Xili mudooyinkii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ay kusoo kordheen weerarrada qaraxyada ah, ayaa ciidmada ammaanka dowladda Soomaaliya saacadhii u dambeeyey waxay howlgallo baaritaanno ah ka bilaabeen degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

Hawlgalladaan ayaa la xiriira, sidii wax looga bedeli laha amniga faraha ka soo baxaya ee caasimadda Muqdisho, sida ay noo xaiijiyeen ilo dhanka ammaanka ah.

Xalada amni tii ugu xumeed ayey wajaheysaa magaalada Muqdisho, waxaana ku soo kordhay weerarrada ay fuliyaan kooxda Al-Shabaab, sida dilalka qorsheysan iyo qaraxyada loo adeegsado miinada.

Shalay Muqdisho waxaa lagu dilay 7-qof oo iskugu jiray askar iyo dad shacab ah, iyadoo lagu dhaawacay masuuliyiin caan ah.

Dhibaatooyinkaan ka dhacaya Muqdisho waxay ku soo aadayaan, xilli magaaladan lagu wado inay marti geliso doorashooyinka guud ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here