HomeWarkiiCiidamada Dowlada Somalia iyo kuwa AUSSOM oo Howlgal ka dhan ah...

Ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa AUSSOM oo Howlgal ka dhan ah Alshabaab ka fuliyey Gobolka Sh. Hoose.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa maanta howlgal wadajir ah oo ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka fuliyeen nawaaxiga Saldhigga Ciidanka Xoogga Dalka ee Buulana-gaad (FOB) ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid lagu taageerayey hanti dhanka cirka ah ayaa waxaa ka dhashay iska hor imaadyo dhowr ah oo ay la galeen dagaalyahanada Al-Shabaab. Weerarada dhulka iyo cirka ee la isku duway, in ka badan 30 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa laga saaray, halka tiro kalena lagu dhaawacay.

Maleeshiyada ayaa mar sii horeysay weerar ku qaaday ciidamada XDS iyo kuwa AUSSOM, xilli ay wadeen howlgallo ka dhan ah haraadiga dagaalyahannada Al-Shabaab ee laga soo ruqseeyay xeebaha Gendershe iyo Jilib – Marka oo ay ciidamada XDS ka fuliyeen howlgalo loogu magac daray howlgalka Seefta Qarsoon.

XDS, AUSSOM, iyo la-hawlgalayaasheeda waxay u dhaqaaqeen si degdeg ah oo go’aan leh si ay u baabi’iyaan khataraha argagixisanimo ee lagu beegsanayo ciidamada ammaanka iyo dadka rayidka ah ee aagga.

XDS iyo AUSSOM, iyagoo si dhow ula shaqeynaya la-hawlgalayaasheeda, waxaa ka go’an ilaalinta nolosha rayidka, ilaalinta amniga, iyo hubinta dhaqdhaqaaqa badbaadada leh ee gargaarka bani’aadamnimada iyo saadka ee bulshooyinka maxalliga ah.

Ciidamada wadajirka ah ayaa sii wadi doona howlgallada lagu wiiqayo awoodda howlgal ee Al-Shabaab iyo si loo horumariyo nabad waarta, xasilloonida, iyo amniga Soomaaliya.May be an image of slow loris and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -