Hirshabeelle.

Ciidamaas ayaa soo gaaray qeyb kamid ah deegaannada uu dagaalka ka soconayo ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyada oo aysan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay Militeriga Itoobiya, kaasi oo la xiriira ciidamada yimid gudaha Soomaaliay.

Itoobiya ayaa qeyb ka ah howlgalka AUSSOM ee dhawaan ka billaawday Soomaaliya, iyada oo labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya uu muddo khilaafkooda meel dheer gaaray, kaasi oo salka ku hayay heshiiskii Somaliland, kaddib wada xaajood dheer kaddib ay qeyb ka noqdeen hawlgalka AUSSOM.

Xukuumadda Somaliland oo sharaxaad ka bixisay cashuuro cusub oo bulshadu sas ka qaaday

Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay in cashuur ay kusoo rogtay shirkadaha isgaadhsiinta ay sidoo kale ku waajibayso lacagaha telefoonada layskugu diro, kadib markii warar arrintaas sheegaya ay suuqa soo galeen.

Wasaaradda Maaliyadda oo ka jawaabaysa su’aalaha ay bulshadu qabto ayaa sheegtay in cashuurta isgaadhsiinta ee (GST) ay ku dhacayso keliya adeegyada ay shirkaduhu bixiyaan, sida lacagta ku hadalka ee mobile-ka, internet-ka mobile-ka (Mobile Data), internet-ka xafiisyada/guryaha, iyo adeegyada kale ee isgaadhsiinta ee shirkaduhu bixiyaan.

“Waxaa soo baxay fariimo been abuur ah oo lagu baahiyey baraha bulshada, kuwaas oo lagu jahawareerinayo bulshada laguna sheegay in cashuurta GST ee la dhaqan-geliyey ay ku dhacayso lacagaha la isugu diro taleefanka gacanta ee Zaad iyo eDahab, taas oo aan waxba ka jirin haba yaraatee,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda.

Cashuurtan oo ay waajibisay xukuumadda cusub ee Somaliland isla markaana aan hore loo qaadi jirin ayaa cabsi gelisay bulshada, kadib markii ay suuqa soo galeen warar sheegaya in cashuurtaasi ay ku waajibayso lacagaha danabaysan ee telefoonada layskugu diro sida Zaad iyo eDahab.

Xukuumaddu waxay sheegtay in cashuurtan looga golleeyahay kobcinta dhaqaalaha iyo kor u qaadista dakhliga si loo horumariyo adeegyada ay xukuumaddu bixiso, loona hirgeliyo mashaariicda horumarineed oo wax ka taraya kobaca dhaqaalaha.

- Advertisement -

news

Murf AI

0
Murf AI: The Ultimate Platform for High-Quality Voiceovers in Multimedia Content In present day day virtual international, content introduction is extra important than ever. Whether...

book store near me

HOT NEWS