Home Blog Page 94

Shuute: Dadkii dhashay burburka kaddib ayaa 40 sano gaaray, ma rabno in dhasheenna sidaas oo kale nolosha ku dhaafto!

Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute oo la hadlay Ciidamo katirsan Xoogga Dalka ayaa uga digay in ay ku dhacaan dambiyo keeni kara in maxkamad loosoo taago.

Waxa uu sheegay in waajibka saaran uu yahay ilaalinta Dalka sidaas awgeed looga baahan yahay askari ilaa sarkaal in si wadajir ah la isaga kaashado dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Waddanka sida uu hadalka u dhigay.

Shuute ayaa tilmaamay in uu ciidamada uga digayo in ay ka dhaqaaqaan difaacooda isla markaana looga baahan yahay in ay fuliyaan amarka saraakiisha hoggaamineysa ee heeganka u ah howlgallada ay wadaan.

Dhibaatooyinkii dalka uu galay kaddib burburkii Dowladdii dhexe ee dalka ayuu sheegay in laga joogo muddo ku dhow 40 sano sidaas awgeed loo baahan yahay in laga shaqeeyo in jiilka maanta uu helo fursad barwaaqo ku dheehan tahay.

“Dalkaan 20 sano mooryaan iyo kii ayaa haystay, 20 sano kalena Argagixiso ayaa daba taagnayd, dadkii dhashay burburkii ayaa 40 sano gaaray, anaga sidaas ayuu waqtiga nagu dhaafay ee lama rabo in dhasheenna uu sidaas oo kale ku dhaafo” G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee CQS.

Shuute ayaa kamid ah Saraakiil katirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle oo Gobolka Shabeelaha Dhexe u tagay dardargelinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ SI Culeyska ay gobolkaas saartay looga qaado.

Dagaalo xoogan ayaa saaka ka socda degaanka Boos-hareeri oo ka tirsan gobalka Shabeelaha dhaxe

Dagaalo xoogan ayaa saaka ka socda degaanka Boos-hareeri oo ka tirsan gobalka Shabeelaha dhaxe

Sidda wararka aan ku helnay kooxda Al shabaab ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday saaka deegaankaas

Dadka deegaanka & ciidanka xoogga dalka ayaa la soo warinayaa in ay weerarka iskaga difaaceen si adag, waxaana la isku adeegsanayaa hub noocyo kala duwan leh.

Dhinaca kale, Kooxdda Al shabaab ayaa sheegatay in dagaalka ay ku qabsatay gaari Suu ah oo uu lahaa taliye Saney Cabdulle oo ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka.

Xaalada degaankaas ayaa kacsan iyadoo la maqlayo rasaas xoogan iyo qaraxyo ka dhacaya degaankaas, waxaana hawada ka maqan isgaarsiinta tasoo adkeysay in xog badan laga helo dagaalka.

Al Shabaab ayaa beryahan dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo weeraro ka waday degaano horey looga saaray oo ka tirsan Sh/dhexe waxaana jilibka u dhigay ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa degaanka oo iskaashanaya

Ku dhowaad 70 kun oo ciidanka qalabka sida ah ayaa dowladda u diiwan gashan oo ay kala bar Milateri yihiin.

Ku dhowaad 70 kun oo ciidanka qalabka sida ah ayaa dowladda u diiwan gashan oo ay kala bar Milateri yihiin

Taliyaha ciidanka waxay ahayd inuu hoggaamiyo, guutooyin, ururro, horimo iyo unugyo ciidanka xooga dalka ah, warbixinna ka qaato talisyo iyo hoggaamo, dejiyana istaraatiijayad, qorshe iyo xeel dagaal oo argagexisada looga guulaysto ee ma ahayn in uu dhexjoogo tobaneeyo wiil oo tolkiisa ah oo gaajo, haraad iyo daal ugu dhex dhintay qaraxa argagexisada iyo duqaynta dawlada.

Dagaalka argagexisada wuxuu u baahan yahay istaraatiijiyad ciidan, qorshe xorayn, xasilin iyo maamul is wata ah, abaabul bulsho, iyo ayidaad caalami ah.

Madaxweynaha ayeyna ahayd in uu la yimaado aragti hoggaamineed, xulasho dad waxtar leh, iyo sumcad lagu kasbado taageerada shacabka, laguna dhiirageliyo ciidanka iyo halgamayaasha deegaanka.

Wuxuu kaloo dagaalka argagexisada (counter insurgence) u baahan yahay in la kala saaro dagaalka oo ah hawl amni iyo ciidan, iyo sababtii keentay argagexisada oo ah siyaasad.

Argagexisada goobaha dagaalka waa lagu jebin karaa, waatii sanad ka horba si wayn loo jebiyey, laakiin guusha dagaal waynaha ee lagu ciribtirayo dagaal keliya kuma filna ee waa in la daweeyo sabibihii keenay soo ifbaxooda.

Haddiise, dhinac dagaal lagula jiro, dhanka kalana dhaqankii soo ifbaxooda ka qayb qaatay ka socdo waa adkaanaysaa in la ciribtiro.

Jubbaland oo ku baaqday in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab

Jubbaland ayaa ku baaqday in si wadajir ah loo wajaho dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka, ayadoo si weyn u bogaadisay howlgallada ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwo Macawisleydu ka wadaan deegaanada Hirshabeelle.

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri”
Dowladda Jubaland waxay si weyn u bogaadinaysaa dadaalka ay wadaan Ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka is abaabulay ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada kaga jira deegaanada Dowladda Hirshabeelle.

Dadaalladan, haddii si mideysan loogu wada guntado, waxay horseedi karaan guulo wax ku ool ah oo lagu cirib tirayo kooxaha nabad-diidka ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladdaha xubnaha ka ah, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaa saaran masuuliyad wadareed taabanaysa mustaqbalka dalkeenna.

Haddii aan si wadajir ah ugu midowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waa hubaal in aynu gaari doonno guulo waaweyn oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Waxaa muhiim ah in kala aragti duwanaanta siyaasadeed aanay fursad u siin kooxaha argagixisada inay dib isu abaabulaan, taas oo dhaawacaysa dadaallada lagu dhisayo nabadda iyo horumarka dalkeenna.

Dowladda Jubaland waxay ku baaqaysaa midnimo iyo wadajir qaran, si argagixisada looga ciribtiro dalka, taas oo lagu gaari karo nabad iyo horumar waara”.

Dowladda Fedaraalka oo shaacisay ineysan dalka ka jirin khatar amni oo hakad u gali karaan duulimaadyadda Caalamiga ah

Iyadoo Talaaladadii lasoo dhaafay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho soo saartay fariin ay uga digeyso muwaadiniinteda ku sugan Soomaaliya weeraro argagixiso oo ka dhici kara goobo badan oo ku yaala Muqdisho oo uu ka mid yahay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Digniintaas ayaa markii ay soo baxday waxaa durba hakad uu ku yimid howlahii duulimaad ee shirkadaha diyaaradaha Qatar Airways iyo Turkish Airlines, kuwaas oo si ku meel gaar ah u joojiyay duulimaadyadii ay ku imaan jireen Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa sheegtay ineysan dalka ka jirin wax khatar ah amni ah oo ay u hakan karaan duulimaadyada Caalamiga ah ee Muqdisho yimaada.

“Ma jirto khatar kaliftay in duulimaadyada Shirkadaha Qatar Airways iyo Turkish Airlines ay kaga baaqdaan Muqdisho, sidoo kale ma jiraan wax nalala wadaagay oo khatar ah, waana helna xogaha amaanka iyagoo dhameystiran” ayey tiri Wasiir Fardowso Cismaan Cigaal.

Wasiir Fardowsa oo wareysi siineysay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegtay in shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines ay su’aalo ka weydiisey sababta ay u baajiyeen safarkoodii Muqdisho ayna sheegeen in digniinta ay la kulmeen darteed u hakiyeen duulimaadkoodii Muqdisho.

“Waan u cadeynay in digniintaas aysan naga soo bixin, mid ay dowladda Soomaaliya ku shaqeysatana uusan aheyn, marka waa nala qaateen dhowr beri ayey duulimaadyadooda kansaleen, balse ugu dambeyntii waay naga aqbaleen” ayey tiri Wasiir Fardowso Cismaan Cigaal.

Wasiiradda ayaa sidoo kale xustay in marka laga reebo diyaaradaha Qatar Airways iyo Turkish Airlines in duulimaadyada kale ee Caalamiga ah ay sidooda u yimaadaan Muqdisho sida duulimaadyada Itoobiya, Masar iyo Uganda, islamarkaana labadaan shirkadood ee duulimaadyadooda hakadka galiyay dib u bilaabi doonaan howlahooda maalamaha soo socda.

Somaliland oo Maxkamadaynaysa Askari Booliis ah oo la Arkay Isaga oo Qof Shacab ah U Gacan Qaadaya

– Booliska Somaliland ayaa xaqiijiyay in la xidhay askari booliis ah oo muuqaalkiisu baraha bulshada ku baahay Khamiistii, isaga oo gabadh dhallinyaro ah u gacan qaadaya.

Qoraal kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay in askarigaasi uu ku kacay ficil ka baxsan anshaxa booliska, isla markaana la horgeyn doono maxkamad si loogu soo oogo eedaha loo haysto.

“Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysane Bol-Askari Hadi Cumar Baadi, kaasi oo gabadh yar dhirbaaxaya baraha bulshada lagu faafiyay, taasoo baal-marsan anshaxa iyo dhaqanka Ciidanka Booliska JSL. Eedaysanaha waxa si degdeg ah loo horgeyn doonaa Maxkamadda Ciidamada,” ayaa lagu yidhi warbixinta booliska.

Maaha markii ugu horreysay ee maxkamad lasoo taago askari tacaddi u geystay qof shacab ah. Sanadihii lasoo dhaafay, waxa xabsi lagu xukumay askar lagu helay eedo la xidhiidha inay ku kaceen falal ka dhan ah xuquuqda aadanaha, waxa kale oo jira qaar kamaradaha kasoo muuqday iyaga oo dembiyo geysanaya balse aan cadaaladda la hor keenin. Waxaana jira dad badan oo aaminsan in booliska isbeddel buuxa lagu sameeyo.

“Waxba ka tari mayso dhibaatada booliisku dadka ku hayo. Waxa habboon in booliska dib u habayn lagu sameeyo oo la saxo,” ayuu yidhi Garyaqaan Guleed Dafac, oo u ololeeya in anshaxa booliska la hagaajiyo, oo faalo ka qoray taalabada booliisku ka qaaday askarigan.

Xukuumadda Somaliland ee haatan jirta, oo lafteedu hore dhibane uga ahayd tacaddiyada booliiska xilligii ay mucaaradka ahayd, ayaa wada qorshayaal dib u habayn loogu samaynayo nidaamka cadaaladda booliiska iyo nolosha xabsiyada.

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in dowladda Itoobiya ay duqayn ka geysatay gobolka Shabeellada Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur, ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha dowladda Itoobiya ay duqeymo ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka ayaa sheegay in diyaaraduhu gantaalo la dhaceen deegaanada ay ku sugan yihiin kooxda Alshabaab, balse ma sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay duqeymahaas.

Isagoo la hadlayay warbaahinta qaranka, Wasiirku wuxuu sheegay in duqeymaha ay fuliyeen ciidamada Itoobiya ay ahaayeen kuwo ay hagaysay dowladda Federaalka. Wuxuu xusay in aanay suurtagal ahayn in duqeymo laga fuliyo gudaha Soomaaliya iyada oo aan dowladda la ogeysiin.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu caddeeyay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen iskaashi amni, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo xusay in heshiiskii Ankara uu qeexayo wadashaqeynta labada dal ee dhinaca amniga.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay ogolaatay in ciidamada Itoobiya ay ka qeyb noqdaan howlgalka cusub ee AUSSOM. Hase yeeshee, lama arag ciidanka Itoobiya  oo horey uga fuliyay gobolka Shabeellada Dhexe.

