
Ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta tagay guriga ay ka shaqaynaysay Gabadh yar oo ay muuqaal hanjabaad ah ka duubtay haweenay ay u shaqaynaysay.
War kasoo baxay masuul ka tirsan wasaaradda arrimaha bulshada Somaliland ayaa lagu sheegay.
“Wasaaradda shaqo-galinta arrimaha bulshada iyo qoysku waa saaxiibka bulshada,wasaaradu waxay qaadey talaabo deg deg ah,si loo sugo amaanka inenta yar gabadhii ku tacadideyna loo mariyo sharciga , walina dacwadu waa socdata , waxaan saaka tagney guriga ay dagentahey Samsam anaga oo adeegsaneyna ciidamada policeka”.
Filsan Xuseen Khaliif oo ah agaasimaha waaxda qorsheynta ee wasaarada shaqo galinta iyo arimaha bulshada , ayaa baahisay qoraalkan iyo sawirada ku lamaan.