Dabayaaqadii 2017 ayaan is barannay Caydaruus Macallin Xasan. Maalmahaas wuxuu baadigoob ugu jiray Wasiirkii Ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo uu rabay in uu kala hadlo baahida uu dalku u qabo hay’ad ka shaqeyso tayadhawrka, uguna jeediyo qorshe uu ka soo diyaariyay, si loo hubiyo cuntooyinka iyo badeecdaha dalka iyo kuwa soo gelaya, oo aanan la kontoroolin 30 sano ka badan.

Wasiir Maareeye wuxuu Caydaruus u diray in uu si hordhac u soo diyaariyo sharciga lagu dhisayo hey’adda. Halgan dheer oo uu lafdhabar u ahaa iyo doodo uu Baarlamaanka su’aalo uga waydiiyay hindisaheeda kaddib, waxaa sharcigii laga ansixiyay labada gole ee Baarlamaanka, waxaana 2020kii lagu soo saaray digreeto Madaxweyne.

Labo sano oo uu si isxilqaan ah uga shaqeynayay dhismaha sharciyadda hay’addaas kaddib, ayuu Madaxweyne Farmaajo magacaabay maareerayaha hay’adda, iyo maareeye-ku-xigeenka oo uu Caydaruus u magacaabay.

Sidii uu dhismaha sharciyadda hay’adda lafdhabar ugu ahaa ayuu shaqadeedana udubdhexaad ugu noqday. Wuxuu ku guuleystay in hay’addii uu 4 sano ka hor ku riyoonayay ay maanta tahay mid madaxbannaan oo ay ka shaqeeyaan 40 qof ka badan, ayna xubin ka tahay Hay’adda Halbeegyada iyo Cabbirrada Islaamka ee SMIIC, Hay’adda Jaangoynta iyo Tayadhowrka Afrika ee ARSO iyo Hay’adda Tayadhawrka Aduunka ee ISO.

Nasiibxumo, waxaan maanta maqlay in xilkii laga qaaday Caydaruus Macallin, laguna beddelay gabar qurbaha ka timid oo uu qabo wiilka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Dad badan oo aan aqaanno ayaana xilal laga qaaday, balse xil-ka-qaadista Caydaruus si gaar ah ayaan uga naxay, sidaas oo kale ayayna u damqisay qof kasta oo isu yaqaannay hay’addaas iyo kaalintii Aidarus Moallim ku lahaa aasaaskeeda iyo hirgelinteeda.

Maanta ayay hay’addaas ugu baahi badan tahay qof ay lexajeclo ka hayso masiirkeeda, oo leh aqoonta iyo khibradda ay u baahan tahay, shaqadeedana fahamsan. Caydaruusna waa qofka uga munaasabsan ee sabab u ahaa aasaaskeeda, xogogaalna u ah halka ay wax marayaan, lafdhabarna u ah shaqadeeda iyo in ay soo gaarto halka ay maanta joogto.

Cuuryaamin ayay ku tahay shaqada iyo mustaqbalka hay’addaas oo muhiim u ah caafimaadleenna ku tahay in qofkii lafdhabarka u ahaa laga doorto ruux xididnimo lagu keenay oo aan xogogaal u ahayn hay’addan oo ku jirta marxalad saldhigasho ah oo mudan tixgelin gaar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here