XIGASHO LAACIB.NET
Halyeeyga Liverpool ee Jamie Carragher ayaa dhaliil kulul u jeediyay Chelsea, isagoo sheegay in riyada kooxdu ee hanashada Premier League ay ku xiran tahay helitaanka goolhaye heer sare ah.
Carragher ayaa yiri:
“Chelsea waxay bilaabeen inay horyaalka ku guuleystaan markii ay la saxiixdeen Petr Cech. Taasi waa sababta ay hadda Chelsea aysan horyaalka u qaadi karin.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Wax kasta oo ay Chelsea sameyso ama qarash ay bixiso, ma awoodaan inay horyaalka qaadaan sababtoo ah ma haystaan goolhaye horyaal lagu qaadi karo.”
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Chelsea ay si weyn uga howlgaleyso suuqa kala iibsiga xagaaga, iyadoo lala xiriirinayo laacibiin badan, balse wali aan si buuxda loo xallin arrinta goolhayaha – taas oo Carragher uu u arko mid fure u ah guusha kooxda.
Carragher ayaa dood iyo isqab-qabsi ka dhex dhaliyay taageerayaasha iyo khubarada ciyaaraha, iyadoo dad badan ay is weydiinayaan haddii Chelsea ay dhab ahaan u baahan tahay badal tayo sare leh oo u istaagi kara booska goolhayaha si ay ugu tartanto hanashada horyaalka xilli ciyaareedka cusub.
XIGASHO LAACIB.NET
