HomeCiyaarahaChelsea oo guul muhiim ah ka baartay Burnley, iyadoo sii adkeysatay booskeeda...

Chelsea oo guul muhiim ah ka baartay Burnley, iyadoo sii adkeysatay booskeeda horyaalka

XIGASHO: LAACIB.NETKooxda Chelsea ayaa guul qaraar ka gaartay Burnley kadib kulan Premier League ah oo ka dhacay garoonka Turf Moor, iyadoo labo gool oo ay kala dhaliyeen Pedro Neto iyo Enzo Fernández ay Blues ku xaqiijiyeen saddexda dhibcood. Guushan ayaa sare u qaadaysa rajada Chelsea ee tartanka, halka Burnley ay sii wajaheyso dhibaatooyin dhanka gurigooda ah.

Goolka koowaad waxa uu yimid daqiiqaddii 37-aad, ka hor waqtigii nasashada. Chelsea oo si fiican u dhistay weerar ka bilaabmay garabka midig ayaa waxaa kubbad halis ah oo uu soo qaaday Jamie Gittens ayaa waxaa madax ku dhammeystiray Pedro isaga oo ka adkaaday goolhaaye Martin Dúbravka.

Inkasta oo ay hogaanka hayeen, Chelsea ma aysan helin nasasho. Burnley ayaa si joogto ah u weerareysay, laakiin difaacyada Chelsea sida Trevoh Chalobah iyo Andrey Santos ayaa dhowr jeer bandhig muhiim ah sameeyay si ay u ilaashadaan hoggaanka.

Qeybtii labaad, Chelsea ayaa kubbadda si fiican u maamulaysay, iyadoo Burnley dib ugu riixday dhankooda. Ugu dambeyn Enzo Fernández ayaa qeyb ka noqday farxadda taageerayaasha, isaga oo goolka labaad ka dhaliyay gudaha xerada ganaaxa kadib markii uu helay baas sax ah oo uu si xoog ah u dhammaystiray.

Burnley dhankooda, inkastoo ay heleen waayo-aragnimo dhowr ah oo ay gool ku dhalin kareen, haddana awood uma helin inay jebiyaan difaaca Chelsea, taas oo ku adkaatay sidii ay dhibco uga heli lahaayeen kulankan. Natiijadan waxay Chelsea u sii adkaynaysaa rikoodhkooda wanaagsan ee Turf Moor, halka Burnley ay weli hoos ugu sii dhaceyso gunta kala sareynta horyaalka.

XIGASHO: LAACIB.COM

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -