Waxaa saakay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan gaaray ciidankii beesha Murusade ee dhawwaan tagay gobolka Hiiraan, kuwaa uu qorshuhu yahay in ay usii gudbaan gobolka Galgaduud gaar ahaan degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.

Ciidanka beesha Murusade uu hoggaaminayo Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Baledweyne, waxa ayna ciidankan saakay gaareen degmada Maxaas ay ka bilaabayaan abaabul dagaal.

Sida aan wararka ku helnay ciidankan iyo ciidamo kale oo wehlinaya ayaa qorshuhu yahay in ay u dhaqaaqaan gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaanada beeshaasi degto oo ugu horeyso deegaanka Wabxo oo ku dhaw Maxaas.

Ciidamada Beesha Murusade ayaanay saakay saldhig ciidan ka sameestay degmada Maxaas, waxa ayna ciidankan joogi doonaan degmadaasi maalmaha abaabulka dagaal socdo, iyagoona usii gudbi doona gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here