HomeWarkiiCiidamaa Badda ee Dalka Ereteria oo dhaq-dhaqaaqyo milateri ka bilaabay Badda Cas

Ciidamaa Badda ee Dalka Ereteria oo dhaq-dhaqaaqyo milateri ka bilaabay Badda Cas

ASMARA (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Badda Dalka Ereteria oo wata maraaiibta iyo doomanka dagaalka ayaa la soo sheegayaa inay dhaq dhaqaaqyo milateri ka bilaabeen badda Cas inkastoo aan la ogeyn ujeedka ka danbeeya.

Sawiro laga soo qaaday maraakiibta dagaalka Ereteria ayaa muujinaya iyagoo kolonyo ah oo safna ku jira islamarkaana dhaq dhaqaaqyo milateri sameynaya.

Dhaq-dhaqaaqyadaan ayaa imaaneysa xili xiisad adag ay ka dhex taagan tahay Itoobiya iyo Ereteria iyadoo Ra’iisulwasaaraha Itoobya uu si cad u sheegay inay wado kasta u marayaan sidi ay u heli lahaayeen marn badeed.

Abiy Axmed oo arintani ka hadlayay ayaan qarsan damaciisa wuxuuna sheegay inay saxayaan qaladkii sagaashameeyadii loogu ogolaaday inay Ereteria noqdaan dal ka madax banaan Itoobiya xili Baddiina ay dhankooda martay.

Abiy Axmed iyo saraakiisha ciidamada Itoobiya qaarkood ayaa warbaahinta si cad u sheegay inay Badda soo ceshanayaan taasoo keentay xiisad dagaal oo ka soo cusboonaatay xadka labada Dal walow wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in Trump uu hada soo farageliyay xiisadaan lamana waxa uu ku xalin doono.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA

 DAYNIILE.COM

May be an image of submarine, helicopter, boat and textMay be an image of submarine, boat and textMay be an image of 2 people and text that says "Photo Samy Α.Α."May be an image of boat racing, submarine, helicopter, parasail, boat, ocean and text that says "Photo Samy PhotoSamyA.A. Α.Α."May be an image of helicopter, boat and text that says "Photo Α. Samy ΑΑ. RA-2243D નমি"

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -