HomeCiyaarahaChelsea iyo Arsenal oo bar-barro ku kala baxay, xilli Caicedo uu kaadh...

Chelsea iyo Arsenal oo bar-barro ku kala baxay, xilli Caicedo uu kaadh cas qaatay

XIGASHO LAACIB.NET

Kulanka ugu weyn wareegga 13-aad ee Premier League ayaa ku dhammaaday 1–1, kaddib markii Chelsea iyo Arsenal ay ku hardameen garoonka Stamford Bridge.

Arsenal ayaa dhibcaha gaarsiisay 30, iyagoo weli hoggaaminaya horyaalka isla markaana shan dhibcood ka sarreeya Manchester City. Chelsea oo iyaduna barbar-dhac ku qasbanaatay ayaa gaartay 24 dhibcood, waxayna ku jiraan kaalinta saddexaad.

Chelsea ayaa ku ciyaartay toban ciyaaryahan inta badan kulanka, markii Moises Caicedo lagu diray casaan daqiiqaddii 38-aad kaddib markii uu qalad culus ku galay Mikel Merino.

Bilowga qaybta labaad, daqiiqaddii 48-aad, Trevoh Chalobah ayaa madax qurux badan ku dhaliyay goolka furitaanka, kaddib laad gees ah oo ay Chelsea heshay.

Arsenal ayaa dib ugu soo laabatay ciyaarta daqiiqaddii 59-aad, markaas oo Mikel Merino uu madax ku dhaliyay kubbad uu soo qaaday Bukayo Saka, taasoo ciyaarta ka dhigtay 1–1.

Dhammaadka ciyaarta, Arsenal ayaa ku dhowaatay inay guusha qaadato markii Mikel Merino uu laad hoose ka tuuray gudaha xerada ganaaxa, balse goolhaye Robert Sánchez ayaa labo jeer si cajiib ah u badbaadiyay.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -