Home Blog Page 92

Howgalka cusub ee AUSSOM, Muxuu ka baddeli karaa dagaalka ka dhanka ah AS?

Howlgalka cusub ee AUSSOM waa Marxaladda saddexaad ee Ciidanka Afrikaanka ah ee Jooga Soomaaliya, waxa uu howlgalkooda soo billowday Janaayo 2007dii, xiligaas Magaca AMISOM ayay Dalka kusoo galeen.

Waqtigii ciidankaan Afrikaanka ah ay dalka imaanayeen waxa ka jiray dagaal u dhaxeeyay Ciidankii Dowladdii Kumeel-gaarka ahayd ee garabka ka helayay Kuwa Itoobiya ee aanay ku jirin diiwaanka AMISOM iyo garabyadii ka farcamay Midowgii Maxaakiimta.

Howlgalkii AMISOM waxa uu door firfircoon ka qaatay howlgalladii Gobolka Banaadir, Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed iyo Hir-Shabeelle, sanadihii lasoo dhaafay oo ku beegan waqtigii loo baddelay ATMIS waxa uu howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ u gaar ahaan Ciidanka Soomaaliya.

AUSSOM, Waajibka saaran waa in ay la howlgalaan Ciidamada Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedyada iyo Dadka deegaanka ee Macawiisleyda, ciidankaan kooban ayaa loo dejiyay qorshahaas oo fulinteeda looga fadhiyo.

Howlgalkaan AUSSOM wuu ka duwan yahay AMISOM iyo ATMIS maadaama ay ka baxeen ciidamadii Burundi ee kaalinta weyn ku lahaa amniga deegaannada Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle oo dhaqdhaqaaqa ugu weyn ee ka dhanka ah ‘AS’ uu ka socdo.

Masar oo kusoo biirtay howlgalkaan weli ciidamadeedu ma xiran summadda cagaaran ee howlgalkaan oo waxa ay ka maqan yihiin inta badan ciidamdeeda gudaha Soomaaliya inkasta oo ay usoo xirxiran yihiin Dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo awood buuxda loo siiyay qorshaha ciidamadaan ma sheegin goobta la geynayo, sidoo kale Masar iyo Midowga Afrika ma shaacin halka xoogga ciidamadaan ka imaanaya Waqooyiga Qaaradda Afrika ay saldhiganayaan.

Howlgalka cusub ee AUSSOM, Muxuu ka baddeli karaa dagaalka ka dhanka ah ‘AS? Waa su’aasha ugu weyn ee dad badan dul dhigayaan mar haddii sanadihii lasoo dhaafay xeryahooda ay joogeen oo xitaa 5% ka qaybqaadan howlgallada ka socda gobollada Dalka.

Soomaaliya waxaa isku dulsaaran labo caqabad oo lagu eegayo sida ay uga baxdo, xaqiiqdii waa kuwa isku sidkan waana Soo afjaridda Howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee socda waqtiga dheer iyo qabsoomidda Doorasho Dadweyne.

AUSSOM waxaa loo arkaa in ay tahay gacanta caawin karta Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay uga gudubto marxaladahaas adag, qudhooda waa u dhiirragelin ay door ku yeeshaan natiijada labadaas qodob kasoo baxda haddii lagu guuleysto si ay isugu qoraan taariikhda.

Xarigga Internet-ka PEACE Cable oo ka go’ay Badda Cas iyo Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa shaacisay in xarigga internet-ka ee Fiber-ka badda hoosteeda mara, ee isku xira Pakistan, Bariga Afrika, iyo Yurub (PEACE Cable), uu ka go’ay Badda Cas.

Dhacdadan lama filaanka ah ayaa saameyn ku yeelatay adeegyada internet-ka ee Soomaaliya iyo dalal kale oo Bariga Afrika ah, taasoo sababtay hoos u dhac ku yimid xawaaraha iyo tayada adeegyada qulqulka (streaming).

Si looga falceliyo arrintan, shirkadaha bixiya adeegyada isgaarsiinta ee dalka ayaa si degdeg ah ugu wareegay khadad kale oo kayd ah, taasoo suurtagal ka dhigtay in internet-ka dalka uu dib ugu soo noqdo sidii caadiga ahayd.

