Muqdisho (dayniiile.com)-Ciidamada Xasilinta Xamar ee Booliis Milataariyo ayaa xalay howlgalo amni sugid ah waxay ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada oo raxan raxan isula socda ayaa la arkaayay guryaha mid mid u galaya kadibna baaritaano ka sameynaya xili uu soo hagaagayo amniga Xamar iyo deegaanada ku xeeran.

Advertisement

Ciidamada Boliis Milataariyo oo aad loogu amaanay dhanka amniga Caasimada waxay sidoo kale xalay baarayeen gaadiidka isticmaala wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Ciidamadaan ayaa aad loogu xasuusta sidii ay wax badan uga badaleen amniga Caasimada islamarkaana ay bil gudaheed uga taqaluseen kooxihii ciyaal weerada loo yaqaanay kuwaasoo dhibaato weyn ku hayay degmooyinka Magaalada Muqdisho qaarkood.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here