XIGASHO LAACIB.NET

Chelsea ayaa dul dhigtay qiimo u dhexeeya £80 milyan ilaa £100 milyan weeraryahankooda Nicolas Jackson, iyadoo Manchester United ay kamid tahay kooxo badan oo si dhow ula socda xaaladda 24-jirkan, sida uu sheegay weriyaha Sky Sports, Kaveh Solhekol.
Jackson oo u dhashay Senegal ayaa kaga soo biiray Chelsea kooxda Villarreal sannadkii 2023 lacag dhan £32 milyan, wuxuuna hadda xiiso ka helayaa kooxo badan oo Premier League ah, iyo sidoo kale kooxo Yurub iyo Saudi Arabia ka dhisan, maadaama suuqa kala iibsigu uu si xooggan u kala socda.
Inkastoo uu mararka qaar la kulmo dhibaato dhanka dhammeystirka fursadaha ah, Jackson ayaa dhaliyay 30 gool 81 kulan oo uu u saftay Chelsea, isagoo sidoo kale lagu yaqaan qaab ciyaareed deg-deg leh oo jahwareer ku keena daafacyada.
Si kastaba, ma jiraan wax cadaadis ah oo chelsea ku qasbeysa inay iibiso, maadaama uu Jackson qandaraas kula jiro kooxda ilaa 2033.
Inkastoo imaatinka ciyaartoyda cusub sida Liam Delap iyo João Pedro ay kordhiyeen tartanka booska weeraryahanka dhexe ee lambarka 9-aad, Chelsea ayaa weli u aragta Jackson inuu yahay hanti qiimaheedu gaari karo £100 milyan, mana jiraan wax qorshe ah oo ay ku doonayso inay iskaga iibiso.