Sida ay sheegtay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, dib-u-habaynta iyo dayactirka xarigga Fiber-ka PEACE waxaa la filayaa in ay qaadato ilaa bartamaha Abriil 2025.

Inta lagu jiro muddadan, hay’addu waxay si dhow ula shaqeyn doontaa shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka si loo hubiyo tayada adeegyada loona xalliyo caqabadaha dhici kara

MW Xasan Sheekh “Caalamku ma yaqaan Dowlad Doorasho Dadban Dowlad ku noqota, mana na aqbalaayo”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrimaha Doorashooyinka, Amniga iyo Siyaasadda ayaa ugu horreyn diiradda saaray Nabadgalyada isaga oo sheegay in Dowladda Xoogga saartay dagaalka ka dhanka ah ‘AS’

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa intaas ku daray inhowlgallada ka dhanka ah ‘AS’ xoogga la saaray si looga gungaaro loogana saaro deegaannada ay gacanta ku hayaan sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in gacanta Dowladda ay soo galeen deegaanno dhowr iyo toban sano ay maamulayeen ‘AS’ lana gaarsiiyay adeegyada Bulshadu u baahan tahay ee dowliga ah sida uu yiri.

Dr Xasan ayaa dalbaday in si wadajir ah la isku kaashado si loo gaaro guusha loo xarbinayo ee ah in Dowladdu qabsato dhulka ay ku sugan yihiin ‘AS’ ee katirsan Gobollada Dalka isla markaana la dhiirrageliyo ciidamada howlgallada wada.

“Magaaladaan waad garaneysaan sida ay hadda tahay waa alle mahadi, cadawga ma tagin ee wuu isku dayaa, si joogta ah ayay isku dayaan oo nama dhihin dadka Muqdisho war dadkaan aan u naxariisano oo nabad ayay mudan yihiin ee way kari waayeen, wuu gaatamayaa 24kii saac oo haddii uu heli karo meel yar uu kasoo duso wuu rabi lahaa, waxa aan rabnaa in loo midoobo dagaalka cadawga” MW Xasan Sheekh Maxamuud.

Haweenka ayuu ku booriyay in ay doorkooda ka qaataan dhiirragelinta ciidamada maadaama ay dusha u riteen sidii ay u diyaarin lahaayeen raashinka iyo saadka ay u baahan yihiin ciidanka sida wadajirka ah howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ wada.

Arrimaha Doorashada:

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aanay Dowlad lagu noqon mid dadban maadaama 25 sano Soomaaliya kusoo Doorasho Dadban aanay ka tarjumeyn dowlad lagu kalsoonaan karin isla markaana uu Caalamka diiday sida uu hadalka u dhigay.

“Caalamku ma yaqaan Dowlad Doorasho Dadban Dowlad ku noqota, 25 sano ayaa nalagu dulqaatay mana na aqbalaayo, Ma naqaano waxa ay yihiin iyo waxa ay ka shaqeeyaan ayaa nala leeyahay, maanta meel aan soo gaarnay ayaa nalagu shardiyay oo ah ballan in aan qaadno in aan qabano Doorasho” Ayuu yiri MW Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Askar si hoose ula shaqeyneysay Al-Shabaab oo la ogaaday – Kadib maxaa dhacay?

Jubbaland ayaa maanta kiis xasaasi ah oo wayn ku heshay laba askari oo ka tirsan ciidamadeeda Daraawiishta, kuwaas oo la ogaaday inay si hoose ula shaqeyn jireen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Maxkamadda ciidamada maamulkaas ayaa maanta go’aan kasoo saartay kiiska labada askari, iyada oo ku ridday xukun adag, kadib markii ay ku heshay dambiga lagu soo eedeeyay.

Labada askari ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Maxamed Aadan Sahal iyo Muuse Maxamed Nuur, waxaana lagu helay la shaqeynta kooxda Khawaarijta iyo ka iibsashada hubkii dowladda ugu dhiibtay in ay ku difaacaan shacabka maamulka Jubbaland.

