Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga Magaalada Muqdisho maadaama la galay todobaadka Xorriyadda & Berri oo ku beegan maalinta 1aad ee Ciidul-Adxaa.

Mas’uuliyiin katirsan Guddiga loo xilsaaray Amniga inta lagu guda jira maalmahaan ayaa kormeer ku sameeyay goobaha kala duwan oo ay ka howlgalayaan Ciidamada Ammaanka si ay usoo arkaan sida ay u howlgalayaan.

Advertisement

Waxa ay qiimeyn ku sameeyeen meelaha ay tageen sida ay Ciidamadu u baarayaan Gaadiidka, Mootooyinka iyo dadka saaran, halka xaafadaha qaar la geeyay ciidan suga nabadgalyada sida ay sheegeen mas’uuliyiintaan u kuurgashay howlgallada caasimadda ka socda.

Ciidamada Booliiska qaabka Militariga u tababaran ayaa howlgallo xooggan kawada Xaafadaha Magaalada Muqdisho, Gaadiidka, Mootooyinka iyo Dadka la socda ayay ku baarayaan Isgoysyada & waddooyinka waaweyn oo ay ka sameysteen baro hubin ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS Axmed Macalin Fiqi oo Guddoomiye u ah Guddigaan loo xilsaaray qaban-qaabada iyo diyaargarowga Todobaadka Xorriyadda & Ciiddul-Adxaa ayaa la kulmay saraakiisha ciidanka iyo xubnaha kale ee Guddiga.

Previous articlePuntland oo sheegtay inay howlgal ku qabatay Ajaanib katirsan Al-Shabaab
Next articleJamhuuriyadda Jabuuti oo u dabbaaldageysa 46 sano guurada kasoo wareegtay madaxbannaanida ay ka qaadatay Faransiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here