Dhuusamareeb (dayniiile.com)-Dowkada Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa la wareegay ceel-biyood ku yaal  Deegaanka Xananbuure. oo dhaca duleedka Magaalada Dhuusa-maree kaasoo sababay dagaal laba beelood oo walaalo ah markii ay iski qabqabsadeen.

Sida ay sheegtay idaacad Shabelle Guddoomiye ku xigeenka degmada Dhuusamareeb, C/samad Salaad Aadan ayaa xaqiijiyay in Maamulka Galmudug uu si rasmi ah ceelkaasi ugala wareegay kooxihii isku hayay.

Advertisement

“hadda kadib Dowlad Goboleedka Galmudug ceel biyood uusan ka warqabin Lagama qodi karo deegaanada maamulkaasi”ayuu yiri Gudoomiye xigeenka Magaalada Dhuusa-mareeb

Labada maleeshiyo Beeleed oo kasoo kala jeeda Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa qoditaanka ceelkaasi dariis dad isaga laayay,islamarkaana dagaalkaasi uu sabab u noqday ganacsatadii lagu laayay Dhuusamareeb.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here