CCW “Farmaajo ciidankii 10-kii sano ee la soo dhaafay loo diyaarinayey in uu AMISOM masuuliyadda amniga dalka kala wareego, hubkii iyo agabkii loogu tala galay in argagaxesida la isaga dhiciyo ayuu maalin cad, madaxdii dalka iyo Dowlad Goboleedyada kula duulay. Wuxuu doonayaa waa doorasho uu ciidankaas ku dhaco, haddii aan la yeelinna labo sano uu Mursal ula diyaar yahay, ciddii diiddana ay tahay cadaw qaran, cagtana la marinayo. Seddax tiaabo ayaa inqilaabkaas ka hor istaagi karta.

1- In ragga xilalka haya, gaar ahaan kuwa isaga la jira, gacanta qabtaan, dalkana badbaadiyaan.

2- In ajnabiga uu dhabarkooda ku dangiigo ka diidaan.

3- In labadaasba dhici waydo; oo halka dagaal ee u dhimman uu ku quus qaato oo isaga iyo intii markii horaba u diiddaneyd foodda is daraan.

Seddaxdaas tallaabo siday u kala horeeyaan ayey u kala dhib yaryihiin, una kala sumcad fiican yihiin.

Farmaajo wuxuu aaminay in borobagaandada CBB, ciidanka uu cid walba kula duulayo iyo lacagta uu ku iibsanayo taageerada dadka qaarkii in uu dalkoo idil ku qabsan karo. Waa halis dalkeena soo food saartay oo u baahan in aan iska badbaadinteeda wajahno”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here