Maxkamadeynta askartan waxaa goobjoog ahaa gudoomiyaha maxkamada, labadiisa ku xigeen, xeer ilaaliyeyaasha ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland iyo sidoo kale ehellada eedeysanayaasha.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka oo ku dhawaaqay go’aanka ayaa sheegay in Maxamed Aadan Sahal iyo Muuse Maxamed Nuur lagu helay dambiga lagu soo eedeeyay, ayna  maxkamadda ku xukuntay min 5 sano oo xabsi ciidan ah.

Sidoo kale maxkamada ayaa soo bandhigtay qoryihii ay iibsadeen oo ehellada dambiilayaasha ay Jubbaland usoo celiyeen, sida ay sheegtay maxkamadda.

Ugu dambeyn xukunsanayaasha ayaa haysta fursad kale oo ay ku qaadan karaan racfaan, sida uu dhinacyada doodda u sheegay Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud oo soo xiray fadhiga maanta.

Horay ayaa sidaan oo kale Jubbaland waxa ay xukuno ugu ridday askar iyo shaqsiyaad kale oo lagu helay inay si hosoe ula shaqeynaayeen kooxaha argagixisada.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa ku xooggan deegaanno ka tirsan maamulkan, waxayna si buuxda u maamulaan gobolka Jubbada Dhexe iyo qaybo kale oo kamid ah Jubbada Hoose, halkaas oo ay kasoo abaabulaan weeraro ay ku qaadeen fariisimaha ciidamada.

Shir ku saabsan amniga Muqdisho oo ka dhacay xarun G/Banaadir

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa shir-guddoomiyey kulan ku saabsan amniga caasimadda oo ka dhacay xarunta Gobolka Benaadir.

 

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray qorshaha horumarinta amniga caasimadda iyo degmooyinka ku xeeran, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa ammaanka shacabka ku nool Gobolka, loona adkayn lahaa iskaashiga hey’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha amniga.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran, ay muhiimad weyn siinayso la shaqaynta hey’adaha amniga, dhiirrigalinta ciidamada qalabka sida, is-dhexgalka laamaha dowlada iyo shacabka, wuxuunna faray golaha wasiirrada in bisha barakaysan ee Ramadaan ay kula soo afuraan shacabka iyo Saraakiisha amniga degmooyinka caasimadda.

Mudane Saalax, ayaa kula dardaarmay Saraakiisha kala duwan ee masuulka ka ah amniga caasimadda in ay isku xirnaadaan, ayna dhexgallaan shacabka ku nool Gobolka Benaadir, si bulshada looga soo dhex-saaro kuwa halista ku ah amniga, ee ku dhex gabbanaya shacabka caasimadda.

Trump oo qorshaynaya inuu meesha ka saaro cunaqabateynadii uu Mareykanku horay u saaray Ruushka

Maamulka Trump ayaa qorshaynaya inuu meesha ka saaro cunaqabateynadii uu Mareykanku horay u saaray dalka Ruushka sida laga soo xigtay saraakiil ka ag dhow aqalka cad.

Shabakadda Bloomberg oosoo xigatay ilo xog ogaal ah ayaa sheegtay in la-taliyayaasha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay dejinayaan qorsheyaal lagu qaadayo ama wax looga beddelayo cunaqabateynta Ruushka saaran haddii ay nabad ka dhalato Ukraine, iyagoo intaa ku daray in tallaabadan suurtagalka ahi ay keeni karto khilaaf saameyn kara xiriirka ka dhexeeya Washington iyo xulafadeeda London iyo Brussels.

Maamulka Trump ayaa aad ugu dhow dhinaca Ruushka markii la barbar dhigo hoggaamiyaashii ka horreeyay, waxaana labada dal u socda wada-xaajood ku aaddan soo afjaridda dagaalka Ukraine oo sanadkii 4-aad socda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Magacaabay Guddi Soo Baara Xildhibaanno Loo Diiday Safaro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Sooamaliya ayaa magacaabay Guddi ka soo warbixiya Safaradda loo diiday qaar ka mid ah Xildhibaannada.

Guddigaan ayaa la faray in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dib ugu soo celiyaan warbixinta ku saabsan sababaha loogu diiday Xildhibaannada Safarada ay ku aadi lahaayeen Gobolada Dalka.

Guddiga uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka si ay uga soo warbixiyaan arrinta safarrada loo diiday Xildhibaannada waa:

Xil. Abdi Ibrahim Warsame – Guddoomiye

Xil. Ilyaas Sheikh Ahmed Ibrahim – Xubin

Xil. Omar Ali Isak – Xubin

Xil. Asho kos Mohamud Omar – Xubin

Xil. Abdirazak Adam Warsame – Xubin

Xil. Omar Yusuf Gaaladiid – Xubin

Xil. Dahabo Susow Maxamud – Xubin

Xil. Mohamed Harun Abdillahi – Xubin

Xil. Jawahir Addawe Abdi – Xubin

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BOGAADIYAY DOORKA HAWEENKA EE XOREYNTA DALKA IYO DOORASHADA TOOSKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BOGAADIYAY DOORKA HAWEENKA EE XOREYNTA DALKA IYO DOORASHADA TOOSKA

Muqdisho, Maarso 8, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur ah ku maamuusay haldoorka haweenka Soomaaliyeed, munaasabad 8-da Maarso oo ah Maalinta Haweenka Adduunka awgeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer u sharaxay kaalinta muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab, kaas oo haweenku ay yihiin udub-dhexaadka bulshada, islamarkaana ay si toos ah uga qeyb qaataan dadaallada lagu xoreynayo dalka, iyagoo ka shaqeynaya wacyigelinta, taageerada ciidamada iyo dhisidda bulshada deegannada laga xoreeyey argagixisada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorka haweenka Soomaaliyeed ee ku aaddan geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo xoreynta dalka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qeyb qaataan hanaanka doorashooyinka tooska ah oo fursad u siinaya in ay codkooda dhiibtaan, u tartamaan xilalka qaranka, isla markaana ay door muuqda ku yeeshaan hoggaanka dalka.

 

 

 

Faahfaahin Duqayn Cirka ah oo Lagu Dilay Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab

Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in duqayn dhinaca cirka ah oo lala beegsaday xarun ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd deegaanka Ceel-Bacad lagu dilay Yuusuf Dhignaas, oo ka mid ahaa xubnaha kooxda.

Sida wararku sheegayaan, duqaynta ayaa ka dhacday xilli ay kooxda Al-Shabaab si khasab ah ugu yeertay dad shacab ah, si ay uga qaadaan lacago ay ugu yeeraan “sakawaat.”

Ilo-wareedyo maxalli ah ayaa sheegaya in diyaarad dagaal ay si toos ah u beegsatay goobtii uu joogay Yuusuf Dhignaas, taasoo sababtay dhimashadiisa iyo khasaare kale oo aan weli la caddeyn.

Ceel-Bacad waa deegaan muhiim ah oo ku yaalla xuduudka kala qaybiya gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud. Waa meel istiraatiiji ah oo ay Al-Shabaab muddooyinkii dambe ku xoogeysanayeen iyagoo halkaas ka fulin jiray qorshahooda ururinta lacagaha baadda ah iyo dhaqdhaqaaqooda militari.

Duqayntan ayaa qeyb ka ah howlgallada ballaaran ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, kuwaas oo ay fuliyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadooda caalamiga ah.

Degdeg: Daaru-Nimca waxaa ka dhacday duqayn goordhaweed taasi oo lala eegtay kooxda AS oo ku sugnaa gudaha magaalada.

goor dhaw ayaa laga maqlay  jug xoog leh degmada Daaru-Nimca waxaa ka dhacday duqayn goordhaweed taasi oo lala eegtay kooxda AS oo ku sugnaa gudaha magaalada.

Ilaa laba gantaal ayaa lagu dhuftay gudaha magaalada, waxaana wararka sheegayaan in lagu beegsaday baabuur dagaal oo kooxda ay lahaayeen.

Wixi faahfaahin ah halkaan kala soco

- Advertisement -

news

Murf AI

0
Murf AI: The Ultimate Platform for High-Quality Voiceovers in Multimedia Content In present day day virtual international, content introduction is extra important than ever. Whether...

book store near me

HOT NEWS