Ciidamada Gadoodsan ee kasoo horjeeday Mudo kordhinta lana magac baxay (Xaq Udirir) ayaa la wareegay xarunta Iskuulka Maxamuud Axmed Cali ee Degmada Kaaraan , halkaasi oo ay ka sameysanayaan Fadhiisin Cusub .

Ciidankaan ayaa xalay saqdii dhexe gaaray xarunta iskuulka oo ah goob bur bursan balse banooni lagu ciyaaro , waxaana saakay ay ka samaysanayaan dhufeesyo sida ay ila wadaageen qar kamid ah dadka deegaanka .

Xarunta iskuul Maxamuud Axmed ayaa soo martay marxalado kala duwan xiliyadii dagalada burburkii kadib oo ay fadhiisin siyaabo kala uga dhiganayeen ciidamada ,gaar ahaan waxaa si wayn loogu xasuustaa xiligii ay itoobiyaanka muqdisho joogeen oo ay talis ciidan u ahayd halkaasi.

Ciidankaan la wareegay iskuulka Maxamuud Axmed Cali ayaa kasoo baxay furimaha dagaalka ee gobalka Shabeelaha dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here