XIGASHO LAACIB.NET
Kooxda Chelsea ayaa si weyn u dhintay qiimaha ay ku dooneyso weeraryahanka Christopher Nkunku. Qiimihii hore ee xiddiga ay doonayeen iney ku iibiyaan wuxuu ahaa £65 milyan. Hada keliya waxey doonayaan £43.3 milyan, sida ay sheegtay The Athletic. Go’aankan ayaa la rumeysan yahay inuu yahay istiraatiijiyad lagu kasbanayo xiiseyayaal badan, iyadoo dalabyada ka imanaya kooxaha Premier League, Serie A, iyo Bundesliga ay isa soo tarayaan.
Kooxda aadka u xiiseyneysa ayaa ah Bayern Munich, kuwaasoo markale bilaabay dedaal rasmi ah oo ay ku doonayaan Nkunku. Bayern waxay u aragtaa Nkunku inuu ku habboon yahay qorshahooda cusub ee weerarka, iyagoo hadda si dhab ah ugu ololeynaya heshiis kadib hoos u dhaca qiimihiisa.
Inkasta oo uu la daalaa-dhacayay dhaawacyo xilli ciyaareedkii hore, Nkunku ayaa wali awood u yeeshay inuu dhaliyo 15 gool isla markaana bixiyo 5 caawin 46 kulan oo uu saftay dhamaan tartamada.
Nkunku ayaa Chelsea uga yimid RB Leipzig isagoo rajo weyn laga qabay, balse dhaawacyada iyo qaab ciyaareedka aan joogtada ahayn ayaa sabab u noqday in Chelsea ay ka fiirsato iibintiisa si ay u helaan dhaqaale.
Waxaa la filayaa in xaaladda suuqa ee Nkunku ay sii kululaato maalmaha soo socda, maadaama kooxo waa weyn oo Yurub ah ay si dhow ula socdaan.

