XIGASHO LAACIB.NET
Fermin Lopez oo 22 jir ah ayaa noqday ciyaaryahan si weyn ay u jeceshahay kooxda Barcelona kaddib bandhiggiisii cajiibka ahaa xilli ciyaareedkan. Chelsea ayaa dhawaan dalab geesinimo leh ka gudbisay ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Andalus, iyagoo u soo bandhigay Barca lacag dhan €70 milyan, sida ay qortay Mundo Deportivo.
Ilo-wareedyo ku dhow wada-xaajoodyada ayaa sheegay in Chelsea ay ku dartay dalabkooda is-dhaafsi ciyaartoy.
Chelsea waxay Barcelona u soo bandhigtay in Christopher Nkunku iyo Fermin Loez la is-dhaafsado. Nkunku ayaa xilli ciyaareedkan u saftay Chelsea 42 kulan, isagoo dhaliyay 14 gool islamarkaana caawiyay 5 kale.
Dhanka kale, Fermin Lopez ayaa u ciyaaray Barcelona 46 kulan, isagoo dhaliyay 8 gool isla markaana sameeyay 9 caawin, taasoo ka dhigaysa mid muhiim ah inkastoo uu tartan kala kulmayo Dani Olmo iyo Gavi.
Si kastaba ha ahaatee, Barcelona ayaa si cad u diiday dalabka Chelsea ee is-weydaarsiga Nkunku iyo Lopez. Madaxweynaha kooxda Joan Laporta iyo macallinka cusub Hansi Flick ayaa labaduba ku adkaystay inaysan dooneynin inay Fermin iibiyaan.
Haddii Fermin Lopez uu codsado in la siiyo waqti ciyaareed dheeraad ah, kaliya markaas ayey Barcelona tixgelin doontaa bixitaankiisa. Tartanka Koobka Adduunka naadiyada ee 2026 oo soo dhowaanaya darteed, Lopez wuxuu doonayaa inuu hubiyo booskiisa xulka.
Weli lama oga haddii Lopez uu go’aansan doono inuu ka tagayo kooxda si uu fursad u helo, ama haddii uu sii joogi doono Barca oo uu la tartami doono Olmo, Gavi, iyo xitaa Raphinha – kaasoo loo wareejin karo khadka dhexe haddii Luis Diaz uu yimaado kooxda.
Mustaqbalka Nkunku iyo Fermin ayaa sii noqonaya arrin xiiso leh inta uu socdo suuqa kala iibsiga xagaagan.