Xog: Xildhibaanada Abgaal oo howlgalka ku biiray iyo dagaal culus oo maanta dhacay

Deegaanka Labogaras oo hoos taga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa mar kale maanta lagu laayey kooxda Al-Shabaab, kadib markii ciidamada deegaanka oo iska socda ay ka soo dul-dhaceen Shabaab badan oo geedo harsanaya.

Dagaalkii ugu cuslaa oo galabta afurkii la isla soo gaaray ayaa dhacay, waxaana laga adkaaday Al-Shabaab oo halkaas lagu laayey, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiishii hogaamineysay howlgalka.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ku soo biiray dagaalka, waxayna garab siiyeen ciidamada macawiisleyda deegaanka Labogaras, oo dagaalka bilaabay.

Kooxda Al-Shabaab oo soo gashay Shabeellaha Dhexe, si weyna uga dagaalantay deegaano muhiim ah oo ay qaar qabsadeen ayaa dooneysa inay soo gaarto xeebta, balse waxaa ka hor tegay ciidamada maanta weeraray.

Sidoo kale, maanta waxaa howlgalka ku biiray oo degmada Raageceelle gaaray ciidamo ay hoggaaminayaan xildhibaano ka tirsan golaha shacabka iyo saraakiil ka baxday Muqdisho, kuwaas oo xalay ka dheelmaday Muqdisho.

Xildhibaano badan oo ka soo jeeda Beesha Abgaal ayaa xalay baxay, halka caawa iyo habeen dambe ay baxayaan inta kale, dhamaan xildhibaanada beesha Abgaal ayaa iska xaadirinaya furimaha dagaalka, si ciidamada ay u hoggaamiyaan, una garab istaagaan.

Diyaaradaha dagaalka Itoobiya oo duqeymo ka fuliyay gobolka shabeellada dhexe

Diyaarado dagaal oo ay leedahay Itoobiya ayaa duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka shabeellada dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabeelle sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi.

Duqeymahan oo aan khasaaraha ka dhashay la shaacin ayaa noqanaya kuwii ugu horreeyay ee ay Itoobiya fuliso muddo sanado ah, lamana oga in dowladda Soomaaliya codsatay iyo in kale.

Duqeymahani waxay ku soo beegmayaan xilli dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii Ciidanka Itoobiya goballada Gedo, Baay, iyo Bakool looga soo wareejin lahaa, loona keeni lahaa deegaannada Hirshabelle.

Hay’adda Duulista Rayidka oo Ka Hadashay Xayiraadda Garoonka Baardheere

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa shacabka Soomaaliyeed u xaqiijisay in uusan jirin wax xayiraad ah oo saaran Garoonka Diyaaradaha ee Baardheere, islamarkaana duulimaadyadu ay si caadi ah u socdaan.

Bayaan kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in wararka la faafinayo ee sheegaya in dowladda federaalka ay xanibtay garoonka aysan sal iyo raad toona lahayn. Hadalkan ayaa yimid kadib markii siyaasiyiin iyo masuuliyiin qaarkood ay ku eedeeyeen dowladda inay xannibaad kusoo rogtay garoonka, taasoo ay sheegeen in ay dhibaato ku tahay shacabka ku nool gobolka Gedo.

Si kastaba ha ahaatee, hay’adda duulista ayaa carrabka ku adkeysay in duulimaadyada Baardheere ay sidoodii u shaqeynayaan, isla markaana aysan jirin wax faragelin ah oo ay dowladda ku sameysay hawlaha garoonka.

- Advertisement -

news

book store near me

0
Are you looking for a library near me? That you are a lover of books who seek the last success of sales, a student...

Murf AI

HOT NEWS