XIGASHO LAACIB.NET
Garoonka Stamford Bridge ayaa martigeliyay kulan xiiso leh oo u dhexeeyay Aston Villa iyo Chelsea, kaasoo ka tirsanaa wareegga 18-aad ee horyaalka Premier League-ga Ingiriiska, iyadoo Aston Villa ay ku guuleysatay 2-1.
Chelsea ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 37-aad kadib gool uu dhaliyay João Pedro, balse Aston Villa ayaa ku barbareysay daqiiqaddii 63-aad gool uu dhaliyay Ollie Watkins, kaasoo markale shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 84-aad una xaqiijiyay guusha kooxdiisa.
Guushan kadib, Aston Villa waxay dhibcaheeda gaarsiisay 39, iyagoo gashay kaalinta saddexaad ee kala sarreynta Premier League-ga, taasoo sii xoojisay rajadooda tartanka boosaska sare.
Dhanka kale, Chelsea dhibcaheedu waxay ku hakadeen 29, iyagoo ku jira kaalinta shanaad, arrintaasoo cadaadiska kusii kordhineysa kooxda London inay guusha dib ugu soo laabtaan kulamada soo socda.
XIGASHO LAACIB.NET
