HomeCiyaarahaChelsea oo ku dhow saxiixa Alejandro Garnacho

Chelsea oo ku dhow saxiixa Alejandro Garnacho

XIGASHO LAACIB.NET

Warbixin uu qoray The Telegraph ayaa sheegaysa in Manchester United iyo Chelsea ay ku dhowyihiin dhammeystirka heshiis gaari kara ilaa £40m kaas oo lagu kala wareegayo garabka reer Argentina Alejandro Garnacho.

21-jirkan ayaa loo sheegay inuusan mustaqbal ku lahayn Old Trafford, taasoo keentay in kooxda ay diyaar u noqoto iibintiisa.

United markii hore waxay ku qiimeysay Garnacho lacag u dhow inta ay Arsenal ku bixisay Noni Madueke (£50m), balse Chelsea ayaa ku guuleysatay inay hoos u dhigto qiimaha, maadaama xaaladdiisu aysan fiicnayn.

Kooxda Blues ayaa diyaar u ah inay maalgelin ku sameyso laacibka, iyagoo tixgelinaya khibraddiisa Premier League iyo mustaqbalkiisa dheer. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in ay sameeyeen hubin badan oo ku saabsan dabeecaddiisa, taasoo ugu dambeyntii lagu qancay.

Dhanka Garnacho, wuxuu doonayaa inuu helo waqti ciyaar joogto ah si uu fursad uga helo xulka Argentina ee Koobka Adduunka ee soo socda.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -