Baraawe (dayniiile.com)-Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya kuwaasoo hada ku howlgala magaca ATMIS ayaa sheegay inay ku caawiyaan ciidamada Dowlada iyo kuwa maamulka koonfur-galbeed sidii loo xaqiijin lahaa amniga Magaalo xeebeedka Baraawe.
War ka soo baxay ATMIS ayay lagu sheegen inay isla howlgalan Ciidamada Dowlada islamarkaan ay xoojiyeen howlgalada wada-jirka ah ee ya ka sameeyaan Magaalo Xeebeedka Baraawe.
“howlagalada aan ka wada sameyno Baraawe waxaan kaga hortagnaa weerarada Alshabaab magaalada la beegsan karaan”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay ATMIS .
G.sare Christopher Berochan oo ah Taliyaha ATMIS UPDF F ee kooxda 38 dagaalka, ayaa sheegay in ciidamada isku dhafka ah ee ilaalada ka ah ay yihiin kuwo firfircoon oo falcelinaya isla markaana ay gacan ka geysan doonaan sugidda amniga gobolka Shabeellaha Hoose.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM