HomeWarkiiCiidamada AUSSOM oo qarax lagula eegtay duleedka Afgooye

Ciidamada AUSSOM oo qarax lagula eegtay duleedka Afgooye

AFGOOYE (DAYNIILE.COM)-Qarax miino ayaa la soo sheegayaa in ciidamada AUSSOM lagula eegtay gobolka shabeelaha hoose gaar ahaan duleedka Magaalada Afgooye wuxuuna geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qaraxa oo si gaar ah uga dhaw meel dhaw deegaanka Sabiib ayaa lala eegtay ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM islamarkaana nabad ilaalinta loogu magac daray.

Lama yaqaan tirada rasmiga ah ee ciidamada dhibaatadu ka soo gaartay qaraxa xitaa Alshabaab oo sheegtay weerarka qaraxaani waxay warkooda ku soo koobeen inay dhimasho iyo dhaawac garsiiyeen ciidamada Uganda.

Maaha markii ugu horeysay oo qarax lala eegto ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AUSSOM.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -